HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 20-KA NOVEMBAR 2018-KA

0
Tuesday November 20, 2018 - 10:33:10 in Wararka by
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 20-KA NOVEMBAR 2018-KA

    TACSI TIIRAANYO LEH OO AY DIRAYAAN BAHDA QORAYAASHA WARGEYSKAN IYO WARIIYAYAASHA DALKA SOOMAALIYA Maamulka iyo shaqaalaha wargeyskan Mogadishu Times Xabiibo Axmed Jimcaale (Biibto), Bahda WariiyayaashaSoomaaliyeed ku sugan dalka iyo dibaddaba oo k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TACSI TIIRAANYO LEH OO AY DIRAYAAN BAHDA QORAYAASHA WARGEYSKAN IYO WARIIYAYAASHA DALKA SOOMAALIYA Maamulka iyo shaqaalaha wargeyskan Mogadishu Times Xabiibo Axmed Jimcaale (Biibto), Bahda WariiyayaashaSoomaaliyeed ku sugan dalka iyo dibaddaba oo kala ah Cali Muuse Cabdi, Dr.Cis maan Axmed Jimcaale Dr.{Jimmy} ,Muuse Maxamed Cismaan, Maxamuud Axmed Xasan {Xuurshe}, Prof. Yeyxe Sh.Caamir, Madiino Axmed Jimcaale, Maxamed Shiil Xasan (Shiil),Ciise Faarax Maxa muud, Saciid Cabdisalaan,Falastin Axmed Xaaji Iimaan, C/hi Axmed Cali (Fat), C/isaaq Axmed Abs uge,{Waayeel}, Aweys Xuseen Xasan (Shiino), C/qaadir Maxamed Calasoow {Calas},Muxuddiin Maxa med Calasoow, Barre Sh. Cabdullaahi {Bangaaladeesh},C/hi Maxamed Xasan (Black), Maxamed Cali Maxamuud (Madka), C/hi Maxamed Cumar (Mucjis),C/hi Maxamuud Jiroow, Cali Maxamed Cus maan (CAmeriko) Amiin Yuusuf Khasaaro, Axmed Maxamuud Dhicisoow ,Cali Muxuddiin Cali, Cisma an Waryeel, Xasan Maxamuud Axmed {X.Fanax} Nuurta Cali Cumar,C/Nasir Cali Cumar iyo dhamm aan qorayaasha Muqdisho waxaay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan , Nuur Maxamed Nuur {N.Qamadi} oo Walaashiis Salaado Maxamad Nuur ku Geeriyooday dhawaan magaalada magaalada waxe yna alle ugu baryayaan in janadiisa ugu bishaareeyo qoyska iyo qaraabadan samir iyo iimaan saadaq ah ka siiyo ..Aamiin Aamiin Aamiin INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJICUUN

JUBBALAND OO XUKUN DIL AH KU FULISAY ASKARI DILAY NABADDOON

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa shalay xukun dil ah ku fulisay Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi oo katirsanaa ciidanka Daraawiishka Jubbaland, kaas oo 27dii bishii October ee sanadkaan ku dilay magaalada Kismaayo Nabadoon Xassan Goolo oo kamid ahaa Odeyaasha dhaqanka Jubbaland.

Maxkamadda ayaa 6dii bishaan November ridday xukunka dilka ah ee qisaasta Nabadoonka, laguna riday eedaysane Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi.

Askariga shalay la toogtay ee Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi ayaa kamid ahaa koox ka koobnayd 11 ruux kuwaasi oo dhamaantood lagu riday xukunno ku saleysan denbiyadii ay galeen oo ahaa abuurista falal amni darro oo uu qayb ka ahaa dilka Nabadoonka.

Nabadoon Xassan Goolo oo ku baxay gacanta askariga shalay la qisaasay xilligaas wuxuu kooxda ugu tegay waan waan iyo in uu ku qanciyo joojinta falalka ay ku khal khal gelinaayeen nabadgelyada.



XILDHIBAANO BAAQ KA SOO SAARAY XIISADAHA COLAADEED EE GOBOLADA MUDUG & GALGADUUD

Maalmihii la soo dhaafay waxaa xiisado colaadeed ka taagnaayeen deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud,waxaana xiisadahaas ay isku bedeleen gacan ka hadal.

Laba maleeshiyo beeleed ayaa dhawaan ku dagaalamay tuulooyin hoostaga degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud,wallow ciidamo ka tirsan dowladda kala dhex galeen,waxana ka hadlay xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado xiisadaas colaadeed ee ka taagan deegaanada Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Xildhibaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu ku baaqay in dagaaladaas la joojiyo,isla markaana dadka Shacabka ah nabadgelyadooda la ilaaliyo,isla markaana dib u heshiisiin loo sameeyo.


MADAXWEYNE FARMAAJO OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA TALYAANIGA

Farmaajo-3-630x420 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga.

Madaxweynaha iyo madaxda dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafoguri doonaan danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga miradhalin lahaa.

"Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dibudhiska Soomaaliya, saxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhankooda, Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafidiga Madaxweynaha ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, taas ayaana saldhig u ah dadaallada joogtada ah ee madaxda labada dal ay ugu jiraan ka miradhalinta qorsheyaasha iskaashi iyo xaqiijinta danaha ay wadaagaan labada shacab ee saxiibbada ah.

Booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood ah, waxaana wafdiga Madaxweynaha qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha Madaxtooyada Dr Aamina Siciid Cali, Lataliyeyaal iyo Diblumaasiyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.DHAMMAAD

XISBI SIYAASADEED UU HOGAAMIYE U YAHAY GUDDOOMIYIHII HORE GOBOLKA BANAADIR OO SHALAY LA DIIWAAN GELIYAY

Munaasabad kooban oo shalay ka dhacday xarunta Guddiga Doorashooynka Qaran ayaa waxaa lagu guddoonsiiyay Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka shahaadada KMG ah ee diiwaangalinta Xisbiyada siyaasadda dalka.

Xasan Maxamed Xuseeen (Muungaab) oo dowladihii KMG iyo Dowladdii u dambeysay ka soo qabtay xilal kala duwan sida Guddoomiyaha Maxkmadda Ciidanka Qalabka Sida labadeeda darajo xilligii Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha G/Banaadir ahaana Duqa Muqdisho iyo Wasiiru dowlaha Cadaaladda xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligan noqonaya Hogaamiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee shalay qaatay shahaadada diiwaangalinta axsaabta.

Munaasabadda ayaa guddoonsiinta shahaadaha ayaa waxaa ka soo muuqday Xildhibaano hore iyo aqoonyahanno ka mid ah xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka.

Xasan Muungaab ayaa lagu xasuustaa waxqabadkii dhanka cadaaladda markii uu ahaa guddoomiyaha maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya oo la dhihi karo waxa uu ahaa aasaase howlgeliyay Maxkamadda CQS wax badana ka qabtay Cadaaladda dhibbanayaal badan iyo anshaxa ciidanka Soomaaliya., halka lagu xasuusto Xilliigii uu ahaa Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Duqa Muqdisho Barnaamijkii Cadaaladeed ee Hanti isku celintii iyo Mashruucii Horumarineed ee Dalkaaga dhiso.

Aasaasidda xisbigaan siyaasadeed ee uu hogaaminayo Xasan Muungaab ayaa u muuqata in u diyaargaroobayo doorashooyinka dalka ee 2021 taasoo ku salaysnaan doonto hanaanka Xisbiyada badan sida la qorsheeyay.

QARAMADA MIDOOBAY OO SHAACISAY DEKADAHA SOOMAALIYA EE LAGA DHOOFIYO DHUXUSHA

AlShabaab ayaa ku naallooneysa dakhli badan oo uga soo xarooda dhuxusha laga dhoofiyo Koonfurta Soomaaliya, iyadoo ay halkaas joogaan ciidamada milatariga ee midowga Africa, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa warbixin hore ku shaaciyay in dekadaha dhuxusha laga qaado ay ku yaallaan magaalooyinka Kismaayo iyo Buur Gaabo, waxaana magaalooyinkaas si buuxda u jooga ciidanka Kenya ee ka hoos shaqeeya howlagalka Midowga Africa ee Soomaaliya, ee Amisom.

Warbixintan cusub ayaa lagu sheegay in kooxda daba galka ee qaramada Midoobay "aysan gacan ka helin Amisom” markii ay bishii Luulyo ee sannadkan isku dayayeen iney wax ka ogaadaan howlaha dhoofinta dhuxusha ee dekedda Kismaayo.

Qiyaas ay sameeyeen khubarada qaramada Midoobay ee kormeera Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in Al Shabaab ay ganacsiga dhoofinta dhuxusha ka qaaddo canshuur ayna ka sameyso lacag dhan ugu yaraan $7.5 malyan oo doolar.

Canshuurtaas ayaa, sida lagu sheegay warbixinta, waxaa lagu qaadaa baro koontarool oo ku yaalla gobollada jubbada dhexe iyo jubbada hoose.

Kooxda dabagalka ayaa sheegtay in dhaqaalaha faraha badan ee Al Shabaab uga soo xarooda ganacsiga dhuxusha uu u suurta galiyo iney howlohooda sii wadaan.

Canshuurta Jubbaland

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale la sheegay in uu dakhli uga soo xaroodo dhoofinta dhuxusha, oo ah ganacsi horay loogu mamnuucay qaraar ka soo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

"Baaritaanno ay sameeyeen kooxda dabagalka ayaa lagu ogaaday in ganacsiga sharci darrada ah ee dhoofinta dhuxusha uu canshuur ka qaado maamulka Jubbaland, iyagoo halkii jawaanba ku canshuura lacag ka badan $5 doolar, waxaana sannad walba maamulka Jubbaland uga soo xarooda lacag dhan $15 malyan oo doolar” ayaa lagu yiri war bixintaas oo Arbacadii la hor geeyay golaha amaanka.

Kooxo dambiileyaal ah oo fadhigoodu yahay Kismaayo iyo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka carabta ayaa saami weyn ku leh lacagtaas, sida lagu qeexay warbixinta.  BBC SOMALI


RA’IISUL WASAARE KUXIGEENKA DALKA OO FAAH FAAHIYAY SHIR MADAXEEDKA…

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ayaa dalka Itoobiya uga qeyb galay Shir Madaxeedka Midowga Afrika,waxana uu faah faahin ka bixiyay qodobadii ka soo baxay shirkaas.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shirka oo socday mudo labo cisho ah ay ku wehlinayeen Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaraada Soomaaliya ee Ethiopia,wuxuuna cadeeyay inta uu shirka socday diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta Midowga Afrika iyo sidii ururka Midowga Afrika ugu filnaan lahaa arrimaha quseeya ee dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha Bulshada.

"Waxyaabaha lagaga hadlay shirka waxay ahayd guud ahaan dib uhabeynta Midowga Afrika iyo sidii Ururka Midowga Afrika u noqon lahaa mid adag oo ku filan arrimaha quseeya Afrika sida dib u habeynta dhaqaalaha,amniga,arrimaha Bulshada,deegaanka iyo isbedelka Cimilada aduunka,ganacsiga iyo isdhexgalka Afrika iyo waajibaadka saaran wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika,”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka ayaa sheegay inuu kullan gaar ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madax kale oo ka socotay Midowga Afrika,kuwaasi oo ay ka wada hadleen isdhexgalka gobolka iyo iskaashiga wadamada Soomaaliya,Itoobiya iyo Eriteriya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo isdhexgalka shacuubta saddexda dalka.


MADAXWEYNE GUDAYA LACAG UU OLOLAHA DOORASHADA KU GALAY

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa dib u bixinaya lacag gaareysa ku dhowaad 35 kun oo doollarka Mareykanka ah taas oo shirkad musuqmaasuqa lagu eedeynayo lalana xiriirinayo wiilkiisa ay ugu deeqday ololihiisii madaxtinnimada.

Shirkadda dhaqaalaha bixisay oo lagu magacaabo Bosasa, ayaa ku guuleysatay qandaraasyo ay dowladda bixisay, balse waxaa ku socda baaritaan.

Ramaphosa ayaa hore baarlamaanka ugu sheegay in lacagta ka timid shirkadda Bosasa, la siiyay wiilkiisa, Andile, oo sida uu sheegay shaqo u qabtay shirkadda.

Balse wuxuu markii dambe qirtay inay ahayd deeq loogu talo galay ololaha madaxtinnimada xisbigiisa ANC.

Inkastoo uu Ramaphosa sheegay in deeqdaasi la bixiyay isagoo aan ogeyn, haddana waxaa tani loo arkaa inay ceeb ku tahay madaxweyne ballan qaaday inuu tirtirayo musqmaasuqa.

Ramaphosa ayaa amray in qiimeyn lagu sameeyo dhammaan dhaqaalaha ku baxay ololihiisa hoggaanka xisbiga African National Congress (ANC).


GOLAHA WASIIRADA JUBBALAND OO ANSIXIYAY XEER MUHIIM AH

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha Wasiirada Jubbaland.

Kulankan waxaa ay golahu dood dheer iyo qiimayn ku sameeyeen Xeerka dhismaha gudiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Golaha ayaa si buuxda u meel mariyay xeerkan oo lagu soo dhisayo labo gudi oo muhiim u ah geedi socodka Jubbaland dhawaan ayaa Baarlamaanka la horgayn doona si ay u Ansixiyaan isla markana waxaa la guda gali doona dhismaha gudiyadan oo ka shaqayn doona Arimaha Xuduudaha iyo Doorashooyinka.


MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO DAAH FURAY MASHRUUCA HORUMARINTA IYO SHAQO ABUURKA GOBOLKA

Duqa Muqdisho ahna Gudd YARIISOWoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo daah furay Barnaamijka Horumarinta bilicda Caasimadda iyo shaqo abuurka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in barnaamijkan uu ku yimid Maamul wanaagga iyo qorsheyaasha hourmarineed ee ka socda Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey, gaar ahaan UNDP, kaalinta maalgelineed ee ay ka qaadanayaan hirgelinta barnaamijkan iyo kalsoonida buuxda ee ay ku qabaan hannaanka maamul ee Gobolka Banaadir.

"Barnaamijkan waxaa uu isugu jiraa labo qeybood oo muhiim u ah horumarka iyo nolasha bulshada Gobolka, labadaas qeeybood ayaa kala ah mid shaqo abuur loogu sameynayo 1000 dhallinyaro ah iyo qorshe ku saabsan dib u soo celinta bilicda iyo quruxda Caasimadda.”

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay qalab casri ah oo ay qeyb ka yihiin booyadaha nadaafadda, cagafcagafyo iyo gaadiid kale oo loogu tala galay dayactirka iyo ilaalinta fayo dhawrka Gobolka.

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay qorshaha Iftiiminta Caasimadda, iyadoona laga warbixiyey naleynta jididka 30ka iyo Wadnaha oo la soo gaba gabeeyey, haatanna la bilaabi doono qeybaha kale ee jidadka iyo farsmagaaleyaasha Caasimadda.

Guddoomiye Yarisow ayaa ku ammaanay Bulshada Gobolka Banaadir dadaalka wadaniyadda leh ee ay mujiyeen si looga mira dhaliyo Olalaha Isxilqaan, iyadoona lagu nadiifiyey olalahaas Muqdisho Stadium, xarummaha Tiyaatarka iyo Madxafka Qaranka.

Munaasabadda daahfurka mashruucan oo lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madax heer Gobol iyo heer Degmo ah, saraakiisha hay’adda UNDP iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir.


RW KHEYRE OO LA KULMAY WASIIR KUXIGEENKA ARRIMAHA DIBADDA FINLAND

Baasto-696x424 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen oo Muqdisho soo gaaray.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, koruqaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dardar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Finland ayaa Ra’iisul wasaare Khayre u sheegay dawladda Finland in ay aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya iyo in si toos ah ay dawladda dhaqaale ugu taageerayso ayna joojinayso dhaqaalihii ay usoo marsiin jirtay hay’adaha kale.

Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr oo kulanka kadib ka war bixiyay ayaa sheegay in Dowladda Finland ay maalgashi ku samaynayso Soomaaliya, isagoo xusay in ay wafdi gancsato ah oo ka socda shirkadaha dalka Finland qaarkood ay imaanayaan Muqdisho horraanta sannadka 2019.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Finlan Samuli Virtanen ayaa inta uu joogo Muqdisho waxa uu kulamo la qaadanayaa qaar kamid ah wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ka wada hadlayaan arrimo muhiim u ah horumarka dalka.


MD GALMUDUG GARABKA CADAADO OO BOOQASHO KU YIMID MUQDISHO

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee dhawaan lagu doortay Degmadda Cadaado, Axmed Maxamed Xasan [Axmed Baasto] iyo wafuud balaaran oo uu hogaamianayo ayaa shalay kasoo dagey garoonka caalamiga ah ee Magaladda Muqdisho Aadan Cadde.

Axmed Baasto ayaa xubnaha ku wehlinaya safarkiisan uu Muqdisho kusoo gaarey waxa kamid ah xildhibaano iyo wasiiro uu kamid yahay Xassan Keynaan, wasiirka biyaha iyo koronta ee xukuumadii uu soo dhisay madaxweyne Axmed Baasto.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa shacab, waxgarad iyo masuuliyiin kale

Intaasi kadib, wasiirka Madaxtooyadda Galmudug, Cumar maxamed Guureeye la hadlay saxaafada ayaa soo dhaweeyay madaxweyanaha.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee dhawaan Lagu Doortay Degmadda Cadaado Axmed Maxamed Xasan [Axmed Baasto] ayaa sheegay in safarkan uu yahay mid shaqo oo uu ku matalayo bulshada reer Galmudug.

Dhanka kale, wuxuu shaaciyay in uu kulamo la qaadan doono Madaxda Qaranka iyo Bulshada kasoo jeeda deegaanada Galmudug, arimaha uu kala hadli doono ayuu xusay ay tahay sidii looga wada shaqayn lahaa xasiloonida iyo Hormarka Galmudug islamarkaana meesha looga saari lahaa madmadowga Siyaasadeed ee Jira.

Axmed Maxamed Xassan [Axmed Baasto] oo dhawaan loogu doortay Degmadda Cadaado Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in uu la fariisan doono dhinacyadda kasoo horjeeda ee garabka Dhuusamareeb, si meesha looga saaro qilaafyadda jira.


DUQAYN XOOGAN OO KA DHACDAY GOBOLKA MUDUG

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqaymo culus ka fuliyeen tuulada Cadaley oo udhaxeysa degmooyinka Camaara iyo Ceelhuur.

Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in weerarka cirka ah lala beegsaday Gawaari ay la socdeen xubno ka tirsan xakarada AlShabaab, inkasta oo aanan la xaqiijin karin nooca ay ahaayeen Gaadiidka oo la tilmaamay inay gubteen.

MG_0077 Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa inuu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ay geysatay duqaynta, wallow aanan la hubin tiradda saxda ah ee ku waxyeelowday duqaynta oo jugteeda meelo fogfog laga maqlay.

Shalay oo Axad ah ayay ahayd markii saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ay sheegeen in duqayn laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe lagu beegsaday idaacada AlShabaab ee Andulus, xubna kalena lagu dilay.


LABA RUUX OO XALAY LAGU TOOGTAY MAGAALADA MUQDISHO

Wararka aan ka heleyno degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag hubeysan ay xalay toogasho ku dileen laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsanaa ciidanka dowladda.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dableyda ay togasho ku dileen askarigan oo xilligaasi aanan wadan dareeska ciidanka iyo qof shacab ahaa oo ay ku wada jireen maqaaxi ku taalla meel dhaw isgoyska Fagax.

Askariga oo garaab ahaan goobta looga qaaday ayaa markii dambe ku geeriyooday isbitaalka la geeyay, waxaana magaciisa lagu soo gaabiyay Axmed Nuux.

Ciidanka dowladda oo goobta uu falka uu ka dhacay tagay markii ay baxsadeen dableyda ayaa sameeyay baaritaan aanan cidna lagu soo qaban.

Ragga dilka geystay oo ahaa laba nin oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Maalmahan dambe waxaa magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda ku kordhay dilalka ay geysanayaan xubnaha ka kala tirsan Shabaab iyo Daacish, kadib markii habeen hore fiidkii isgoyska Bakaaraha sidan oo kale loogu toogtay askari ciidanka dowadda ka tirsanaa.


WASAARADDA XANAANADA XOOLAHA OO SHALAY DAAH FURTAY OLOLAHA TALAALKA ARIGA "SAWIRRO”

Munaasabadan oo aay soo qabanqaabisay wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee xukuumada federaalka ah ee Soomaaliyaayuu u jeedkeedu ahaa daahfurka mashruuca Ololaha Talaalka Ariga ee cudurada Jadeecada iyo furuqa si looga hortago Xanuunada ay sababaan.

Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Agaasimaha guud ee wasaaradda, Madax ka socotay heyada FAO, dhaqaatiir, aqoonyahno iyo marti sharaf kale ayaana ka qeyb galay kulankan oo aad loogu gorfeeyay muhiimada uu talaalku u leeyahay xoolaha gaar ahaan ariga.

Drs. Nuurto Sheekh Maxamuud oo ku hadashay magaca ururada ka shaqeeya arrimaha Xoolaha ayaa sharaxday muhiimada uu talaalkan leeyahay iyo muddada uu socon doono.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Maxamed Cumar Nuur Ayaa sheegay iney farxad u tahay ineey sanadkii labaad daahfuraan talaalka xoolaha si loo helo xoolo caafimaad qaba oo lagu nacfiyo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Xildibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo kulanka soo xiray ayaa tilmaamay ineey ahmiyad weyn siinayaan sidii loo horumarin lahaa xoolaha oo ay dadka soomaaliyeed aad ugu tiirsanyihiin .

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa dhinaca kale sheegay in ay wadaan dadaalo ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa xoolihii loo dhiifin jiray dalka Sacuudiga oo ay hada wadahadalo kula jiraan.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa xukuumada Soomaliya ayaa sanadkiiba laba jeer fulisa talaalka caafimaad qabka xoolaha, waxaana sanadkan la filayaa inxanuunada jadeecada iyo furuqa laga talaalo in kabadan Sideed iyo labaatan milyan oo ari ah oo ku dhaqan guud ahaan dalka


XUKUUMADA ISRAA’IIL OO KA BADBAADAY QALALAASO SIYAASADEED

Xukuumadda Israa’iil ayaa u muuqata in ay ka badbaadday burbur ku imaan lahaa, ka dib markii dhinac ka mid ah xulafada dowladda uu ka noqday hanjabaad ku saabsaneyd inuu ka baxayo isbahaysiga, taasoo kallifi laheyd in la qabto doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyay.

Naftali Bennett oo ka socda xisbiga Yuhuudda ee Jewish Home party ayaa horay u bidhaamiyay inuu ka bixi doono isbahaysiga, balse shalay oo isniin ah ayuu ku dhawaaqay inuu sii joogi doono.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa maalmihii ugu dambeeyay wada hadallo la yeeshay wasiirrada xukuuumaddiisa, isagoo isku dayayay in isbahaysigiisu uu sii mideysnaado.

Xasaradda siyaasadeed ayaa billaabatay ka dib markii uu xilka iska casilay wasiirkii gaashaan dhigga ee Israa’iil, isagoo ka careysan xabbad joojin ay Israa’iil la gaartay mintidiinta ku sugan magaalada Qasa, go’aankaasoo isaga iyo siyaasiyiin kale ay ku tilmaameen "isdhiibitaan”.

Mr Bennett ayaa sheegay in uu xisbigiisa kala bixi lahaa isbahaysiga haddii aan loo magacaabi lahayn wasiirka gaashaan dhigga.

Mr Netanyahu ayaa xilkaas si ku meel gaar ah usii hayay tan iyo markii uu wasiirkii hore iscasilay.

Tallaabada uu wasiirkii difaaca uga baxay dowladda xisbigiisana uga saaray isbahaysiga ayaa sababtay in xukuumadda Netanyahu ay hal kursi oo qura aqlabiyadda uga heysato baarlamaanka ka kooban 120ka xubnood.

SANNADGUURADA 26AAD EE  WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PAPER OO  

 18 /11/2018 LOO DABBAAL DAGAY..

Q/2aad

Taariikhda wargeyska ayaa ah sida tan: "in wargeys maalinle ah la sameeyo waxaa fekerkiisa lahaa Marxuum C/dir Axmed Jimcaale {Boison} oo Geeriyood ay inta aan la sam eyn Wargeys kaani Alle ha u Naxariistee. Iyadoo Dadkii isku howlay garabkana igu siiyey sameynta wargeyskaan oo ay ugu horeysay magac u sameyntiisa kana qeyb qaateen dhal linyarada ka howl bilowday wargeyskaan ayaa kala ahaa sida tan: "Al Ustaad Aweys Xus een Xasan {A.Shiino}, Maxamuud Axmed Xasan {Xuurshe Tifaaftirihii Wargeyskaan ugu hor eyey G/wargeyskaan muddo gaaban hayey xilkaasi oo ahaa Cali Xaaji Maxamed Alle ha u naxariistee iyadoo guddoomiyaha wargeyskaan Dr.Cismaan Axmed Jimcaale ahaa muddo isagana xil kaa hayey ilaa iyo hatana howlaha wargeyska qeyb culus ku leh waloow howlo kalena uu leyahay gacan buu inagu siiyaa si wrgeyskan uu u noqdo mid meel sare gaaro Maxamed Xasan Gaarweyn {Jeeri Alle ha u Naxariistee} oo lagu xusuusto {Qoraaladii Raadiyo Reer Hebel iyo Ma Sheexoow Xaala Sheegay iyo sheekooyin jaceyl ahaa iyo Ri waayado Siyaasadeedyo badan oo uu Allifay}, C/laahi C/Raxmaan C/laahi Yariisoow {Alif} Artiist u ahaa wargeyskaan walibana kii ugu horeyey oo qaaska inoo ahaa, isagan snadkii tagay ayu geeriyooday alle ha u naxariisto ,Max med Maxamuud Nuurrey {Jimcaale}, qo ray asha waaweyn ah ,Qo raa sare Cawil Daahir Salaad oo lagu xusuusto Mataantii Qalbiga sheekadii kadibana filinka laga dhigay ,, Prof. Yexye Sh. Caamir oo qor aalki u gu dheeraa ee JUUJ VS WAMAA JUUJ qori jiray ilaa haatan qoraalo ku leh wargeyskan, Wariiye Cali Muuse Cabdi. oo wargeyskaan kaalin mug leh ka qaatay isagoo akhbaaraadka guud iyo waliba wareysiyada gaarka ah wax ka qori jiray, wuxuuna xilligii adkaa ee wargeyskauu kaalin wax ku ool ah ka qatay qalabeynta wargeyskan isa goo inagu saaciday agabka uu ku howlgalyey wargeyska ammaan ballaaran baan u hayaa isna allaah ha u jiseeyo,Jabriil Max amuud Nuur {Jabra} Farsamayaqaan ka Warg eys kan ee ugu horeyey ahna qoraa faa looyin iyo diyaarinta wargeyska ,Madiino Axmed Jimcaale oo sheekooyin Riwaa yadeedka iyo war arka, wargeyska u qorta, Sh. Cali Cumar Maxamuud qoraalada Diiniga iyo faallooyinka Mar xaladaha kala duwan looga bartay ee xaggana badda.

Dhan kale Marwa Biibto oo hadalke eda sii watada ayaa intaa raacisay "aniga 6 magac oo la soo Ali fay ayaa la I hor keenay oo aan aniguba qeyb kulahaa, wa xaan ka qa atay magaca ah MOGADI SHU TIMES,kuwii kalena qaar baan dad siiyey qaar kalena dib ay aan u howl geliyey iyana waxaay ka mid yihiin wargeysada aan leeyahay ayey tiri Marwo Bii bto. waxaana nasiib wanaag ah in wargeyska uu noqday mid dad ku aad u jecleysta an waxa uu qorayo waayoo wuxuu ka fogaa isku dirta iyo beenta, waxuna ahaa mid runta ka turjuma oo aan ka baqanin wixii jira oo maskiin u hiiliya ah iyadoo Durba dad badan ku soo xirmay waxaana wargeyska uu horseed ay inuu isu soo dhaweeyo siyiyaasi yiintii loollanka adag ku jirtay ka dib markii afkaarta bulshada laga qoray waxay u daga alamayaan iyo waxa ay ka helayaan haddii qoraalo ka hadlaya la qoray qof kasta oo qalad ku jiray uu dib Isu saxay kana haray fowdadii iyo coladiskii dantiisa raacday.

iyadoo xusuu muhiim ahay inoo tahay in Wargeyskaani uu Qadkii Cagaaranaa sidii loo furi la haa ka qeyb qaatay iyadoo akhbaartii ugu farxadda badneyd ee shacab gaaro uu ka helo Wargeyska iyadoo kulankii Hoteel Ramadaan ee Md.Cali Mahadi Maxamed iyo Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid 3 saac uu ka dhacay Hoteel Ramadaan ee M/Muqd isho qoraalk aasi uu habeen 10 Saac ina soo gaaray uu Waregysku sameysan yah ay haddan aan galnay inaan daabacno warkaasina kuna dhejino Wargeyska kuna Lifaaqnay Bogga Danbe {Gadaale} dadaalkaas oo uu maamulka sameeyey waxaa kalin muhiim ah ku lahaa Wariiye Cali Muuse Cabdi Oo Xarunta Soo Gaarsiiyey aniga Biibto ahna inta ka howlbilaabay sidii aan u diyaarin lahaa inta ka hartay howshaa si uu u Hirgalo warkaas muhiim bushada u ahaa kaasoo ,waxaana la arkayey iyadoo la Bogaadi nayo Xarunta wixii Wargeysahaa ee Maali ntaa wuu Qaaliyoobay dadkiina waliba way badsanayeen iya goo Koobiye ysa nyey waayoo way Fara sanayeen iyagoo wadadda Xarunta Wareyska Marayeen

iyagoo Bogga ku heysta Nuqul Wargey ska ka mid ah ina dabaaldagayeen soo dhaweynta Xuseen Ceydiid oo Hoteel Ra madaan ku la kul maayey Madaxweynahe Cali Mahdi Maxmed taasoom Maa lintaa Qadkii Cagaarnaa laga qaaday iyadoo isla shaqeyn dhexmarta 2da Qeybood ee Mu qdishona la isu kala gudbay, loona duceeyey muqdisho Times iyo Bahdiisa

ilaa haatan waa nalooga hambalyeeyaa waxqabadkaas ayey tiri maamada

Wargeyskan farsamayaqaanada soo marayiyo kuwa wali ka howla gala waa: Jabriil Maxa med Nuur Jabra,Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto}, Maxamed Ibraahin {Baksitaan},Cali Muxuddiin {Cali Gaas}, C/hi Maxamed Salaad {Dalle}, Najiib Cali Cumar, Daa’uud Maxam ed Salaad, Naasir Cali Cumar,C/fitaax Maxamed Salaad Diyeeshe, iyadoo aysan ka mar eyn farasmada iyo qoraalada Wargeyska qeybo ka mid ah inay ka shaqeyn jireen dadka sa re ku xusan.


1shaqaalah iyo maqaaliistayashii kaalinta ku lahaa waxaa ka mid ah: Aweys Xus een Xasan {A.Shino} Sheekadiiqoraa sheeko,Cawil Daahir Salaad Qorahaa Sheekadii Mataankii qal biga , Alle ha u naxariistee Cabdaal Nuuradiin Axmed Qore Sheekoodii Aniga iyo Jaceyl, Maxamed Shiil Xasan, Qoraa Sare Saciid C/Salaan Qoraa Maqaalaad, C/risaaq Axmed Absuge {Waayeel} Faallo Qore,Xasan Maxamed Geseeyey, Maqaaliiste,Sacdiyo Sh.Axmed {VIP} qoraal sheekooyin, Falastiin Axmed Xaaji {PLO} qoraa sheeko Jaceyl ah, iyo

Maqaalad,Alfannaan Bashiir Cali Xuseen Bogga Fanka iyo Suugaanta,Mahad Car aboow Cali Ripor teka Wargeys ka, Aad an Saalamin Faallo Qore, Maxa med Cali Maxamuud {Madka}, qoraa sare, C/laahi Maxamed Cumar {Mucjis},C/laahi Max amuud Jiroow, riports, Ceydiid Abuukar qoraaga Sheekadii ROOMA, Barre Sh. C/hi {Bangaaladeesh}:{Qoraa sheega dii Guumeystii Geel Baan},Aadan C/laahi Aadaamo Qore sheeko Gobeey Maxaa loo Guursan waayey,Cali Maxamed Cismaan {C.Ameeriko}, Qoraa sheeko jaceyl ah,Muqtaar Nuur Maxamed {M.Lovy},qora sheeko, Badruddiin Sh.C/hi Maqaliste iyo diyariye barnaamij Qoro Qoraa Sare C/dir C/lle Nuur {Qalbi Dahab} ayaa ah: {Naag Iyo Nasiib Raga Waa Ay Kaa Farxiyaan sheekada Socoto}, C/qdir Maxamed Calasoow {Calas} Wariiye wararka u qaabilsan iyo Maqaalaadya da,

WAA SOCOTAA



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip