
C/wali Sheikh Axmed oo Wel wel ka muujinaya Natiijada ka soo bixi karta shirka Kismaayo
Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane C/wali Sheikh Axmed Max'ed ayaa ka hadlay shirka Wadatashiga Qaran ee ka soconaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose,wuxuu sheegay iney ka wal walsan yihiin sida hada wax u socdaan.
C/wali Sheikh Axmed Max’ed ayaa sheegay iney muhiim tahay in talada dalka laga qeyb geliyo Xisbiyada dalka,maadaama uu sheegay iney ku jiraan Shaqsiyaad damacooda uu yahay in mar kale ka dhex muuqdaan siyaasada dalka.
Sidoo kale,Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xusay in madaxda qaarkii ee ka qeyb galaya shirka ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ay qabanayaan shaqooyinkii loogu talagalay Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka,taasina ay keentay iney ka wal walaan siday hada wax socdaan.
Hadalkaan ayuu C/wali Sheikh Axmed Max’ed jeediyay xilli shir looga hadlayo aayaha dalka iyo shaacinta nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadkaan uu ka socda magaalada Kismaayo oo ay ka qeyb galayaan madaxda Qaranka iyo maamul goboleedyada dalka.
xigasho:-radiorisaal.net


0 



C/wali Sheikh Axmed oo Wel wel ka muujinaya Natiijada ka soo bixi karta shirka Kismaayo
Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane C/wali Sheikh Axmed Max'ed ayaa ka hadlay shirka Wadatashiga Qaran ee ka soconaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose,wuxuu sheegay iney ka wal walsan yihiin sida hada wax u socd