
Xuska Mowliidka - Maxaadan ka ogayn maxaadse ka ogtahay?
Lahaanshaha sawirkaRADIO DALJIR Image captionSanooyin badan ayey Soomaalidu xusi jireen dhalashada nabi Muxamad NNK
Maxay sameeyaan dadka xusa dhalshada Nabiga CSW?
Munaasabaddan ayaa si isku mid ah looga maamuusaa meelo badan oo ka mid ah dunida waxaana lagu weyneeyaa xaflado kala duwan.
Dr Xasan Al-basri oo ka hadlayay waxyaabaha ay sameeyaan dadka xuskan ka qeyb qaata ayaa yiri "Sida caadiga ah dadku wey kulmaan, waxay isugu yimaadaan meel fagaare ah, halkaas ayey nabi ammaan ku sameeyaan, dadka soo xaadirana wax ayaa la siiyaa, waxaana laga sheekeeyaa taariikhdii uu nabigu lahaa. Meelaha qaar quraan ayaa laga akhriyaa waxaana la is xasuusiyaa dhaqankii nabiga iyo waxyaabihii uu sameeyay sida dagaalladii uu diinta u soo galay".
Qaar ka mid ah culumada Islaamka ayaa munaasabaddan si aad ah uga soo hor jeestay waxayna ku tilmaameen mid aan sax ahayn.
Muranka la xiriira arrintan ayaa noqday mid muddo dheer la isku mari waayay is jiid jiid fara bandanna uu ka jiray.
Sax ma tahay in dhalashada nabiga la xuso?
Al-Basri oo qodobkan ay BBC-da wax ka weydiisay ayaa ku jawaabay.
"Dabcan marka dib loo fiiriyo taariikhda culumadii waaweyneyd ee islaamka, dhammaantood wey soo dhaweeyeen, balse dadkaas kuwii ka dambeeyay ee hadda jooga ayaad moodaa ineysan barnaamijkan jecleysan, waxayna adeegsadaan eragya 'bidco' oo ay ula jeedaan inuusan nabigu waxaas sameynin".
Waxaa jira muxaadarooyin fara badan oo ay culumada islaamka ee ka soo hor jeeda ficilkan ay ka jeediyeen mowduucaas, iyagoo uga digay umadda muslimiinta ah iney arrintan sameeyaan.
Balse qeybo badan oo ka mid ah aqoonyahannada diinta islaamka ayaa difaacay xuska maalinta dhalashada rasuulka, iyagoo ku dooday iney tahay farxad loo muujinayo imaanshihii nabiga.
Nabigu ma xusay dhalashadiisa?
Mar aan su'aashan hor dhignay Dr Albasri ayuu yiri "Dib markii loo raacay qodobkan waxaa la ogaaday inuu sax yahay. Xadiiskii Qataata ee lagu wariyay Muslim ayaa nabiga lagu weydiiyay sababta uu maalinta khaaska ah ee Isniinta u soomo, wuxuuna ku jawaabay iney tahay 'maalintii uu dhashay ayna uga qiimo badan tahay maalmaha kale'. Dib markii arrintan loo sii raacay waxaa la ogaaday in nabigu qudhiisa uu si gooni ah maalinta dhalashadiisa ah u xusay".
Xuska Mowliidka - Maxaadan ka ogayn maxaadse ka ogtahay?
Bisha Mowliid ee taariikhda Hijriyada waxaa qeybo badan oo ka mid ah dunida laga xusaa dhalashada nabi Muxammad CSW, laakiin waa arrin muran xoog leh ka dhex abuurtay culumada Islaamka oo ay ku kala qeybsan yihiin. Marka laga eego taariikhda Miila