Wararkii ugu dambeeyay ee banaanbaxyada ka dhacaya dalka Sudan

0
Friday December 28, 2018 - 22:09:09 in Wararka by
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay ee banaanbaxyada ka dhacaya dalka Sudan

    Dalka Sudan ayaa waxaa gilgilay banaanbaxyo loogaga soo horjeedo xukuumada kadib markii uu sare u kac ku yimid qiimaha cuntada daruuriga ah. Ugu yaraan 19 ruux ayaa ku dhimatay banaanbaxyadan iyadoo labo ka mid ahna ay ka tirsanaayeen ciidamada am

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Sudan ayaa waxaa gilgilay banaanbaxyo loogaga soo horjeedo xukuumada kadib markii uu sare u kac ku yimid qiimaha cuntada daruuriga ah. Ugu yaraan 19 ruux ayaa ku dhimatay banaanbaxyadan iyadoo labo ka mid ahna ay ka tirsanaayeen ciidamada ammaanka sida ay sheegtay dowlada, hase yeeshee hay'ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa tirada dadka ku dhintey banaanbaxyada ku sheegtay 37 ruux. Wararka ugu dambeeyay ee banaanbaxyada ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka dalka Sudan ay xabsiga dhigeen sagaal ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka sababo la xiriira banaanbaxyada ka dhacaya caasimada dalkaas ee Kharduum sida ay sheegeen ururada bulshada rayidka.

Hase yeeshee saraakiil u hadashay ciidamada ammaanka ayaa beeniyay inay jiraan xarig loo geystey hogaamiyaasha mucaaradka.

Dadka la xirxirey ayaa waxaa kamid ah hogaamiye sare oo ka tirsan xisbiga shuuciga Siddiq Yusuf iyo weliba sidoo kale saraakiil ka tirsan xisbiyada Ba’ath iyo Nasserist.

Banaanbaxyada ayaa markii hore ka bilowday tuulooyinka iyo magaalooyinka toddobaad kahor balse markii dambe ayay ku soo fideen caasimada Kharduum kadib markii uu saddex jibaarmay qiimaha lagu iibsado rootiga kaasoo markii hore lagu iibin jirey hal Pound oo lacagta Sudan ah balse gaaray 3 Pound



Dadka banaanbaxayay ayaa waxaa ay dalbadeen in uu is casilo Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashir waxaana sii dhiirigeliyay banaanbaxyada shaqo joojin ay ku dhowaaqeen

Dalka Sudan ayaa waxaa hareeyay hoos u dhac dhinaca dhaqaalaha tan iyo sanadkii 2011kii markaa oo qeybta Koofureed ee dalkaas ay ka go’een iyadoo wadanka Sudan uu waayay qeybo badan oo ka mid ah ceelashii shidaalka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip