Cristiano Ronaldo, Robert Lewandowski Iyo Xiddigaha Aan U Codeynin Lionel Messi Abaalmarinta Ballon d'Or.

0
Tuesday January 12, 2016 - 10:36:24 in Sports News by
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo, Robert Lewandowski Iyo Xiddigaha Aan U Codeynin Lionel Messi Abaalmarinta Ballon d'Or.

    Lionel Messi ayaa ku guuleystay Ballon d'Or waxaana markii shanaad loo magacaabay xiddiga ugi fiican caalamka, laakiin sida iska cad ma uusan helin codka qof walba. Ku dhawaad 30 kabtan oo heer caalami ah ayaa ku guuldareystay inay Messi ku soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi ayaa ku guuleystay Ballon d'Or waxaana markii shanaad loo magacaabay xiddiga ugi fiican caalamka, laakiin sida iska cad ma uusan helin codka qof walba. Ku dhawaad 30 kabtan oo heer caalami ah ayaa ku guuldareystay inay Messi ku soo darsadaan seddex xiddig ee ugu sareysa 2015, iyadoo qaar ka mid ah xiddigaha ugu magaca waa weyn kubada cagta aysan u codeynin xiddiga Barcelona.

Sida la filayay Cristiano Ronaldo oo isna abaalmarinta u tartamayay ayaa ka reebay seddexda xiddig ee ugu sareysa adduunka Messi, halka xiddiga reer Argentina uu isna sidaas oo kale sameeyay islamarkaana seddex xiddig oo Barcelona ah u codeeyay.

Dhanka kale ninka ay isku kooxda yihiin Ronaldo ee James Rodriguez, xiddiga Bayern munich Robert Lewandowski iyo xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Bastian Schweinsteiger ayaa dareemay inay jireen seddex ciyaaryahan kale oo ka fiicnaa Messi 12kii bilood ee ugu danbeysay.

Sidaasi darteed waxa ay u muuqataa xitaa ka dib markii uu kubada cagta heystay muddo dheer, inay weli jiraan dad shaki ka qaba awooda 28 jirkaan.

Qaar ka mid ah xiddigaha aan u codeynin Messi:Mile Jedinak (Australia), Christian Fuchs (Austria), Stephane Mbia (Cameroon), Bastian Schweinsteiger (Germany), Michael Mifsud (Malta), Chris Wood (New Zealand), Per Ciljan Skelbred (Norway), Robert Lewandowski (Poland), Cristiano Ronaldo (Portugal), Scott Brown (Scotland), Diego Godin (Uruguay).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip