"Sideen arrintan cajiibka ah ugu sheegaa qoyska qofkii dhimashadiisa darteed aan u noolahay"?
Lahaanshaha sawirkaELLIE LACEY Image captionEllie waxay markii sawirkan laga qaadayay isbitaalka ku jirtay 10 maalmood
- Gabadh xubnaha jirkeeda lagu badbaadiyay 8 qof
- Gabadh ugu Deeqday Sideed qof Xubnaha jirkeeda
- Haweenay fool ahayd oo is dishay oo dadka Shiinuhu ka caroodeen
"Arrinta igu soo korortay waxay ahayd mid farxad leh oo war wanaagsan ah, waana ogaa inaan ahaa qof nasiib leh oo xubintaas ku helay si cajiib ah, laakiin markii aan billaabay qoraalka waxaa iga tan batay dareen murugo leh oo ku saabsan xaaladdii aan ku jiray xilligaas iyo qofka beerkiisa la isiiyay oo aan hadda nooleyn".
Ellie Lacey waxay qarka u saarneyd iney geeriyooto.
Iyadoo ay saacado kooban u harsan yihiin dhakhaatiirtuna ay xaaladdeeda ka deyriyeen ayaa xilli saq dhexe ah isbitaalka albaabkiisa laga soo galiyay beer uu leeyahay qof markaas si kadis ah ku dhintay.
"Qoraalkeyga Sidan ayaan ku billaabay":-
Ku socota qoyska uu ka soo jeeda qofka qaaliga ah ee beerkiisa la iigu deeqay…
Waxaan ka soo gudubnay labo sano tan iyo markii beerka la igu tallaalay, haddana waxaan rabaa inaan arrin idiin sheego…
"Balse markii aan halkaas marayay ayaan joojiyay madaxa ayaana gacmaha saartay".
"Waxaan rabay inaan u sheego in beerka uu lahaa qofkii ay jeclaayeen ee ka dhintay uusan badbaadinin nafteyda oo kaliya, laakiin xitaa uu suurta galiyay inaan sabab u noqdo qof kale oo ku soo biira nolosha adduunyada".
"Haddana sidaas oo ay tahay arrintan waxay u muuqataa iney noqon karto war fiican oo sidoo kalena murugo leh, sababtoo ah waxay qoyska dib u soo xasuusanayaan qofkoodii ay jeclaayeen oo hadda aan dunida ku nooleyn".
"Xaqiiqada runta ah ee kharaar waxay ahayd in aniga aan u noolahay oo kaliya anigoo ka faa'iideystay dhimashada qofkii ay jeclaayeen qoyskaas".
"Laakiin sideen uga aamusaa anigoo aan uga mahad celinin guusha aan nolosheyda uga gaaray iyaga dartood".
Ma ahayn markii ugu horreysay ee ay haweeneydan warqad u qorto qoyskaas, una sheegto sida ay qalbigeeda boos ugu leeyihiin.
Markii ay qalliinkii ugu horreeyay ee beerka looga baddalay kasoo baxday ayey warqad u qortay waxayna u sheegtay sida ay ugu faraxsaneyd caafimaadkeeda.
Laakiin waxay dareemeysay in xilliga ay iyada farxadda ku jirtay ay iyaguna ka murugeysnaayeen dhimashada qofka qoyskooda ka tirsanaa.
Dabayaaqada sannadkii la soo dhaafay, xilligii munaasabadda Kirismaska ayey mar kale u qortay warqad ay ugu sheegeysay ineysan waligeed illoobi doonin nasiibka ay dartood ku heshay.
Balse waligeed wax jawaab ah kama aysan helin warqadaha ay u diri jirtay, mana aysan la yaabi jirin, waayo wey ogtahay xaqiiqda jirta.
Qofka beerkiisa loo galiyay waxay ahayd haweeney 60-ka sano ku dhex jirtay oo u dhimatay dhiig kar
XIGASHO:-BBC
"Sideen arrintan cajiibka ah ugu sheegaa qoyska qofkii dhimashadiisa darteed aan u noolahay"?
Ellie Lacey waxay qarka u saarneyd iney geeriyooto, iyadoo aad ugu baahneyd in beerka si deg deg ah looga baddalo. Hadda oo 2 sano ka dib ah, haweeneydan 32 jirka ah ee ka soo jeedda magaalada Cafdiff waxay noqotay Hooyo waxayna dooneysaa iney arrint