Halkee Lakala Marayaa Tartanka Gooldhalinta Koobka UEFA Champions League?

0
Thursday December 13, 2018 - 19:05:44 in Wararka by
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee Lakala Marayaa Tartanka Gooldhalinta Koobka UEFA Champions League?

    Koobka horyaalada yurub (UEFA Champions League) ayaa soo gaaray wareega 16-ka iyadoo xalay la ciyaaray dhawr kulan oo ahaa kuwii ugu dambeeyay wareega group-yada, waji cusub ayaana lagu arkay hogaanka tartanka marka laga hadlo sanadahii ugu dambeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koobka horyaalada yurub (UEFA Champions League) ayaa soo gaaray wareega 16-ka iyadoo xalay la ciyaaray dhawr kulan oo ahaa kuwii ugu dambeeyay wareega group-yada, waji cusub ayaana lagu arkay hogaanka tartanka marka laga hadlo sanadahii ugu dambeeyay.

Robert Lewandowski ayaa ku dhameystay meesha ugu sarreysa kadib markii uu xalay laba gool ka dhaliyay Ajax Amsterdam kulan 3-3 lagu kala baxay, sidaas darteed 8-gool ayuu ku hogaaminayaa tartanka isagoo ka talaabsaday Messi oo ay min 6-gool wadaageen.

Waana markii labaad oo xiddig aan Messi iyo Ronaldo aheyn ku dhameysto halkaan tan iyo 2010-2011 – xiddiga reer Poland ayaana haatan u muuqda mid tartanka dhinaciisa uga jira.

Lionel Messi ayaa labaad ku jira xiddigaan waa kan ugu daqiiqadaha yar liiska ugu sarreeya tartanka maadaama uu ciyaaray kaliya 297 daqiiqo maadaama uu dhaawac waqti ku maqnaa.

Paulo Dybala ayaa dhaliyay xalay goolkiisii 5-aad ee koobka Champions League, xiddigaan isna badal ayuu kusoo galay kulankii kooxdiisa 2-1 looga badiyay.

LIISKA CIYAARTOYDA:

Robert Lewandowski (Bayern München) 8-gool

Lionel Messi (Barcelona) 6-gool

Paulo Dybala (Juventus) 5-gool

 

Edin Džeko (Roma)5-gool

Andrej Kramarić (Hoffenheim)5-gool

Moussa Marega (Porto)5-gool

Neymar (Paris Saint-Germain)5-gool

Dušan Tadić (Ajax)5-gool




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip