KA HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYS KA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 6-DA JANNAAYO 2019-KA

0
Sunday January 06, 2019 - 09:22:01 in Wararka by
  • Visits: 717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KA HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYS KA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 6-DA JANNAAYO 2019-KA

    XILLIGA CALEEMASAARKA MADAXWEY NAHA KOOFURGALBEED OO LA SHAACIYAY Munaasabada lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhacaysa 16-ka bishan Janaayo sida ku qoran war eegto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XILLIGA CALEEMASAARKA MADAXWEY NAHA KOOFURGALBEED OO LA SHAACIYAY Munaasabada lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhacaysa 16-ka bishan Janaayo sida ku qoran war eegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Laftagareen.


lafta Wareegtadan ayaa sidoo kale lagu magacaabay Guddiga Qabanqabadda Xaflada Caleemasaarka Madaxweynaha maamulkaasi.

Munaasabada Caleema Saarka Madaxweynaha Koofurgal be ed oo la qorsheeyay inay dhacdo 16ka bishan Janaayo ayaa ku beegan maalin Arboco ah iyadoo maalintii la doortay iyo maalintii uu xilka la wareegey Madaxweyne Laftagareen ay aha ayeen Maalin Arboco ah.

Magacyada Guddiga Qabanqaabaday Munaasabada Caleema Saarka Madax weyne Laftagareen

Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (SATE) wasiirka maaliyada

Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) Wasii rka Amniga

Aadan Xasan Maxamed (Usaama )

Ibraahin Aadan Cali (Najax)

Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan )

Cabdullaahi Aadan Axmed (Black)

Ibraahin Cabduqaadir Maxamed

MADAXWEYNAHA MAREYKANKA OO SOO SAARAY HANJABAAD

TRRTTTMMMadaxweynaha dalka Mareykanka Don ald Trump ayaa sheegay inuu ku dhawaa qi doono xaalad qaran oo deg deg ah, si uu u billaabo dhismaha darbiga xadka Mareykanka iyo Mexico, is agoo aan ans ixin ka helin aqalka wakiil lada ee Koon gareeska.

Aqlabiyadda aqalka Koongareeska ay aa gacanta ugu jirta xisbiga mucaarad ka ah ee dimuqraaddiga, iyagoo kuraasta ugu badan ka helay doorashadii xilliga

dhexe ee dhacday 6dii bishii Nofembar.

Dhawaaqa cusub ee ka soo yeeray Tru mp ayaa yimid ka dib markii uu kulan la yeeshay saraakiisha sar sare ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo ku gacan sey ray codsigiisii ahaa in loo fasaxo dhaq aalaha lagu dhisi lahaa darbigaasi.

Ismari waagan ayaa sabab u noqday in Mr.Trump uu ka gaws adeygo ansix inta hindise sharciyeedka dhaqaalaha gu ud ee hay’adaha dowladda, isagoo shur uud uga dhigay inuu helo kharashka lagu dhisayo darbiga xuduudda.

Wuxuu sheegay in uu u diyaar garo obay sidii ay sannado u sii socon lahayd xannibaadda kala bar ka mid ah howlaha dowladda, oo hadda ku jirta isbuucii sad exaad. Qiyaastii 800,000 oo ka mid ah shaqaalaha federaalka ayaan wax mushaar ah la siinin tan iyo 22kii bishii Disembar.

Qareennada iyo shaksiyaadka kale ee ku dhow madaxweyne Trump ayaa la filayaa iney kulan yeeshaan galinka dambe ee shalay oo sabti ah, si ay uga arrinsa daan xaaladda.

MID KA MID AH DALALKA XUBNAHA KA AH GOLAHA AMMAANKA EE QM OO GO’AAN KA QAATAY CAYRINTII DFS EE NICHOLAS HANSOM

Qoraal la soo dhigay Barta Twitterka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska ayaa waxaa lagu sife eyey Go’aankii DFS ku cayrisay Nicholas Hansom inuu ahaa go’aan haldhinac oo keliya gaaray, waa sida hadalka loo dhigay.

Qoraalka waxaa lagu muujiyey inay Dowladda Fraansiiska taageero buuxda u hayaan Ergayga Gaarka ee QM ugu qa abilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Han som, isla markaana uu yahay Mas’uul xushmad loo hayo, kuna guuleystay dada alkiisa ku aadan Nabadda, xilka uu ka hayo QM iyo tan dalka uu ka soo jeedoa ee South Afrika, waa sida hadalka loo dhigay.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dal ka Faransiiska waxay kaloo qoraalkooda ku xaqiijiyeen inay taageero buuxda u ha yaan Hay’addaha QM iyo kuwa ay wadashaqeynta leeyihiin ee ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo ay ku jiraan Mid owga Afrika iyo Midowga Afrika, kuwaasi oo kaalinmuuqata ka qaata sidii Dega naansho loogu soo dabaali lahaa So malia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Far ansiiska oo xubin ka ah 5ta waddan ee joogtada ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa u muuqata inay si cad uga hor yima adeen Go’aankii DFS, inkastoo uu Xogh ayaha Guud ee QM, Antonio Guterres sheegay inay aqbaleen go’aankii DFS ku soo cayriyeen Ergayga Gaarka ee QM u joogay Somalia, Nicholas Hansom, kaasi oo xilkaasi hayey tan iyo bishii Septem ber ee sannadkii hore.

MAREYKANKA OO BEENIYAY IN UU DHIMA YO HOWLGALKIISA SOMALIA

Wasaaradda Gaashaandhigga ee da lka Mareykanka ayaa beenisay warar ay warbaahinta baahisay oo sheegayay in ay dhimayaan howlgalka Milatari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Candice Tresch oo ah afhayeen u had ashay Aqalka Pentagon ee Gaashaan dhi gga Mareykanka ayaa sheegtay in aysan jirin wax isbedal ah oo ku yimid how lgalka ay ka wadaan Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa xustay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Dowla dda Federaalka ah ee Soomaaliya isla markaana ay sii wadi doonaan duqeym aha ay la bartilmaameedsadaan Al Shab aab

Aqalka Pentagonka ee dalka Mareyk anka ayaa sheegay in 47 duqeymo diy aaradeed ah ay ka fuliyeen qaeybo ka mid ah Soomaaliya sanadkii hore ee 2018ka. Mareykanka ayaa sare u qaa day weerarada dhinaca diyaaradaha ee uu ka geysto deegaano ku yaalla koonf urta Soomaaliya, halkaas oo ay sheeg aan in ay ku bartilmaameedsadaan Dag aalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga illaa 500 oo Askari oo howl ka fuliya qeybo ka mid Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay ku xoogan yihiin Al Shabaab.

MADAXWAYNAHA TAIWAN OO BEESHA CAALAMKA KA DALBATAY AQOONSI.

Madaxwaynaha dalka Taiwan Tsai Ingwen, ayaa beesha caalaka ka dalbatay in lagarab istaago madaxbanaanida Taiwan oo ku dhawaaqday in ay ka go’day shii naha intiisa kale.

Waxaan ka rajeenaynaa beesha caa lamka in ay aqoonsadaan madaxbanaan ideena nagana caawiyaan sidii aan ku noqon lahayn dal ka madaxbanaan shi inaha intiisa kale ayay hadalakeeda sii raacisay madaxwaynaha Taiwan.

Hadalka madaxwaynaha Taiwan ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii mad axwaynha dalka shiinha Xi Jinping, uu ku dhawaaqay in faragalin milatari u isticma alayo dib u soocelinta Taiwan.

Arbacadii ayay aheyd markii madaxwa ynaha dalka shiinaha uu sheegay in ay xaq u leeyihiin in Taiwan ay kusoo celi yaan maamulka Shiinaha ayna dooladiisu ka go’antahay hir galinta go’aankaas.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan in ay tahay qayb kamid ah shiinaha tan iyo 1949’kii markaas oo uu dhacay dagaalkii

sokeeye oo ay kukala go’een.


NORWAY OO MAALIYIIN LACAG AH KU BIXIN EYSA DIB U DHISKA SOOMAALIYA.

Xukuumadda Norway oo shaaca ka qa aday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horum arinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaal iya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hostaga Bangiga Adunka.

Waxayna intaa raacisay in dhaqaalah an ay ugu tala gashay inay Soomaaliya u ga hortagtoxadgudubyada iyo dhibaa tooyinka kale ee xagga Amniga Soomaa liya la soo dersa. Wasiiru dowlaha hour marinta dalkaasi Norway u qaabilsan Nik olai Astrup ayaa cadeeyay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay timid kadib markii ay Dowladiisu qii maysay isla maarkaana aragtay horumar ka iyo dadaalada ay wado Dowladda Soo maaliya kuna ku wajahan danaha muwa adiniinta Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo intaa raaciyay in arrintan ay tusaale u tahay sida ay Dowladda No rway ugu kalsoon tahay Hay’adaha Dow ladda Soomaaliya. Dhanka kale wuxuu cadeeyay Nikolai Astrup in kaalmadan ay Dowlasiisa u fidinayso Soomaaliya ay sii saacidayso horumarka, degenaashaha iyo Amaanka Soomaaliya oo sii wanaagsanaanaya.Xigasho SONNA.

GUDDI SOO BAARA SHAQAAQOOYINKII KA DHACAY BAYDHABO OO LA MAGACAABAY

Madaxweynaha cusub ee maamulka K/Galbeed Soomaaliya C/casiis Laftaga reen ayaa waxa uu magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baaritaan ku same ynaya shaqaaqoyinkii ka dhacay Bayd habo. Shaqaaqooyinka ka dhacay M/Bay dhabo ayaa geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhow aan war ka soo baxay Ergeygii hore ee Q/ Midoobay u fadhiyay dalka Soomaa liya ee ku saabsanaa banaanbaxyadii ra bshadaha watay uu dhaliyay in DFS ay ka gaarto go’aan ah inuusan ka sii shaq eyn Karin dalka Soomaaliya Nicholas Haysom.

Waa markii ugu horeysay ee Maamul ka Koofurgalbeed uu ka hadlo shaqaa qooyinkii ka dhacay M/Baydhabo waxana uu imanayaa magacaabista guddigan xilli ay gaareen magaalada Baydhabo xildhi baano iyo siyaasiyiin ka soo horjeeda Ma amulka uu madaxda ka yahay Madaxwe yne Laftagareen

HALKAAN HOOSE Ka Akhriso WAREEGTADA GUDDIGA LAGU MA GACAAYA:

Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya

G.XGSXMD/0001/01/19 , 05/01/2019

Ujeeddo:Magacaabid Guddi Xaqiiqo Radin Saqaaqooyinkii

ka dhacay Bayhdbao 13/ 15 Dicembar 2018.

Markii aan dhageystay Talooyi kala duwan oo ay ii soo gudbiyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada kuna saabsa naa dhaqaaqooyinkii ka dhacay Baydh abo, oo ah Magaalo madaxda KMG K/Galbeed Taariikhdu markii ay ahyed Dicembar 1315/ 2018.

Markii aan tixgeliyey sida looga baa han yahay. Waxaan Go'aamiyey inaan Magacaabo Guddi Xaqiiqo Raadis ah oo sameeya Baaritaan iyo Xog Uruurin dhab ah oo ku saleysan waxyaabihii dhacay taariikhda aan kor ku soo xusnay.

1.Nadiifo Carmiye Cabdullaahi

2.Isaak Cali Subug

3.Cali Wardheere Dooyoow

4.C/xakiin Maxamuud Xaaji Faqi

5.Cali Maxamed Kuusoow

6.C/laahi Cali Maxamed{Watiin} iyo

7 C/qaadir Sh.Cali {Harako}.

Qoraalkaas waxaa ku saxiixnaa Md. C/casiis Xuseen Maxamed {Laftagareen} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka K/Glabeed Somaaliya waxayna laheyd saxiix iyo timbaro muuj nay maamulkaas iyo waliba Office:Tel:252.63424245 Email:Office,SWS@gmailcom/Bidoa. Somalia

AXMED MADOOBE OO CIIDAN LOO DIY AARI YAY XUREYNTA JUBBADA DHEXE KULA HADLAY KISMAAYO

Madaxweynaha D/Goboleedka Ju bbaland Md/Axmed Maxamed Islaam ay aa shalay booqday Ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaarinayo xoraynta Gobolka Ju bbada Dhexe iyo isku furista Degmooyin ka Gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo waayadii u danbeeyay tababar iyo isku habayn lagu waday.

Md Axmed Madoobe oo ay wehlinaya an Taliyayaasha Ciidamada ugu Sareeya iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dowlada waxaa uu kormeeray Ciidamadan oo ay ka mid yihiin qaybo loogu tala galay Xasi linta iyo sugida amniga Magaalada Kism aayo inta ay howlgaladu socdaan isagoo ku booriyay in ay u diyaar garoobaan ho wlgalo qorshaysan iyo abaabulka Dagaa lka ka dhanka ah Shabaab.

Ciidamadan waxaa ay xorayn doonan Degmooyinka Jamaame , Jilib iyo Badha adhe oo ka kala tirsan Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe kuwaas oo Argagixi sada laga saari doono maalmaha soo so cda sida uu Madaxweynahu sheegay iya doo sidoo kale Ciidamadan qayb kamid ah oo ka tirsan Ciidamada Booliska ay sugi doonan Amniga Caasimada KMG ah inta howlgaladu ay socdaan iyadoo ay si dhaw ula shaqayn doonan laamaha kale ee amniga sida uu sheegay Madaxwey nahu.Md. Axmed Maxamed Islaam wuxu u xusay in mudo dheer ay sugayeen in la bilaabo howlgalka xoraynta Jubbada Dhe xe balse ay in badan ka cago jiidayeen Ciidamada Amisom taas oo la mid ah howlgalkii lagu xoreeyay Magaalada Kis maayo iyo Degmooyinka kale ee Jubba land oo markii ay dhaqaaqi waayeen Cii damada Amisom ay howlgalka bilaabeen Ciidamada Soomaalida oo kaliyah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Howl galada hada socda ay kali ku yihiin Ciid amada Jubbaland balse ay macquul tah ay in qaybaha danbe ay kusoo biiraan Amisom iyo cid walba oo gacan ka gay san karta si Argagixisadu aysan jaa nis ugu helin in ay isku gurmadaan.

Bulshada ree Jubbaland ayuu Mada xeynahu ku booriyay in ay guntiga dhiisa isaga dhigaan oo ay garab istaagaan Ciid amada kana qayb qaataan howlgalka soc da isagoo xusay in ay ilaa hada door muu qda kaga jiraan shaqada socota balse loo baahan yahay inay intaas kasii badiyaan.

MARKAB AY SAARAN YIHIIN BOQOLAAL KONTEENAR OO KU SOO XIRTEY DEKEDA MUQDISHO

mark Markab ay leedahay shirkada MAERS K LINE ee ah shirkada ugu weyn caala mka ee daabusha Konteerada ayaa ma anta ku soo xirtey dekeda magaalada Muqdisho. Boqolaal konteenar ayaa saar an markabkan iyadoo maamulka dekeda Muqdishana uu sheegay in shirkadda MAERSK LINE ay si caadi ah uga shaqeyn doonto dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay maa mulka dekedda Muqdisho ayaa lagu faah faahiyay adeegyo ay bilaabayso shirka dda MAERSK LINE oo ah shirkad caal ami ah oo ka shaqeysa daabulaada Kunt eenaradda.

ShirkaddaMAERSK LINE oo ah Shirk adda Hoggaamisa Daabulida Kuntaynar ada Dunida (Global Leader in Shipping Service) kana howlgasha in ka badan 130 wadan ayaa waxaa laga leeyahay dalka Denmark. Dekedda Muqdisho ayaa waxaa hore uga howlgali jirey shirkadaha MSC iyo CMACGM oo ah Shirkadaha ku jira Kaalmaha Labaad iyo Saddexaad ee Daabulista Kuntaynarada Dunida.

Sidoo kale waxaa la filayaa in dham aad ka sanadkan inay dekeda Muqdisho ku soo xiran doonaan maraakiib ay leeyi hiin shirkadaha Evergreen, China Shippin g Line.

DAACISH OO DHAQ DHAQAAQYADOODA SOOMAALIYA KORDHIYAY, 2019.

Sida lagu lagu sheegay warbixin uu daabacay joornaalka Long War journal, Kooxda lamagac baxday khilaafada isla amka qaybteeda soomaaliya ayaa kor u qaaday hawlgalooda ay kafuliyaan gud aha Soomaaliya sanadkii ina dhaafay 20 18 in kabadan hawlgaladii ay dalka kaf ulinjireen sanadahii ka horeeyay.

Sida lagu sheegay warbixinta kooxda Daacish ayaa soomaaliya ka geesatay 106 weerar tan iyo bishii April sanadkii 2016, halka hawlgaladaas 66’kamid ah ay soomaaliya ka fuliyeen sanadkii 2018.

Sheegashada weerardan tirada bad an ay Daacish ka fulisay soomaaliya ay aa laga soo xigtay wargaysyada lagu da abaco weerarda Daacish sida Nashir iyo Amaq oo wararkooda ku baahiya Aalada Telegram’ka. Hawlgalada qaar ay Daa cish ka fuliyaan soomaaliya waxa ay kus oo biiriyeen hab cusub oo ah in muqaalo iyo sawiro ay ka qaadaan dadka ay dila an taas oo kaduwan hab dhaqanka koox a diimaydka ka dagaalama gudaha soomaaliya.

Daacish qaybteeda soomaaliya ayaa sanadihii ina dhaafay hawlgalooda ugu badan ka geesanayay deegaanada maa mulka Puntland iyo koonfurta soomaali ya. 16’kii bishii December kooxda lama gacbaxday khilaafda islaamka ayaa she egtay in qaarkatirsan dagaalamayaa so oda ay dagaal kula galeen magaala xeeb eedka Qandala ee gobolka bari dagaal amayaal katirsan alShbaab iyag oona sheegtay in weerarkaasi ay alshab aab kaga dileen 14 kamid ah alShabaab.

Wixii waqtigaasi ka danbeeyay alShbaab ayaa dhankooda ku dhawaaqay weerar ka dhan ah Daacish iyagoona alShbaab,

Daacish ku tilmaamay cudur kansar ah oo u baahan in lacirib tiro.

Isku dhaca cusub ee ka dhax qarxay Daa cish iyo alShabaab ayaa waji cusub u ye elay dagaalkii ay kula jireen dowlada soo maaliya iyagoona sababta ugu wayn lagu sheegay in ay tahay gacan sareynta awo oda ay ku dhax leeyihiin dalka.

Warbaahinta ku hadasha afka kooxda Daacish qaybteeda soomaaliya ayaa baahinaysa in ururku uu ka go’anyahay siiwadida weerada ay ka geesanayaan gudaha soomaaliya iyagoona sheegaya in si iskumid ah ay ula dagaalami doon aan dowlada soomaaliya iyo dagaalamy aasha alShabaab oo ku xiran urur waynha Alqacida.

HAL KALLUUN OO LAGU IIBSADAY 3.1 MAL YAN OO DOLLAR DALKA JAPAN

kaluun (1) Maal qabeen u dhashay dalka Japan ayaa lacag dha n $3.1mal yan oo doolar ku ii bsaday kal lu un weyn oo ah nooca loo yaqa anno Tuna.

Ninkan ayaa kalluunkaas ka iibsaday bandhigga su ug geynta sann ad ka cusub oo lagu qabtay su uq kalluunka lagu iibiyo oo dhawaan laga furay magaalada Tokyo ee caasimadda dalka Japan.

Kiyoshi Kimura, oo ah nin si iskiis ah dhaqaale uga sameeyay iibinta raashinka Japan ayaa horay loogu yaqaanay "Bo qorka Tuunada”, ka dib markii uu ku caan baxay iibsashada kalluunka noocaas ah.

Kalluunkan weyn ee uu hadda iibsaday oo culeyskiisu uu yahay 278kg ayaa ah nooca loo yaqaanno bluefin tuna, waana mid halis ugu jira inuu ka dabar go’o dunida.

Waxa uu ku bixiyay kharash laban laa b ka badan kii uu sannadkii 2013kii ku iibsaday kalluun kale oo noocaan ah.

Xilligaas ayuu Mr Kimura kalluunkaas ku iibsaday lacag dhan $1.4 malyan oo doolar. "Waxaan iibsaday Tuna fiican”, ay uu ku yiri wakaaladda wararka ee AFP, ka dib markii uu soo idlaaday bandhigga suuqa.

Dadka sida jumlada ah wax u iibiya iyo milkileyaasha makhaayadaha cuntada Japan ee Sushi ayaa inta badan lacago faro badan ku bixiya kalluunkaas oo ah nooca ugu fiican, looguna jecel yahay.

Xigasho;BBC Somali.

AKHRISO:JADWALKA DOORASHADA & SHURUUDAHA MUSHARIXIINTA MADAXWEY NAHA PUNTLAND OO LA SHAACIYAY

Guddiga Doorashada Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa M/ Garoowe kaga dhawaaqay Shuruudaha musharixiinta Madaxweynaha doorasha da dhawaan ka dhaceysa Magaaladaasi.

Guddiga Doorashada ayaa shaaciyay in Musharaxii u tartamaya Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland laga rabo lacag dhan 20,000 doolar,isla markaana Musharaxii u tartmaya Madax weyne kuxigeenka Puntland laga doona yo inuu bixiyo lacag dhan $ 10,000 oo Si doo kale Guddiga Doorashada ayaa she egay in hadal jeedinta Musharaxiinta ay bilaabaneyso maalinta isniintaoo ay taa riikhdu tahay ah 7da bishan,iyadoona ku egtay isla maalintaasi.

Dhinaca kale Guddiga Doorashada ay aa ku dhawaaqay in Doorashada Madax weynaha cusub ee Puntland ay dhaceyso 8da bishaan oo ku beegan Maalinta Tala adada ah. Doorashada M/naha cusub ee maamulka Puntland ayaa waxaa ku tarta maya in ka badan30 Msuharax, kuwaasi oo si weyn Ololaha Doorashada uga wa da deegaanada maamulka Puntland. iyadoo uu dheeraa qoralka jadwalka iyo sharuudaha doorashada ayaan ku soo ko obnay.

SHAACINTA NATIIJADA DOORASHADII KOONGO OO DIB LOO DHIGAY

Guddiga doorashooyinka DRC Congo ayaa shaaciyay in ay dib u dhigeen Shaacinta Natiijadda doorashadii dhawaan ka dhacay dalkaasi.

105075988_43a20fcc-d1b7-4eae-bf36-2d6717a57d32 Iyada oo ay isa soo tarayaan baaqyada lagu doonayo in lagu shaaciyo natiijada doorashadii madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ka dhacday, ayaa saraakiishu sheegeen in aan maanta oo Axad ah lagu dhawaaqayn.

Gudoomiyaha gudida doorashooyinka ayaa sheegay in sababtu tahay iyada oo kala bar in ka yar waraaqihii codadka lagu dhiibtay ay soo gaareen xarunta.

Kaniisadda Kaatoligga, oo kumanaan goob joogayaal ah u dirtay goobaha codbixinta, ayaa Khamiistii sheegtay in cidda guulaystay ay iska caddahay, waxaa ay ku baaqday in natiijada la shaaciyo si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed.

Kaniisaddu waxay mucaarad cod dheer ku ahayd mudo kordhinta xukunka Madaxweyne Joseph Kabila.

Waxa uu haatan xilka ka degayaa 17 sannadood oo uu xilka hayey ka dib waxaanu ballan qaaday inuu suurto galin doono nin markii ugu horraysay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo xilka hab sharciga waafaqsan loola kala wareegi doono tan iyo markii ay gobanimada ka qaadatay Belgium 19960kii.

DUQA MUQDISHO”MARNABA MA AQBA LI DOONO FARAGELIN SHISHEEYE EE GUDAHA DALKA…..”

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiya ha G/dir Md. Cabdi raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga qe ybgalay Degm ada Waaberi Munaa sabad lagu taa geerayay aqbalaaddii Xoghayaha Gu ud ee QM Antonio Guterres go’aankii Dawladda Soom aaliya.

G/G/Banaadir ayaa uga mahad cel iyey shacabka So omaaliyeed taage erada ay u muuji yeen go’aankii ay Dawladdu ay ka qa adatay Wakiilkii hore QM u fadhiyey Soomaaliya, isa goo xusay in tallaa badaasi ay dhiiri gelisay kalsoonida ay shacabku u ha yaan Madaxda dalka,

Eng. Yarisow waxuu sheegay in barnaamijkani uu qeyb ka yahay isku imaatino dhowr ah oo lagu xoojinayay midnimada shacabka iyo Dawladda, islamarkaana lagu caddeynayay mow qifka wadajira ee ku aaddan go’aan kii laga qaatay ergayNicholasHaysom

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md/ (Eng. Yarisow) ayaa kula dardaa rmay shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wadajeesto wax walba oo dhibaato u keenaya qaranimada iyo qabka ummadda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qe ybg alay Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud, Guddoomiye kuxigeenadda Gobolka, Xoghaya iyo bulshada ku no ol 4ta Degmo ee Waliyoow Cadde.

KOOXO HUBAYSAN OO XALAY DIL KA GAYSTAY DEGMADA DHARKIINLEY

Kooxo hubaysan ayaa xalay M/Mu qdisho waxa ay ku dileen wiil dhaliny aro ah, kadibna waxa ay ka baxsade en goobtii ay dilka ka gaysteen.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafad da Xoosh ee Degmada Dharkiinley, la mana oga sababta ka dambeysa dilka asi loo gaystay wiilka dhalinyarada.

YARIISOWCiidamada Booliska oo tagay goobta dilka uu ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano dad kala duwan oo dhalinyaro ah lagu soo qabtay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay wiilka la dilay inay garan waayeen wu xuu ahaa, isla markaana markii dam be maydkiisa ay qaadeen Ciidamada dowladda. Kooxaha hubaysan ee dilal ka gaysta ayaa ku soo badanaya M/ Muqdisho gudaheeda, waxaana inta badan ay ka baxsadaan goobaha dilal ka ay ka gaystaan. 7aadkii la soo dha afay ayaa Muqdisho waxaa lagu dilay 2ba Sarkaal oo ka kala tirsanaa Ciid amada Booliska Iyo Ciidanka Xoogga dalka.

RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO KORME ERAY WASAARADDA MAALIYAD DA IYO DEKADDA MUQDISHO

R/wasaarahaXFS, Md. Xasan Cali Khayre, ayaa shalay kormeeray was aaradda maaliyadda iyo Dekadda Muqdisho si uu ugu kuur galo habsa mi u socodka hawlaha loogu adeega yo bulshada Soomaaliyeed.

RWwasaaraha ayaa guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaarad da maaliyadda oo looga hadlayay ho rumairnta hannaanka maaliyadda dal ka,kaas oo ay ka qayb galeen wa sii rka, wasiir kuxigeenka, wasiiru daw laha, agaasimaha guud ee wasaarad da iyo xisaabiyaha guud.

Mas’uuliyiinta wasaaradda maaliy adda ayuu Ra’iisul wasarahu faray in ay 2jibbaaraan dadaallada lagu xaqiiji nayo hadafka guud iyo hiigsiga danah a ummadda Soomaaliyeed ee ku aad dan horumarinta hannaanka maamul ka maaliyadda si dalka looga caafiyo daymaha lagu leeyahay.

R/wasaaraha XFS oo sidoo kale kormeeray dekadda Muqdisho ayaa mid mid u booqday xafiisyada kala du wan ee dekadda iyo saldhigga booliis ka ee dekadda, waxa uuna kulamo la qaatay wasiir kuxigeenka wasaarad da dekadaha iyo gaadiidka badda iyo maamulka sare ee dekadda.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta adeegyada dekadda iyo in lag a fogaado wax kasta oo keeni kara tu hun musuqmaasuq iyo maamul xum umo, waxa uuna bogaadiyay horumar rada ka socda dekadda eekeenay in dekadda ay kusoo xirtaan maraakiib ay leeyihiin shirkado caaalami ah.

Kormeerka uu Ra’iisul wasaaruhu ku tegay wasaaradda maaliyadda iyo dekadda Muqdisho ayaa qayb ka ah hawlaha korjoogteynta ee lagula soc anayo shaqooyinka wasaaradaha xu kuumadda iyo hey’adaha kale ee daw ladda taas oo lagu xaqiijinayo isla xisaabtan ku salaysan daahfurnaan iyo daahfurnaan.

C/WALI GAAS OO KULAN XASAASI AH LA YEESHAY GUDDOOM IYAHA BAARLAMA ANKA PUNTLAND

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay oo taariikhdu tahay 5 January 2019 qasriga Madaxtooyada Pu ntland ee Garoowe ku qaabiley Guddo onka cusub ee Golaha Wakiillada Puntland.

Kulanka uu Madaxwenaha Puntland la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Gudoomiye ku xigeenka 1aad Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Guddoomiye kuxigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame waxaa ku weheli nayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa marla baad ugu hambalyeey Gudoonka cusub ee Golaha wakiilada dowladda Puntland guusha ay gaareen, isla’markaana xusey in Puntland ay gaartay bisayl siyaasad ed ayna mudan tahay in looga daydo sida hofnaantale ee ay u qabsoontay doo rshada Gudoonka Golaha wakiillada.

Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland ayaa Mada xweynaha Puntland uga mahadnaqay hambalyada, dhiirigelinta iyo dedaalka uu ugu jiro qabsoomidda doorashada Pun tland, waxaana ay xaqiijiyeen in ay diyaar u yihiin gudashada waajibadkoda shaqo.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay gudoonka cusub ee Go laha Wakiilada Puntland in ay ku shaqee yaan cadaalad iyo hufnaan maadaama ay yihiin indhihii ay fiirsanayeen shacab Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntl and Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland u sheegay in Puntland ku jirto maalmo taariikhi ah, Isla’ markaana ay mudan tahay in maalma haasi laga ilaaliyo wax kasta oo carqalad aynaya, waxaana uu Madaxweynuhu ku la dardaarmay shacabka Puntland in ay ka shaqeyaan laamaha amniga.

MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA OO DOWLADDA KU EEDEEYAY CABURIN

Mar uu oo shalay ah khudbad ka jeedinyay munaasabad lagu daah fu rayay xarunta xisbiga UDP ayuu Mad axweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyey caburin.

Xildhibaan Xasan Shiikh Maxamu ud ayaa sheegay in dowladda hada jirta ay ku xad gudubto waxa uu ku til maamay aragtida xurta ah ee kasoo hor jeeda masuuliyiinta talada dalka haya. Waxa uu ku nuux nuuxsaday in dalka uu ku suganyahay xaalad cabsi ah oo dadka la caburinayo sida uu ha dalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu mada xda dowladda ugu baaqay in xaalada guud ahaaneed ee dalka ay wax ka bedelaan oo ay rabitaanka shacab ka gaar ahaan kuwooda dany arta ah ay tix geliyaan oo ay u naxaan.

YAA BILILIQEEYSTAY WARBAAHINTA MAAMULKA FALASTIINIYIINTA?

Shan nin ayaa la xiray kadib markii xaafiisyada shirkadda warbaahinta falastiiniyiinta la bililiqeeystay.

Agab lagu qiimeeyay kumanaan doolar ayaa la burburiyay markii rag hubeysan ay soo weerareen dhismaha warbaahinta maalintii jimcaha ahayd.

Warbaahinta ayaa waxaa maal galiyo maamulka Falastiiniyiinta oo ay maamulaan ururka Fatax.

Shaqaalaha ayaa markii hore dhacdadaan ku eedeeyay kooxda Hamas oo maamusha Gaza, balse ururka islaamiga ah ayaa waxaa uu sheegay in ay ka caroodeen hadalka ka soo yeeray shaqaalaha warbaahinta.

Shanta nin ee la xiray ayaa waxa ay la shaqeeyaan maamulka Falastiiniyiinta, kuwaasi oo goor dhawayd la naaqusay mushaarkooda, waxaa sidaa warbixin ku sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi.

Kaamirooyinka iyo agabkii codadka lagu jarjarayay ayaa dhamaantood la burburiyay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in nimankaan ay ka dambeeyeen jabsashada warbaahinta, kuwaasi oo dhamaantood ah xubno ka tirsan maamulka Fatah.

Labadaan kooxood, waa fatax iyo Hamase, cilaaqaad wanaagsan kama uusan dhaxayn tan iyo markii Hamas ay la wareegtay maamulka maagaalada Gaza.

Bishii octobar ee sandkii 2017kii ururada Fatah iyo Hamas, waxa ay kala saxiixdeen qodobo dib u heshiisiin ah oo looga gol lahaa in Hamas ay wareejiso maamulka Gaza balse khilaaf ayaa ragaadiyay heshiiskaasi in uu miro dhalo.

QM OO WAR KALE KASOO SAARTAY CEYRINTII DANJIRE HEYSOM

Qaramada Midoobey ayaa markale war kasoo saartay tilaabadii dowladda Soomaaliya ay dalka kaga caryrisay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Haysom, waxaana ay sheegtay in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonaan doonin howlaha loo qorsheeyay Soomaaliya sanadkaan.

"Golaha Ammaanka wuxuu aad uga xunyahay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriiray Wakiilkii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Haysom’ Wuxuuse xaqiijinayaa xushmenyta madax bannaanida Soomaaliya iyo wadajirka dhuleed iyaga oo dhiirrigeliyay in lasii dardargeliyo wada shaqeynta heer kaste ee sanadkan adag ee 2019” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Qaramada Midoobey.

Warkaan ayaa daba socday markii xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres uu sidoo kale jimcihii soo saaray bayaan uu ku sheegay inuu ka xun yahay go’aanka Soomaaliya ay kusoo eriday danjire Nicholas Haysom.

Guterres ayaa ka hor bayaankiisa saddex mar oo uu taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduallaahi Farmaajo ku guuldarreystay inuu ka dhaadhiciyo inuu ka laabto go’aanka lagu eryey Haysom.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay howlaha gargaarka la sii wadi doono sanadkaan 2019ka, islamarkaana Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ay yeelan doonaan wada shaqeyn buuxda.

HOWLGAL KA SOCDA DEGMADA AFGOOYE

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay Magaalada ay ka dhacaayeen dilal qorsheysan oo loo geystay Askar iyo dad Shacab ah.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Afgooye.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Afgooye.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Magaalada.

CIIDAMO DHEERAAD AH OO LA GEEYAY GAROWE

Ammaanka Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Ciidanka Xasilinta gobolka Nugaal ay ka waddaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Ciidamo dheeraad ah oo ka mid ah daraawiishta maamulka Puntland ayaa lagu kordhiyay suggida Ammaanka Magaalada Garowe.

Ku dhawaad 30 Musharax oo u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland ayaa ku sugan Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Musharaxiinta qaarkood ayaa Magaalada lasoo galay hub farabadan, waxaana hubkaasi ay ugu tala galeen in ay ku ilaaliyaan Ammaankooda,taasoo laamaha Ammaanka ay sheegeen in ay abuurtay Qalqal Amni.Ciidanka Booliska ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka, waxaana dhammaan Xaafaddaha Magaalada lagu daadiyay Ciidamo dheeraad ah.

8 Bishaan ayaa lagu waddaa in Magaalada ay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip