
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 16-KA JANNAAYO 2016-KA
"Waxaan tacsi dirayaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, shacabka iyo ehaladii ay ka baxeen geesi yaashii nafto oda ku waayey iyagoo gudanayaa hawl ay nabad uga dhalinayaan Soo maaliya. Soomaaliya waxay si buuxda ula shaqeyneysa Kenya iyo dalalka kale ee ka tirsan AMISOM, dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo aan ku rajo weynahay in bilaha soo socda la soo afj ari doono. In xididdada loo siibo kooxaha argagixisada ee ku dhuum aaleysanaya Soomaalya ,wax ay gacan weyn ka geysan doontaa nabadgelyada gobolka iyo tan caalamka’’, ayuu yiri Madaxwe ynaha.
Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in Ciidam mada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidam mada AMISOM, uu hadafkooda koowaad yahay in argagixi sada naf la caariga ah laga sifeeyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale — DHAMMAAD——
WARARKII UGU DAMBEEYAY WEERARKII CEELCADDE IYO ASKAR KENYAN AH OO LAGU LA’YAHAY
Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo shalay subixii waabarigii hore AlShaba ab ku qaaday deegaanka CeelCadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo saldhig ay ku lahaayeen Ciida mada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.
Weerarkaas oo ku bilowday qarax ismiidaamin loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa la ga soo buuxiyay, kadibna dagaalyahano fara badan oo boqolaal ahaa ayaa xerada dhowr jiho ka weeraray.
Afhayeenka howl galada AlShabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weera rkaas ay kula wareegeen xerada, isla markaana ay ka dileen illaa lixdan askari.
"Shalay subixii dagaalyahanadeena waxay weerar najaxay ku qaadeen CeelCadde oo fari isin ay ku lahaayeen Ciidamada Kenya, waxaa weerarkaas kaga dilnay 63 askari, gaadiid fara ba dan kaga qabsanay iyo bakhaaro hub ku jiray, waxaa la wareegnay saldhiga”ayuu yiri Abuu Muscab.
Abuu Muscab ayaa sheegay in guutada weerarkan qaaday loogu magac daray Saalax Nabhaan oo ka soo jeeday Kenya, kaasoo horey weerar Mareykanka ka fuliyeen koofurta Soomaa liya lagu dilay sanadkii 2009kii. Dadka deegaanka CeelCadde ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid aad u xooganaa oo ka duwanaa dagaaladii hore deegaanka uga dhacayay, isla marka ana uu dhowr jeer la isku noqsaday, shan saac ka badana uu socday.
Milateriga Kenya ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday xero ciidamada dowladda Soo maaliya degenaayeen, ayna u soo gurmadeen, inkastoo aanay ka hadlin khasaaro dhankooda ka soo gaaray.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa iyana u sheegay warbaahinta maxaliga ah in ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Kenya ay firxadeen, isla markaana duurka ku maqan yihiin.
Diyaarado Helicopter ay leedahay Kenya ayaa la sheegay inay baadigoob ugu jireen ciidam ada la la’yahay, mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Milateriga Kenya.
Weerarkan lagu qaaday xerada Ciidamada Kenya ayaa la mid ahaa weeraro sanadkii la soo dhaafay AlShabaab ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan fariisimo Ciidamada Ug anda iyo kuwa Burundi ku lahaayeen deegaanada Janaale iyo Leego, halkaasoo lagu dilay askar fara badan. Xigasho:- Jowhar.com
MADAXWEYNAHA KENYA OO XAQIIJIYAY IN ASKAR BADAN SHABAAB AY KA DILEEN
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyey in tiro ka mid ah ciidamada Kenya la dilay markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Amisom ay ku lee yihiin deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in dalkiisa aysan cabsi gelin doonin Al-Shabaab. Waxa uu yiri in Kenya ay ugaarsan doonto dambiilayaashii ku lugta lahaa weerarka, islamarkaana dhiiga askartiisa aan laga dhigi doonin mid aan macno lahayn.
Waxa uu sheegay in Kenya iyo xulafadeeda ay sii joogi doonaan Somalia, si ay u gutaan waajibka ay halkaas u joogaan.
Al-Shabaab ayaa afar baabuur oo walxaha qarxa laga buuxiyey ku weeraray albaabka xe rada, waxaana kadib xigay dagaal xooggan oo dhex maray ayaga iyo ciidamada Kenya ee saldhi gga ku sugnaa.
AMISOM OO KA HADASHAY WEERARKII ALSHABAAB AY KU BEEGSATAY SALDHIG
Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa Ciidamada AMISOM, Danjire Franc isco Madeira ayaa Weerarkii ay shalay subixiiy Alshabaab ku qaadday saldhiggooda deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo si adag u cambaareeyay.
Danjire Madeira ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xoogagga Alshabaab ay weerareen saldhiggooda Ceelcadde, laakiinse ciidamadii AMISOM ee Saldhiggaas ku sugnaa ay iska caabiyeen weerarka.
"Ma jiraan illaa hadda wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka ka dhashay oo aan diiwaangelinnay, weli waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo khasaaraha. Laakiin Waxaan ciidamada AMISOM ku ammaanayaa jawaabtii degdega ahayd ee ay ka bixiyeen dagaalka iyo geesinimada ay muujiyeen,” ayuu yiri danjire Madeira.
Sidoo kale, ergayga Midowga Afrika ayaa xusay in weerarrada noocan oo kale ah ee ay Alshabaab qaadayso ay yihiin kuwo dadka ay ku cabsigelinayso, ujeeddada ay ka leeyihiinna ay tahay inay xaaladda Somalia sii cakiraan.
"Waxaa ka AMISOM inay sii waddo dagaallada ay Alshabaab kula jirno illaa Somalia oo dhan laga xoreeyo kooxaha argagaxisada ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay Francisco Madeira.
Dhanka kale, Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu tacsi u dirayo ehelladii iyo qoysaskii ay ka baxeen ciidamadii ku dhintay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, isagoo sheegay in ciidamadii ku dhintay ay wadeen howl ay ku xasilinayaan Somalia, balse ma sheegin tirada askarta kaga dhintay AMISOM dagaalkaas.
Ugu dambeyn, Alshabaab ayaa sheegtay inay weerarkii ay shalay ku qaadday saldhigga cii danka AMISOM ee deegaanka Ceelcade ay ku dileen 60askari oo ka tirsan ciidamada dalka Ken ya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, inkastoo aysan sheegin khasaarihii ka soo gaaray dagaalka.
WASIIRKA GAASHAANDHIGGA JEN. DIINI OO KA HADLAY WEERARKII CEELCADDE
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa cambaareeyay we erarkii shalay subixii waabarigii AlShabaab ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya iyo kuwa dowla dda ku lahaayeen deegaanka CeelCadde ee Gobolka Gedo.
Jen. Diini ayaa sheegay in weeraradaas noocaas oo kale aanay mar naba hakin doonin ho wl galada ka dhanka ah AlShabaab ee looga saarayo dalka oo dhan.
"Weerarada naf la caariga ah ee kooxaha Argagaixisadu ka geysanayaan dalkeena, marna uma hakan doonaan in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM wada jira dalka uga sifeeyaan cadowga ummada Soomaaliyeed iyo kan gobolka”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka.
Sidoo kale War saxaafadeedka laguma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada AMISOM ee Kenya ka socda weerarkaas ku gaaray, inkastoo Afhayeen u hadlay AlShabaab uu sheegay inay ka dileen Ciidamada Kenya 60 askari
"Cadowga Ummada Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa in tilaabooyinkan qalafsan aysan noqon doonin kuwa looga haro, Ciidankuna diyaar u yihiin ka difaacaan dalka iyo dadkaba al shabaab ”ayuu yiri Jen. Diini.
AlShabaab ayaa sanadkii la soo dhaafay weerar xoogan ku qaaday saldhigyo Ciidamada Uganda iyo Burundi ku lahaayeen Shabeellaha Hoose, waxayna weeraradaas ahaayeen qaab cusub, iyagoo cudud ciidan u adeegsanayay, xerooyinka ay degan yihiin ku weeraray boqolaal dagaalyahano oo ay aad u carbiyeen.
SHIRKA GOLAHA WASIIRADA OO LOOGA HADLAY QODOBO KALA DUWAN
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte, iyadoo kulankan Warbixino looga dhegesytay Wasaarado ku hadlaya mag aca guddi hoosaadyada ee golaha, sida guddiyada siyaasada, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulsahda.
Ugu horeyn, Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasaaradda Arrimaha Dibed da oo ka warbixisay qaabkii ay dalka looga saaray Diplomaasiyiintii dowladda Iiraan, isaga oo xaqiijiayay inay dalka uga dhoofeen mudadii loo qabtay, sidoo kale waxa ay xaqiijisay Wasaaraddu inay si nabad ah dalka dib ugu soo laabteen Safiirkii iyo Diplomaasiyiintii kale ee dowladda Soo maaliya u fadhiyay dalka Iiraan.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ayaa xusay in wixii hanti iyo agab kale ee ay laheyd safaarada Iiraan iyo hay’addihii kale ee hoos imaanayay sida Bishacas iyo Al Khumeyni ee ka howlgalayay gudaha dalka ay bed qabaan, dowladana ay gacanta ku heyso, waxaana ay tilshalayy Wasaaradu in dowladda Iiraan ay ka sugayaan inay soo magacaabaan dowlad saddexaad oo wakiil uga ah inay illaaliso danaha dalka Iiraan ee Soomaaliya.
Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasaarada Amniga gudaha taasoo ku aadaneyd habkii uu u qabsoomay shirkii maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxa uuna xusay in shirku u furmay si habsami leh, ayna ka soo qeybgaleen dhamaamba ergooyinkii labada gobol.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu meel mariyay xeerka diiwaangelinta shidaalka (Petrol eum Registry) oo ay soo gudbisay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, waxaana sharcgani uu diiwaangelin doonaa heshiisyadii shidaal ee ay dowladda Soomaaliyeed horay ula gashay shirkaddaha shidaalka baara.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa laga dhegeystay warbixin ku aadan u diyaar garowga maalinta far Soomaaliga oo ku beegan Jannaayo 21keeda, waxayna xustay inay sameynayaan barnaamijyo lagu weyneynayo maalintaas.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo Wasaaradda Haweenka xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixiyay u diyaar garowga munaasabado gaar ah oo barbar socon doona shirka Heerka sare ee Wadatashiga (HLPF), oo ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 2324 Febraayo.
MADAXWEYNAHA OO UGU BAAQAY MADAXDA KA QEYB GALEY SA SHIRKA KISMAAYO INAY TANAASUL SAMEEYAAN
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Madaxda ka qeyb galeysa shirka Kismaayo inay tanaasul sameeyaan, si loo gaaro go’aano dhaxal gal ah oo looga bixi karo marxalada siyaasadeed ee hada lagu jiro.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahan yahay in la isla gaaro wax macquul ah oo u cuntamaya shacabka Soomaaliyeed, isla markaana la eego mar walba masaal iixda umadda.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in talooyinka lagu go’aaminayo shirka la doonayo inay noqdaan wax wanaagsan, si sanadaha soo socda dalka u gaaro hourmar, isagoo til maamay in mar walba loo baahan yahay tanaasul.
"Waxaa loo baahan yahay in la sameeyo tanaasul, in la gaaro go’aan mideysan oo dalka wax ka bedeli karta marxalada uu hada ku sugan yahay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa xusay in shirka Kismaayo laga filayo rajo wanaagsan, isla markaana ay ka soo baxdo hanaan doorasho ee la doonayo inay dalka ka dhacdo.Madaxda Soomaalida ee shirka ka qeyb galeysa ayaa tan iyo xalay u socday kulamo gaar gaar ah, waxaana jira yididiilo ku saabsan natiijada shirka in Madaxda ay gaaraan go’aan mideysan, iyadoo gaba gabada shirka laga soo saari doono war murtiyeed.
MIDOWGA YURUB OO GEBI AHAANBA ISAGA BAXAY DHULKA SOMALILAND (WAA MAXAY SABABTA
Ururka Midowga ayaa isaga guuray gebi ahaanba xaruntii uu ku lahaa magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana arrantaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Dowlada iyo xisbiyada mucaaradka.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in iyagu inta ay ka war hayaan midowga Yurub aanu ka guurin xarunta uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, isag oona sheegay in Midowga Yurub uu xaq u leeyahay inuu meesha uu doono u guuri karo.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Midowga Yurub ayaa inta badan howlihiisa u soo wareejiyay magaalada Muqdisho oo uu ku leeyahay xarunta ugu weyn, iyadoo la ogaaday in Midowga Yurub uu ka guuray magaalada Hargeysa bishii Disembar ee sanadkii aynu soo dhaafnay 2015ka.
Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa iyagu sheegay guuritaanka Midowga Yurub ee magaalada Hargeysa ay muujineyso hoos u dhac ku yimid xiriirka Dowladda Somaliland ay la leedahay beesha caalamka.
Dhinaca kale ururka Midowga Yurub ma jirto wax war ah oo uu ka soo saaray ka guurita anka xaruntii uu ku lahaa magaalada Hargeysa oo iminka ay ku howlgasho hay’ad Jarmalka laga leeyahay oo lagu magacaabo GTZ isla markaana howlo kala duwan ka wadda Somaliland.
Xigasho:Somaliweyn.Com
MADAXWEYNAHA: "WAXAAN KU RAJO WEYNAHAY IN NATIIJO LAGU WADA FARXO AY KA SOO BAXDO MADASHA ..
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka furey Madasha Wadat ashiga Qaranka.
Madasha Wadatashiga Qaranka oo lagu go’aamin doono qaabka ama nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso sannadka 2016ka ayaa waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdi rashiid Sharma’arke, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas, Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug, Cabdikariim Xus een Guuleed, iyo Jubba, Axmed Maxamed Islaam.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay inuu rajeynayo in shirkan ay ka soo baxaan natiijooyin ka farxiya shacabka, isagoo ummadda Soomaaliyeed ugu baaqey inay la yimaadaan isku tanaasul, iyagoo eegaya danta guud iyo dib u yagleelidda dowlad Soomaaliyeed oo nabad, xasilooni iyo horumar u horseedda Soomaaliya oo dhan.
"Waa mahad Allah aan ka soo gudubney xiligii nalagu oran jirey dal fashilmey. Waxan ha atan nahay dal dib u soo kabanaya, oo aan dooneyno inaan u dhigno aasaas xooggan oo muhiim u ah mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya yeelato. Waxaa naga go’an inaan wixii khilaaf ah ee jira aan wadahadal ku dhameyno, waana sababta keentay inaan dhisno madasha hoggaam iyeyaasha si aan danaha qaranka ugu gorfeyno,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in mabda’a aasaaska u ah Soomaaliya uu yahay wadajirka iyo midnimada, loona baahan yahay in ruux kasta oo Soomaali ah uu u istaago, sidii taasi loo gaari lahaa, isagoo dhanka kalena ku baaqey in lala yimaado dulqaad.
Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku boorriyay shacabka inay yar eeyaan cabsida iyo kalsooni darada ka dhalatey dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. "Waxaan ku kalsoonahay kuna rajo weynahay in natiiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto wadatashigan aan u fadhino. Soomaaliyada cusub ee aan dhiseyno waa mid ku saleysan dimoqra adiyad, xasilooni, iyo in laga wada qeybgalo, sidaa darteed aaney meesha oolin wax cabsi ah oo la xiriirta mustaqbalka. Waxaan anigoo fursaddan ka faa’iideysanayaa aan doonaya inaan u mahad celiyo beesha caalamka oo mar walba nala garab taagan taageerada aan u baahanahay ee muhiimka u ah dib u dhiska dalkeena’’. Madaxda kale ee ka qeybgashey furitaanka shirka, ayaa iyaguna khudbado jeediyay, waxaana dhammaantood ay ka mideysnaayeen sida ay diyaarka ugu yihiin, looguna baahan yahay in la isu tanaasulo, loona naxariisto shacabka Soomaaliyeed ee ay colaaddu daashatey.
Madaxda ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha maamulka Jubba iyo shacabka gobollada Jubbooyinka sida wanaagsan ee quruxda badan ee ay u martigeliyeen shirkan qiimaha u leh qaranka Soomaaliyeed.
C/WALI SHEIKH AXMED OO WEL WEL KA MUUJINAYA NATIIJA DA KA SOO BIXI KARTA SHIRKA KISMAAYO
Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane C/wali Sheikh Axmed Max'ed ayaa ka hadlay shirka Wadatashiga Qaran ee ka soconaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose,wuxuu sheegay iney ka wal walsan yihiin sida hada wax u socdaan.
C/wali Sheikh Axmed Max’ed ayaa sheegay iney muhiim tahay in talada dalka laga qeyb gel iyo Xisbiyada dalka,maadaama uu sheegay iney ku jiraan Shaqsiyaad damacooda uu yahay in mar kale ka dhex muuqdaan siyaasada dalka.
Sidoo kale,Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xusay in madaxda qaarkii ee ka qe yb galaya shirka ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ay qabanaya an shaqooyinkii loogu talagalay Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka,taasina ay keen tay iney ka wal walaan siday hada wax socdaan.
Hadalkaan ayuu C/wali Sheikh Axmed Max’ed jeediyay xilli shir looga hadlayo aayaha dalka iyo shaacinta nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadkaan uu ka socda magaalada Kismaa yo oo ay ka qeyb galayaan madaxda Qaranka iyo maamul goboleedyada dalka.
Xigasho:risaala.net
MADAXWEYNE WIDODO OO BOOQDAY GOOBIHII LA WEERARAY EE MAGAALADA
Saacado ka dib markii laamaha ammaanka ay soo gaba gabeeyeen weeraradii shalay ka dhacay Bartamaha Magaalada Jakarta, ayaa waxaa shalay galab soo kormeeray Joko Widodo, Madaxweynaha Qaranka Indonesia.
Weeraradan oo masuuliyadoodu ay sheegatay Daacish, ayaa waxaa lagu dilay illaa 7 qof, kuwaa oo 5 ka mid ihi la sheegay inay ahaayeen xoogagii weerarada soo qaaday.
Madaxweynaha Indonesia, ayaa waxaa shalay galab la arkaayay isagoo socod ku maraaya wadooyinka ku teedsan goobihii ay weeraradu ka dhaceen, xilli Ciidamada Booliska & Militariguba ay xireen dhammaan wadooyinka.
Madaxweynaha wuxuu warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Booliska Jakarta. Madaxweynaha waxaa sharaxaad laga siiyay sida ay hay’adaha ammaanku u fashiliyeen weerara daasi iyo sida uu u ballaarnaa qorshaha Ururka Daacish. Luhut Pandjaitan, Wasiirka Amniga Indo nesia, ayaa tilmaamay yoolka Daacish in uu ahaa inay Magaalada Jakarta ka gaystaan, mid lamid ah weeraradii ay 13kii bishii November ka gaysteen Magaalada Paris Ee Xarunta Wadanka Fara nsiiska.
Madaxweynaha oo baaq u diraayay dadka reer Indonesia, ayaa wuxuu ugu yeeray inay deganaansho muujiyaan, ka dib markii uu sheegay in la soo gaba gabeeyay kuwii weerarada soo qaaday.
Sidoo kale waxaa uu ku cago jugleeyay in Xukuumadda Jakarta ay si adag ula dagaalami doonto kooxaha argagaxisada, ee qorsheynaaya inay dhibaato ka gaystaan dalkaasi.
Madaxweynaha, ayaa ugu dambeen cadeeyay inay jiraan dad si dhow loola xiriirinaayo weeraradaasi oo gacanta lagu haayo, ayna hay’adaha amnigu wadaan baaritaano ka dhan ah xubnahaasi.
CIIDAMADA SOMALILAND OO QABSADAY DEEGAANKA BALLICAD OO KA TIRSAN GOBOLKA SOOL
Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidam ada maamulka Somalila nd ay la wareegeen dee gaanka Ballicad oo u jirta 80km magaalada La ascaanood ee gobol ka Sool.
Deegaanka BalliCad ayaa lagu waday in ay shirka u yee shaan madaxda maamulka Kha atumo, waxana ka socday deeg aanka Ba lliCad qabanqaab ada shirka ay yeelan lahaayeen ma amulka Khaatumo.
Shirkan ayaa lagu waday in uu ka qeybgalo Madaxweynaha maamulka la magac baxay Khaatumo State Prof Cali Khaliif Gal leyr iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in uu Proff Galeyr uu ku sugnaa deegaanka BalliCad.
Ciidamada Maamulka Khaatumo ayaa isku dayay in ay difa acdaan deegaanka Ballicad hase yeeshee dagaal xoog leh oo halkaa ka dhacayay ayaa sababtay in ay isaga baxaan.
Lama oga illaa iyo hadda qasaaraha ka dhashay iska horim aadkan iyadoo wararka qaarna ay tilmaamayaan in uu jiro qasa are isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
KIIS CUSUB OO CUDURKA EBOLA OO DIB LOOGU ARKAY DALKA SEIRRA LEONE
Kiis cusub oo ku saabsan cudurka Ebola ayaa dib loogu arkay dalka Seirra Leone, kadib markii Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ku dhawaaqday in laga ciribtiray cudurkaas dalalka ku yaalla galbeedka Afrika oo sanadkii 2014 cudurkan fara ba’an ku hayay.
Sarkaal ka tirsan dowladda Seirra Leone ayaa sheegay in cudurka Ebola laga helay meydka qof dhintay, taasna ay mar kale dhalisay cabsi ku aadan in dib cudurkaas ugu faafo dalka oo dhan.
WHO ayaa sheegtay inay xaqiijineyso kiiska ku saabsan cudurkan Ebola, waxaana la tilmaamay in meydka qofka laga helay cudurkaas
Sidoo kale Hey’addu ayaa sheegtay in hab looga jawaabi karo baaritaanka kiiskan cusub la sameyn doono, si loogu diyaar garoobo hadii uu mar kale cudurkan dib uga dilaaco dalkaas.
Dalalka Liberia, Guniea iyo Seirra Leone ayaa ka mid ahaa dalalka galbeedka Afrika ee sida ba’an u saameeyay cudurkan, waxaana cudurkan uu dilay boqolaal qof.
UGU YARAAN 20 QOF OO LAGU DILAY BURKINA FASO
Rag hubeysan ayaa waxa ay weerareen hoteel ay isticmalaan reer galbeedka oo ku yaal magaalada Ouagadougou ee caasimadda dalka Burkina Faso, halkaasi oo ay dad ku hasytaan, waxaana lagu soo warramay in ay dileen ugu yaraan 20 qof.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in abaare 7:30kii fiidnimo waqtiga maxaliga ay laba baabuur ku qarxeen banaanka hore ee hoteel Splendid.
Kaddibna saddex ilaa afar nin oo afka duubtay ayaa weerrartay hoteel Splendid, kaasi oo ay degaan shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo reer galbeedka, goobjoogayaasha ayaa sidaa sheegay.
Robert Sangare, oo ah agaasime isbitaal ku yaal magaalada ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay halkaasi ku dhinteen 15 kalana ay ku dhaawacmeen.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in 1dii saqdii dhexe kaddib uu bilowday howlgal lagu sii daynayo dadka afduubka loo haysto hoteelka.
Waxaa sidoo kale lagu soo warramay in qeyb ka mid ah hoteelka uu dab qabsaday.
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Alpha Barry, ayaa xilli hore sheegay in uusan meesha ka saare yn in ciidammada Faransiiska ay howlgalka ka qeyb qaataan.
Koox la socota dhaqdhaqaaqa kooxaha jihaadiyiinta ayaa sheegtay in alQaacidada Maqrib ay weerrarka ka dambeyso.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga hubeysan ay bilowgiiba galeen meel kaboshiinka la gu cabo oo u dhaw hoteelka.
Shaqaale ka howlgalayay goobtaasi laga cabo qaxwada ayaa wakaaladda AFP u sheegay in dhowr qof halkaa lagu dilay.
Hoteelka ayaa waxa uu ku yaal meel u dhaw gagida diyaaraha caalamiga ah ee magaal adaasi.
Burkina Faso ayaa dhawaan waxaa ka dhacay doorashooyinkii madaxtinimo ee ugu horre eyay tan iyo afgambigii bilowgii sanadkii hore.
Afgambigaasi ayaa waxaa talada looga tuuray hogaamiyihii talada mudada dheer hayay ee Blaise Compaore, kaasi oo dalkaasi xukumaayay 27 sano.
XUSUUS QORKA DHAKHTARKA QALIIN: CHRIS GIANNOU OO JOOGAY SOOMAALIYA 1992
Gaari yar ayaa ku saaldaynaya wado wasaqeysan oo aada ysa dibadda magaalada. Labada dhinac wadada waxaa ku safan burjikada dhuxusha iyo bacaad. Badda waxaa laga arki karaa bacaadka dushiisa. Kursiga dambe ee gaari ayaan ku qaa deynaa nin da’yar oo xanuun daran haya.
Dhiig farabadan ayaa buuxinaya cagtiisa hoosteedaa. Gaariga socodka ayuu gaabinyaa marka uu u soo dhowaado bar kontorool oo ay joogaan saddex rag oo maliishiyaha ah oo wata qoriga AK47 iyo baasuuke. Si feejgan, waxaa jiray dhabogal dhacay mid ka mid ah raggan wuu soo dhowaanayaa isla mar kaa qooransanayaa gudaha gaariga.
Dhowr ilbiriqsi ayaa neefta dib u ceshtay anigoo markaa ka soo daawanaya muuqaalka gaariga wehelka ee ICRC oo na da ba socday.Wadaha gaariga ayaa farta ku fiiqay kursiga dambe waxaana maqlaayey isagoo ku qaylinaaya: "Keysaney.” Hadal la’aan gawaarideyna waa la sii daayey.
Wax yar ka dib, waxaan soo gaarnay meel darbiyo dhaa dheer leh waana istaagnay. meesha ka muuqday calaamadda qoriga AK47 oo ku qoran tahyay "X”: hub waa ka mamnu uc. Xarfo waaweyn oo casaan ah oo ku qoranaa gidaarka cad wa xay oronayaan: Isbitaalka Keysaney.
illinka laga galo Isbitaalka Keysaney 1992 oo lagu calaam adeeyey astaamaha Laanqeyrta Cas iyo bisha Cas.
Dabayaaqadii 1991kii xukuumadii militariga ee Siyaad Barre ayaa dhacday Soomaaliyana waxay la kulantay dagaal sokeeye oo baahsan.Horraantii 1992kii, dagaal qaabiil ayaa caasimada Muqdisho u kala qeybiyey laba qeybood: waqooyi iyo koofur. Nasiib Juquraafi awgeed isbitaalada oo dhan waxay mareen qe ybta koofurta laakin dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal badan waxay ku noolaayeen waqooyiga.
Si loogu jawaab bixiyo baahida caafimaad ee sii kordhey so, Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) iyadoo la kaa shaneysa Guddiga Caalamiga Laanqeyrta Cas (ICRC)waxay qor sheeyeen in xabsi dhowaan la dhisay u rogaan isbitaal qaliin kuna yaalo todobo kiiloomitir waqooyiga magaalada. Halkaas, Waxaan ku caawinayay saaxibadeyda Soomaaliyeed oo aan isla shaqaeynayney si aan u aasaasno habmaamusyada la xiriirta caafimaadka iyo maamulka iyo ku tababarida farsamooyinka qalliinka dagaalka iyo kalkaalinta.
Barnaamijyada tababarka si fiican ayuu u shaqeeyey. Wa xa aan ku guuleysaneyna in aan sameyno ma ahayn kaliya xar un daryeelka caafimaadka, laakin waa meel ay ku badbaadaan aadanaha.
Dagaalka qabiilka iyo bililiqo ballaaran oo u dheer abaar dab adheeraatay ayaa sababay macluul baahsan. Ilaa iyo 500 qof ay aa maalin kasta macluul u dhimanaayeen maalin kasta toddob aadyo isku xigay. Bililiqada iyo dagaalka ayaa Muqdisho ka dhig ay magaalooyinka ugu khatarta badan caalamka.
Isbitaalka keysaney waxaan mashquul ku aheyn daaweyn ta dadka dhaawacyada ka soo gaarey dagaalka qabiilka iyo bililaqada wehlisay. Bililiqeytayasha waxay inta badan bartilmaa meedsanaayeen raashinka. Dhaqtar qalliin ayaa dareen kaftan ah iigu sheegay in uusan weligii qalliin ku sameyn qof ka mid ah kuwa bililiqada ka qeyb qaata.
Marar badan bukaanada waxay ka kala imanayeen qabaa ’ilka kala duwan oo midba midka kale la dagaalamaya. Hadana dhamman waxaa isbitaalka loogu daweynayey keliya si ku sale ysan baahida caafimaad. Qoysasku waxay si nabad ah u boo qanaayeen dhaawaca iyadoo maliishiyaadka ay ka soo kala jeed aan ay ku dagaalamayeen waddooyinka Muqdisho. Kalkaaliye caafimaad ayaa indha taag sameeyay mar uu sidan u sheegaya shaqaale caafimaad ee ICRCda: "Kani wuxuu ka tirsanyahay qa biil X, midka jiifa sariirta xigta wuxuu ka tirsanyahay qabiil Y waa isla kuwa shalay ku dagaalamaaya suuqa.”
Sannooyin ka dib markii la aasaasay Isbitaalka Keysaney, fowdada ayaa ka sii socotay Muqdisho dhammaan isbitaalada ku yaalayna dhinaca koonfurta qeybta koofureed ee magaalada way xirmeen. Muddo Keysaney wuxuu noqday xarunta keliya ee magaalada oo bixiya qalliin ilaa iyo ICRC ay ku caawisay koox dhakhaatiir ah inay mid kale dib ugu bilaabaan koofurta sanadkii 2000. Haddaba, Keysaney wuxuu noqday caan wuxuuna qaabi lay bukaano ka kala yimid labada qeybood ee magaalada. Isa goo ahaa ibsbitaalka ugu fiican (marmarna ahaa midka keliya) ee sameeya qalliin ee ka jira dalka, dhammaan bukaanada laga keeno Soomaaliy waxaa sidoo kale loo wareejin jiray halkaas.
Dhexdhexaadnimada isbitaalka ayaa si wanaagsan loo ixtiraamay, mabda’aasoo ka si weyn loola qabsaday bulshada Muqdisho dhexdeed. Tani waxay sidoo kale ku fiday wadada cidl ada ah ka baxda magaalada ee aada isbitaalka kaasoo asna loo tixgelin jiray "dhexdhexaad.”
"Marka loo socdo Keysaney” dadka waxay ka soo qaylinay aan gawaaridooda, nimanka maliisiyaadka ahna way u ogolaan ayeen iyagoon isku dhibayn inay ogaadaan qabiilka uu ka soo je edo dadka saaraan. Dadku waxay wadadaan u arki jireen mid sii fidisay dhexdhexaadnimada isbitaalka.
Shaqaalaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) abaal ayay ku leeyihiin guushan, taasoo caddeyneysa in xitaa xa aladaha ugu adag fikradda gargaarka bani’aadamnimo isbitaal dhexdhexaad ah – uu xidideysan karo uuna bulaalayo.
Ku dhowaad waa 25 sano ka dib markii la aasaasay Keysaney, dawladda caalamka laga aqoonsanyahay weli ma xukunto dalka oo dhan. Hay’adda keliya ee qaran ee la hartay ogolaansho caal ami ah Ururka ayaa ah Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo keliya.
Isbitaalka Keysaney ee iminka jira, astaanta Bisha Cas oo meel kor ah laga taagay. Xarunta caafimaadka weli waxaa ma amula Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) oo taageerro ka heleysa Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas ICRC)© ICRC/Pedram Yazdi , Xigasho:Somaliweyn
BOGGA CIYAARAHA
WARARKII UGU DANBEEYAY EE AY XALAY SAXAAFADA KUBADA CAGTA INGARIISKA IYO YURUB KA QOREEN SUUQA KALA IIBSIGA CIYAARTOYDA.
Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ayaa furan taasoo la micno ah inaysan joogsaneynin xan ta suuqa, waxaana saacad walba soo baxaya war cusub oo suuqa kala iibsiga ku saabsan, war arka xanta suuqa oo dhan hal meel kuugu soo koobto. Iyadoo subax walba aan idiin soo qorno wararkii ugu danbeeyay ee ay wargeysyada Ingariiska qoreen ayaa xalay idiin soo gudbineynaa waxyaabihii la qoray caawa fiidkii ee suuqa kala iibsiga.
PSG ayaa diiradeeda u weecisay weeraryahanka Barcelona Neymar ka dib xayiradii suuqa kala iibsiga laga saaray real Madrid, taasoo la micno ah in kooxda Faransiiska aysan la soo ware egi doonin dooqooda koowaad Cristiano Ronaldo. ( L’Equipe).
Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa meesha ka saaray inuu weeraryahan la soo wareegayo bishaan Janaayo sababtoo ah waxa uu aaminsan yahay in Danny Welbeck uu ka fiican yahay ciyaartoyda suuqa saaran ee weerarka ka ciyaarta. (Sky Sports)
Macalinka ku meel gaarka ah ee Chelsea Guus Hiddink ayaa sheegay inuusan filaneynin inuu ciyaaryahan la soo wareego bishaan Janaayo, xilli lala xiriirinayay shalay weeraryahanka reer Brazil Pato. (Sky Sports)
Tababaraha Manchester United Louis van Gaal ayaa aaminsan in goolhaye David de Gea uu baaqi ku sii ahaan doono Old Trafford bishaan Janaayo inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga. (Sky Sports)
Liverpool ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegto weeraryahanka kooxda Athletic Bilbao Inaki Williams, xiddiga reer Spain ee ku jira xulka da’diisa ay ka yar tahay 21 sanno jirada ayaa qa ndaraaskiisa oo dhacaya 2017 lagu burburin karaa 20 milyan ginni. (The Guardian)
Geesiga Birmingham City ee Carling Cup Obafemi Martins ayaa sheegay inay u soo dhaw aatay Aston Villa si uu ugu soo wareego bishaan Janaayo. (Biringham Mail)
Weeraryahanka Lyon Alexandre Lacazette ayaa qirtay inuu diyaar u yahay inuu ka tago hor yaalka Faransiiska oo uu u dhaqaaqo horyaalka Premier League xagaagan. (London Evening Standard)
Tottenham ayaa loo sheegay inay ka sabarto fekerka ah inay helayaan weeraryahanka West Brom Saido Berahino. (London Evening Standard)
Watford ayaa u soo muuqatay inay ugu cadcadaday tartanka loogu jiro saxiixa wee raryahanka Liverpool Jerome Sinclair. (London Evening Standard)
Arsenal ayaa dooneysa inay dib u la soo wareegto xiddigii ka soo baxay akadeemigooda Oguzhan Ozyakup oo ay kula soo wareegaan heshiis 9.3 milyan ginni ah.
Andreas Pereira ayaa wajahaya suurtogalnimada uu amaah kaga tagi karo Manchester United bishaan Janaayo. (Manchester Evening News)
Saxiixa ugu horeeya ee Patrick Vieira ee kooxdiisa New York City ayaa waxaa noqon doona ciyaaryahankii hore ee Manchester United 19 sanno jirka Jack Harrison. (Manchester Evening News)
KULUMADA MANTA IYO CAAWA LA CIYAARAYO EE ENGLAND PREMIER LEAGUE
3:45 Tottenham Hotspur ? ? Sunderland
6:00 AFC Bournemouth ? ? Norwich City
6:00 Chelsea ? ? Everton
6:00 Manchester City ? ? Crystal Palace
6:00 Newcastle United ? ? West Ham United
6:00 Southampton ? ? West Bromwich Albion
8:30 Aston Villa ? ? Leicester City
KULUMADA MANTA IYO CAAWA LA CIYAARAYO EE ITALY SERIE A
5:00 Atalanta ? ? Inter
8:00 Torino ? ? Frosinone
10:45 SSC Napoli ? ? Sassuolo
KULUMADA MANTA IYO CAAWA LA CIYAARAYO EE SPAIN LIGA BBVA
18:00 Sevilla ? ? Malaga
20:15 Celta Vigo ? ? Levante
22:30 Villarreal ? ? Real Betis


0 



WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 16-KA JANNAAYO 2016-KA
MADAXWEYNAHA: "FALALKA FULEYN IMADA AH EE KOOXDA AL SHABAAB MA HAKIN DOONAAN HAWLGALLADA MILATERI EE DALKA LOOGA SIFEYNAYO ARGAGIXISADA" Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go'an inay si buuxda ugala qeyb qaadato waddamad