WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 20-KA JANNAAYO 2016-KA

0
Wednesday January 20, 2016 - 08:34:26 in Wararka by
  • Visits: 1177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 20-KA JANNAAYO 2016-KA

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KU SOO LAABTAY MUQDISHO KADIB SAFAR UU KU TAGAY MAANTA BAYDHABO. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soom aaliya ayaa shalay galab dib ugu soo laa btay Muqdisho ka dib markii uu M/Baydh abo uga soo qaybgalay Xafladii Cal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KU SOO LAABTAY MUQDISHO KADIB SAFAR UU KU TAGAY MAANTA BAYDHABO. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soom aaliya ayaa shalay galab dib ugu soo laa btay Muqdisho ka dib markii uu M/Baydh abo uga soo qaybgalay Xafladii Caleema saarka Gudd oomiyaha Bar lamanka M/K/ galbeed ee Soomaaliya.Madaxweynaha dalka md.Xasan Sh. Maxamuud ayaa Xubbnihii wafdiga ee la socday waxaa ka mid ahaa wasiiro, Xil dhibaano, iyo Saraakiil kale oo Dowladda ka tirsan, kuwaas oo ka wada qaybgalay Munaasabadda Caleema saarka Guddo omiyaha Barlamanka Koofur galbeed iyo ku xigeenadiisa.

 

Sidoo kale, waxa horay u gaaray M/Ba ydhabo shalay wafdiyo kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen, Guddoomiyaha Barlam anka Soomaaliya Maxamed Sh/Cusmaan Jawaari, Madaxweynayaasha qaar ka mid ah Dowladd goboleedyada dalka ka jira, iyo Beesha Caalamka,

Waxayna dhammaantood bogaadiyeen M/ulka K/galbeed ee Soomaaliya gaar ah aan hogaanka Barlamanka Dowladd gobo leedka k/galbeed ee Soomaaliya

W/DASTUURKA " SANNADKAAN WAX AAN KA GUDBI DOONNAA DASTUURKA KMG AH"

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseenoo xalay ka qeyb gal ayay Barna aamijka Bandhi gga Tv-ga Qar anka ayaa shee gay in qorshaha Dowlad da ee ku Aadan Dastuur ka dalka uu yah ay mid meel wan aagsan maraya lana raje ynayo in sanna dkan gudihiisa laga gudbo Dastuurka kmg-ka ah oo ay haddaDow ladda ku shaqeyso.

"shirka looga hadlayo Dastuurka waxaa ka qeyb galaya Guddiyo qaabilsan iyo khu baro caalami ah oo ka socda waddamada maraykanka, Barasil iyo Sowth Afrika mar ka aan dhageysanno talooyinkooda waxa an ka dib u soo gudbin doonnaa dastuur kan oon ka tala galin doonnaa Shacabka iyo Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda federaaalka,ka dib waxaan ka gudbi doonnaa dastuur kmg ah sannadk an” Ayuu Yiri Wasiir Xuseen Maxamuud.

Dowladda Federaalka ayaa dadaaal we yn ugu jirta dib u eegis lagu sameynayo qodobada siyaasadeed ee ku jira Dastuu rka dalka iyo kala saaaridda Awoodaha ta as oo sahlaaysa in la helo dastuur aan kmg ahayn isla markaanaakala xadida Awoodaha Siyasadeed marka ay yimaa daan isqab-qabsi.

WASIIRKA GAASHAANDHIGGA SOOMAALI YA OO LA KULMAY TALIYAHA MIDOWGA YURUB

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa shalay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaa bilay Saraakiil sare oo ka socota Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay General Ant onio Maggi Taliyaha Ururka Midowga Yur ub ee tababarada siiya Ciidamada Xoog ga dalka, waxaana ay ka wada hadleen dar-dar gelinta tababarada iyo taakuleynta Midowga Yurub ay siiyaan Ciidanka Xoog ga dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Diini ayaa uga mahad celiyay ta ageerada ay mar walba la garab taagan yi hiin dalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ammaanay kaalinta xooggan ee ay saraa kiishu ka qaadanayaan dib u dhiska ciida madda xogga dalka Soomaaliyeed. Isag oo tilmaamay in sanadkan 2016 la kor dhi ndoono tababarada si kor loogu qaado xirf ada iyo aqoonta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

"Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub waa mid wanaagsan. Wa xeey nagala qeyb qadanayaan dib-u-dhis ka ciidanka Xoogga dalka oo matala dha mmaan bulshada qeybaheeda kala duw an. Ciidan tababar fiican leh oo asluub iyo aqlaaq leh oo sidoo kalena dhowro xuqu uqda shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Wasiir Diini.

Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee tababarida ciidanka Soomaaliya ayaa she egay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay taakuleynta ciidamada xoogga dalka Soo maaliyeed, isagoo ballan-qaaday inay kor dhin doonaan tababarada ciidanka xoo gga dalka Somalia.

DANJIRE KAY: "SOOMAALIYA WAA KA DHICI KARAA DAGAALKII GAALKACYO OO KALE, BALSE MA AHA MID BURBURINAYA HANNAANKA FEDERAALKA”

Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay u fadhiyay dalka Soomaaliya Danjire Ni cholas Kay oo ku sugan magaalada Lon don ee wadanka Ingiriiska ayaa ka hadlay isbedelka siyaasadeed ee ka socda Soom aaliya, hannaanka federaalka iyo dagaala da ururka Al-Shabaab.

Nicholas Kay ayaa sheegay in dalka Soo maaliya oo 20-sano ka badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye ay u aragtay nidaamka federaalka inuu yahay midka ay uga bixi karaan dhibaatada ragaadisay.

"Soomaaliya waa ka dhici karaa daga alkii Gaalkacyo oo kale, balse ma aha mid burburinaya hannaanka Federaalka” ayuu yiri Ambassador Nicholas Kay oo u wara mayay BBC-da.

Mar uu ka hadlayay doorka beesha caa lamka, waxa uu sheegay Nicholas Kay in muddo laba sano iyo bar ay dadaal ugu jir een sidii xal looga gaari lahaa mushkila dda siyaasadeed, wuxuuna tilmaamay inay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ka gacan siiyeen 3-arrimood oo muhiim u ah aa maamulka Federaaliga ah.

Wuxuu sheegay in madaxda Soomaali da haatan ay ka arrinsanayaan hiigsiga sa nadka 2016-ka iyo nooca doorasho ee dal ka ka dhaceysa, taasina wuxuu sheegay Danjiraha inay meel fiican mareyso.

Dhinaca kale Mr. Kay ayaa mar uu ka hadlayay ururka Al-Shabaab ee Soomaali ya ka dagaalama inuu awood u leeyahay ka hortaggeeda hannaanka dowladnnim ada Soomaaliya ee dalka ku baahaya, wu xuu sheegay in Al-Shabaab oo ah urur ar gagixiso aan looga hortegi karin milateri ahaan. Waa siduu hadalka u dhigaye

"Way adag tahay urur argagixiso oo sida Al-Shabaab ah looga hortago milateri ahaan kaliya” ayuu yiri Nicholas Kay oo sheegay in kooxdaani aanay ahayn awo od khatar ku ah hannaanka dowladnima da Soomaalida ee dalka laga hirgelinayo.

QAAR KA MID AH BEELAHA HIIRAAN IYO SH/DHEXE OO KA HOR-YIMID QEYBINTA ODAYAASHA SOO XULAYA ERGADA

Qaar ka mid ah beelaha dega gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa ka biyo diiday qaabka ay u qeybisay Wasaaradda Arrim aha Gudaha oday dhaqameedyada soo xulaya ergada ka qeybgalaysa shirka maa mul u sameynta Labada Gobol.

Wasiirka Arrimaha gudaha dowlada fe deralka Soomaaliya C/maan Maxamed Xuseen Odowaa oo gaaray gelinkii dambe ee dorrad magaalada Jowhar oo shirar ka la duwan la yeeshay oday dhaqameedya da iyo mas’uuliyiitna maamulka labada go bol ayaa hordhigay qaabka ay u qeybsan ayaan beelaha oday dhaqameedyada soo xulaya ergada ka qeybgalaysa shirka.

Kulankii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wasiirada kale ee ay la yeesheen odayaa sha dhaqanka ayaa ku dhamaaday buuq, waxaana dib u dhac ku yimid shir jaraa’id lagu soo bandhigi lahaa habka ay u qeyb isay Wasaaradda tirada odayaasha soo xulaya ergada, waxaana taa bedelkeed la qeybiyay qoraalo ay ku qoran yihiin habka beelaha loogu qeybiyay.

Qaar kamid ah ergadii hore uga yimid gobolka Hiiraan ayaa isaga baxay xaruntii ay ku xareysnaayeen ee loogu talogalay in ergada lagu xareeyo kadib markii ay ma qleen qaabka loo qeybiyay oday dhaqam eedyada soo xulaya ergada.

Hase yeeshee wafdiga ka koobnaa wasii rada ayaa u ambabaxay magaalada Bele dweyne si beelaha weli diidan shirka ay u ga soo dhaadhiciyaan sidii ay ugaga qey bgali lahaayeen shirka.

Qaar ka mid ah ergadii laga soo daad gureeyay magaalad Beledweyne ayaa la arkay iyagoo sita boorsooyinkoodii oo ka soo baxay dhismaha uu shirku ka dhac ayo. Haddaba waxaa halkan idinku soo gu dbinaya sida beelaha labada gobol loogu qeybiyay xubnaha Odayaasha ee soo xul aya ergooyinka:-

abgaal————— 15-Xubin

xawaadle————11 Xubin

gaaljecel————— 6 Xubin

gugundhabe———6 Xubin

jareerweyne——–6 Xubin

habargidir———–5 Xubin

udeejeen————-2 Xubin

moobleen————2 Xubin

dir———————–2 Xubin

shiikhaal————2 Xubin

reer owxasan—2 xubin

hilibi———————1 Xubin

yaxar——————2 Xubin

carab——————1 Xubin

Xigasho:-Jowhar.com

COL. AADAN RUFLE OO SHEEGAY CARA DII KENYA AY KA QAADAY WEERARKII CEELCAD DE INAY KU LAYSAY DAD SHACAB AH

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Subaxnimadii Jimcihii hore ee aynu soo dhaafnay Shabaab ay ku qaaden Saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo,ayaa Diy aaradaha Dagaalka Kenya waxa ay Duq eymo aanan kala joogsi laheyn ka wad een Deegaano ku dhaw Degmada Ceel cadde.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa si caro leh uga ha dlay Duqeymaha Ken ya ay ku laynayso dadka shacabka ah ee ku nool Gobolka asi oo qaarkood ka cararay Degmada Ce elcadde, ka dibna Du urka galay, balse Diyaaradaha dagaa lka Kenya ay duurka u ga daba tageen oo ay ku duqeeyen.

Korneyl Aadan Axmed Xersi (Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowlad da ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay cadh adii Kenya ay ka qaaday weerarkii Ceel cadde inay kula dul dhacday dadka shac abka ah oo Diyaaradaha Kenya ay lay een dad maati ah.

Aadan Rufle, ayaa sheegay tan iyo ma alintii Jicmihii Duqeymaha ay bilaabeen Diyaaradaha Dagaalka Kenya inay ku la ayeen dad shacab ah oo gaaraya 17 ruux inta ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, ku dhawaad 30 ruux oo dhaawac ahna ay jiraan oo qaarkood weli dhiig baxaya oo aanan haysan daawooyin iyo Daryeel caafimaad.

Ururka Midowga Afrika ayuu ugu baaq ay inay Guddi Xaqiiqo raadin ah u diraan Deeganada Diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeynta ku garaacayaan, si loo soo ar ko dhibaatada ay geysanayaan. Kenya ayaa lagu yaqaanaa marka ciidamadooda jab culus lagu gaarsiiyo Dagaalka inay dadka shacabka ah ee Reer miyiga ah ku asqeeyaan Duqeyn aanan loo meel dayin oo Bulshada ay dhibaato ka soo gaarto ayuu yiri Col.Aadan Rufle

Xigasho:-Dhacdo.com

KULAMO LOOGA ARRINSANAYO SOO XULIS TA ERGOOYINKA IYO QAABKA LOO QEYBSANA YO OO KA SOCDA JOWHAR

Kulamo looga arinsanayo soo xulista Ergooyinka ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo sida beelaha u qeybsanayaan ayaa ka socda magaalada Jowhar, iyadoo wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa ay shalay gelinkii dambe gaareen magaalada.

Kulamadan oo ahaa kuwo saacado qa atay ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay jadwalka uu ku soconayo howlaha maa mul u sameynta labada gobol, waxaana qorshuhu yahay in ka hor inta aan bishan dhamaan ergooyinka ay dhameystiraan qorshe howleedka maamul u sameynta.Wajiga labaad ee shirka maamul u sa meynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay aa la guda galay, iyadoo la xareyn doono ergooyinka ka qeyb galeysa shirka, kuwaa soo howshooda tahay ansixinta dastuurka uu maamulkaas yeelanayo iyo shuruucdii kale ee maamulka labada gobol.Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in kulan habeen hore dhex ma ray xubnaha saxiixayaasha maamulka Hii raan iyo Shabeellaha Dhexe oo u badan Wasiiro ay ka arinsadeen qaabka loo soo xulayo ergooyinka iyo sida beelaha u qey bsanayaan, iyadoo aanay wali kulamada as wax natiijo ah ka soo bixin.

Inkastoo aan la soo bandhigin tirada er gooyinka ka qeyb galeysa shirka, hadda na waxaa jira doodo ku aadan arrintan oo ku saabsan sida beelaha u qeybsanaya an, tirada guud ee labada gobol ku soo aadi doonto.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mah ad Maxamed Salaad oo ka mid ah saxiix ayaasha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in la guda galay wajigii labaad ee shirka, isla markaana la xareyn doono ergada shirka ka qeyb galeysa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Fed eraalka oo howsha wadda ayaa shalayla filayey inay soo bandhigto tirada ergooyin ka ka qeyb galeysa, qaabka beelaha u qeybsanayaan iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xareeyo.

Tan iyo markii Shirka uu furay Madax weynaha 12-kii bishan ayaa waxaa soc day kulamo lagu dar dar gelinayay howla ha maamul u sameynta labada gobol, iya doo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo howl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Arri maha Gudaha ay ku sugnaayeen mag aalada Jowhar.

jowhar.com

AGAASIMAHA CUSUB EE TV-GA QARANKA C/NAASIR XASAN OO XILKII KALA WAREEGAY AGAASIMIHII HORE ALCADAALE

Agaasimaha cusub ee taleefishinka qaranka C/naasir Xuseen ayaa si rasmi ah xilkii ugala wareegay agaasimihii hore C/maan Yuusuf Alcadaale xarunta wasa aradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxi iska ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xil wareejinta ah waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha guud ee wasa aradda Warfaafinta, Md.C/risaaq Cali Yu usuf (Bahlaawi) iyo masuuliyiin kale oo wasaaradda ka tirsan.

Agaasimihii hore ee taleefishinka qar anka oo haatan noqday AgaasimahaWa kaaladda Wararka eeSonna C/maan Al cadaale ayaa faah-faahin kooban ka bixi yey waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xilka hayey, waxa uu sheegay in hor umar weyn uu ku tallaabsaday Tv-ga Qa ranka isla markaana ay hirgaleen masha ariic badan, kuwaas oo weli u baahan in la sii dardargaliyo, waxa uuna ku dardaarm ay agaasimaha cusub ee Tv-ga in uu hor ey sii wado shaqada adag ee hortaalla, is agoo ku sifeeyey agaasimaha cusub in uu yahay nin ka soo dhallaali kara shaqaan oo uu qeyb ahaa markii horeba.

Sidoo kale Agaasimaha Xilka Tv-ga la wareegay Md.C/naasir Xuseen, ayaa ku ammaanay agaasimihii hore guusha balla aran ee uu gaarsiiyey Telefishinka Qaran ka isagoo xusay in uu yahay nin marxalad aad u adag ka gudbiyey Tv-ga taariikhdu na ay xusi doonto.

"Waxa aan keeni doonaa fikir cusub oo lagu horumariyo Waaxda Tv-ga, si loo ga aro yoolka ugu dambeeya ee ah Sntv oo la tartama Telefishinnada adduunka ugu horreeya xiligaan”ayuu yiri Agaasimaha cusub ee Tvga qaranka.

Sidoo kale Agaasimihii hore ee Tale efishinka Qaranka C/raxmaan Al-Cadaala ayaa lagu wareejiyay xilka Waaxda Wak aaladda Sonna. Dhowaan ayaa wareegto uu soo saaray Wasiirka warfaafinta, Dha qanka iyo dalxiiska Maxamed Xayir Maar eeye waxa uu isku shaandheyn ku same eyay qaar kamid ah waaxyaha ay ka koo ban tahay qeybta Warfaafinta.

Agaasimihii hore ee Radio Mu qdisho C/xiin Ciise Caddow ayaa laga dhi gay Agaasimaha waaxda qorsheynta oo uu hore u hayay Agaasimaha cusub ee Tv ga, halka Agaasimihii hore ee Wakaalada wararka Sonna loo magacaabay Agaasim aha Radio Muqdisho. Sidoo kale Agaasimi hii hore ee Tvga qaranka ayaa noqday Ag aasimaha cusub ee Wakaalada wararka Sonna.

Lama oga sababta keentay isku shaan dheyntan cusub hase yeeshee qaar ka mid ah dadka ku dhow dhow wasaarada warfaafinta ayaa sheegay in uu yahay isb edel wanaagsan maadaama mas’uuliyiin ta la kala bedelay ay la kulmayaan wajiyo cusub iyo howlo cusub.

CIIDAMADA AMMAANKA SOMALILAND OO SHALAY BILLAABAY OLOLE AY KU RAAFAYAAN DADKA AJAANIBTA AH

Ciidanka Amniga Somaliland ayaa billa abay shalay ololaha lagu raafayo dadka Ajanabita ah ee ku nool Somaliland.

Boqollaal qof oo isugu jiray dhallinyaro iyo waayeel ayaa laga ururinayay Hargey sa iyadoo loo mustaafurinayay dalalka ka yimaadeen, gaar ahaan Itoobiya oo inta badan ajaanibka ku nool Somaliland ka yimaadeen.

Ajaanibta ayaa loo qabtay muddo gaaban oo bil ah; taasoo loogu sheegay inay ka dhamaan Somaliland isaga baxaan, Ha ddii aanay sifo Sharci ah kusoo gallin, Wa xaana shacabka iyo ciidanka Amniga oo is kaashanayaa ururinayey dadka ajana biga ah, halka qaarkood horaba iskaga diy aar garoobeen si ay u fuliyaan amarka xu kuumadda ee ahaa in ajanabiga aan sifo sharci ah ku soo gallin dalka iskaga baxo.

Dadweynaha ayaa soo dhaweeyey ajn abigii aan sharci ku joogin ay Somaliland ka baxeen, waxaana indhahaygu qabanay een shacab gacan siinayay ciidamada Am maanka, Waxaana dadkii lasoo qab-qab tay lagu wareejinayay ciidanka laanta soc daalka Somaliland

KENYA "DAACISH AYAA KU LUG LEH WEERAR KII DEGMADA CEELCADDE”

Kenya, ayaa waxay dareen wayn ka qa btaa in Ururka Daacish uu ka dambeeyay weerarka uu dhiigga badani ku daatay, ee Jimcihii lagu qaaday Xerada Ciidanka Ken ya ay ku leeyihiin Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo.

sida laga soo xigtay ilo militari, weer arka Ceelcadde waxaa loo muuqaal ekey siiyay/ isticmaalay qaababka sare, ee ay weerarada u adeegsato Daacishta Ciraaq.

Wargeyska afka dheer ee ka soo baxa Ma gaalada Nayroobi ee Standardmedia, ay aa qoray in Saraakiisha Militariga Kenya, ay baarayaan doorka Daacish-ta Shaam ay ku leedahay weerarkaasi.

Jariirada Globalsecurity, ayaa waxay te bisay in khuburada ammaanka ay baaray aan, gaadiidkii loo adeegsaday weerarada ismiidaaminta ee lagu galay Xerada Ceel cadde. Khuburada, ayaa sheegay in qara xyada macmalka ee gawaaridaasi loo ade egsay, ay muddooyinkii ugu dambeysay Daacish u adeegsaneysay weerarada. Ga adiidka qaraxyada lagu fuliyay ayaa sidoo kale loo adeegsaday sunta rasaasta.

Khuburada, ayaa sheegay in qaraxya da la macmalay ay tahay farsamada kor dheysa ee Daacish u adeegsato weerara da. Qaraxyada ay Daacish u adeegsato weeraradaan waxay dhibaatayn karayaan dadka ku sugan masaafo dhan laba boqol oo tallaabo.Waxa sababay inuu kordho khasaaraha ballaaran ee Ciidanka Kenya ka soo ga aray weerarkaasi, ayaa waxaa la rumeys an yahay inay ka dhalatay sunta rasaasta. Suntaasi ayaa sida la sheegay dhex ga shay jirka Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya, Ge neral Joseph Boinnet, ayaa bishii Decemb er sheegay in Ururka Al Shabaab uu u ka la jabay laba garab, oo kala taabacsan Daacish iyo Al Qaacidda, waxaana uu xilli gaa ka digay in Daacish ay qorsheyneyso weeraro ka dhan ah Kenya.

XUKUUMADDA KENYA OO SHEEGTAY INAY DUQEYSAY SALDHIG AY AL-SHABAAB KU LEEDAHAY SOOMAALIYA

Iyadoo xoogag taabacsan Al-shabaab ay ku qaadeen weerar saldhig ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayna ku dileen sida ay sheegeen in ka badan 100-askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayay ciida mada waxay markii ugu horreysay sheege en inay duqeeyeen saldhig ay Al-shabaab leedahay.

Taliyaha ciidamada Kenya ayaa sheeg ay in duqeyntan ay khasaare badan kasoo gaartay Al-shabaab, inkastoo uusan shee gin khasaaraha ka dhashay, balse Al-sha baab ayaa sheegtay in diyaaradaha Ken ya ay duqeeyeen deegaan ku dhow degm ad Bu’aale ee gobolka Jubbada Hoose.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ciidama daKenya ay xasuuq u geysteen shac ab ku noolaa deegaanka ay duqeynta ka geysteen, taasoo ay sheegeen inay tahay mid aar-gudasho u ah weerarkii saldhigga AMISOM ee Ceel-cadde.

"Si kasta oo ay tahay waxaa naga go’ an inaan difaacno dalkeenna, waxaana u gu baaqaynaa waddamada kale ee dar iska ah inay gacan nagu siiyaan sidii aan uga taqalusi lahayn argagaxisada, si aan u xaqiijinno amni iyo nolol gobolka ka hir-gasha,” ayuu yiri madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Kenyatta ayaa wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka Kenya inay gacan weyn ka siiyaan ciidamada sidii loo jabin lahaa Al-shabaab, isagoo yiri.

"Waxaanu idin ka doonaynaa inaad taag eero buuxda siisaan ciidamada, si ay amn iga guud ee dalka uga shaqeeyaan.”

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya aysan waxba ka qab an karin gudaha Soomaaliya iyagoo aan taageero ka haysan shacabkooda iyo ku wa kale ee gobolka ku nool.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaan weli she egin tirada dadka rayidka ah ee duqeyn tan ay ciidamada Kenya ku dileen, iyagoo iska fogeeyay in la duqeeyay saldhigyo ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Dhexe.Ugu dambeyn, gobolka Jubbada Dhexe ayaa ah gobolka keliya ee ay Al-shabaab gac anta ku hayso gabi ahaan, waxaana dho wr jeer oo hore ay ciidamada Kenya uga geysteen duqeymo ay dad badan ku dhin teen.Xigasho:-Hiiraan.com

BAARLAMAANKA BRITAIN OO KA DOODA YA IN MUSHARAXA DONALD TRUMB LAGA MAN UUCO INUU DALKAAS GALO

Xildhibaanada Baarlamaanka Britain ay aa ka doodaya in Musharaxa Xisbiga Ja mhuuriga Donald Trumb laga mamnuuco inuu soo galo dalkaas. Kulan saacado ba dan qaatay oo Xildhibaanada yeesheen ayaa waxay ka doodeen codsi ay saxiix een 570 kun oo ruux, kuwaasoo dalbanay ay in Mr Trump laga mamnuuco inuu yim aado Britain.

Xildhibaanada qaar ayaa ku tilmaamay Musharaxa bilyaneerka ah inuu yahay do qon qatar ah, isla markaana dab ku ololin aya argagixisada. Qaar ka mid ah Xildhi baanada ayaa ku doodaya inay muhiim ta hay in la qadariyo xoriyada ra’yiga qofka.

Donald Trump ayaa dhowaan sheegay in laga mamnuuco Muslimiinta inay soo gal aan Mareykanka, hadalkan ayaa dhaliyay caro badan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in UK ay ka jirto dhibaato badan oo Muslimiinta ay geysanayaan, isagoo xusay in Booliska ay qatar ugu jiraan goobaha xagjiriinta ku su gan yihiin. Waaxda Arrimaha Gudaha Brit ain ayaa la filayaa inay geliso liiska 80 qof oo laga mamnuuco inay u safraan dalka Britain.

NAYROOBI OO LAGU QABTAY LACAG BEEN-ABUUR AH OO KA BADAN BOQOL BILYAN OO SHILLING

Booliska Kenya, ayaa gacanta ku dhi gay lacag been abuur ah oo lagu qiyaasay 112 Bilyan oo Shilling-ka Kenya ah, taa soo la damacsanaa in si tuuganimo ah loo gu ganacsado. Taliyaha guud ee ciidama da Booliska Kenya Joseph Boinett, ayaa warbaahinta u soo ban-dhigay lacagtaas oo ku jirtay ilaa siddeed Boorso, wuxuuna sheegay in Lacagtaan laga helay labo guri oo ku yaallo Xaafadaha Kilimani iyo Dia mond Park ee magaalada Nayroobi.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in labo nin oo u kala dhashay dalalka Cameroon iyo Niger oo lagu kala magacaabo Cusma an Ibrahim Bako iyo Mohammed Sani oo loo yaqaano Dr Mustafa loo xiray iney ku lug lahaayeen lacagtaan been abuurka ah, sidoo kalana wuxuu tilmaamay Taliy uhu in howl-galka lagu soo qabtay Lacag taas iyo raga ku eedeysan uu yimid markii nin ganacsado ah laga dhacay 40 Milyan oo lacagta Kenya ah, kadibna ciidamadu ay daba-gal sameeyeen.

Agaasimaha hay’adda dambi-baarista Kenya oo lagu magacaabo Ndegwa Muh oro iyo ku xigeenkiisa Gideon Ashimalla, ayaa shir jiraa’id oo ay qabteen waxey ku sheegeen in Guryaha laga helay lacagta as ay sidoo kale ka heleen Kumbiyuutaro, Mishiinka lagu daabaco lacagta. Waxyaa baha Kiimikada ah ee lacagta lagu qaso. Qalabka loo adeegsado sameynta lacagta iyo Xabagta ama Koolada lagu dhajiyo.

Dhanka kale, khuburada ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha Kenya iyo wareega lacagaha, ayaa waxey ku qiyaaseen lacag taas been abuurka ah iney u dhiganto ka la bar miisaaniyada Wasaarada Waxbara shada Kenya ay sannadkii ku shaqeyso iyo hantida ku bixi karto dhisida wado dhe erarkeedu uu yahay 50KM.

Sidoo kale Quburadu waxey ku tilmaam een lacagtaas been abuurka ah in ay dhib aatooyin xoogan u geysan laheyd dhaqaa laha Kenya oo ay ku noqon laheyd halisweyn haddii gali laheyd suuqa. Dhanka kale, Sannadkii 2010-kii ayay aheyd mar kii nin u dhashay dalka Nigeria loo xiray in uu ka dambeeyay sameynta lacag been abuur ah oo lagu qiyaasay 1.5 Milyan oo lacagta Mareykanka ah taasoo laga helay xaafada Donholm ee magaalada Nairobi.

Sidoo kale sannadii 2013-kii ayey aheyd markii garoonka diyaaradaha Jomo Kenya tta ee magaalada Nairobi lagu qabtay sad dex nin oo u dhashay wadanka Turkiga, kuwaasoo la sheegay iney Kenya ka dho ofiyaan lacag dhan $348,000 oo Dollar-ka Mareykanka ah, taasoo la sheegay iney ku dhex qariyeen Boorsooyinkoodii dhar ka isla markaasna ay damacsanaayeen in ey u dhoofiyaan wadanka Somalia.

UHURU KENYATTA OO BAADIGOOBAYO ISBA HAYSIGA DALALKA DERISKA, SI AY GULUF UGU QAADAAN ALSHABAAB.

Uhuru Kenyatta ayaa si carro leh uga hadlay weerarkii ay Alshabaab dhawaan ku qaadeen Saldhig ay Askarta Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Go balka Gedo, wuxuuna sheegay inaan mar naba Ciiddankiisa laga soo saari doonin Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Al shabaab heli doonin nasasho, isla ma rkaana la kordhin doono weeraradda ka dhanka ah, waa sida uu hadalka u yiri.

"Kuwa weerarka nagu soo qaaday, waxay u maleeyaan inay na cabsi gelin karaan, ma heli doonaan fursad ay ku neefsada an,kuna nastaan” ayuu yiri Uhuru Kenya ttaoo shalay ka hadlay Isku soo bax dorr aad ka dhacay Dugsiga Hoose ee Langa Baya ee Degmadda Killifi.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inuu ba da igoobayo Isbahaysi Ballaaran oo Dow ladaha deriska ah, sidagaal mideysan iyo guluf ugu qaadaan Alshabaab, waa si da uu hadalka u yiri. Dhinaca kale, Aadan Barre Ducaale oo Aqlabiyad ku leh Barla maanka Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay u codeeyaan haddii uu Mada xweyne Uhuru Kenyatta codsado in la kor dhiyo Ciiddanka Kenya ka jooga gudaha Soomaaliya.Waxa kaloo uu sheegay had dii la daadi yo dhiigga Askarta Kenya inay toban jeer u aar-gudi doonaan. Si kastaba ha ahaa tee, Askarta Kenya ayaa la shee gay inuu khasaaro xooggan ka soo gaaray weerar kii ugu dambeeyey ee ay Alshabaab la be egsadeen, marka loo bar bar dhigo weer aradii hore ee lagu qaadi jirey tan iyo mar kii ay Askarta Kenya soo galeen Somalia bishii October 16-dii ee sa nnadkii 2011-kii.

SHIINAHA OO SAN/KAN HOOS UGA DHAC AY KOBACIISA DHAQAALAHA 25 SANO KA DIB

Dhaqaalaha Shiinaha ayaa kobcay bo qolkiiba 6.9 sanadkii la soo dhaafay ee 2015, oo haddii la barbar dhigo sanadkii kaasi ka horreeyay oo uu kobacu ahaa boqolkiiba 7.3, aya waxa uu kobocan noq onayaa midkii ugu hooseeyay muddo 25 sana ah.

Kobaca sanadlaha ee waddanka lab aad ee ugu dhaqaalaha weyn dunida ay aa waxa uu la jaanqaadayay rajada dhaq aale ee caalamka. Dhanka kale, Beijing, ayaa waxa ay rasmiyan u dajisay in koba ceeda 2015 uu gaaro "ku dhawaad bo qolkiiba todoba”.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Li Keqiang ayaa sheegay in kobac uu he erkiisa hooseeya ay suuragal tahay in la aqbalo haddii shaqo oyin cusub la abu uro.

Dadka ku xeelka dheer arrimaha dha qaa laha, ayaa dhan ka kale waxa ay sheegay aan in koback asta ee ka hooseeya boqol kiiba 6.8 ay u badan tahay in ay kaga sii darto xaaladda.

Hoos u dhaca dhawaantan laga daree may suuqyada saamiyada ee Shiinaha ay aa sidoo kale waxa ay argagax ku abuure en suuqyada caalamka, walaacaasi oo ku aaddan xoogga dhaqaalaha Shiinaha oo ah dhaqaajiyaha ugu muhiimsan ee kob aca dhaqaalaha.

DIGNIN LAGA SOO SARAY BARAF XOGAN OO KU DHUFTAY DALAL AY SWEDENKA MID THAY

Inta badan gobolada iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka Sweden ayaa shalayhakad ku yimid isu socodka dadka, iyadoo la xiray goobaha waxbarashada dalkaasi, ka dib markii karkaarrada jabsaday bara fkii ugu xoogaa tan iyo xilligii Hitler ka tali nayay dalalka Yurub.

Waddooyinka tareenada, gawaarida iyo meelaha ay dadweynaha maraan ayaa waxaa cir iyo dhul is qabsaday baraf, kaa si oo la sheegayo inuu iminka u soo guura yo dhinaca bari wadamada ku yaala dalal ka Yurub. Hay’adda maamusha garoonka caalamiga ah Landvetter oo ku taalla magaalada Gothenburg caasimada dalka Sweden ayaa sheegtay inay fasaxday duu limaadyadii diyaaradaha

Hay’adda saadaasha hawada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SMHI ayaa digniin ay soo saartay waxay ku sheegtay in magaalooyinka Bohuslän, Göteborg, Halland, Sjuhäradsbygden iyo qaybaha galbeed ee gobolka Jönköpings län, iyagoo sidoo kale sheegay inuu ba rafku u socdo dhanka bari, ayna suuragal tahay in waxyeelo ka soo gaarto dadka

iyo gaadiidka kala duwan.

URURKA IS OO UGU DAMBEYNTII XAQIIJISAY DILKA JIHADI JOHN

Wargeyska u qaabilsan dacaayada ur urka ISee Dabiq ayaa xaqiijiyay in lagu diley Jihadi John weerar diyaaradaha dron eka bishii Novem ber 2015.Kooxda ayaasoo daabacd ay tacsi ay u direy so dhamaan xub naheeda iyadoo xa qiijisay in Moham ed Emwazi uu dhint ey.

Maraykanka ayaa bishii November she egay in ay macquul tahay in ay ku dileen Magaalada xarunta u ah IS ee Raqqa nin ka ay dalalka Mara ykanka iyo Britain ay sida xoogga leh u raadinayeen ee Jihadi John.

Emwazi ayaa ka soo muuqday video muujinaya qoor goynta dad ay ka mid aha ayeen David Haines iyo Alan Henning. Dhalasho ahaan Emwazi waxa uu ka soo jeedaa dalka Kuwait, waxana uu ka dha shay qoys asalkoodu ahaa Ciraq balse ka waayay dhalasho dalka Kuwait waxana ay qoyskiisu u guureen dalka Britain 1993, hase yeeshee IS ayaa waxa uu magaciisu ahaa Abu Muharib al-Muhajir.

Wargeyska Dabiq ayaa daabacay in 12 November 2015 la diley Emwazi ka dib markii baabuur uu watay ay gantaal la he shay diyaarad aan cidna wadin iyadoo uu ku burburay weerarkaas gaarigii uu watay isagiina goobta ku dhintey.

Sawir ah isagoo dhulka fiirinaya qosla yana ayaa la soo dhigay barta ay leeda hay IS iyadoo uu ururkana ku tilmaamay in uu yahay "Walaal sharaf leh”.

Emwazi ayaa markii ugu horeysay wax aa la arkay August 2014 isagoo wajiga uu u duuban yahay isla markaana qoor gooy naya saxafi Maraykan ah oo la oran jirey James Foley. Sidoo kale waxa uu ninkan ka soo muuqday muuqalo video ah oo ah aa dilalkii surgoynta eeSaxafi Maraykan ah Steven Sotloff, Mr Haines, Mr Henni ng,Abdul-Rahman Kassig iyo weliba saxa fi u dhashay dalka Japan Kenji Goto.

GAROONKA DIYAARADAHA MAGAALADA BUU LOBURDE OO XARIGA LAGA JARAY

Munaasabad ballaaran oo xariga looga ga jarayay garoonka diyaaradaha ee M/ Buuloburde ayaa shalay lagu qabtay M/ Buuloburde ee gobolka Hiiraan.Xaflada xa riga looga jarayay garoonkan ayaa wax aka soo qeyb galay Wasiirada Amniga, Gaadiidka, Caafimaadka, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Maamulka Gobolka Hiir aan, kan degmada buuloburte, Saraakii sha ciidamada AMISOM kuwa dowlada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaasi,

Guddoomiyaha M/G/Hiiraan Yuus uf Axmed hagar (Daba geed) oo ka had lay munaasabadan ayaa sheegay in Talis ka Ciidanka jabuuti ee qeybta ka ah howl galka midowgga Afrika iyo dadka ku nool degmadaBuuloburte ay iska kaashadeen dayactirka lagu sameeyay garoonka diyaa radaha. Isagoo u mahad celiyay ciidama da dalka jabuuti ee ka howlgala gobolka Hiiraan sida ay uga qeyb qaataan hour marinta adeegyada bulshada marka laga soo tago dagaalka ay kula jiraan Al shab aab.

Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee G/hiira an Col Cismaan dubbad oo qudbad ka je diyay madasha waxa uu shegay in cii damada Hiilwalaal oo kaashanaya shacab ka reer buulo burte dadaal u galen sidii loo dhisi lahaa garoonka diyaaradaha deg mada buuloburte maantana uu yahay mid shaqo bilaabay. Sidoo kale Safiirka Jabuuti ee SoomaaliyaDayib Dubad Rooble oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qeyb gashay xafladan ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay talaabada ay qaaden ciidmada jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AM ISOM.Ugu dambeyn xaflada waxa ka ha dlay wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawa da ee xukuumada Soomaaliya Cali Jaam ac Jangali isagoo ku booriyay ciidamada Jabuuti in ay ka sii shaqeeyaan nabad gal yada guud ee gobolka iyo horumarinta adeegyada bulshada waxana uu u maha d celiyay ciidamada HiilWalal ee jabuutiin muddo 7 Sano ka dib ay dib u howlgali yeen isbitaalka guud ee degmada Bula bu rde ee G/Hiiraan iyo garoonka diyaarada ha degmadasi.

M/Buuloburde oo dhowaan wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sh.waxa uu ku sheegay in ay tahay xarunta maa mulka loo dhisayo gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan. Hase yeeshee M Buuloburde ay aa ah magaalo ay go’odoomiyeen ururka Al-shabaab waxaana gaadiidka gala Mag aaladaasi ay yihiin kuwo faro ku tiris ah iy adoo haatan dadku ay isticmaalayaan diy aarado.

SANADGUURADII 10-AAD EE AASAASKII DALADDA BULSHADDA RAYIDKA EE EX BANAADIR OO MUQDISHO LAGU QABTAY

Munaasabad Balaaran oo lagu maamuusaayay sanadguuradii 10 aad ee ka soo wareegtay aas aaskii Daladda Ururadda Bul shadda Rayidka ah ee Ex-Banaadir ay na ka qeyab galeen Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaarihii hore ee dawladda Soomaali ya Prof Cali Maxa med Geedi, Xildhiba anno hore ee soo maray dawladihii ka la dameeyay ee dal ka, xubno ka socday qaar ka mid ah wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya ee xiligaan oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Md.Maxamed Cu smaan Cali Dhagaxtuur, Imaam Maxamed Yuusuf Cali, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Ugaas Cabdulaahi Ugaas Saalax, Siyaasiyiin, Cul um aa’udiin, haw een iyo dhalinya ro ayaa lagu qab tay magalada Mu qdisho.

Munaasabadaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadkii Daladda Ururadda Bulshada Rayidka ah ee Ex Banaadir 10kii sano ee ay dhisneyd iyo u diyaargarowgga sanad ka 11aad ee jiritaankeeda iyo sida loogu baahan yahay in dib loo eego wixii u qabsoomay iyo wixii aanan u qabsoomin iyo waliba sida ay daladda mar kale u heli laheyd taageero ku aadan buls hada deegaanka Ex banaadir.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Daladda Ex-Banaadir Xaaji Muxudiin Xasan Afrax, isagoo ka hadlay marxaladihii ay soo martay 10kii sanno ee la soo dhaafay iyo wax qabadkeedii waxaana uu xusay in daladdu uu aas aasay alaha u naxariistee Marxuum Jeneraal Axmed Jilacoow Caddow oo ay dishay gacan ka gardaran.

Sidoo kale waxaa iyagana munsabadaasi ka hadlay Imaam Maxamed Yuusuf Cali Ugaas Maxamuud cali Ugaas Cabdulle, Ugaas Cabdulaahi Ugaas Saalax , Shiikh Muuse Macalin Ca gaweyne,Nabadoon Shiikh Axmed Abuukar Gaaboow Drs Ru qiya Cali Cabdulle, Marwo Sahro C/lle, iyo xubno kale kuwaasi oo si weyn uga hadlay waxqabadka hadda Daladda Ururadda Bulshadda Rayidka ah oo ay ku mideysan yihiin guud ahaan dalado badan.

Sidoo kale wax aa munaasaba daa si ka hadlay R/Wasa arihii hore ee Soom aliya Prof Cali Max amed Geedi, isagoo ugu horeyn hamba lyo iyo bogaadin u jeediyay masuuliyiin ta daladda Ururadda bulshadda iyo qabanq aabadda munaasabadaan iyo intii gacan ka geeysatay, waxaana uu amaanay waxqabadka daladda 10kii sanno ee ay jirtay isagoo sheegay in loo huray naf iyo maal haatana loo bahan yahay in la sii labalaabo si loo gaaro yoolka ay hiigsaneyso daladda.

Prof Cali Maxamed Geedi waxaa uu ugu baaqay masuuliyiin ta daladda in ay bulshadda ugu adeegaan cadaalad iyo sinaan hawshooddana u gutaan si wadaninimo ay ku jirto, isagoo ugu hambalyeeyay mudadda haatan loogu kordhiyay oo dhan 4-ta sanno ee soo socta, isagoo ugu baaqay in ay dardargelin wax qabadkooda sanadaha soo socdda.Wuxuu hoosta ka xariiqay si sidaas si la mid ah ay ku nafwaayeen xubno ka tirsanaa dalad daasi kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Cumar dheere, Marxuum Abuukar Xasan Kadaf iyo marxuumad Saynab Socd aal kuwaasi oo naftoodda ku waayay iyagoo bulshadoodda u adeegaaya.

Masuuliyiinta ayaa waxay halkaasi ku soo bandhigeen waxq abdkii Daladda iyo hawlihii ay soo qabatay 10kii sanno ee la soo dhaafay waxayna u qornaayeen sidaan:

Deladda Bulshadda Rayidka ah ee Ex banaadir waxaa la aas aasay 2006dii waxaana aas aasay Marxuum Jeneraal Axm ed Jilacoow Caddow, waxayna ku guuleeysatay Isku furidda Dee gaano badan oo kala xerxeraa kuwaasi oo u dhaxeeyay siyaas ado isdiidan, iyadoo sidoo kale ka shaqeysay sidii siyaasiyiinta ayagoo mideysan ugu adeegi lahaayeen Bulshadda ay mat alaan.

Dallada waxaa kaloo ay ka qeyb qaadatay sidii dawladda So omaaliyeed u hanana laheyd Nabadda iyo horumarinta bulsha da ku dhaqan ex banaadir 2006dii, iyadoo xoogga saartay sidii ay muqdisho ugu soo guuri laheyd taas oo fadhigeedu ahaa ba ydhaba, waxayna sidoo kale har iyo habeen ugu hawlgashay si dii nabad iyo Nolol wanaagsan dadka iyo dalka loogu heli lah aa.Masuuliyiinta dalladda Ex Banadir waxaa ay ka qeyb qaada tay sidii wax loogu qaban lahaa dadkii ay saameyeen aabaarihii ka dhacay dalka 2010kii, waxayna garab istaagtay sameynta dawladnimadda iyo sidii loo heli lahaa Nidaam iyo kala dambeyn loogu wada shaqeyn lahaa.

Sidoo kale daladda Ex-Banaadir waxaa kaloo ay u hawlgash ay kana qeyb qaadatay munasabadaha heerka qaran ah ee dal ka ka dhacay, waxay Xoojineysaa kana shaqeynaysaa hawlahe eda iyadoo kaashaneysa bulshada ku dhaqan deegaannada Ex- Banaadir, waxayna u olollaleyneysaa Nabadda iyo wax u qab ashada dadka tabaaleysan, waxayna si weyn u soo dhaweyney saa in dalka Soomaaliya doorasho xor ah ka dhacddo sannadka 2016-ka, taas oo ku timaadda hab leysku waafaqsan yahay oo sharci ah.

masuuliyiinta Dalladdu waxay sidoo kale soo dhaweyneysaa Maamul goboledyada haatan dhisan iyo in la dedejiyo kuwa dhi smaaya iyadoo la raacayo sharciga federaalka waxayna raalli ka tahay kana mahad celineysaa Hawlgalada ururka midowga Afr ika ee AMISOM, waxayna ka tacsiyeyneysaa Khasarihii dhima shada iyo dhaawaca lahaa ee ay u geesteen Al-Shabaab, waxay na baaq deg deg ah u soo jeedineysaa Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed inay ilaashadaan diintoodda iyo sharaftoodda iyo wada jirka midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Dalladdu waxay ugu dambeeyntii Codsi u soo jeedineysaa od oyaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka inay masuuliyiin ta dalladda u sameyaan Muddo kor dhin u sameeyaan ururadda kala duwan ee dalladda iyo madaxdoodda taas oo dhan 4-ta Sa nno ee soo socota si loo dardar geliyo hawlaha kala duwan ee dalladda Ex-Banaadir waxaana mar kale leysku waafaqay inuu xilkeeda sii haayo Gud. Daladda Ex-B/dir X.M.Xasan Afrax

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip