Shirkadda nooleenta dhulka banaan oo qalab dhismo ku wareejisay saldhiga booliska degmada Kaaraan "SAWIRRO"

0
Saturday January 16, 2016 - 11:44:27 in Wararka by
  • Visits: 1006
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda nooleenta dhulka banaan oo qalab dhismo ku wareejisay saldhiga booliska degmada Kaaraan "SAWIRRO"

    Shirkadda nooleenta dhulka banaan ayaa maanta qalab dhismo ku wareejisay saldhigga degmada Kaaraan si dib u dayactir loogu sameeyo. Qalabka loogu deeqay saldhigga Kaaraan ayaa ka koobnaa Lix boqol oo bulakeeti ah oo loogu talagalay in dib u dayact

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda nooleenta dhulka banaan ayaa maanta qalab dhismo ku wareejisay saldhigga degmada Kaaraan si dib u dayactir loogu sameeyo. Qalabka loogu deeqay saldhigga Kaaraan ayaa ka koobnaa Lix boqol oo bulakeeti ah oo loogu talagalay in dib u dayactir loogu sameeyo dhismaha saldhiggaasi.
Xoghayaha shirkadda dhismaha dhulka banaan Cabdullaahi Axmed Maxamed oo ka hadlay munaasabaddii ay ku wareejinayeen Bulakeetiga ayaa sheegay in deeqdani ay qeyb ka tahay qorshe ay ugu talagaleen horumarinta adeegyada Bulshada.

Taliyaha saldhigga booliiska ee degmada Kaaraan Gaashaanle Cabdifitaax Xasan Sabriye ayaa uga mahadceliyay ganacsatadaasi deeqda ay ku wareejiyeen isagoo ugu baaqay bulshada ku nool Kaaraan iney gacan ka geystaan horumarinta adeegyada Bulshada.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan Cabdifitaax Nuur Xasan Cali ayaa isna uga mahadceliyay shirkadda dhismaha dhulka banaan kaalmadan ay ugu deeqeen saldhigga degmada Kaaraan, wuxuuna ku boorriyay ganacsatada iyo dadka wax heysta iney maamulka kala shaqeeyaan horumarinta adeegyada guud ee bulshada.

Shirkadda dhismaha dhulka Banaan ayaa si iskaa wax u qabso ah uga shaqeeysa horumarinta adeegyada Bulshada iyo deegaameynta dhulalka banaan, iyadoo waddooyin muhiim ah ka dhistay nawaaxiga Keysaneey iyo xaafadda Xaawo Cabdicasir oo dhaca Bariga degmada Kaaraan.

IMG_0055 IMG_0056 IMG_0057 IMG_0058 IMG_0059 IMG_0060 IMG_0062 IMG_0063 IMG_0064 IMG_0066 IMG_0068 IMG_0069 IMG_0070 IMG_0072 IMG_0073 IMG_0074 IMG_0076 IMG_0077 IMG_0078 IMG_0080 IMG_0082 IMG_0083 IMG_0084 IMG_0087 IMG_0088 IMG_0090 IMG_0093 IMG_0094 IMG_0095 IMG_0096 IMG_0098 IMG_0099

IMG_0100

XIHASHO:RADIOMUQDISHO.NET




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip