Kenya oo maxkamad soo taagtay ruux lagu eedeeyay inuu faafiyay Sawirada weerarkii Ceelcadde

0
Wednesday January 20, 2016 - 09:28:28 in Wararka by
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo maxkamad soo taagtay ruux lagu eedeeyay inuu faafiyay Sawirada weerarkii Ceelcadde

    Ruux u dhashay dalka Kenya ayaa lagu soo oogay dambi ah inuu baahiyay sawirada askartii lagu dilay DegmadaCeel-cadde ee Gobolka Gedo oo Jimcihii lasoo dhaafay Shabaab weerar khasaaro badan dhaliyay ay ka geysteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruux u dhashay dalka Kenya ayaa lagu soo oogay dambi ah inuu baahiyay sawirada askartii lagu dilay DegmadaCeel-cadde ee Gobolka Gedo oo Jimcihii lasoo dhaafay Shabaab weerar khasaaro badan dhaliyay ay ka geysteen.

Ruuxaasi Kenyan-ka ah oo lagu magacaabo Eddy Reuben, ayaa kasoo muuqday maxkamad ku taala dalka Kenya, isaga oo beeniyay eedeymaha loo jeediyay waxaana la dhigay xabsi ciidamada ay leeyihiin.

Kenya ayaa waxii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay DegmadaCeel-cadde waxay soo saartay digniin ah inaan la baahin karin Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo sawirada askarta dowlada Kenya ee la dilay.

Mr Eddy, ayaa la sheegay in lagu soo oogay dambigaasi kadib markii la ogaaday in aalada WhatsApp-ka uu ku faafiyay sawirada askarta dowlada Kenya ee waxyeelada kasoo gaartay dagaalkii ka dhacay DegmadaCeel-cadde.

Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Kenya ayaa horay u sheegay qofkii faafiya Sawiradaasi inuu la kulmo Doono Ciqaab adag, wuxuuna ka dalbaday Xeer ilaalinta Kenya inay sharciga marsiiso, dadka faafiya Sawiradaasi.

Dowlada Kenya ayaanan shaacin tirada askartii looga dilay DegmadaCeel-cadde weerarkii ka dhacay Jimcihii lasoo dhaafay, waxayna kaga digeen dadka reer Kenya iney baahiyaan sawirada waxyeelada ka dhalatay weerarkaasi.

Shabaab oo sheegtay masuuliyada weerarkaasi ayaa shaaciyay in ku dhawaad 70 askari ay ku dileen DegmadaCeel-cadde ayna gacanta ku dhigeen askar Kenyan ah iyo gaadiid dagaal.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip