Somaliland oo ka bilaabatay diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashada sanadka 2017

0
Saturday January 16, 2016 - 20:17:28 in Wararka by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo ka bilaabatay diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashada sanadka 2017

    Somaliland ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha doorashada soo socota ee Maarso sanadka 2017. Illaa 163 goobood ayay saaka ka bilaabatay diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha, iyadoo dadka ay safafaf dhaadheer ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha doorashada soo socota ee Maarso sanadka 2017. Illaa 163 goobood ayay saaka ka bilaabatay diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha, iyadoo dadka ay safafaf dhaadheer ugu jiraan.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa murano ka dhashay hab diiwaan gelinta doorashooyinka, iyadoo markii u dambeysay saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland ku heshiiyaan qaabka diiwaan gelinta oo ah mid casri ah.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland C/qaadir Iimaan ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee BBC in howsha diiwaan gelinta ay si wanaagsan u socoto.

Waxaa uu sheegay in Gobolka Togdheer lagu bilaabay howsha diiwaan gelinta, isagoo xusay in lixda gobol ee maamulka Somaliland ay mid walba muddo bil loogu tala galay in dadka iska diiwaan geliyaan.

Diiwaan gelintan ayaa ah mid aad u casri ah, waxaa dadka laga qaadayaa, faraha, sawir iyo indhaha, waxaana la diiwaan gelinayaa dadka ay da’dooda ka weyn tahay 16-sano jir ee reer Somaliland ah ama muddo degenaa.

Waxaa la diiwaangelinayaa dadka da’doodu ka weyn tahay 16 sano jir ee Somaliland u dhashay ama muddo deganaa.


Midowga Yurub ayaa la sheegay inuu bixinayo dhaqaalaha ku baxaya howsha diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha.

Xisbiyada Somaliland ayaa abaabul xoogan u galay sidii taageerayaashiisa u keeni lahaa goobaha diiwaan gelinta, waxaana qof walba marka la diiwaan geliyo la siinayaa kaarka aqoonsiga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip