Markab sida qalab lagu ballaarinayo dekedda Boosaaso soo xirtay

0
Wednesday January 13, 2016 - 17:25:38 in Wararka by
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab sida qalab lagu ballaarinayo dekedda Boosaaso soo xirtay

    Dekedda caalamiga ah ee magaalada Boosaaso oo aan wax dayactir ah helin muddo 25-sano ah ayaa iminka waxaa dhowaan la bilaabayaa in lagu sameeyo dib u habeyn casri ah, iyadoo markab weyn oo sida qalabkii howlahaasi lagu fulin lahaa oo ku soo xirtay m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dekedda caalamiga ah ee magaalada Boosaaso oo aan wax dayactir ah helin muddo 25-sano ah ayaa iminka waxaa dhowaan la bilaabayaa in lagu sameeyo dib u habeyn casri ah, iyadoo markab weyn oo sida qalabkii howlahaasi lagu fulin lahaa oo ku soo xirtay marsada dekedda Boosaaso.

Markabkaan oo ah nooca xamuulka qaada ayaa waxaa ku raran biro badan badan oo lagu dayactirayo dekedda Boosaaso, iyadoo halkaasi ay ku soo dhoweeyeen madax ka tirsan maamulka Puntland.

Horumarka Shiinaha ka wado dalalka Afrika oo soo gaaray mid ka mid ah gobolada Soomaaliya

Madaxweyne K/Xigeenka maamulka Puntland C/Xakiim Cumar Camey, Wasiiro iyo saraakiil ku sugan dekedda Boosaaso ayaa sheegay in markabkaan uu sido qeyb ka mid ah qalabka lagu dayactirayo dekeddaasi, iyagoona sheegay inay jiraan shixnado kale oo qalab kala duwan inay dhowaan soo gaarayaan dekedda.

Eng. C/Xakiim Xaaji Cumar Camey ayaa saxaafadda u sheegay in dekedda Boosaaso hoos loo qidayo 13-mitir, si maraakiibta waaweyn ay ugu soo xirtaan dekedda.

Wasiirka dekedaha gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcad badeeda Puntland C/llaahi Jaamac Saalax ayaa isna sheegay inay tahay farxad dib u casriyeynta lagu bilaabay dekedda Boosaaso, bacdamaa markabkii ugu horeeyay oo sida qalab u sida dekedda maanta soo xirtay.

kab_1kab_2kab_3kab_4kab_5




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip