HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYS KA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 18-KA DICEMBAR 2018-KA

0
Tuesday December 18, 2018 - 10:26:19 in Wararka by
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYS KA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 18-KA DICEMBAR 2018-KA

    RA'IISUL WASAARE KHEYRE OO CABDI AADAN HOOSOW U MAGACAABAY WASIIRKA HOWLAHA GUUD Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto uu shalay soo saaray waxaa uu ku magacaabay xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, maal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARE KHEYRE OO CABDI AADAN HOOSOW U MAGACAABAY WASIIRKA HOWLAHA GUUD Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto uu shalay soo saaray waxaa uu ku magacaabay xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, maalin kaddib markii uu xilkaas iska casilay C/fataax Ibraahim Geesey. Magacaabidan oo aheyd mid degdeg ah ayaa waxaa xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska loo magacaabay Cabdi Aadan Hoosow oo horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Baay.

 

Arrintan ayaa u muuqata mid Xukuumadda kaga jawaabeyso xaaladaha ka jira Koofur Galbeed, kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada Federaalka ay ku eedeeyeen dowladda inay faragelin ku heyso arrimaha doorashada Koofur Galbeed.

Magacaabidan ayaa timid, xilli Ra’iisul wasaaraha uu safar dibadda ah ugu maqan yahay, iyadoo muuqata xilliga ay ku soo aaday inay tahay xilli xasaasi ah oo dowladdu ay wajaheyso qalalaase ka dhashay xariggii Mukhtaar Roobow iyo Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

C/fataax Geesey oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo xilka Wasiirka Howlaha Guud ku magacaabnaa muddo dhowr bilood ah ayaa ku tilmaamay sababaha uu isku casilay inay aheyd faragelinta ay dowladda ku heyso Maamulka Koofur Galbeed iyo xariggii Mukhtaar Roobow

8 SANO KA DIB MADAXWEYNIHII UGU HOR REYAY OO BOOQDAY SUURIYA

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan AlBashiir ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horeeyay ee booqda magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya tan iyo markii uu dalkaasi ka bilowday dagaalada sokeeye ku dhowaad 8sano ka hor.

Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in Madaxweyne AlBashir si weyn loogu soo dhoweeyay Gegida Diyaaradaha ,isla markaana uu soo dhoweeyay Madaxweyne Bishaar alAsad ka hor inta aysan labada madax u ambabixin qasriga Madaxtooyada.

Labada hoggaamiye waxa ay ka wada hadleen xiriirka labada dhinac,xaaladaha iyo rabshadaha ka dhexjira qaar ka mid ah dalalka Carabta,sida ay xaqiijisay Madaxtooyada Suuriya.

Madaxweyne AlBashir ayaa rajo ka muujiyay in sida ugu dhaqsaha badan uu u soo laaban doono kaalintii dalka Suuriya uu ku lahaa gobolka,wuxuuna xaqiijiyay dalkiisa in uu bixin doono taagero kasta oo muhiim u ah dalkaasi.

TALISKA MAREYKANKA EE AFRIKA OO SHEE GAY IN 62 ALSHABAAB AH UU KU DILAY DUQEYN

Taliska Mareykanka ee Afrika oo loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday duqeyn uu ka fuliyay deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose uu ku dilay 62 dagaalame oo ka tirsan AlShabaab.

War saxaafadeed uu soo saaray Taliska ayaa lagu sheegay in duqeymo dhacay Sabtidii iyo Axadii ay ku dileen lixdan ka tirsan dagaalamayaasha AlShabaab.

Labo duqeyn oo ka dhacday deegaanka Gendershe labo maalmood isku xigta, taariikhda marka ay aheyd 15 iyo 16 bishan December.

Duqeynta koowaad ayaa lagu sheegay qoraalka in lagu dilay 34 dagaalame, halka duqeynta labaad oo dhacday daraad lagu dilay 28 dagaalame.

Sidoo kale Taliska ayaa sheegay in dhammaan waqtiyada ay dhaceen duqeynta aanay jirin qof rayid ah oo ku dhaawacantay ama ku dhimatay.

Taliska Mareykanka Africom ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ay weeraradan qaadeen, si ay uga hortageen AlShabaab, soona abaabulaan weeraro deegaanada ay kaga sugan yihiin.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay AlShabaab oo ku aadan duqeynta ka dhacday deegaanka Gendershe iyo sheegashada Mareykanka ee ah in 62 dagaalame ku dilay, hase ahaatee inta badan AlShabaab kama hadlaan duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

DOWLADDA JABUUTI OO KORDHINEYSA TAAGEERADA AY SIISO SOMAALIYA

Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumad da federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Djibouti kula kulmay madax waynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka iyo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geellea yaa

ka wada hadlay xariirka walaaltini mmo ee labada dawladood iyo labada shacab, arrimaha gobalka, iyo amniga.

Mudane Mahdi Maxamed Guuled ayaa madaxwaynaha Djibouti uga mahadceliyey taageerada reer Djibouti la garab taaganyihiin shacabka iyo dawladda Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa intii kulanku socday ballan qaaday inay joogtaynayaan isgarab istaagga shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labad dawladood ayaa qayb ka ahaa kulanka ay yeesheen ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Djibouti.

DHAKHAATIIR SYRIAN AH OO LOO SOO DI RAY SOMALIA, SI AY BAARITAANO UGU SA MEEYAAN MAYDADKA LA GARAN WAAYO.

Dhakhaatiir u dhalatay dalka Syria oo loo soo diray Somalia, si ay baaritaano ugu sameeyaan maydadka la garan la’ yahay.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhakhaatiirta Takhasusiga eeCilmiga baaritaanadda iyo Aqoonsiga Maydadka ee dalka Syria, Dr. Zaahir Xamdu Xajow ayaa sheegay inay Somalia u xusheen inay Dhakaatiir u kala direen Somalia, si aytababar ugu qaataan Baaritaanka iyo Aqoonsiga Maydadka dadka Soomaalida ee la aqoonsan la’ yahay.

Dr. Zaahir Xamdu Xajow oo Wareysi siiyey Shabakadda Wararka Alwadan Online ee dalka Syria waxa uu tilmaamay inay Dhakhaatiir Tababar u kala direendalalka Somalia, Qubrus iyo Jarmalka, kuwaasi oo tababar ku qaadan doono baritaanka Hiddosidaha ee maydadka.

Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia u xusheen sababo la xiriirta iyadoo laga helayo tirada ugu ballaaran ee maydadka aan weli la aqoonsanin, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi tahay fursad lagu baranayo qaabka loo aqoonsan lahaa maydadkaasi.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Dhakhaatiir badan oo u dhashay dalka Syria ay ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo ka hawlgala Isbitaalladda Takhasusiga ee magaalladda Muqdisho iyo Isbitaalladda kale ee ku kala yaalla Goballadda dalka Somalia.

CALI XAAJI WARSAME: KULANKII BULSHADA GAROOWE EE HIMILADA MUSHARRAXA IYO HAMMIGA SHACABKA

Musharraxa xilka madaxweynaha Pun tland ee doorashada 2019ka, Cali Xaaji Warsame ayaa habeen hore la qaatay bulshada magaalada xarunta ah ee Garoowe kulan ballaaran oo loogu magac darray 'Himilada Musharraxa iyo Hammiga Shacabka'.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socday qaybaha bulshada,iyadoo dadka ugu badan ee soo buuxiyay hoolka jaamacadda bariga Afrika ee magaalada Garoowe ay ahaayeen ardayda wax ka barata jaamacadaha ku yaalla magaalada Garoowe.

Musharraxa Cali Xaaji Warsame, ayaa ugu horrayn kulanka ka jeediyay khudbad dheer oo uu ku soo bandhigay himiladiisa, waxaa kalo uu diiradda saaray waxyaabaha uu doonayo inuu xoogga saaro haddii uu xilka uu raadinnayo ee madaxweynaha Puntland ku guuleysto."2014 himilada aan shalay qabo ayaan qabay ,waxaan aaminsannaa Puntland inay badasho nidaamkii hore , dad aqoonyahan ah dhallinyaro ah ,khidbrad leh,han leh ,jeebkoodda ka weyn inay Puntland yimaaddan.. Dadkaas inay noqdaan kuwa tiirarka u taagaya maamul wanagsan oo Puntland ka hannaqaadaya,wixii dhimana garsiiya, himiladii Soomaaliyeed iyo midnimadii umadda Soomaaliyeedna ilaaliya". ayuu yiri musharrax Cali Xaaji.

"Waxaan aaminsannahay idinkuna aaminsantihiin himiladdaa shan sanno ka bacdi ineynan gaarin.. maxay tahay marka himilada cusub oo laga raba musharrax walba oo imaanaya anniga ha noq do,cid kale ha noqdo inuu Puntland garsiiyo ... Dad badan waxay ku qaldaan anigu waa inan guul eystaa ... anigu waxaan aaminsanahay inan anigu guuleysto muhim ma'aha, in la guuleysto illaaha yba qora qofna kaligii ma keeni karo ..Laakin waa muhim ah himilada iyo hamiga aan rabnay inay Puntland ka surtagalaan". ayuu raaciyay musharrax Cali Xaaji.

Warsame ayaa ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono kobacdhaqaale , maa reynta miisaani yadda,dhismaha ciida mmada , ladagaallanka musuqmaa suqa, islaxisaabtan dhab ah.

Waxa ugu horreeya ee sannadkiisa koowaad uu ka shaqeynayo doono ayuu ku sheegay sidii Puntland ay u gaari lahayd shacabku inay wax doortaan,waxaana uu inta ku daray in Puntland u bahan tahay isbaddel dhab ah oo ku qotoma cadaalad sinaan,mi dnimo iyo in qof kasta helo nabadg elyo caaf imaad iyo waxbarasho.

Khudbada musharraxa ayaa markii ay soo dhammaatay waxaa su'aalo wayd iiyay dadweynihii ka qaybgalay kulan ka , inta badan su'aalaha la waydiiyay musharraxa ayaa diiradda saaray waxa uu qaban doona ,iyadoo uu mid mid uga jawaabay su'aalaha uu na sheegay in loo bahanyahay hogg aamin sax ah oo uu la yimaado Madaxweynaha la doortaa.

Cali Xaaji Warsame, oo ka mid ah tobannaan musharrax oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland, ayaa kulankii habeen hore uu la qaatay bulshada Garoowe, waxa uu ka dhigay musharrixii ugu horreeyay ee dadweynaha si furan ula hadla, ugana jawaaba su'aalaha ay waydiiyeen.

KHASAARO XOOGAN OO KA DHASHAY DAGAAL DHEX MARAY XOOLALEY IYO BEERALEY

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa shalay soo saartay War bixin ay ku sheegtay in ka badan 3,600 oo qof lagu dilay Dagaaladaasi oo socday tan iyo sannadkii 2016kii.

Amnesty International waxay sheegtay in sannadkan oo keliya dalka Nigeria lagu dilay in ka badan 2,00 oo qof oo isugu jira Beeraley iyo kuwa Lo’da dhaqda.

Iska horimaadyadaasi oo mararka qaarkooda dhex mara Beeraleyda Muslimka iyo Xoolaleyda Kirishtaanka waxay sababeen inay Kumanaan qof noqdaan kuwo aan Hoy haysanin, kuna barakacay Colaadahaasi.

KOOXDA DAACISH OO SHEEGATAY INAY DAGAAL KU DILEEN XUBNO KA TIRSAN ALSHABAAB

Wargeyska Long War ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa sheegay inay Kooxda Daacishta sheegteen inay Dgaaalamayaasha Alshabaab dagaal kula galeen Tuulladda Biir Mirali oo ka tirsan Degmadda Qandala oo 75 KMdhanka Bari kaga toosan magaalladda Bosaaso ee Gobalka Bari.

Wakaalladda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee AMAQ NEWS AGENCY waxay sheegatay inay Maleeshiyadooda dagaalkaasi ku dileen 14 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigtay, balse ma jiraan Warar ka madax bannaan Daacish oo xaqiiji naya arrintaasi.

Qoraalka Wakaalladda Wararka Daacish ee AMAQ waxay ku shee geen inay Maleeshiyadooda ka hortag een weerar ay Alshabaab doonayeen inay ku soo qaadaan fariisimadda ay Daacish ku leeyihiin duleedka magaal ada Qandala, waa sida ay hadalka u dhigtay.

DAACISHTA-SOMALIAIska horimaadkaasi ayaa la sheeg ay inuu yimid, kadib, markii uu Warge yska Al Naba ee tab acsan Kooxda Daacish ka digay weeraro ay Alsh abaab ku soo qaadaan Maleshiya dda Daacish ee ka hawlgala qeybo ka mid ah Somalia.

Digniintaasi ayaa lagu sheegay inay jiraan cabsi Toos ah oo kaga imaan aya Dagaalamayaasha Alshab aab, iy adoo ay labada dhinac marar badan uu dagaal dhex maray tan iyo san nadkii 2014kii.

Dhinaca kale, Wargeyska Long War waxa uu qoray inay laga yaabo inay Kooxda Daacishta Somalia dagaalka ay kula jiraan Alshabaab ka taageeri karto dadaalka ay ugu jirto Daacish inay Maleeshiyo kaga qortaan B/afrka

R/WASAARE KHAYRE OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

rw Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib maalma uu booqasho iyo safar shaqo ku joogay dalka Qatar.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa intii uu joogay Qatar waxa uu la kulmay dhiggiisa iyo amiirka Qatar oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dawladood.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Qatar, Turkey, Japan iyo Kenya, waxa uuna khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar, isaga oo sidoo kale ka qayb galay madasha sannadlaha ah ee Dooxa.

Intii ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisu ay joogeen dalka Qatar, dawladaha Qatar iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo iyo isafgaradyo muhiim ah, iyada oo sidoo kale laga wada hadlay heshiis yadii horay u galeen labada dawladood.

Wasiirka isgaarsiinta, dekada iyo gaadiidka dalka Qatar oo kamid ahaa mas’uuliyiintii uu ra’iisul wasaaruhu la kulmay ayaa ballan qaaday in dhawaan la dhisayo dekadda Hobyo ee gobalka Mudug, iyada oo sidoo kale shirkadda Diyaaradaha Qatar ay shaacisay in july 2019 ay bilaabayso duulimm adyo ay uga kala gooshayso Muqdisho iyo Dooxa.

SACUUDIGA OO CAMBAAREEYEY QARAARKII MAREYKANKA

Sacuudi Carabiya ayaa ku gacan seertay qaraarka Aqalka Senateka Mareykanka ee ku baaqay in Mareykanka uu soo geba gebeeyo taageerada uu siiyo dagaalka Sacuudiga ee Yemen, islamarkaana dhaxalsugaha dalkaas ku eedeeyey dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga, ayaa lagu yiri "Boqortooyada waxay cambaareeneysaa qaraarka Aqalka Senateka Mareykanka oo saldhig looga dhigay eedeymo aan hubn eyn, waxayna diideysaa farogelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha”.

Riyadh ayaa ka digtay inaysan u dulqaadan doonin waxa ay ugu yeerya xushmad darro lagu sameeyo xeerarkeeda, waxayna ku sheegtay in qaraarkan uu farriin qaldan u dirayo dadka doonaya inay khilaaf ka dhex abuuraan xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka.

Aqalka Senateka Mareykanka ayaa toddobaadkii diidmo taariikhi ah u muujiyey dalka Sacuudi Car abiya oo muddo fog xulufo la ah Mareykanka, kadib markii uu ansixiyey laba sharci oo ka dhan ah.

Senateka ayaa meelmariyey qaraar ku baaqaya in Mareykanka uu soo gebagebeeyo taagee ridda farogelinta milatariga Sacuudiga ee dagaalka sokeeyey ee Yemen, iyo qaraar kale oo lagu cambaareynayo dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Labada qaraar ayaa diidmo qayaxan ku ah siyaasadda maamulka madaxweyne Trump oo doon ayey inaan la qaadin tallaabo dhaawici karta xiriirka wadashaqeyn ee Washington iyo Riyadh.

NIN SOMALI AH OO LAGU EEDEEYAY IN UU QARXIN LAHAA KANIISADDA UGU WEYN TALYAANIGA OO LA XIRAY

Nin Somali ah ayaa waxa bishan December 13dii lagu qabtay magaalladda Baari ee Koonfurta dalka Talyaaniga, kadib, markii ay Ciiddanka Khaaska ee Ladagaalanka Maafiyadda iyo Argagixisadda eedalka Talyaaniga ee loo yaqaano DDA ka duubeen Cod Telefoon isagoo dad kale la hadlayey, kuna baaqayey in miinooyin lagu wada xiro Kaniisadaha ku yaalla dalkaasi.

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA waxay galabta qortay in Ninka Soomaaliga laga duu bay Codad ay ka mid ahaayeen isagoo oranaya: " Aan bambooyin ku beerno dhamaan Kaniisadaha ku yaalla Talyaaniga Hakee ayey u taalla Kaniisadda ugu weyn. Ma waxay ku taalla gudaha maga alladda Rome”.

Eedeysanaha oo 20jir ah waxaa la qabtay bishan 13dii, xilli uu doonayey inuu ka baxsado magaalladda Baari.

Eedeysanahaasi Soomaali oo aan magaciisa iyo muuqaalkiisa weli aan la soo bandhigin waxay Ciiddanka Khaaska ee Boliska magaalladda Baari (DIGOS Special Security Police) rumeysan yihiin inuu xiriir la leeyahay Kooxda Daacishta ku sugan Somalia, isla markaana uu la xiriiri jirey mid ka mid ah Unugyadda Hawlgalka ee Daacish.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA waxay qortay inay Ciiddanka Dembib aarista Federalka Maraykanka ee FBI gacan ka geysteen Baaritaanka iyo dabagalka Ninka Soomaa liga ee ku eedeysan inuu qarxin lahaa Kaniisadda ugu weyn ee ku taalla caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome iyo kuwo kale.

XIGASHO: ANSA.IT

MAXAA LOOGA HADLAY KULANKII KHEYRE IYO MURSAL?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyreayaa xalay Magaalada Muqdisho gaar ah aan Xarunta Wasaaradda Tacliinta Sare kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Feder aalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii wada shaqeyn ay u dhexmari leheyd Xukuumadda Soomaaliya iyo waliba Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka dhaxe eyay Khilaaf.

Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka ,kuwaasoo wadda dhexdhexaadinta Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Far maajo oo Mooshin laga keenay.

"Waxa aan caawa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo aan ka wada hadalnay xoojinta wada shaqeynta xukuumadda iyo Golaha Shacabka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre

MAXAY TAHAY SABABTA DALKA LOOGA MAMNUUCAY HAY’ADDA UU MAAMULO MATT BRYDEN ?

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in guud ahaan Soomaaliya laga mamnuucay Hay’ add lagu Magacaabo Sahan ,taasoo ka shaqeysa Cilmi baarista,islamarkaana uu Madax ka yahay Matt Bryden oo u dhashay dalka Canada, kaasoo horay isku duwe uga soo noqday Kooxda Monitoring Group.

Waxyaabaha ugu weyn ee dalka looga mamuucay ayaa waxaa qeyb ka ah in ay Soomaaliya ka gudbin jirtay xoggo aan sax aheyn,taasoo in badan ay baaris ku waday Wasaaradda Amniga ee dowl adda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in hey’adda Sahan Research la ga joojiyay, lagana mamnuucay dhammaan wixii shaqo ay ka waday dalka, sababo la xiriira amniga qaranka, xasilloonida iyo Midnimada dalka.

Matt Bryden oo ah nin aad uga faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa dalka ka ceyriyay Ma daxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif sanadkii 2012 ka dib markii uu soo saaraywarbixin muran badan dhalisay oo Madaxdii hore ee dalka lagu eedeeyay inay musuq maasuq ku lug leeyihiin, hantiddana ay dhigtaan Bangiyo gaar ah.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO TAAGEERO WEYDIISTAY SIYAASIYIIN KU HEYB AH

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan qarsoodi ah dalka Kenya kula qaatay Siyaasiyiinta ku heybta ah ee ku jira dowladda Kenya oo ay ka mid yihiin Xildhibaano, Gudoo miyeyaal gobol iyo Waxgarad.

Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Gaarisa maalintii Axad aheyd ayaa siyaasiyiinta degaan kaasi ay taageero u muujiyeen, waxaana lagu waddaa in ay dowladda Kenya ay cadaadis ku saaran in uu sii heysto Kuriga Madaxweynimada maamulka Jubbaland.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in Axmed Madoobe loo ballaanqaaday taageero ku aadan doorashadda lagu waddo in ay Jubbaland ka dhacdo Bilaha Fooda nagu soo haaya.

Waxaa sidoo kale kulanka kasoo qeyb galay waxgarad si weyn looga yaqaano gobolka Waqooyi Bari,kuwaasoo si weyn looga xushmeeyo dalka Kenya.

Madaxweynaha Jubbaland waxaa saaran Caddaadis xooggan oo kaga imaanaya dowladda dhe xe ee Soomaaliya, waxaana jira Khilaaf ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.

BOGGA CAYAARAHA

SERGIO AGUERO OO LA OGAADAY XILLIGA RASMIGA AH EE UU SOO LAABANAYO

http://www.somaliweyn.org/wp-content/uploads/2018/12/5365-150x150.jpgLaacibka xulka qaranka Argentina Iyo Kooxda City Aguero ayaa seegay kulamadii ugu dambeeyay oo ay kooxdiisa ciyaarto kadib dhaawacyo soo gaaray xidigaan.

Sida ay haatan warinayaan wargeesyada ka soo baxa gudaha England Sergio Aguero ayaa diyaar u ah in kooxdiisa caawiyo asagoo ka soo kabtay dhaawicii soo gaaray waxa uuna qeyb ka yahay xidigaha City ee diyaarka u ah inay ciyaaraan kulamada soo aadan.

Aguero ayaa haatan lagu arkay liiska ciyaartooyda kooxda City kulanka ay la leeyihiin dhigooda Leicester city ciyaarta tartanka Carabao Cup heerkiisa quarter-final-ka. Sergio Aguero ayaa ka maqnaa kooxda Manchester City ilaa iyo shan kulan sido kale waxa uu ahaa badal aan la isticmaalin ciyaartii Evertone ay guusha ka gaareen.

Liiska Ciyaartooyda kooxda Man City diyaarka u ah kulanka Leicester City: Muric, Ederson, Walker, Danilo, Stones, Otamendi, Kompany, Laporte, Delph, Zinchenko, Gundogan, Fernandinho, Foden, B Silva, Sterling, Sane, De Bruyne, Mahrez, Diaz, F Nmecha, Aguero, Jesus.

City weli waxaa dhaawac kaga maqan xidigo muhiim ah sida David Silva Iyo daafac dambeedka bidix ee Benjamin Mendy.

ISKU AADKA WAREEGA 16-KA CHAMPIONS LEAGUE-GA OO GOORDHOW LA SAMEEYAY.

Waxaa hadda la sameeyay isku aadka tartanka Champions League-ga wareeggiisa 16-ka.

INTA BADAN KULLAMADII WAAWEYNAA EE LA FILAYAY AYAANAN SUURO GELIN.

Schalke vs Man City

Atletico vs Juventus

Man Utd vs PSG

Tottenham vs Dortmund

Lyon vs Barcelona

Roma vs Porto

Ajax vs Real Madrid

Bayern vs Liverpool

Haddaba isku aadka guud ahaan waa sida hoos kaa muuqata.

HAZARD OO SHEEGAY IN UU CHELSEA SII JOOGI DOONO

File photo dated 10-03-2018 of Chelsea's Eden Hazard.

Laacibka xulka Qaranka Belgium-ka iyo kooxda Chelsea Hazard ayaa lagu waday maalmihii la soo dhaafay in uu isaga tagi doono kooxda Blues maadaama uu dhowr jeer muujiyay Jaceylka uu qabo kooxda Chelsea.

Xidigaan ayaa habeen hore dhaliyay Gool sido kale waxa uu caawiyay goolka kale ee Chelsea ay dara ad guusha kaga qaadatay kooxda Btighton.

Hazard ayaa haatan waxa uu ku lug yeeshay 17-gool oo Horyaalka Egland waxa uu dhaliyay 8-gool halka uu caawiyay 9-gool kale tasoo ka badan dhamaan inta gool uu xillu ciyaareedki hore dhaliyay.

Eden Ayaa waxa uu sheegay in uu doonaayo in uu boqol gool u dhaliye kooxda Chelsea taasoo farxad gelisay taageeraayasha Blues maadaamo uu Doonaayo in taariikh sameeyo waxayna ka dhigeysaa in uu waqti badan sii joogo.

” waan ogahay waxaan ku dhawhay 100 gool balse ma ahan waxa aan doonaayo in aan maskaxdeyda ku mashquuliyo kaliya waxan diirada saarayaa qaabki aan kooxdeyda aan waqti badan oo guulo ah ula qaadan lahaa”

SOMALIA

CALAAMADA GANACSIGA - OGEYSIISKA GUUD

______________________

9728 CHEVRON & CHEVRON Design (Outline)


OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadaha ganacsiga ee kor ku xusan yihiin calaamadaha ganacsiga ee:

Chevron Intellectual Property LLC, a limited liability company organised and existing under the laws of the State of Delaware (U.S.A.) of 6001 Bollinger Canyon Road, San Ramon, California, 94583, United States of America

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Soosaarayaasha, qaboojiyaha mashiinnada, dareeraha ka hortagga uumiga ah ee nidaamka qaboojinta, qaboojiyeyaasha matoorada leh lidka korontada, xakamaynta anti-qaboojinta iyo guryaha kiciya; qaboojiyeyaasha, ka hortagga uurka, ka horjeeda ka horjeeda, dareeraha ka hortagga karkarinta ee qaabka isku dhafan; wax lagu daro shidaalka, nadiifinta shidaalka, nidaamka shidaalka iyo matoorada; dareerayaasha, dareerayaasha hiddaha, dareerayaasha nidaamyada gawaarida, dareerayaasha korontada, dareeraha gudbinta, dareeraha isku-gudbinta ee tooska ah, dareerayaasha baabuurta laga joojiyo iyo nidaamyada naaquska; dareeraha wax lagu shaqeeyo biraha; muraayadaha indhawareeraha; xoojiyay; daaweenta loogu talagalay isticmaalka kiimikada beeraha iyo herbicides; Kadeecada [caartu] saliidda iyo xayeysiinta; wax lagu daro iyo sidayaal loo isticmaalo jilciyeyaasha, saliidaha, miraayadaha, dhaymo, xargaha iyo balaastikada; fidiyaha iyo jilicsanaha for vesters and plastics; saliida, saliidaha, saliidaha warshadaha, saliidaha dufan iyo qufac, saliida macdanta, saliidaha la gooyey, saliida ka hortagga boodhka, cuntada macmacaanka fasalka; shidaal, gaasiin, gaaska propane.

OGAYSIIS WAXAA KA QAADAYayaa in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamadaha ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama si kale u jebiya xuquuqda shirkaddaas




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip