XOG: Halis Ka Jirta Xerada Xalane Iyo Shaqaalaha Soomaalida Oo Laga Mamnuucay Iney U Shaqo Tagaan

0
Monday December 03, 2018 - 20:08:59 in Wararka by
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: Halis Ka Jirta Xerada Xalane Iyo Shaqaalaha Soomaalida Oo Laga Mamnuucay Iney U Shaqo Tagaan

    Xog hoose oo la helayo ayaa sheegeysa in Boqolaal Shaqaale Soomaali ah oo u shaqeyn jirey Hay'addaha Qaramada Midoobay iyo Shirkadaha Caalamiga ee ku sugan Xarunta Xalane laga joojiyey inay u shaqo tagaan Xalane, sababo aan la shaacinin, inkasto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog hoose oo la helayo ayaa sheegeysa in Boqolaal Shaqaale Soomaali ah oo u shaqeyn jirey Hay'addaha Qaramada Midoobay iyo Shirkadaha Caalamiga ee ku sugan Xarunta Xalane laga joojiyey inay u shaqo tagaan Xalane, sababo aan la shaacinin, inkastoo la hadal-hayo Cabsi dhinaca Ammaanka oo ku wajahan Xeradda Xalane.
Maalintii Sabtida ee toddobaadkan, kuna beegnayd bishan December 1-dii ayaa la sheegay in inta badan shaqaalaha Soomaalida lagu wargeliyey inaysan Xeradda Xalane u soo shaqo tegi Karin ilaa amar dambe, halka qaar ka mid ah shaqaalahaasi laga celiyey Albaabka Weyn ee laga galo Xeradaasi.

Wararku waxay sheegayaan inuusan 

XOG: Halis ka jirta Xerada Xalane iyo shaqaalaha Soomaalida oo laga mamnuucay iney u shaqo tagaan

jirin Qoraal Rasmi ah oo Shaqaalaha Soomaalida looga mamnuucay inay soo galaan Xaradda Xalane ee ay ka shaqayn jireen, balse ay Saraakiisha Xaruntaasi door bideen inay shaqaalahaasi siiyaan Wargelin Afka ah.

Shaqaalaha Soomaalida ee uu saameeyey amarkaasi ayaa waxay isugu jiraan Turjumaano, Cunto-kariyayaal, Shaqaalaha Dhismaha iyo Ganacsato mehrado ku dhex leh gudaha Xalane.

Dhinca kale, dhamaan Shaqaalaha Soomaalida ee u shaqeyn jirey Hay’dda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Barnaamijyadda Horumarinta ee UNDP waxaa lagu wada amray inay guryahooda iska joogaan, isla markaana loo yeeri doono marka la qaado Amarka looga mamnuucay inay soo shaqo tagaan.

Si kastaba ha ahaatee, ma ah markii ugu horreysay ee Shaqaalaha Soomaalida lagamamnuuco inay u shaqo tagaan Xeradda Xalane, balse ma kala cadda sababaha rasmiga ee Shaqaalaha Soomaalida xilligan looga mamnuucay inay u shaqo tagaan Xarunta Xalane oo Hoy iyo Xafiisyo u ah Hay’addaha Qaramada Midoobay, Hawlgalka AMISOM, Safaarado, Shirkado iyo Hay’addo Amni oo Shisheeye ah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip