Madaxweynaha Kenya oo xaqiijiyay in Askar badan Shabaab ay ka dileen
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyey in tiro ka mid ah ciidamada Kenya la dilay markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Amisom ay ku lee yihiin deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in dalkiisa aysan cabsi gelin doonin
Al-Shabaab. Waxa uu yiri in Kenya ay ugaarsan doonto dambiilayaashii ku
lugta lahaa weerarka, islamarkaana dhiiga askartiisa aan laga dhigi
doonin mid aan macno lahayn.
Waxa uu sheegay in Kenya iyo xulafadeeda ay sii joogi doonaan Somalia, si ay u gutaan waajibka ay halkaas u joogaan.
Al-Shabaab ayaa afar baabuur oo walxaha qarxa laga buuxiyey ku
weeraray albaabka xerada, waxaana kadib xigay dagaal xooggan oo dhex
maray ayaga iyo ciidamada Kenya ee saldhigga ku sugnaa.
Al-Shabaab waxa ay sheegatay inay lixdan askari ku dishay weerarka.

0 