Shirar gaar gaar ah ayaa waxaa uu xilligan u socdaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana shirarkan dibad joog ka ah Warbaahinta qeybaheeda kala duwan.
Goor sii horeysay waxaa magaalada Kismaayo ka soo ambabaxay Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad, xildhibaano, wasiiro, xubnaha ururada bulshada rayidka ee shirka ka qeyb galay iyo qaar ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxda la socdeen.
Madaxda dowladda, sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa u muuqda kuwo kaliya ku haray Kismaayo, howsha wada tashigana ku keli noqday.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda Soomaalida ay durbaba la kulmeen cadaadis beesha caalamka uga yimid, kaasoo ku aadan inay gaaraan is afgarad ah, intii ay kala tagi lahaayeen.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in la qaadan doono in Baarlamaanka lagu soo xulo 4.5, halka aqalka golaha sare lagu soo xulo 18-kii gobol ee dalka.
Waxay u badan tahay in shirka la soo gaba gabeyn doono saacadaha soo socda, isla markaana laga soo saari doono war murtiyeedka kooban dhowr qodob oo qorshihiisa yahay nooc doorasho oo dalka ka dhaca.
Lama oga sida meel dhexe ay isugu imaan doonaan dhinacyada ku shirsan Kismaayo, waxaase isha lagu wadaa go’aanka ugu dambeeya ee soo bixi doona iyo sida loo soo bandhigo nooc doorasho oo la isku raacsan yahay oo dalka ka dhacda Agosto kadib.
XIGASHO;-JOWHAR.COM
Wararkii ugu dambeeyay shirka Madasha Wada tashiga oo la filayo in war murtiyeed laga soo saaro
Madaxda Soomaalida ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah iyo isu soo dhowaansho, si ay ugu yaraan u gaaraan saacadaha soo socda is faham ku aadan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonto, kadib markii shirarkii labadii maalmoodee la soo dhaafay u socday a