
Digniin laga soo saray Baraf xoog leh oo ku dhuftay dalal ay Sweden ka mid tahay
Inta badan gobolada iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka Sweden ayaa maanta hakad ku yimid isu socodka dadka, iyadoo la xiray goobaha waxbarashada dalkaasi, kaddib markii karkaarrada jabsaday barafkii ugu xoogaa tan iyo xilligii Hitler ka talinayay dalalka Yurub. Waddooyinka tareenada, gawaarida iyo meelaha ay dadweynaha maraan
ayaa waxaa cir iyo dhul is qabsaday baraf, kaasi oo la sheegayo inuu
iminka u soo guurayo dhinaca bari wadamada ku yaala dalalka Yurub.
Hay’adda maamusha garoonka caalamiga ah Landvetter oo ku taalla magaalada Gothenburg caasimada dalka Sweden ayaa sheegtay inay fasaxday duulimaadyadii diyaaradaha Hay’adda saadaasha hawada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SMHI ayaa digniin ay soo saartay waxay ku sheegtay in magaalooyinka Bohuslän, Göteborg, Halland, Sjuhäradsbygden iyo qaybaha galbeed ee gobolka Jönköpings län, iyagoo sidoo kale sheegay inuu barafku u socdo dhanka bari, ayna suuragal tahay in waxyeelo ka soo gaarto dadka iyo gaadiidka kala duwan.


0 



Digniin laga soo saray Baraf xoog leh oo ku dhuftay dalal ay Sweden ka mid tahay
Inta badan gobolada iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka Sweden ayaa maanta hakad ku yimid isu socodka dadka, iyadoo la xiray goobaha waxbarashada dalkaasi, kaddib markii karkaarrada jabsaday barafkii ugu xoogaa tan iyo xilligii Hitler ka talinayay dal