
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA JANNAAYO 2016-KA
Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shirka uusan ka soo bixin Warmu rtiyeed, isagoo intaa sii raaciyay in xafiiskiisa uu soo saari doono warmurtiyeedka shirkaasi kaddib marka uu tago Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaan ka, R/wasaaraha iyo Madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu soo waramayaa iney dhawaan ka soo ambabaxeen magaalada Kismaayo.
Shirkaasi madasha wadatashiga ee Afartii maalmood ee la soo dhafay ka socday ayaa waxaa ka soo muuqanayo rajo wanaagsan maadaama madaxda ka qeybgaleysay shirkaasi ay muujiyeen isu tanaasilid kaddib markii ay ka soo dabceen qodobadii la isku hayay ee markii hore lagu kala ara gti duwanaa
R.W. KUXIGEENKA OO KA QEYBGALAY MUNAASIBAD LAGU TAAGEERAYAY BARNAAMIJKA AADA DUGSIYADA.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa shalay ka qayb galay Munaasibad Balaadhan oo ka dhacday Daljirka Dahsoon, taas oo taageero loogu muujinayey hourmarinta Barnaamijka Aada Dudgsiyada (aada Iskoolka).
Ugu haroyntii Ra’iisul ku xigeenka Dalka ayaa ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed iney u istaagan xoojinta iyo adkaynta Qorshaha Aada Dugsiyada oo ay ka faa’iidaysteen shan dugsi oo qaarkood ay ku jiraan Caruur Agoon ahi.
"AfSoomaligu wuxuu soo maray marxalado kala duwan, shalay waxaa wax lagu faano ah in dalka uu ka hirgalay Barnaamijka Aada Dugsiyada oo ay ka Faa’iidaysteen Caruur badani, waxaan si gaara ugu mah ad celinayaa Waalidiinta Ubadkooda uga faa’iideeyay, xukuumada waxa ka go’an horumarinta afka hooyo” ayuu yidhi Mudane Carteh.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Waxbarashada oo uu ku amaanay hirgelinta Barnaamijka Aada Dugsiyada, wuxuuna taageeray go’aanka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ahaa in la joojiyo boodhadhka lagu qorayo afafka qalaad.
Munaasabado lagu xusayo maalinta Farsoomaaliga ayaa lagu qaban doono dhamaan dalka oo dhan 21 Jan, 2016, taas oo noqonaysa sanad guuradii 43 ee ka soo wareegtay xiligii la asaasay qoraalka Afsoom aaliga oo soo maray marxalado kala duwan.
ASKARTII KENYA KAGA DHAAWACMAY WEERARKII CEELCADE OO LA GEEYAY NAIROBI
Ciidamada Kenya ee lagu dhawaacay weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen jimcihii la soo dha afay deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo ayaa laga dejiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi si halkaasi loogu dabiibo.
AlShabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi CeelCadde ay ku dileen askar badan oo ka tirsan kuwa Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta, balse dowladda kenya ayaa arrintaasi Beenissay.
Inkastoo Dowlada Kenya si rasmi ah ugu dhawaaqin tirada rasmiga ee kaga dhintay weera rkaasi ayaa hada ururka Alshabaab waxay sheegteen iney dileen in ka badan100askari oo Kenya ah.
Garoonka diyaaradaha ee Wilson ee magaalada Nairobi ayaa waxaa waxaa gaartay gaaray diyaaradii siday dhaawac ka tirsan askartii Kenya ee weerarkaasi ku soo dhaawacantay.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kenya oo ay ka mid tahay wasiirka difaaca Kenya haweeneyda lagu magacaabo Rachael Omamo ayaa ku sugan garoonkaasi si ay u soo dhaweeyaan askarta dhaawaca ah.
Rachael Omamo, wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in dowladda marka hore ay la xiriiri doonto qoysaska askarta weerarkaasi ku dhimatay.
Waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada Kenya ay wali dagaal kula jiraan dagaalyahanada AlShabaab si ay uga soo badbaadiyaan ciidamada ay nolasha ku qabteen haddii ayba jiraan.
Kenya ayaa ku adkeysatay in asyan ciidankeeda kala soo bixi doonin Soomaaliya tan iyo inta laga xoreynayo AlShabaab gudaha Soomaaliya.
Dhanka kale, kooxda AlShabaab ayaa sheegtay in ay nolasha ku hayso tiro ka tirsan askarta Kenya, kuwaasi oo la qabtay kaddib mArkii sida ay sheegeen ciidamo ka tirsan guuto ay ugu magac dareen guutada Saalax Nabhaan ay saldhigga Kenya weerareen.
DUQA MUQDISHO OO AMRAY BOORARKA AFKA QALAAD AY KU QORAN YIHIIN IN AFSOMALI LAGU BEDELO
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa amar uu soo saaray waxa uu ku sheegay inay muhiim tahay sare u qaadista Afka Somaliga.
Waxa uu amray dhamaan Boorarka ku yaallo magaalada Muqdisho ee afafka qalaad ay ku qoran yihiin in lagu bedelo afka Somaliga oo qoraalka laga dhigo.
Tani ayuu sheegay inay muhiim u tahay sare u qaadista afka Somaliga iyo qiimaha Bulshada uu la leey ahay, maadaama dadka ku nool caasimada ay yihiin Somali.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayay Shalay isu soo bax ka dha cay Fagaaraha Daljirka Daahsoon ayaa waxaa uu sheegay in amarkaasi uu soo rogay maamulka,waxaana uu Ganacsatada ugu baaqay in ay amarkaasi u dhego nuglaadaan.
Guddoomiye Yuusuf ayaa sidoo kale Ciidamada amaanka amar ku siiyay in ay u howlgalaan fulinta amarka maamulka Gobolka Banaadir uu ku mamnuucay Boorarka ku qoran Laatiinka ee aan ahyn Af Sooma aliga.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yaallo Boorar badan oo ay ku qoran yihiin afafka qalaad.
DANJIRAHA MARAYKANKA EE SOMALIA OO AAN KA HAWLGELI DOONIN MUQDISHO
Hadal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Danjiraha cusub ee Maraykanka ee dhawaan loo soo magacaabay dalka Somalia, Stephen Michael Schwartz inay isaga iyo Ergadda Diplomaasiyiinta la socota si KMG ah uga hawlgeli doonaan Safaaradda ay Maraykanka ku leeyihiin caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
STATE DEPT. 1Bayaanka ayaa lagu sheegay in sababo dhinaca Ammaanka uusan haatan Sa fiirka uga hawlgeli karin magaalladda Muqdisho ama guud ahaan Somalia, sababo la xiriirta dhinaca Ammaanka.
Bayaanka waxaa kaloo lagu fasiray in soo magacaabista Danjire Stephen Michael Schwartz lo oga dan leeyahay sidii caadi looga dhigi lahaa Xiriirka Diplomaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalka Somalia oo ku yaalla deegaan Istaraatijiyad u ah Gacanka Carbeed iyo Geeska Afrika.
Bishii Janaayo ee sannadkii 2013kii, ayey Dowladda Maraykanka ku dhawaaqday inay aqoonsan tahay Dowladda Federalka Somalia, iyadoo uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykan ka, John Kerry booqasho 3 sacaadood ah ku yimid magaalladda Muqdisho bishii May ee sannadkii hore. Dowladda Maraykanka waxay Taageero Diplomaasiyadeed, mid Dhaqaale iyo mid Milliteri si iyaan Dowladda Federalka iyo Hawlgalka Nabadilaalinta ee AMISOM.
IIRAAN OO SHEEGTAY INAYSAN SOMALIA IYO JABUUTI KA MAARMI KARIN TAAGEERADDA IYO GANACSIGA IIRAAN.
Agaasimaha Maareynta ee Golaha Iskaashiga Dhaqaalaha ee Iiraan iyo Afrika (The manag ing director of Iran and Africa Council for Economic Cooperation (IAECC), Hassan Khosrowjerdi ay aa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Tehran Times ee ka soo baxa dalka Iiraan, wuxuuna tilmaamay inaysan wax Walaac ah ku haynin Afarta Dowladood ee Afrikaanka ee xiriirka Diplomaasiyadeed u jaray dalkiisa, kuwaasi oo kala ah Somalia, Jabuuti, Sudan iyo Jesiiradaha Komoros.
Mar wax laga weydiiyey Miisaanka Diplomaasiyadeed ee Go’aanka Dowladda Somalia, waxa uu tilmaamay inaysan Somalia lahayn Dowlad Dhexe oo xoog badan, isla markaana waxay sii wadaan baahida ay ku tiirsan yihiin Dowladda Sacuudiga, waa sida uu hadalka u yiri.
"Xiriirkeenna Dhaqaale ee aan la leenahay Somalia waxa uu inta badan ahaa ku dhisnaa Ganacsatadda Soomaalida ee Ganacsiga ka sameysa dibedda Somalia” ayuu yiri, wuxuuna intaasi ku daray inay wax dabiici tahay inay Somalia xiriirka u jartay Iiraan, si ay Sacuudiga uga helaan Taageero Dhaqaale.
Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku xusay inuusan jirin xiriir Dhaqaale ee toos ah oo ay la leeyih iin Somalia, sababo uu ku micneeyey Walaaca dhinaca Ammaanka Somalia.
Dhinaca kale, Agaasimaha Maareynta ee Golaha Iskaashiga Dhaqaalaha ee Iiraan iyo Afrika (The managing director of Iran and Africa Council for Economic Cooperation (IAECC), Hassan Kho srowjerdi waxaa wax laga weydiiyey Go’aanka Dowladda Jabuuti ku jartay Xiriirkii Iiraan, waxa uu Jabuuti ku tilmaamay Bakhaar Weyn oo Ethiopia ku kaydsato Badeecadaha ay ka soo iibsadaan Iiraan, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan Jabuuti Istaraatijiyad muhiim ah u lahayn Dowladda Iiraan, isla markaana uu rajeynayno inay Dowladda Ethiopia culays saari doonin Dowladda Jabuuti, waa sida laga soo xigtay.
Ugu dambeyntii waxa uu Mas’uulkaasi sheegay inaysan Dowladaha Somalia iyo Jabuuti ka maarmi karin Taageeradda iyo Ganacsiga Iiraan.
SOMALILAND: SADDEX QOF OO SHALAY SUBIXII QISAAS LAGULA FULIYAY DEEGAANKA MANDHEERE EE GOBOLKA SAAXIL..
Saddex ruux oo lagu eedeeyey inay geysteen dilal, ayaa shalay lagu qiyaasay deegaanka Mandheera ee gobolka Saaxil ka dib markii maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.
Saddexdaan ruux ayaa waxaa ku jiray laba qof oo is dhalay wiil iyo Hooyaddii, kuwaasoo dhowaan haweenay magaceedda la odhan jiray Ruqiya Siciid Ayaanle nolosha ku Duugey, isla markaana Guri dhex dii lagu dhex aasay, waxaanay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, wax aana shalay subixii lagu fuliyey haweenaydan iyo inankeeddu qisaas, madaama oo si wada jir ah u dileen gabadhaasi.
Ciidamada Ammaanka ayaa shalay subixii goob Fagaare ah oo ay joogeen eheladda Ruqiya Siciid Ayaanle oo uu ku toogtay deegaanka Mandheera ee Gobolka Saaxil. sida uu Warbaahinta qa ar u xaqiijiyay xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo yihiin marxuumad Ruqiya siciid Ayaanle .
Sidoo kale, Nin ka saddexaad ee la dilay ayaa isagana loo haystay dil uu u geystay sarkaal ciidammo ka tirsan oo uu dhawaan toogtay, waxayna isku noqonayaa dadka shalay subixii qiyaasta lagu fuliyay saddex ruux.
Haweenayda shalay la dilay ayaa gurigeeda ku aastay marxuumad la sheegay in ay deyn ku lahayd, waxaana falkaas ku lug yeeshay ubad ay dhashay, iyadoo saddex caruurteeda ka mid ahi la gu helay dambiyo kala duwan oo dilka haweenayda ah. Wuxuu ahaa fal si weyn looga argagaxay islamarkaana ahaa mid fool xun oo bulshada fajac galiyay.
Ugu dambeyntii, Maalmo ka hor ayaa iyaguna sidaan oo kale Qisaas lagu toogtay Afar qof, wa xayna isku noqonayaa toddoba qof oo todobaad gudihii lagu fuliyo xukunka Islaamka ee ah in qofkii qof dila isna la dilo.
DAD BADAN OO LAGU LAAYAY GUDAHA SUURIYA
Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa dhacay kaddib markii dagaalyahanada la baxay Dowladda Islaamiga ah ay dabayaqaada todobaadka weerrar ku ekeeyeen deegaan ay gacanta ku hayso dowladda oo ku yaal daafaha magaalada Deyrul Zuur.
War ayaa sheegaya in boqolaal qof ay afduubteen kooxda IS, halka warbaahinta qaranka ee Suuriya ay sheegayso in xasuuq uu halkaasi ka dhacay.
Hasayeeshee kooxaha kale ee mucaaradka ayaa warka dowladda su'aal galiyay, iyagoo she egay in aanay jirin dil wadareed ama afduub.
Hay’adda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya ee uu fadhigeedu yahay Britain ayaa sheegtay in 135 qof lagu dilay weerrarka.
Hay’addu waxa ay sheegaysaa in 400 oo xubnood oo ka tirsan qoysas ay afduubteen kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah, dadkaasi oo ay u kaxaysteen magaalada ay ku xooggan yihiin ee Raqqa.
Warbaahinta qaranka Suuriya ayaa sheegtay in 300 oo qof la dilay, dadkaasi qaarkood ayey warbaahintu sheegtay in madaxa laga jaray halka kuwa kalana la daldalay.
Haddii la xaqiijiyo, waxa ay noqonaysaa mid ka mid ah gaboodfalladii ugu xumaa ee ay IS ka fuliso gudaha Dayrul Zuur, halkaasi oo in ka badan sanad lagu dagaalamayay.
Hasayeeshee mucaaradka ku sugan magaalada ayaa diidan tirada ay dowladdu sheegatay.
Mid ayaa BBCda u sheegay in kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah ay deegaanka Baghiliya ee beeraleyda ah ee u dhaw magaalada la tageen liis ay ku qoran yihiin dagaalyahano ga can saar la leh dowladda.
Mucaaradka ayaa sheegaya in ay xireen ku dhawaad 20 qof oo qaarkoodna ay dileen.
Qofkaasi ayaa sheegaya in qaar ka mid ah qoysaska ay hareereeyeen maleeshiyada Kooxda Dowladda Islaamiga ah oo ay meelkalana u qaateen, hasayeeshee aanay xaaladdu gaarsiisnayn sida ay ku sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya.
Ciidammada dowladda ee baritaarayaan duqeymaha cirka ee Ruushka ayaa haatan lagu soo warramayaa in ay qaadeen dagaal rogaal celin ah oo ay dib ugu qabsanayaan deegaanka.
ALSHABAAB OO SHEEGTAY INAY NOLOSHA KU QABATAY 12 ASKARI OO KA TIRSAN CIIDAMADA KDFTA KENYA.
Alshabaab ayaa Bayaan ay soo saartay ku sheegay inay Nolosha ku qabatay 12 Askari oo ka tirsan Ciidamada Millateriga Kenyan ah, kuwaasoo ay sheegtay inay ku qabatay weerarkii ay ku qaa day saldhigga AMISOM ee deegaanka Ceelcadde.
Xarakada Alshabaab ayaa bayaankeeda ku sheegtay in tirade dhimashada ciidanka Kenya ay gaartay100Askari, inkastoo aysan weli xukuumadda Kenya si rasmi ah u shaacin tirada ciidamada lo oga dilay weerarkii saldhgga deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo.
"Weerarkii saldhigga Ceelcadde ee Jimcihi dhacay waxaan ku qabannay 12askari oo nool oo ka tiran ciidamada millateriga Kenya. Tirada ka dhimashada Askarta Ciidanka Kenyana waxay gaar tay 100 Askari,” ayaa lagu yiri bayaanka, waxayna kooxdu xustay in dagaalkan uu ahaa mid kii ugu khasaaraha badnaa ee ay u geystaan ciidanka Kenya ee Soomaaliya ku sugan.
Sidoo kale, Alshabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay fuliyeen Guutada Saalax Nabhaan uuna howlgalkaas ahaa mid si guul leh kusoo dhammaaday, laakiin ma sheegin khasaaraha dhan kooda kasoo gaaray dagaalka.
Dhanka kale, goobjoogayaal ku sugan deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ayaa iyana dhankooda warbaahinta u sheegay inay arkeen Maydadka Ciidammo dhinacyadii Dagaalku dhexm aray, kuwaasoo qaarkood yaallay afaafka saldhigga la weeraray.
Ugu dabmeyn, Hadalkaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay Alshabaab ku sheegato in ay ku hayso gacanta maxaabiis ka tirsan ciidamada millateriga Kenya ee ay ku weerareen deega anka Ceelcadde.
Xigasho hiiraan.com
MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO DIB U DAYACTIR KU SAMEYNAYA BUUNDADA VIA UGANDA
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa
Shalay dhagax dhigay Buundada Via Uganda ee kala qeybisa Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waa beri oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.
Buundadaan ayaa waxaa dhismaheeda iska kaashanaya Maamulada Degmooyinka Xamar Jaj ab iyo Waaberi oo taageero ka helaya maamulka Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Eng Axmed Cismaan Dhoore iyo sidoo kale Gudoomiy aha Degmada Waaberi Xaawa Maxamuud Cali " Xaawa Kiin” oo si wadajir ah Warbaahinta ula ha dlay ayaa sheegay iney diyaar u yihiin shacabka labada Degmo iney ka qeyb qaataan dhismaha Bu undada Via Uganda.
Sidoo kale Waxaa dhagax dhiga ka dib la hadlay Warbaahinta Gudoomiyaha Gobolka Banaa dir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Gobolka loogu baahan yahay iney dhistaan Wadooyinkooda iyo buundooyinka.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dalalka Caalamka ay ahmiyada koowaad siiyaa buundoyinka, shacabka Gobolkana loogu baahan yahay iney ku deysadaan.
DAWLADAHA WADAMADA CARABTA OO TAAGEERO U MUUJIYEY AMISOM IYO DAWLADA SOOMAALIYA.
WarSaxaafadeed Ka Soo Baxay Wasaaraddaha Arrimaha Dibada Wadamada Masar, Jordan, Sacuudiga Iyo Yeman Ayaa Waxaa Taageero Balaaran Loogu Muujiyey Ciidanka Amisom Iyo Dawl ada Somaaliya, Waxaana Dawladaha Wadamada Carabta Ay Si Wadajir Ah u Cambaareeyeen Wee rarkii Dhimashada Badnaa Oo AlShabaab Ay Ka Geysteen Jimcihii Lasoo Dhaafay Deegaanka Ceel Cade Ee Gobolka Gado.
WarSaxaafadeedka Kasoo Baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Dawlada Masar Ayaa Ugu Horeyn Waxaa Si Xoogan Loogu Cambaareeyey Weerarkii CeelCade, Waxaana Dawlada Masar Ay Sheegtay In Ay Garab istaagi Doonto Dawlada Soomaaliya Iyo Ciidanka Amisom.
” Masar Waxay Garab Istaageysaa Dawlada Federaalka Soomaaliya Iyo Amisom Waxaana U gu Baaqeynaa Dawladaha Caalamka In Ay Sii Kordhiyaan Taageeradooda Si Loo Wiiqo Awooda Kooxaha Argagaxisada”, Sidaasi Waxaa Lagu Yiri WarSaxaafadeed Kasoo Baxay Wasaaradda Arr imaha Dibada Masar.
Xarakada AlShabaab Ayaa Kal Hore Sheegatay Mas’uuliyada Weerarkii Lagu Qaaday Saldhig Ciidamada Kenya Ay Ku Lahaayeen Deegaanka Ceel Cade Ee Gobolka Gado, Waxaana AlShab aab Ay Sheegtay In Weerarkaasi Ay Ku Laaysay Askar Badan Oo Kenya Ka Tirsan Waxaana Dawla da Kenya Ay Ku Hanjabtay In Ay Jawaab Ka Bixin Doonto Weerarkaasi.
BOGGA CAYAARAHA
LIONEL MESSI OO U HIBEEYAY ABAALMARINTIISA BALLON D’OR TAAGEERAYAASHA CAMP NOU.
Leo Messi ayaa u hibeeyay abaalmarintiisii shanaad ee Ballon d’Or taageerayaasha kooxda Barcelona ka hor inta aysan bilaabanin ciyaartii Athletic Bilbao ee Camp Nou xalayto. Lix maalmood ka dib markii loogu codeeyay xiddiga sannadka adduunka, Messi ayaa garoonka Camp Nou la soo galay abaalmarintiisii ugu danbeysay, halka taageerayaasha ay iyagana boor weyn oo ay ugu hambalyeeynayaan halyeegooda ay soo bandhigeen,
"Hambalyo Leo MESSI5” ayaa ku qornaa boorka iyo sawirka ciyaaryahanka iyo shantii abaalm arin ee uu ku guuleystay 2009, 2010, 2011, 2012 iyo 2015.
Iyadoo taageerayaasha ay sarre joog ahaayeen islamarkaana ay u sacbinayeen xiddigooda No 10 islamarkaana ay magaciisa ku heesayeen, Messi ayaa sarre u qaaday abaalmarintiisa isla markaana u hibeeyay taageerayaasha ka hor inta uusan sawir la gelin asxaabtiisa kooxda.
MESUT OZIL TAAM MIYUU U NOQON DOONAA KULANKA CHELSEA? ALEXIS SANCHEZ XAALKIISA WAA SIDEE? SU’AALAHAAS WAXAA KA JAWAABAY ARSENE WENGER.
Arsene Wenger ayaa sheegay in dhaawaca cagta ah ee u diiday inuu Mesut Ozil ciyaaro kul ankii ay Arsenal barbaraha goolal la’aanta ah kala kulantay kooxda Stoke City inuu yahay mid waqti kooban ah.
Xiddiga Jarmalka ayaan la safrin kooxdiisa kulankii Britannia Stadium ee kooxda Mark Hughes taasoo keentay in walaac laga qabo taam ahaanshihiisa.
Si kastaba, Wenger ayaa haatan shaaca ka qaaday inuu filayo in Ozil uu si dhakhso ah uga soo laabto dhaawaciisa, waxaana uu filanayaa inuu soo laabto kulanka isbuuca danbe ee London derby ee ay la ciyaarayaan kooxda Chelsea.
"Mesut waxa uu dhibaato ka qabay cagtiisa, barar ayaa jiray, laakiin waa mid waqti gaaban ah” ayuu Wenger u sheegay Sky Sports.
"Waxa uu soo laaban doonaa isbuuca danbe.”
Alexis Sanchez ayaa isna ka maqnaa kooxda Arsene Wenger xitaa kursiga keydka ma uusan soo fariisanin waxaana uu tababaraha reer France sheegay inuusan dooneynin inuu garoonka kula soo degdego xiddiga reer Chile madaama uu waqti dheer dhaawac ku maqnaa.
CASHARKII (26AAD) HABKA CILMIBAARISTA
(RESEARCH METHOD)
Qorista iyo Dib u Eegista Qoraaladii Hore (Writing Literature Review) Intiinii la socotay ca sharkii 25aad waxaan kaga hadalnay in la soo xigto article lagu qoray Jaraa’id Tacliimeedka (Aca demic Journal) ee aan la soo xigan jaraa’idka maalin laha ah, Tv iyo radiyaha.
Casharkan waxaan uga hadli donaa sadax arin oo laga eego articles ka inta aanan la soo xi gan, waxayna kala yihiin: Muunad (sampling), Cabirka (Measuring) iyo qeexida dhibka (Problem Identification) waxaan isku dayi donaa in aan tusaaloyin soo qaato, si ay u fududaato fahanka casharka.
Marka laga hadlayo muunada (Sampling), cilmibaarayaasha intooda badan waxay soo qataan shaqsiyaad kooban, kadibna natiijada cilmibaarista waxay ku dabaqaan guud ahaan shacabka. Waxaa dhacda mararka qaar in cilmibaaraha uu sameyo muunad eex ah (bias sampling) oo aanan matalin dhamaan shacabka loo baahnaa. Tusaale, professor jaamacadeed ayaa waxaa uu amba qaaday cilmibaaris waxaana uu adeegsaday ardayda class ka uu u dhigayay oo kaliya ama waxaa uu email ku diray su’aalihi cilmibaarista (questionnaire) waxaana email ka soo jawabay oo kaliya 30%. Professor ki waxaa uu sheegtay in cilmibaaristisu ay taagan tahay guud ahaan. Muunada (sa mple) nuucaas ah looma qaadan karo guud ahaan (population). Hadaba cilmibaaraha rabo in uu soo xigto qoraaladii hore, waxaa looga baahanyahay in uu ka digtoonaado qaladaadka macquulka ah ee ku jiro qoraalada la soo xiganayo, waa in aad is waydiso xad intee la eg ayaa la isku haleen ka raa muunada nuucaan ah xogta laga soo helay.
shafie ResearchTusaalaha Labaad, cabirka (measurement) waxaa jiro qabab badan oo kala duwan oo cilmibaarayaasha xogta u cabiraan. Mid walibane waxa uu yeelan karaa eedeemo gaar ah ama dhaliilo. Waxaa haboon in la soo xigto article isticmaalay cabirka ugu macquulsan. Tusaale: daarasad ayaa waxay doonaysaa in ay ogaato in arday jaamacadaha ay daroogis sida xashiishka ay ku dhex isticmalaan degaanka jaamacada (hostel/campus) hadaba cilmibaaraha ayaa waxaa uu ist icmalay su’aalo ay ardaya ka soo jawaabaan (selfreport questionnaire).
Xitaa hadii arday loo balan qaado in arintaas ay tahay (confidential) oo cidna la oganayn, ma donayaan in ay shegaan, maxaa yeelay waxay ogyihiin in sharci darotahay in la cabo xashiis, ha dane lagu cabo goobti waxbarashada, marka ma doonayaan in ay cidna ogaysiyaan oo qoraal laga helo cadaynayo in ay isticmalaan daroogis. Habkee kale ayaa lagu oganaakaraa? Hadii cilmiba araha uu adeegsado waraysi (interview) waxay u bahan tahay in qofwaliba uu yiraahdo ma istimaalo xitaa hadii uu isticmaalo mar mar. Waxayna u badan tahay dadka target ka ah ay diidan in ay ka qayb qataan waraysiga, ayaga oo aaminsan in si gaar ah loo doortay oo ay yihin bartilmaameed.
Habka kale ee la isticmaali karo waxaa uu noqon karaa (convert observation) cilmibaaraha waa uu is qarinaa oo waxaa uu dhaxgalaa ardayda wax walibane waa uu la samaynaa si uu ugaado xaqiiqda. Taasi waxay noqon kartaa mid aan sharciga waa faqasanayn (unethical) marka laga hadlaayo cilmibaarista. Habka kale ee lagu cabarikaro, waxay noqon kartaa in lagu sameyo indho in dheen iyo u kuurgalid (observation) balse, hadii ay ogyihiin in kor lagala socdo, way ay badalayaan dhaqankooda, maxaa yeelay waxay ogyihiin in la isku daba jiro oo la ogaanayo waxa ay sameyan, marka wixi ay isticmaali lahayeen ma isticmalayaan.
Sida ka muuqato tusaalaha habkasto ee la istimaalo waxaa uu yeelan karaa dhaliishiisa. Hadaba cida qorayso (literature review) ayaa looga baahan yahay in ay ogato qaladaadka macq uulka ee la xiriiro habka loo cabiray daraasada. Is waydii habka (method) la isticmalay daraasada ma yahay midki ugu ficnaa? Cilmibaaraha ma isticmaalay wax ka badan hal cabir? Hadii uu istic maalay wax ka badan hal hab, natiijada halmeel maku soo wada ururtay? Cilmibaaraha ayaa laga doonay in uu turxaanbixiyo oo soo xigto warbixino tayo leh oo la isku haleen karo.
Tusaalaha Sadaxaad, qeexida dhibka (problem identification) cilmibaarayaasha inta badan waxay baaraan qayb ka mid ah dhibka jiro weliba in yar oo kooban. Tusaale: cilmibaare ayaa doona yo in uu baaro sida abaalmarinta ardayga lagu siiyo class dhaxdiisa ay u tahay wax ku ool una dhiira galiso hal abuurka. Marka ugu horayso moduuca waxaa uu muqdaa mid la mamuli karo oo la baari karo. Lakin waxay su’aal ka imaankartaa, waxaa jiro nuucyo badan oo abaal marino ah iyo heerar kale sareyo oo abaal marino ah. Hadaba daraasada la soo xiganayo maxay tahay nuuca abaal ma rin ay baarayso? Waxaa kale oo la is waydin karaa, waxaa jiro habab kala duwan oo lagu qeexo hal abuurka. Hal abuurka waxaa uu noqonkaraa (farshaxanka, cayaraaha, science, jilista, iwm) si lamid ah waa in la ogaado qoralaaga nuuca hal abuur ee daraasadu baarayso.
Ugu danbeynti, qoraaga (literature review) qorayo waxaa looga bahan yahay in uu faaqido oo uu turxaanbixiyo, qoraalo iyo cimibaaris kala duwan, waxaa kale oo looga baahan yahay in dhibaat ada ay soo bandhigeen articles kala duwan si siman loo qeexo. Waa muhiim in la eego natiijooyinka kala duwan ee cilmibaarista kala duwan, waana in laga eego natiijooyinka in ay yihiin (consistency) ama isku dhawiyihiin.
Ogow cilmibaare kasto dhibtaada si kaduwan midka kale ayuu u qeexaa. Sababtuna waxay tahay cilmibaaraha waxaa laga donayaa in uu keeno cadeen dhibaatada cilmibaarista, taasina wax ay xadidaysaa (scope) daraasada. Waxaa muhiim ah in cilmibaaraha uu isu keeno qoraalo badan, kadibna uu ogaado, qoraalkee wax ka maqan yihiin?, qoraalkee warbixin badan laga hayaa?, qora alkeese si fiican loo sharaxin? Marka uu intaas ogaado cilmibaaraha way u fududanaysaa in uu helo meesha banaan ee buuxiska u baahan.
Waa soo diyaariyay
Dr. Shafici Sharif Mohamed fayosom@hotmail.com
xigasho.jowhar.com
NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARTAXIYAAN {SHEEKOTAXANE AH}
Q/66aad
Dhowr jeer ayaan ku hamiyey inaan qorys cusub dhiso, waysa ii ahaan weysay waxaana markasta aan is weydiiyaa ma dabcoga gabdhaha xamar cadde jooga ayaa xun, mise calafkeyga tii uu iigu dhici lahaa ayaan weli dhalan, xula shadeyduse waxaa ey aheyd Gabar Maarriin dhalaal xiga ah, dhererkeeduna uu yahay meel dhexaad , xagga asluubte eduna wax I dheer.
Waxaad tahay walaaleey gabadhii indhaheyga iyo qalbig eyguba ay cadaamadeysteenigu oran erayo igu abuura qalbi jab aan mar kale kuugu hawoonwaayo .
Waa yaabema waxaan kasban waayey qalbiga gabdha aan raboin aan hanto mise ubixii kalsoonida ayaan weli miro dhalin? .
Mafteyda waxaan ku qanciyo garan waayey, laakiinsamir baan iska kaashanayaa, illeynwaa tii la yiri {Qofkii Sabraa Se dkiis hela } iyo {Samirku waaFuraha Farajka}, waana dhib aan la qeybsado dhallinyarada Guur Doonka ah ee ayna igeyga oo kale ah IlaahoowHoodadaada badan wax igu sii adaade eqda baxshee.
XulBeella Abbaayo Macaan Nasiibku waa hadiyada jace ylka , ubax walboo qurux diisuu ku deeqdana mar bay caleen tiisu dhacdaayoo uu qurux beelaa , hadalkeeyga ugu danb eeyana waa {Qalbbi wax jecel Ma Quusto} iyo {Qalbbi laba uma Qeybsamo}, Ogoowna inaan mar walba hibaaqeyga ku gu haayo, daqiiqadna aan ku illobin, kuna seexdo, kuna soo tooso waxaana kaa sugayaa waa jawaab miidda malabka ka macaan oo qalbigeyga farxad ku beerta , kuna oo ku dhibi cdo kuna dhaalsho{ By Salaamaad Xulbeella}
Shalay waa malin jimco ah waana maalintii ey Bushra iyo Saaxiibteed Raxma ey ku ballansanaayeen bannaan ka tiyaatarka waa aroor hore , Bushra waxaa ay ka soo toostay sariirteedii dabadeedna inta ey weysqaadatay ayey dukatay salaaddoo subax ee uu alle SWC ku lahaa , Salaaddii ka dib waxaa ey u dhjaqaaqday qolkeedii fadhiga, waxaa ey iska far iisatay kursi hareeryeeda yiillay,dabadeedna Buug sheeko ah oo miiska horteeda yaalay dul saarnaa ayey lacday ka dibna ay soo qabsatay inyar ka dibna aqris bay kula dhqaaqday sa acado markii ay aqrisaneysay ka bacdi buuggii ayey iska lab tay, inta firash goobta ku dhawaa ku fariisatay bayna dhacdi id ugu seexatay maalintaana iyadoo sidii u jiifta ayaa waxaa goobtii shaahi ugu keentay walaasheed Kalsan ,muddo ilbiriq siyo ah ka dib ayey shaahii ku cabtay .
Ka dib isla goobtii ayey ku quraacatay,ka dibna Bushra waxaa ay shidatay Filim Hindi ah oo haddana jaceyl ahkana turjumaya qisadii jaceyl ee {qeys iyo Leyla} magaciisana la orab jiray {YEH FADARAHANE} Qaddar saacado ah ka dib markii ay daawatay filmkiiwaxaa ey saacaddu soo gaartay 8:00 duhurnnimo ,Bushra inta ay qadeysay ayayna maalintaa Iska seexatay firaashkeedii in cabbaar ah maerkii ay huru dday saacadduna ay isasa soo dul taagtay 4:00 galabnnim mo Bushra inteey furaashkeedii ka soo dul toostay suuliga ga shay soona qubeysatay, dabadeedna waxaa ay u soo dhaqaa qday qolkeedii labbiska ka dibna shukummaan katabbaanka u saarnaa inteey soo qabsatay bey madaxa iyo korkeeda in tiisa kaleba ku tirtirtay waxaayna ka dib ku labbisatay dhark eedii kuwii ugu quruxda badnaa maalintaasna waxaa ey iskuu buufisay barafuunnadeeda kii ay ugu jecleyd oo ahaa nooca {AlFardows loo yaqaan} .
Inyar ka dib bushra waxaa ay bannaanka ugu soo baxday aqalkoodii waxaayna u soo talaaba qaadday busteejadii gaari ga ay ka soo raaci laheyd,in daqiiqado ah ka dib markii ay ta gneyd ka bacdiGaari nooca ah{kooster} ayey goobta ka soo raacday markii ey gaari dhex saarneyd ka dib kaga degtay ha lkii ballantu ey aheyd ee tiyaaterka, dabadeedna Bushra wax aay u dhaqaaqday xagga iyo geedihii waaweynaa golihii murt ida iyo mada daalada ee tiyaatarka qaranka soomaaliyeed ku hor yiilayu waxaayna ka dib inyar ku nasatay oo ay hoos fariisatay, waxaayna saacaddu abbaaraahaa noqtay 4:30 daqiiqo galabnnimmo .
Raxmo inta ey soo qubeysatay oo isku soo tirtirtay shuku mmaankeedii oo ay soo labbisatay iyadana waliba dharke edii ugu bilicada wacnaa oo ay sida aadka hi ay u jecleyd oo xilligaa la socday iyaoo isku soo buufisay barafuumadeedii kii ay ugu jecleyd kaasoo ahaa nooca loo yaqaanno{wan ma nshow} waxaa kale oo ay jirkeeda marsatay farxatu nissaa { farxadda naagaha} xilligaasina si weyn ay dumarka u xiiseyn jireen .
Raxma waxaa ay intaa ka dib u soo dhaqaaqday busteej ada ay ka raaci laheyd gaariga waxaayna in yar ka dib soo is taagtay halkii bosteejada aheyd in yar ka dib waxaa goobtii soo istaagay gaari {Diskoo} Raxma Gaarigii ayey Raacday in cabbar ah markii gaariga ay dul saarneyd waxaay gaarigii kaga degtay tiyaatarka qaranka hortiisa iyadoo markaa u soo dhaqaaqday halkii ay kula ballansaneyd saaxiibaddeed Bushra .
Raxma in yar ayey geed ka mid ah geedihii ku yaalay tiy aatarka qaran ay sal dhigatay waxaana ugu timid saaxiibteed Bushra , inta la isku soo booday oo la is dhun dhunkaday da badeedna la is marxabbeeyey ayey u soo dhaqaaqeen dhin aca boorka si loo ogaado habeenkaa riwaayadda socoto iy adoo ay habeenkaana tiyaatarka qaranka ay la socotay riway ad hal ku dhiggeedu yahay {Xuskii Jaceylka}.
Ka dib waxaa la isula dhaqaaqay daaqaddii tikidhada laga ibsanlahaa waxaayna soo iibsadeen 2 tikidho ah , iagoo gud aha u gakleen tiyaatarka qaranka iyagoo sal dhigtay kuraastii tiyaatarka dhex taalay 2 ka mid ah waliba 2 isku dheeganoo qeybta dhexda ah .
Xilliga wuxuu socdaba oo ay saacaddii isa soo gurtaba waxaa la gaaray 8:00 habeennimmo waxaana la bilaabay showgii riwaayadda ka horeeyey.Raxmo iyo Saaxiibteed Bu shrana waxaa isugu baxday sheeko in cabbaar ah ka dib markii la dhgeystay C/qaadir ayaa wuxuu soo galay gudaha tiyaatarka, sidii uu u soo socday wuxuu fariistay kursigii ga badhii raxma aheyd ku dhegganaa , raxmana ma ay fahmini nanka soo barbar fariistay.
C/qaadir waxaa uu fahmay markii lammaanihiisa raxmo ay hadashay durbadiiba salaam buu ku boobay kolii raxmo la salaama inta faraxd darted is heyn kari weyday ayey lamm aanaheeda C/qaadir dhunkasho ku boobtay ilowdayna saaxi ibteed bushra iney dhinaceeda fadhido. Intaa ka dib waxaa ay is bartay lammaanaheeda C/qaadir iyo Saaxiibadeeda Bu shra in cabbaar ah ka dib waxaa la bilaabay Ruwaayaddii la magac baxday {XUSKII JACEYLKA} oo ay hoboollada qaran ka soomaaliyeed ay dhigayeen waxaana ay habeenkaa libsat ay xalaawiyad iyo macmacaan u badan sida lows,Garaziina, shukulaato,buskud,I cun,ii iyo kuwo kale waxaana in daqaiiq ado ah ka dib lammaanayaashii is Jeclaa ee Raxmo iyo C/q aadir waxaa u bilowday kaftaniyo haasaawihii macaanaa oo ay isku yaqaaneen iyadoo habeenkaa hadalka uu daah furki isa bilowday gabadhii Raxma aheyd iyadoo ku bilowday sida tan waxayna tiri:
La Soco Isniinta Danbe Insha Allaah
W/Qoray C/qaadir Cabdulle Nuur {Qalbidahab}
Tel: 0618455506
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA JANNAAYO 2016-KA
SHIRKII MADASHA WATASHIGA OO LAGU SOO GEBAGEBEEYAY KISMAAYO Shirkii Madasha wada tashiga Qaran ee maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Kis maayo ayaa shalay la soo gaba gabeeyay, iyadoo lagu balamay kulamo kale. Dr. Cumar Cabdirashiid C