
15-01-2016 GOLAHA WASIIRADA EE DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYEED OO ANSIXIYEY XEERKA DIIWAANGELINTA SHIDAALKA{War Saxaafadeed}
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa Khamiistii oo taariikhdu ahayd 14ka Janaayo 2016 ansixiyey Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka. Ujeeddada loo abuuray xeerkani waxay tahay sidii macluumaadka khuseeya heshiisyadii iyo wixii la mid ah ee ay shirkaduhu horey u haysteen loo diiwaangelin lahaa si loogu aqoonsado xaqa ay u leeyihiin inay ka fuliyaan howlaha la xiriira shidaalka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JRS).
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed
waxaa ka maqan nuqalidii heshiisyadii hore loola galay shirkadaha
shidaalka ee xaqa u siinaya in ay ka howl galaan JRS. Si loo aruuriyo
xogta lagama maarmaanka u ah maamulidda heshiisyadaas, ayaa waxaa Golaha
Wasiirada ay ansixiyeenna Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka taasoo ay
maamulayso Wasaaradda Batroolka and Macdanta.
Shirkadaha waxaa sida ugu dhaqsiyaha badan looga codsan doonaa inay soo gudbiyaan cadeymaha muujinaya xaqooqda shidaal ee ay lee yihiin.
Dawladuhu badanaa waxay u isticmaalaan Diiwaangelinta Shidaalka
maamulidda arimaha shidaalka. Si loo helo mustaqbalka xasilooni dhanka
shidaalka Soomaaliya waxaa muhiim ah in la aruuriyo macluumaadka
shirkadaha xaqa u leh inay ka fuliyaan hawlo shidaal dhulka JFS.
Shirkadaha waxaa sida ugu dhaqsiyaha badan looga codsan doonaa inay soo gudbiyaan cadeymaha muujinaya xaqooqda shidaal ee ay lee yihiin.
Dhamaad
©2016 Ministry of Information | Mogadishu - Somalia


0 



15-01-2016 GOLAHA WASIIRADA EE DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYEED OO ANSIXIYEY XEERKA DIIWAANGELINTA SHIDAALKA{War Saxaafadeed}
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa Khamiistii oo taariikhdu ahayd 14ka Janaayo 2016 ansixiyey Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka. Ujeeddada loo abuuray xeerkani waxay tahay sidii macluumaadka khuseeya heshiisyadii iyo wixii la mid