Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo furay shir looga hadlayo horumarinta hanaanka garsoorka dalka

0
Saturday January 16, 2016 - 19:07:06 in Wararka by
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo furay shir looga hadlayo horumarinta hanaanka garsoorka dalka

    Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta furay shir looga hadlayo sidii loo nidaam casri ah oo lagu keydiyo kiisaska loo keeno xeer ilaalinta dalka. Shirka waxaa ka qeybgalay wasiirka Cadaaladda, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, aqoonyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta furay shir looga hadlayo sidii loo nidaam casri ah oo lagu keydiyo kiisaska loo keeno xeer ilaalinta dalka. Shirka waxaa ka qeybgalay wasiirka Cadaaladda, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, aqoonyahanno iyo aqoonyahano.
Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Macalin Daahir oo ka hadlay furitaanki shirka ayaa ka sheekeeyay baahida loo qabo in la helo nidaamka Databaska ee lagu keeydiyo kiisaska xeer ilaalinta.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Goobbe ayaa sheegay in nidaamkani uu qiimo u leeyahay hanaanka garsoorka dalka, wuxuuna tilmaamo ka bixiyay sida uu u fidudeyn karo nidaamkan howlaha garsoorka dalka.

Wasiirka Cadaaladda oo isna ka hadlay munaasabadaasi ayaa ka hadlay ahmiyadda gaarka ah ee nidaamkani u leeyahay cadaaladda iyo garsoorka dalka, wuxuuna xusay in wasaaraddu ay gacan ka geysan doonto hirgelinta nidaamkani, iyo wax kasta oo lagu horumarinayo hanaanka garsoorka dalka.

XIGASHO:-RADIOMUQDISHO.NET





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip