Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Soomaaliya C/salaan Yuusuf Guuleed ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho uu maanta marayo meesha ugu hooseysa mareyso 10-kii sano ee u dambeysay.
Waxaa uu sheegay in qaraxyadii ugu badnaa ee Sanadkan ay ka dhaceen Isgoyska Sayidka illaa Tiyaatarka oo u dhow Guriga Hooyooyinka, halkaasoo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Isagoo ka qeyb galayay dood shalay ka baxday BBC-da oo looga hadlayay ammaanka Muqdisho ayaa sheegay in dhimashada ugu badneyd ay hal meel ka dhacday oo aheyd Qaraxii Zoobe sanadkii hore.
"Qaraxyadii ugu dambeeyay marka laga saaro kii Hotelkii Saxafi, waxay ka dhacayeen Sayidka illaa Hooyooyinka ama Tiyaatarka, taasoo muujineysa in dowladda Soomaaliya ay soo koobantay, Shabaab degmooyinka kale qaraxyo kama sameeyaan, taasoo muujineysa inay kalsooni ka heystaan ama meelahaas aanu bartilmaameedkoda aheyd”ayuu yiri Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida.

Waxaa uu ku dhaliilay dowladda Federaalka in aanay xilligan wada shaqeyn Amni la laheyn maamul goboleedyada, isla markaana goboladii iyo deegaanada ay jidadka xiran yihiin oo ay Al-Shabaab go’doomiyeen.
"Haddii maanta dowladda Federaalka wada shaqeyn amni kala dhaxeynMaamul goboleedyadii, haddii Ciidamada AMISOM howlgeli karin oo ay ka soo baxayaan xerooyinkooda, haddii sahaydii iyo socodkii ciidamada go’an yahay oo Baraawe illaa Muqdisho wax isu gudbi karin, ama Jowhar iyo Muqdisho si qatar ah lagu gudbayo, intaas waxay ku tusayaan in is bedel weyn oo amniga jiro ma aysan gaarin heerkan 10-kii sano u dambeeyay”ayuu yiri C/salaan Guuleed.
Qaraxyada ugu badan ee sanadkan ka dhacay Muqdisho ayaa u badnaa kuwo ka dhacayay Jidka Maka Al-Mukarama illaa wadada soo aada Madaxtooyada oo ah goobo amnigooda aad loo adkeeyo oo ay bar koontaroolo ku leeyihiin Ciidamada Ammaanka.
Bishii July ayay aheyd markii weerar toos iyo qaraxyo ismiidaamin lagu qaaday Xarunta Otto Otto oo ay degenaayeen Wasaaraddaha Arimaha Gudaha iyo Amniga, waxaa halka la weeraray ku yaalla koontarool iyo xeyndaab laga sugo amniga goobaha u dhow dhow Madaxtooyada iyo Xarunta Golaha Shacabka.
Taliye kuxigeenkii hore NISA "Qaraxyadii u dambeeyay ee Muqdisho waxay ka dhacayeen Sayidka illaa Tiyaatarka
Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Soomaaliya C/salaan Yuusuf Guuleed ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho uu maanta marayo meesha ugu hooseysa mareyso 10-kii sano ee u dambeysay.