
Qareenka gabadha madaxweyne Trump ku eedaysay in uu la seexday oo la xiray
Lahaanshaha sawirkaREUTERS Image caption Michael Avenatti ayaa caan noqday markii uu qareenka u noqday Stormy Daniels oo jisha aflaanta galmada ah
- Trump : Lacagtii aan siiyay haweenka, jeebkayga ayaan ka bixiyay
- Fadeexado isku mid ah oo qabsaday labo madaxweyne oo Maraykankan ah
- Madaxweyne Trump oo sheegay in dalkiisa "la weeraray"
Avenatti ayaan wali bulshada kala hadal arrintan.
We can confirm that today LAPD Detectives arrested Michael Avenatti on suspicion of domestic violence. This is an ongoing investigation and we will provide more details as they become available.
— LAPD HQ (@LAPDHQ)15 Bisha Kow iyo Tobnaad 2018
Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @LAPDHQ
Lamaanahan kala irdhoobay ayaa is guursaday 2011 balse waxaa la sheegay in Avenatti uu xareeyay waraaqihii furitaanka sannadkii 2017.
Gar yaqaankan ayaa caan noqday markii uu qareen u noqday Daniels.
Daniels oo jilaa ah ayaa sheegtay in xiriir muddo kooban ah ay yeesheen iyada iyo madaxweyne Trump - eedaymahaas oo uu diiday - waxayna go'aansatay in ay isaga baxdo heshiis ay saxiixday doorshadii Maraykanka ee 2016 ka hor, kaas oo ku saabsanaa in arrimahaas aysan ka hadlin.
Avenatti oo barnaamijyada telefeshinnada aad uga soo muuqda ayaa noqday mid aad u dhaliila madaxweyne Trump, sida uu sheegayo David Willis oo ah weriye BBC ka tirsan oo ku sugan Los Angeles.
Avenatti ayaa mar tilmaamay in uu rabo in uu rabo in uu isu soo sharaxo madaxweynenimo marka la gaaro doorashada 2020, sida uu saxafigaasi sheegay.
Qareenka gabadha madaxweyne Trump ku eedaysay in uu la seexday oo la xiray
Michael Avenatti oo ah qareenka gadha caanka ku ah jilitaanka filimada galmada ah ee dacwada ku soo oogtay madaxweyne Donald Trump ayaa la xiray isaga oo looga shakisan yahay rabshad qoys, sida uu shaaciyay booliiska Los Angeles. Barta TMZ ayaa ma