Cashar: Carab aan ahay aa!!.

0
Saturday December 15, 2018 - 01:19:29 in Wararka by
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cashar: Carab aan ahay aa!!.

    Jareer jareer dhalay, Africaan Africaan dhalay, Somali Somali dhalay, miyaadan eheyn, wax hubso. Sida ey qabaan Culumada Culuunta Archeology, Anthropology, Taarikhda Linguistic iyo Culuunta kale ee la xiriirta. Dadka taariikhda baaro waxa ey hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jareer jareer dhalay, Africaan Africaan dhalay, Somali Somali dhalay, miyaadan eheyn, wax hubso. Sida ey qabaan Culumada Culuunta Archeology, Anthropology, Taarikhda Linguistic iyo Culuunta kale ee la xiriirta. Dadka taariikhda baaro waxa ey hore u aaminsanaayen in Dadka Cushitic-ga oo Somalidu ey ka mid tahay ey ka soo farcanmeen Badda Cas dhinaca Carabta, kadibna u soo gudbeen dhinaca Koofure, laakin hadda Culumada Taarikhdu waxa ey isku raaceen in Dadka Cushitic oo Somaliduna ey ka mid tahay ey ka yimideen Degaanka Harooyinka waaweyn ( Great Lakes) ee Bartamaha Bari ee Afrika, muddo aad u fog.

Dadka Cushitic-ga oo ka kooban Somalida, Oromo, Afar ( Danakil) waxa ey wadaagaan Luqada Afro- Asiatic ( Himite) ee Semitic waxaa kale oo bahdaa Luqadaha ku jira Luqadaha: Hawsa, Amxaariga ,Carabiga iyo Luqada Hebrew ee yuhuuda.

Cushitic–ga Barri oo ah Somalida waxa loo yaqiin Berberi waxa eyna ka soo Gudbeen Harada Rift Valley, waxa eyna degeen dhulka Rendilli-ha dega Kenya iyo Aweera-ha ( Buni) ilaa xeebta Lamu.

Somalida waxa ey gashaa bahda Cushitic waxa ey ka sii tahay Bahda Eastern Cushitic oo ey ka sii tahay Omo-Tana oo looyaqaan SAM kuwaa oo u soo guuray waqooyiga Kenya ,SAM waxaa ka farcamay Proto –Sam oo noqday Xoolo dhaqato kuna soo fiday Wabiga Tana illa xeebta, kadibna Koofurta Somalia.

Markii dambe Proto- Sam waxaa loo yaqiin magaca SO , kaa oo isku bedelay Samale kadibna Somali kuna fiday illaa Badda Cas ( taa oo ka duwan arragtidii hore ee aheyd in waqooyi dhica carabta laga yimid loona gudbay koofurta, sida ey qabaan Culumo uu ka mid yahay Qoraaga Jarmalka ah ee Bernd Heine oo wax ka qoray Taariikhdii hore ee Somalida.

Waxaa jira Sawiro naadir ah oo badanaa lagu sawiray Gacanta, ka hor intii uuna na soo gaarin qalabka wax lagu sawiro ( Camera ). Sawiradaa qaarkood waxaad ka helee, Labada Buuga ee ( Al somal Qadiiman wa xadiithan) ee uu qoray Qoraagii Reer Masar, Xamdi Sayid Saalim.

Sawiradaan waxa gacanta lagu sawiray intii aan la baran Salon iyo waxyaabaha la isku qurxiyo, Dadkii asal ahaan joogi jiray dalkaan qaarkood sidii ey ula muuqdeen Ninkii sawiray, markii uu sawirayay ma dhihin Carab ayaan sawirayaa, kuligood waxa uu ku sheegay Somali kala deegaan ku nool.

Haddaba fiiri Sawirada Awoowa yaasheen ma yihiin Carab?

Muuqaaladii Somalidii Hore: Qabiilka Gaalla ( F.S: 1aad) . Qowmiyadda Bantuu ( F.S: 2aad). Reer Shabeele ( F.S: 3aad). Baajuunta ( F.S: 4aad). Somalida NFD ( F.S: 5aad). Somali Galbeed ( F.S: 6aad). Dadka Jubada Hoose ( F.S: 7aad). Dadka Jubada Sare ( F.S: 8aad). Dadka Reer Afgoi ( F.S: 9aad). Dadka Reer Mudug ( F.S: 10aad). Qabiilka Hiraab ( F.S: 11aad). Dadka Garraha ( F.S: 12aad). Dadka Isaaq ( F.S: 13aad). Dadka Majeerteen ( F.S: 14aad).

Wax Carab ah ma uga jeedaa? Dadkaan Somalidu waxa ey deganaayeen Deegaankan intaan Carabtu imaan, iyo ka hor intii eyna soo degen Diinteena Islaamku. Qoraaga Buuga iyo Gacan ku sawiruha Mid koodna ma dhihin Carab ayaan ugu tagay halkaa.

Maxaa kalifay in qaarkeen ey sheegtaan Asal Carbeed, ma waxa ey u xiiseen in loogu yeero yaa cabiid? Waxaan nahay ummad Muslim ah oo ku nool Geeska Afrika, kana mid ah Urur Siyaasadeedka Jaamacada Carabta sida Sudan, iyagaaba naga roon oo Af carabiga ku hadla laakin Carab ma ahan.

FG: Ma ihi Taariikh yaqaan, Ha iga Caroon annigu ma sawirin Awoowgaa, Aniguna kama soo jeedo Asal Carbeed, waxaan ahay Jinsi iskii u jira oo ka mid ah uunka ALLE, lana yiraa Somali.

Arragtidaada xur ayaad u tahay wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar, dhaliishaadana waan soo dhaweynayaa.

Qore: Yahya Amir

Facebook Comments



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip