Eritrea oo xirtey xadka ay la wadaaagto dalka Ethiopia

0
Friday December 28, 2018 - 21:55:41 in Wararka by
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eritrea oo xirtey xadka ay la wadaaagto dalka Ethiopia

    Eritrea ayaa qeyb ahaan xirtey labo meel oo loogaga gudbo dalka Ethiopia kuwaasoo la furay sanadkan kadib markii ay labada dal ay heshiis nabadeed gaareen ayna dib u soo ceshteen xiriirkii diblumaasi sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlada Eritr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eritrea ayaa qeyb ahaan xirtey labo meel oo loogaga gudbo dalka Ethiopia kuwaasoo la furay sanadkan kadib markii ay labada dal ay heshiis nabadeed gaareen ayna dib u soo ceshteen xiriirkii diblumaasi sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlada Eritrea.

Ma cadda sababta ay Eritrea u xirtey xadka balse afhayeenka u hadashay gobolka Tigray Liya Kassa ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee AP in weli dadka Eritrea ay u soo gudbayaan gudaha dalka Ethiopia.

"Zalambessa iyo Rama ayaa laga xirey subaxnimadii Arbacada dhinaca Eritrea.”ayay tiri Liya Kassa.

Liya Kassa ayaa intaa ku dartay in saraakiisha Eritrea ay weydiinayaan dadka Ethiopianka ee doonaya inay ka gudbaan xadka dukuminti safar oo ay dowlada Federalka Itoobiya soo saartay.



Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada Ethiopia ayaa sheegay in aysan ka warhayn xayiraada cusub ee xadka. Sawiro la soo dhigey baraha bulshada ayaa muujinaya basas iyo gaadiid waaweyn oo ku xayiran xadka.

Kumanaan ruux ayaa ka gudbay xadkan oo xirnaa muddo labaatan sanadood ah iyadoo ganacsi iyo qoysas kala maqnaa ay dib u midoobeen.

Labada dowladood ayaa sidoo kale ballanqaaday inay ciidamada ku sugan xadka kala qaadi doonaan.

Dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa dib u soo ceshtay xiriirkooda diblumaasi bishii June kadib markii uu xilka la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed bishii April.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip