KA HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYS KA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 22-KA NOVEMBAR 2018-KA

0
Thursday November 22, 2018 - 09:35:36 in Wararka by
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KA HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYS KA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 22-KA NOVEMBAR 2018-KA

    MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO TALYAANIGA OO KULAN YEESHAY Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintiii labaad booqasho rasmi ah ku jooga Talyaaniga ayaa wada hadallo kula yeeshay Qasriga Quir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO TALYAANIGA OO KULAN YEESHAY Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintiii labaad booqasho rasmi ah ku jooga Talyaaniga ayaa wada hadallo kula yeeshay Qasriga Quirinale Madaxweynaha dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal kaasoo ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, isagoo uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga soo dhaweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyed ee dalkaasi ku nool. Madaxweyneyaasha ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in laga wada faa’ideysto fursadaha waaweyn ee horyaala labada dal ee dhanka maalgashiga iyo ganacsiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Talyaaniga sidii ay uga caawin lahayd Soomaaliya tababarro dhanka farsamada ah iyo in ay dalka ka hirgalinayaan warshaddaha yar yar, si looga kaaftoomo adeegyada ay dalalka fog u tagaan ganacsatada Soomaaliyeed.

"Dadka Soomaaliyeed waa dad ganacsiga aad u yaqaan oo karti u leh inay wax soo saar ku dhex sameyaan xaalado adag. Waxaan ku kalsoonahay in wadashaqayn iyo iskaashi aan la yeelano dalalka aan bahwadaagta iyo saxiibada nahay ay noo horseedi doonto horumar fa’iido u leh dadkeenna.”

GUDDIGA DOORASHADDA MADAXTINIMADDA MAAMULKA KOONFUR GALBEED AYAA KU DHAWAAQAY

Jadwalka doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, xilli maalmo Kooban ay ka harsan yihiin doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Sidda ay sheegeen Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Diiwan galinta musharaxiinta Waa 22 Bishaan kuna egtahay 23 bishaan.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Hadal jeedinta musharaxiinta ay tahay 25 bishan.

Guddiga-doorashada














DOWLADDA SACUUDIGA OO KA HADASHAY BAAQYADA LOO JEEDINAYO DHAXAL SUGAHA OO AH INUU MEESHA BANEEYO

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Sucuudi Carabiya, Caadil alJubayri

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Sucuudi Carabiya, Caadil alJubayri ayaa sheegay in xad lama dhaafaan ah ay tahay in su'aal la galiyo ama la dhaleeceeyo hoggaanka boqortooyada, taas oo ay ka mid tahay baaqyada ah in la badelo Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan.

Wareysi ay BBCdu kula yeelatay magaalada Riyaad ayuu ku celceliyay in Amiirka dhaxalsugaha ah uusan wax lug ah ku lahayn dilkii weriyaha Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji oo 2dii bishii hore lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

salman

Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin un kadib, markii aqalka kongareeska ee dalka Mareykanku uu amray in baaritaan lagu sameeyo dowrkii uu Amiirka ku lahaa dilka weriyaha, taas oo ay ka dhalatay caro caalami ah.

Wasiirka ayaa mar wax laga weydiiyay tallaabo laga qaado dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan haddii lagu helo falkaasi waxaa uu sheegay in marnaba taasi aysan aqbali doonin dowladda Sacuudiga.

Inkastoo Dowladda Sucuudiga lacag dhan balaayiin doolaar ah ku maalgelisay dalka Mareykanka ayaa hadana madaxweyne Trump waxa uu qiray in dhaxal suge Maxamed bin Salmaan "ay suuragal tahay inuu si wanaagsan" u ogaa dilka Khaashuqji.

Hay'adda sirdoonka ee dalka Mareykanka ee CIA da ayaa baaritaan ay sameesay waxaa ay ku sheegtay in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa dilka weriye Jamaal Khashoggi, balse wasiirka ayaa dilka weriyahaasi ku edeeyay kooxo sirdoon oo aan damiir lahayn, isagoo na dowladda Turkiga ku booriyay inay soo bandhigto cadeymo dheeraad ah, ayna joojiso xogta ay dusineyso.

Madaxweyne Trump oo u muuqda inay ka go'antahay sidii uu u difaaci lahaa danaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanka uu saaxiib dhaw la yahay Sacuudiga, taasi na laga eegayo danaha Mareykanka iyo Isra'iil ee ku aadan Sacuudiga, waxaana uu intaa ku daray in toddobaadka dambe uu shirka G20 ee ka dhici doonaa dalka Argentina uu kula kulmi doonaa ninka lagu tuhmayo inuu amray dilka Khashoggi.

SHABAAB OO WEERARAY DEGMADA BELEDXAAWO

Wararka naga soo gaaraya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Ururka AlShabaab ay weerar ku qaadeen degmadaasi.

AlShabaab ayaa xalay gudaha u galay degmada, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo dagaalyahanada AlShabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay xarunta degmada iyo Saldhiga Ciidanka ee degmada Beledxaawo sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay dagaalka xalay ka dhacay degmada Beledxaawo, waxaana lagu guuleysatay in dib looga saaro Magaalada AlShabaabkii weerarka soo qaaday.

UK OO WELI FILAYSA IN DABAYAAQADA TODOBAADKA AY HESHIIS LA GAARI DOONTO MIDOWGA YURUB

Ra'iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa dabayaaqada todobaadka waxa ay dib ugu laabanaysaa magaalada Brussels si ay uga qeybqaadato wadahadallada Britain ay uga baxayso Midowga Yurub.

Arrintan ayaa imanaysa xilli UK iyo Midowga Yurub lagu wado inay heshiis ku gaaraan shirka Axadda ay isugu imanayaan madaxda Yurub.

Kaddib laba saacadood oo ay shir la laheyd saraakiil ka socotay Midowga Yurub, ra'iisul wasaaraha Britain ayaa waxa ay sheegtay in horumar laga sameeyay qaabka uu mustaqbalka noqon doono xiriirka ka dhaxeyn doono Midowga Yurub iyo Spain.

Dowladda Spain ayaa waxa ay sheegtay inaysan ogolaan doonin heshiiska Britain ay uga baxayso Midowga Yurub ilaa isbadel loogaga sameeyo sida loo dhigayo arrinta deegaanka Gibraltar ee ay Britain maamusho ee ku yaal xeebta koonfureed ee dalkaasi.

Maalmo uun kahor shirka ugu dambeeya ee looga arrinsan doono ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, ayaa tani waxaa loo arkaa inay tahay caqabad weyn.

Raysal wasaaraha dalka Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in axdiga ka bixitaanka iyo qorhshaha wehliya ee xiriirka mustaqbalka ee Midowga Yurub iyo UK, aysan ahayn kuwo ay Spain aqbali karto.

Sanchez ayaa sheegay in ilaa isbedello la sameeyo kahor Axadda, ay Spain shirka u adeegsan doonto waxa uu ugu yeeray awooddeeda codka qayaxan.

Wuxuu doonayaa in la kala caddeeyo haddii xiriirka ganacsi ee mustaqbalka dhex mari doona Midowga Yurub iyo UK ay tahay in lagu dabaqo Gibraltar, sidoo kalena UK ay waajib ku tahay inay Spain la yeelato xiriir kale oo gaar ah.

Wuxuu sheegay inay muhiim u tahay Spain inay si toos ah UK ugala xaajooto arrimaha la xiriira Gibraltar.

Iyadoo ka jawaabeysay su`aalo ay weydiinayeen baarlamaanka, ayay raysal wasaaraha Britain Theresa May waxay ku adkeystay in UK aysan wada xaajoodka ka saari doonaan Gibraltar.

Shirka lagu wado inuu qabsoomo Axadda, hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub lagama filayo inay cod caadi ah u qaadaan ansixinta axdiga ka bixitaanka, balse waxay taas beddelkeed doonayaan inay heshiis ka gaaraan.

Tan waxay micnaheedu tahay in Spain aysan si toos ah u adeegsan doonin codka qayaxan.

Si kastaba, waxay siyaasad ahaan noqon doontaa mid dhib ku ah Midowga Yurub inay ka gudubto cabashooyinka ay Spain la timaaddo shirka.

MAREYKANKA OO MARKALE FAAHFAAHIYAY DUQEYN KA DHACDAY GOBOLKA MUDUG

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu faah faahiyay duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka geysteen saldhig ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin degaano hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Duqeynta ayaa dhacday Saddexdii Maalmood ee lasoo dhaafay oo ay ugu dambeysay maalinimadii Shalay aheyd oo Markale duqeyn lala beegsaday degaanka Caad ee gobolka Mudug.

Mareykanka ayaa sheegay duqeyntan oo dhacday 21kii bishan inuu ku dilay 7 xubnood oo argagixiso ah islamarkaana hadda la qiimaynayo haddii dad rayid ahi ay ku dhinteen duqeyntaasi.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in duqeyntii dhacday maalintii Talaadada Aheyd in lagu dilay 37 xubnood oo ka mid ah Shabaab ku sugan degaanada hoos yimaada degmada Xarardheere.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Mudug.

SOOMAALILAND: WADAHADAL LAMA GALEYNO SOOMAALIYA ILAA MADAXBANNAANI NALA SIIYO

Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si caro leh u sheegay in maamulkiisu uusan wada hadal la gali doonin Soomaaliya ilaa inta laga siinayo madaxbannaani.

Wadahadalka labada dhinac u dhexeeyay oo dhowr waji oo hore soo maray ayaa waxaa garwadeen ka ahayd beesha caalamka, iyadoo dadaal loogu jiray inuu dhaco heshiis is afgarad ah.

Magaalada Burco oo uu shalay booqasho ku tagay ayuu madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi kula hadlay qaar ka mid ah shacabaka.

"Ma aha Soomaaliland mid indhaha laga qarin karo. Xuduudkii uu ingiriiska dhisay baan ku taagannahay, waxaana dooneynaa ineynu wadahadal iyo nabad ku kala baxno laakiin inamada maanta Xamar ka talinaya wey la noqon weyday " ayuu yiri Muuse Biixi.

Isagoo u muuqday inuu aad u careysanyahay ayuu madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay iney ujeeddada wadahadalka fahmi waayeen.

"Ballan waxaan ku qaadnay in aynaan wada hadlin inaad timaaddaan idinkoo xornimadeenna ogol mooyaane",

Arrintan ayey mas'uuliyiinta Soomaaliland ku micneeyeen mid salka ku heysa tabasho ay Soomaaliland ka qabto dowladda Soomaaliya ee uu hoggaanka u hayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

BBCda ayaa maanta xiriir toos ah la sameysay afhayeenka madaxweynaha Soomaaliland, Maxamuud Warsame Jaamac, si uu sharraxaad inooga siiyo hadalkii uu madaxweyne Biixi Shalay Burco ka sheegay.

"Madaxweynuhu hadalka uu sheegay sidaas ayuu ku saxan yahay, waxaana kuu caddeyneynaa xukuumad ahaan in dowladda Farmaajo ay shaqo ka dhigatay iney maalin walba si bareer ah u xaasiddo guulaha iyo horumarka Soomaaliland. Annaguna haddaan nahay xukuumadda Soomaaliland waan joojinay wadahadalkoodi, mana aqbaleyno in aan hadal lasii wadno nin maalin walba ku mashquulsan dib u dhaceenna". Ayuu yiri afhayeenka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas sii raaciyay: "Waxaan u sheegeynaa beesha caalamka inaan diyaar u ahayn wadahadalka laakiin aan iyaga ka wadi weynay maadaama ay mar walba faragalin ku hayaan masiirkeenna ayna dafirayaan horumar walba oo aan gaarno, dagaalna nagu hayaan".

Saameynta Soomaaliland uu ku yeelan karo iskaashiga dalalka Geeska Afrika

Dhawaan madaxweyneyaasha saddexda dal ee Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen uga wada hadlay isku day lagu doonayo in xiriir dhow oo isdhex gal ah ay ku sameystaan.

Saameynta ay arrintaas ku yeelan karto Soomaaliland ayaan wax ka weydiinnay afhayeenka madaxweynaha Soomaaliland.

"Annagu waxaan nahay Jamhuuriyadda Soomaaliland, dalkeennu wuxuu ku yaallaa geeska Afrika, waxaana ka mid nahay waddamada ku yaalla gobolka oo ay Jabuuti ku jirto. Madaxweyneyaasha kulmay iyo midnimada ay ka hadlayeen waa wax danohooda ah oo iyaga ka dhexeeya annaguna waxaan kala mid nahay dalalka kale ee gobolka".

Soomaaliland oo madax bannaani ku dhawaaqday ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa tan iyo xilligaasi dadaal ugu jirtay sidii ay aqoonsi uga heli lahayd beesha Caalamka.

NABADOON LAGU DILAY DEGMADA BALADXAAWO

AlShabaab ayaa xalay waxa 
Balad-xaawo (2)
ay weerareen degmada BaldXaawo ee Gobolka Gedo,halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Mudo daqiiqado ah ayaa halkaasi waxa uu dagaal ku dhexmaray labada dhinac,iyada oo markii dambe ay degmada la wareegeen AlShabaab.

AlShabaab oo xalay weeraray degmada BaladXaawo ee Gobolka Gedo

Waxaa soo baxaya haatan warar sheegaya in AlShabaab ay gowraceen Nabadoon Magaciisa lagu soo koobay Dhaqane,kaas oo AlShabaab ay gurigiisa ay ugu galeen.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in AlShabaab ay wateen laba Wiil uu uu dhalay Nabadoonka.

Wararkii u dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degmada BaladXaawo ayaa waxa ay sheegayaan in AlShabaab ay dib uga baxeen degmadaas BaladXaawo,isla markaana ay kusoo laabteen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland.

SANNADGUURADA 26AAD EE WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PAPER OO 

18 /11/2018 LOO DABBAAL DAGAY..Q/4aad

Axmed Xasan {Xurshe} oo dhaawacyo fududi soo gareen waxayna ahe yd 30kii Juun 1996dii Maalin Jimco 7 Saac Duhurn imo ay aheyd 3 Rag ah waddada inoo galeen Tacshiiradna na huwiyeen kuwaasoo Dhimasho inooga tagay hase yeeshee alle Dile ayaa dhinta waxan inaga soo gaaray alle mahadiis Ciidamada Heyadda ADRASAACID oo inaga dabxiray nagana eryeen dableeydi iyagoo isbitaalka dhaawaceen gaarsiiyen .

Marnaba ma iloobi doono gargaarkii Heyaddaasi inoo fidisay gurmad waxaan leeyahay al la ha idiin jaseeye,sidoo kale Dhaqaatiirka ka Shaqeysa Isbitaal Keysaneey amaan ballaaran ayaan u celinayaa ayey tiri marwo biibto.

sidoo kale waxaay u mahadcelisay Ganacsade Xaaji Muxuddin Yuusuf,Cismaan Xuseen Ax med {waryeen}, Waxana sidoo kale macaamiisha wargeyskaan uu muddad uu jiray u soo qabtay howlaha kala duwan ee adegyadooda waxaan leenahay walaalayaal nagula ciida sanadka 26aad ee xuska wargeyskaan waana idinkaga mahad celinayaa Macamilnimada jo ogtada ah een leenahay Waxana Maamulka ay u soo jeedisay heyadaha iyo shirkadaha ka le ee aan wali macaamilka la yeelani nay dadaalkooda wax qabad ama baahineed aan diy aar u nahay iyagana gacan inagu siiyaan sidii ay sida Wargeysyada Dalka ka jira oo kale aan dhankeena uga ad eegilaheyn waxaana diyaar u nahay inaan ku soo dhaweyno War geyskaani anagoo u sheegeyna inuu yahay mid weyn oo muddadaas fog jiro haddana Gab ar Somaliyed ay leedahay taasoo u baahan in garab lagu siiyo waayo waxaa ay tahay mid ku shaqeysa xaalad xun iyo dalka oo dhibaato ku jira waliba dusha u ridatay inay macaa miishiisa ku taxan Akhrinta iyo Adeegsigana aanay marna ka baaqan Nuquladiisa alle ayaa Mahad leh intii gacan inagu siisayna waan u mahad celinaynaa inaan iyana soo dhaweyno oo ay ka mid noqdaan Macaamiisheena Gacmo furan ayaan ku soo dhaweyneyna ayey tiri Maama Biibto

Dhanka kalena Maamam Biibto ayaa sheegtay una rajeysay dhammaan bahda War geyska Mogadishu Times Daily NewsPaper iyo Taagrayaashaba in sanadkaan kiisa kale ay ku gaar aan Nabad iyo Baraare Dhammaan Qoraalada Munaasbada ayaa waxaa ay yihiin kuwa inta badan ay ka dhax Muuqdaan dadkii waxgalka u ahaa Wargeyskaan iyo kuwa Saa cid ay intaba sanad Guura da 26 Sano oo shaqada Wargeska Qaasatan socotay

dhana kale waxaana ka Cudur daaranayaa inta uu wareyska socda wixii farsamo xum mo ahaa ee lagu arkay inay raali inagaga noqdaan maadaama aanu nahay Aadmi Qaladna uu inaga dhaci karo Ma Qaldame Waa Allaah waxa aan ku shaqeyneyno waa Aalad Cilla dobi karta, waxaayan xustay in wargeyskaan laga dheehan karo wabka www.mogtimes.com taasoo maamulka uu xooga ku saaray in ay helaan macluumaadka ku qoran dadka kala joogo daafaha adduunka waxaayna tiri Guuleysta kuna soo gunaanaday shiribkaan ay tirisay Maama Biibto waan kan:

SHIRIB 4 WALXAATOO MIIN KU TAALA…

·4 Walxaatoo Miin Ku Taal Muqdisha TemisaaTaqaan,

·Dad Ciilan Cuqdada ka saar Calool Fayoobina ku Beer

·Ciyow ayuu ku soo Celshaa Hadeey nabdi Caagtone’

·Cilmi Aqoonya Caaqiliin Cudud Mideysan Ceyn Walbee,

·Carruur ka Raagtay Cidahood AyuuSi Caama ku soo Celshaa,

·Culuun Aqoonya Cilmi Weyn ayey kugu Casumayaan

·Macluumaad Run ah Meerintiis Muqdisha Timesaa Taqaan

SHIRIB {MUQDISHO TIMES WOW MUHIIM}

·Magaca Magaaladeyna Guud Muqdisho Times Wow Muhiin,

·Maamul jiraya Ma’wi Geyn Muqdisha Times Wow Muhiim

·Inta Muftiya Miirqabkaa Muqdisha Times wow muhiim

·Maata Dayacan Meel u Yeel Muqdisho Tims Wow Muhiin

·Muqdisha Times Waa Musbaax inta Kalow ka Muuqayaa

·Muqdisha Times Muuqahaay Meel Fiican alla ha Marshee.

·Muddaad Jirtaye Marxbeyn Maqsuud Ahawe Muqdishoy

·Meel Wacan Gaare Muqdishaay oo Mowlaheyna kuu Maciin

·Masuuliyiinta Muqdisho Maalin Kastaba waa Maqsuud

·Madhaafaanka howlshiyo waxay Muddaba soo Mareen,

·Munaasbadda iyo marxabeynta guud Muqdisho way ka Muuqataa

·Macaamiishiyo Muqdisho Temis Muddo Fogbay Macaamileen.

·Mahad Allaa leh Muqdisho Maantad Jirtaa Muddo dheer 26 Sano

·munasabado Badan soo marteeMaqsuudayna Macaamishaa,

·Muqdisho waa Magaaladii oo Mahuraanki noo aheyd,

·magaca ya maal mar bay kulmaan muqdisha tames waa mirtaas,

·Maamada muqdisho times soo mirtoo Musbaax ka yeeshay waa muhiim

·Muddoba waan ku Meel Marnee Moloow Adiga noo Maciil, AAMIIN AAMIIN AAMIIN

                waxaa erayo kooban halka ka soo jeediyey Md. Yuusuf Cismaan Ciil Axmed {Carrabeey} oo ahaa Guddoomiyaha Naad iga Wargeyska Mogadishu Times waxaana uu dhammaan ugu mahad celiyey doorka ciyaartowda iyo maamulka ka qaateen ta aba gelinta howlaha wargeyskan waxuuna ciyaartoydii guul aha ka soo hoysay tartamadii 1998dii ilaa 2002dii xafladda uu ku bogaadiyey gulahaas isagoo u rajeeyeyguulo intaa ka badan waxaana dadaalka wargeyska uu u galay soo noleynta ta rtam ada cayaaraha qeybha kala duwan ee dalka isagoo yiri sanad guu rada 26aad naga guddooma habalyo iyo salaam diirran ha ddii aad tihiin maamulka wargeyska iyo kooxhiisaba.

sidoo kale Xafladaas 26 guurada wargeyska Mogadishu Times ayaa waxaa halkaa dadkii ka qeyb galeen ku bogaadiy een Marwo Xabiibo Axmed Jimcaale waxaana ay ku dhiiri geliye en inay dadaalkeeda halkaa ka sii waddo, waxaana bahda saxa afadda soomaaliyeed ay u hambalyeeyeen gud ahaan shaqaal aha iyo masuuliyiinta wargeyska iyagoo u rajeeyey in ay sanad kaan kiisa kale ku gaaran nabad iyo baraare.

                waxaana soo gunaanaday munaasabadaasi maareeyayah guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Maxamed Juun isagoo sheegay inuu la socda howlaha biibto waayoo iyadoo yar baan arkjirya maadaam aan iskala shaqeyneyna WMQ waxaayan ahyed gabar howlkar ahwaxaan dhihi lahaa biibtowaxayntusaale u tahay haweenka so omaaliyeed ayna sameysay dadaal dheeri ah waxaana ay tahay gabadha 1aad ee leh wargeys maalinle ah oo dalka soomaaliya ka soo baxa haddana dadaalkeeda uu muuqdo iyadoo muddo 26 sano iyo ka badan saxaafadda u qidmeyneysay waxaan ay tahay mid sida u shaqeysay loo abaal gudin waloow aan maqlay inay kaalinta 2aad ee haweenka saxaafada Afrika goobaha Qat arha ah ka howl gala inay ka gashay Tartran loo qabtay san adkii 2014kii kaalinta 2aad waxaana ka guuleysatay kaliya gab ar ka soca Dalka Dalka Ruwanda, waxayna tahay mid naga mu dan inaan dadaalkeeda ku ammaano wallow howl rag aan qa ban Karin oo xajmi weyn ay u babac dhigtay iyadoo haween ah inay intaa sano soo waday waxaan leenahay maashaa allaah horey u soo wad anagana garabkaaga ayaan taagan nahay insha allaahayuu yiri Md.Juun

       xafladaas ayaa ku soo dhamaatay jawi degan iyo is marxabeyn iyo is bogaadin maamulak ,iyo marti shafata ka soo qeyb gash aba ay ka wada maqsuudeen

                                                          DHAMMAAD DHAMMAAD DHAMMAAD

RW KHAYRE OO KORMEERAY DEKADDA MUQDISHO, WASAARADDA MAALIYADDA IYO XARUNTA GOBALKA BANAADIR.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradda maaliyadda, Dekadda Muqdisho iyo xarunta maamulka gobalka Banaadir si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda maaliyadda ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kula kulmay wasiir kuxigeenka wasaaradda, Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow), oo uga warbixiyay hawlaha ka socda wasaaradda oo ay kamidka yihiin geeddi socodka cafinta daynta lagu leeyahay dalka, iyo hourmarinta aruunrinta dakhliga dawladda.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay shaqada ballaaran ee wasaaradda ay hormuudka u tahay ee lagu hagaajinayo dhaqaalaha dalka, waxa uuna faray wasiirku xigeenka in lasii laba jibbaaro dadaallada lagu dardargelinayo fulinta qorshayaasha qaranka u ah si loo xaqiijiyo hadafka guud iyo hiigsiga danaha qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa kormeeray qaybaha iyo xafiisyada kala duwan ee dekadda Muqdisho, waxa uuna kulamo la qaatay maamulka sare ee dekadda oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya waxa uu sidoo kale kormeeray xarunta maamulka gobalka Banaadir, oo uu kula kulmay guddoomiyaha gobalka, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyaha gobalka kala hadlay dardar gelinta barnaamijyada horumarinta gobalka, adkaynta amniga, soo celinta bilicda caasimadda iyo dardar gelinta Barnaamijka Isxilqaan.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha korjoogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daahfurnaan.

XILDHIBAAN C/ RASHIID XIDIG OO KA DIGAY SII SOCOSHADA KHILAAFKA DFS & DOWLAD GOBOLEEDYADA

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu gaaray Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladgoboleedkada Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Cabdirashiid Xiddig kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

WEERAR KA DHACAY SANAAG

Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo uu hoggaaminaayo Kornel Caare oo dhawaan sheegay in uu ka baxay Somaliland ay xalay weerar ku qaadeen degaankaasi.

Degaanka Ceel Afweyn ayaa waxaa fariisin Ciidan ku leh maamulka Somaliland, waxaana la sheegay in uu halkaasi soo weeraray Kornel Caare oo horay uga tirsanaan jiray Ciidanka Somaliland.

Dagaal socday Muddo dhowr Saacaddood ah ayaa dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo waliba Jamhadda uu hoggaamiyo Caare, waxaana dagaalkaasi ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobta lasoo weeraray ayaa waxaa ku sugnaa Wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland,oo waday waanwaan ku aadan in la qanciyo Ciidanka Jamhadda ah si ay dib ugu soo laabtaan Somaliland.

Caare ayaa hoggaamiya Koox hubeysan oo Jamhad ah oo kala soo goostay Somaliland ka dib markii ay isku dhaceen Taliyaha Ciidanka Somaliland.

GUDDOOMIYE SHUUTE: "ASKARIGII DAB KU KAFTAMA DAB AYAA LAGULA KAFTAMAA WAANA LA TOOGANAA”

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali nuur Shuute ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in hubka ay ciidamada ku wada kaftamaan.

Waxa uu sheegay in hubka uusan geli Karin in lagu kaftamo ama qof lagu taago,waxaana uu Ciidamada ka dalbaday inay joojiyaan in qof qori ay ku taagaan,isaga oo digniin u diray.

TACSI TIIRAANYO LEH OO AY DIRAYAAN BAHDA QORAYAASHA WARGEYSKAN IYO WARIIYAYAASHA DALKA SOOMAALIYA

Maamulka iyo shaqaalaha wargeyskan Mogadishu Times Xabiibo Axmed Jimcaale (Biibto), Bahda WariiyayaashaSoomaaliyeed ku sugan dalka iyo dibaddaba oo kala ah Cali Muuse Cabdi, Dr.Cismaan Axmed Jimcaale Dr.{Jimmy} ,Muuse Maxamed Cismaan, Maxamuud Axmed Xasan {Xuurshe}, Prof. Yeyxe Sh.Caamir, Madiino Axmed Jimcaale, Maxamed Shiil Xasan (Shiil),Ciise Faarax Maxamuud, Saciid Cabdisalaan,Falastin Axmed Xaaji Iimaan, C/hi Axmed Cali (Fat), C/isaaq Axmed Absuge,{Waayeel}, Aweys Xuseen Xasan (Shiino), C/qaadir Maxamed Calasoow {Calas},Muxuddiin Maxamed Calasoow, Barre Sh. Cabdullaahi {Bangaaladeesh},C/hi Maxamed Xasan (Black), Maxamed Cali Maxamuud (Madka), C/hi Maxamed Cumar (Mucjis),C/hi Maxamuud Jiroow, Cali Maxamed Cusmaan (CAmeriko) Amiin Yuusuf Khasaaro, Axmed Maxamuud Dhicisoow ,Cali Muxuddiin Cali, Cismaan Waryeel, Xasan Maxamuud Axmed {X.Fanax} Nuurta Cali Cumar,C/Nasir Cali Cumar iyo dhammaan qorayaasha Muqdisho waxaay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan , Nuur Maxamed Nuur {N.Qamadi} oo Walaashiis Salaado Maxamad Nuur ku Geeriyooday dhawaan magaalada magaalada waxeyna alle ugu baryayaan in janadiisa ugu bishaareeyo ..          Aamiin Aamiin Aamiin

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJICUUN

BOGGA CAYAARAHA

Muxuu ka yiri Mauro Icardi rajada uu ka qabo in Messi uu markale dib ugu soo laabto xulka Argantina?

Xidiga reer Argentina ee Mauro Icardi ayaan qarinin sida uu u doonayo in Lionel Messi uu markale dib ugu soo laabto xulka qaranka Argantina xiliyada soo aadan.

Mauro Icardi ayaa ka caawiyay xulka qaranka Argantina guushii 2-0 ahayd ay kaga gaareen dhigooda Mexico kulankii saaxiibtinimo ay wada ciyaareen subaxnimadan Arbacdaha ah.

"Messi waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, dhamaan ciyaartoydana waxay doonayaan inay heystaan xidig sida isaga oo kale ah”.

"Waxaana rajeyneynaa inuu ku soo laaban doono xulka qaranka kulamada soo socda iyo waliba inuu ka qeyb galo Copa America”.

Dhawaan ayay ahayd kadib markii ay warbaahinta Argentina tilmaameen in Lionel Messi uusan ku fikireynin in uu dib ugu soo laabto ciyaaraha caalamiga ah ama inuu xirto maaliyada xulka Argentina.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanaya kahor dhowr bilood inta uusan si rasmi ah u daah furmin tartanka Copa America oo sanadkan lagu qaban doono dalka Brazil.

England - Premier League November 24

05:00Brighton & Hove Albion? - ? Leicester City

05:00Everton? - ? Cardiff City

05:00Fulham? - ? Southampton

05:00Manchester United? - ? Crystal Palace

05:00Watford? - ? Liverpool

05:00West Ham United? - ? Manchester City

07:30Tottenham Hotspur? - ? Chelsea FC

Italy - Serie A November 24

04:00Udinese? - ? Roma

07:00Juventus? - ? SPAL

09:30Inter? - ? Frosinone

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip