Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho
Sarkaal ka tirsan laanta canshuuraha Gobolka Banaadir iyo saddex laba askari oo la socotay ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay deegaanka Waydoow ee duleedka Muqdisho.
Qaraxa oo la dhigay wadada dhinaceeda ayaa la sheegay inuu qabsaday gaarigaan oo ay wateen xubnaha ku dhaawacmay.
Sarkaalka gaariga watay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Salaad oo ka tirsan qaybta Canshuuraha Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda oo jawaan lagu riday, kadibna lagu qarxiyay iyaga oo wadada maraayay.
Dhaawaca Sarkaalkaan iyo illaaladiisa ayaa la geeyay isbitaalka Madiina, halkaasi oo xaaladooda Caafimaad lagu dabiibaayo.
Al Shabaab ayaa miinooyinka noocaan oo kale ah waxa ay dhigaan wadada dhinaceeda iyaga oo ku qarxiya xubnaha ka tirsan dowladda ee wadooyinka isticmaala.