Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii Ceelcadde fariina u diray Kenya

0
Saturday January 16, 2016 - 19:18:33 in Wararka by
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii Ceelcadde fariina u diray Kenya

    Afhayeenka Guud ee Ururka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge Cali Dheere, ayaa ka hadlay weerarkii Ururka Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ay ku lahaayeen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Guud ee Ururka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge Cali Dheere, ayaa ka hadlay weerarkii Ururka Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ay ku lahaayeen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Sheekh Cali Dheere oo Warbaahinta Shir Jaraa’id u qabtay ayaa waxa uu sheegay weerarka ka dhacay Degmada Ceelcadde inuu ahaa mid abaabulan oo ay qaadeen Koox gaar ah oo lagu magacaabo Katiibada Sheekh Saalax Nabhaan, uuna u dhacay weerarkaasi sidii loogu talo galay.

Cali Dheere wuxuu tilmaamay inay halkaasi ku dileen ku dhawaad 100 Askari oo Kenyati ah oo qaarkood si toos ah loo toogtay halka qaarna ay ku baaba’een weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee albaabka hore lagu galay.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay Afhayeenka Shabaab ciidamada Mujaahidiinta Shabaab weerarkaasi inay si dhiiran u qaadeen, islamarkaana ay ku baabi’iyeen Kenyattiga ku sugnaa Saldhiga.

Wuxuu ku faanay inay halkaasi ka qaateen ku dhawaad 30 gaadiidka Dagaalka ah, hub iyo Agab Millaterina ay ka furteen ciidamada Kenya ee Saldhigaasi lagu weeraray.

Afhayeenka Guud ee Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in ciidamada Kenya ay ku beegsan doonaan meel kasta oo ay Somaliya ka joogaan, weerarkii Ceelcaddena uu qayb ka ahaa weeraro badan oo ciidanka Kenya loo qorsheeyay.

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu fariin u diray Dowladda iyo shacabka Kenya oo uu u sheegay in Kenyan-ka aysan aqoonin dagaalka, islamarkaana ay ku halaagsamayaan dagaalka hadii aysan Somaliya ka bixin.

Ilaa hada waxaanan si rasmi ah loo cadeyn karin Tirada Askarta Kenyan-ka ah ee Shabaab ay ku dileen weerarkaasi, kasokoow Sheegashada Shabaabka ay sheeganayaan.

Dowladda Kenya waxa ay qiratay in Askar looga laayay weerarka ka dhacay Degmada Ceelcade, balse ma aysan faah-faahin tirada Askarta weerarkaasi looga dilay.

Xigasho:-Dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip