
Madaxweynaha Mareykanka Obama oo Jeediyay Khudbaddiisii Toddobaad ee ugu Dambeysay
Sidoo kale, Obama wuxuu dhaleeceeyay xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee u baratamaya sidii ay isaga ugala wareegi lahaayeen Xilka. Wuxuuna yiri. "SiyaasiyiintaDadka ku beegsaday sababo la xiriira Jinsigooda iyo Diintooda.” Kaasoo u muuqday inuu ku Weeraray, Donald Trump oo horay u sheegay in dadka muslimiinta ah laga horjoogsado inay soo galaab dalka Mareykanka.
"Marka siyaasiyiintu waxay Af-lagaadeeyaan muslimiinta, marka masaajidada la Weerarro ama ciyaalka la badawsado, taasina nagama dhigeyso Amaan, waana mid khalad ah,” ayuu Obama ku yiri khudbadiisa.
DAAWO: Khudbaddii uu jeediyay Madaxweynaha Mareykanka Barack H. Obama;
Dhanka kale, Obama ayaa kuwa isaga kasoo hor-jeeda ku Weeraray arrimaha Dhaqaalaha, isagoo yiri. "Qof kasta oo ku doodaya inuu Dhaqaalaha Mareykanka hoos u dhacayo, waa qof ku sugan xaalad qiyaaali ah.”
Mar uu ka hadlayay siyaasada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayuu qiray halista kooxaha Argagixisada ah, sida ururka ISIS oo caalamka ka fuliyay weerarro badan oo dhimasho leh. Balse wuxuu sheegay in xag-jiriinta Islaamiga ah aysan halis ku ahayn jiritaanka caalamka, wuxuuna u digay kuwa sheegaya inuu soo socodo dagaalkii saddexaad ee Caalamka.
Ugu dambeyn, Barakac H. Obama ayaa Xafiiska ka tagaya bisha Jannaayo ee sannadka soo socda 2017-ka, iyadoo shacabka Mareykanka ay dooranayaan bisha November ee 2016-ka madaxweyne cusub oo bedeli doona Barack Obama oo muddo siddeed sannadood ah.
Madaxweynaha Mareykanka Obama oo Jeediyay Khudbaddiisii Toddobaad ee ugu Dambeysay
Madaxweynaha Mareykanka Barack Hussein Obama ayaa xalay jeediyay khudabaddiisii toddobaad ee Qaranka, taasoo ahayd tii ugu dambeysay ee uu jeediyo, isagoo ka hadlay guulihii uu gaaray muddadii uu xilka hayay, isagoo diirada saaray mustaqbalka Mareyka