Ciidankan, ayaa waxay duleedka Degmada Ceelcadde ay isku helayn unugyo ka tirsan Xoogaga Shabaab, xilli ay Jimcihii ay ka soo carareen Xeradooda, markii ay ku soo weerareen dagaal-yahanada Shabaabka.
Saraakiisha Shabaabku waxay dadka deegaanka ku wargeliyeen inay xabaal wadareed u sameeyaan Ciidanka Militariga Kenya, si aanay saamayn ugu yeelan caafimaadka deegaanka.
Mid ka mid ah dadka fara ku tiriska ee ku haray Degmadaasi, ayaa sheegay inuu socdo qorshihii xabaal wadareedka loogu samayn lahaa Ciidanka Kenya, ee dagaalka lagu laayay.
Dhanka kale diyaaradaha dagaalka Kenya, ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxay duqeymo culus ka wadeen deegaanada ku xeeran Degmadaasi, oo ay weli ku sugan yihiin Xoogaga Ururka Al Shabaab.
Ciidamada Kenya waxaa la dhihi karaa khasaarihii ugu waynaa, ayaa ka soo gaaray weerarka maalintii Jimcaha, ay Shabaabku gudaha ugu galeen Xerada Degmada Ceelcadde, ay ku leeyihiin.
XIGASHO:-DHACDO.COM
Al Shabaab oo amartay in xabaal wadareed loo sameeyo Ciidanka Kenya iyo meydad kale oo la soo bandhigay
Al Shabaab, ayaa waxay maanta amartay in xabaal wareed loo sameeyo Ciidankii Militariga Kenya, ee lagu laayay Degmada Ceelcadde iyo goobaha kale ee ku dhow dhow.