
Sawirro:-Dowladda Jabuuti Oo Kordhineysa Taageerada Ay Siiso Somaaliya
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Djibouti kula kulmay madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xariirka walaaltinimmo ee labada dawladood iyo labada shacab, arrimaha gobalka, iyo amniga.
Mudane Mahdi Maxamed Guuled ayaa madaxwaynaha Djibouti uga mahad-celiyey taageerada reer Djibouti la garab taaganyihiin shacabka iyo dawladda Soomaaliya.
Madaxweyne Geelle ayaa intii kulanku socday ballan qaaday inay joogtaynayaan is-garab istaagga shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.
Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labad dawladood ayaa qayb ka ahaa kulanka ay yeesheen ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Djibouti.
Sawirro:-Dowladda Jabuuti Oo Kordhineysa Taageerada Ay Siiso Somaaliya
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Djibouti kula kulmay madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle. Ra'iisul wasaare ku-xigeen