Ayay Kabtanada Iyo Tababarayaasha Xulalka Qaranka Soomaaliya Iyo Jabuuti U Codeeyeen Abaalmarinta Ballon d'Or? Iyo Liiska Dhameystiran Ee Codeynta Ballon d'Or.

0
Tuesday January 12, 2016 - 10:34:11 in English News by
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ayay Kabtanada Iyo Tababarayaasha Xulalka Qaranka Soomaaliya Iyo Jabuuti U Codeeyeen Abaalmarinta Ballon d'Or? Iyo Liiska Dhameystiran Ee Codeynta Ballon d'Or.

    Kabtanka xulka qaranka Soomaaliya Hassan Ali ayaa abaalmarinta Ballon d'Or waxa uu u codeeyay xiddiga ku guuleystay markii shanaad abaalmarintan xalayto ee Lionel Messi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka xulka qaranka Soomaaliya Hassan Ali ayaa abaalmarinta Ballon d'Or waxa uu u codeeyay xiddiga ku guuleystay markii shanaad abaalmarintan xalayto ee Lionel Messi.

Kabtanka Soomaaliya ayaa dooqiisa koowaad uu ahaa Lionel Messi xiddiga kooxda Barcelona, halka uu dooqiisa labaad uu ahaagoolhayaha Bayern Munich Manuel Neuer, dooqiisa seddexaad waxaa ahaa xiddiga Barcelona iyo Brazil Neymar.

Kabtanka xulka qaranka Jabuurti Ahmed Mohamed Kadar ayaa isna kaalinta koowaad ugu codeeyay Lionel Messi, halka uu dooqiisa labaad ahaa weeraryahanka Man City Sergio Ageuro, waxaana uu dooqiisa seddexaad uu ahaa xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Tababaraha xulka qaranka Soomaaliya Charles Livingston ayaa la mid ahaa kabtankiisa waxaa dooqiisa koowaad ahaa Lionel Messi, halka dooqiisa labaad uu ahaa Manuel Neuer waxaana dooqiisa seddexaad ahaa Neymar.

Tababaraha xulka Jabuurti Ghrsali Nourredine ayaa isna dooqiisa koowaad waxaa ahaa Lionel Messi, dooqiisa labaad waxaa ahaa Ctistiano Ronaldo halka dooqiisa seddexaad uu ahaa Neymar, waana sida ay ugu danbeyn noqotay codbixinta Ballon d’Or ee loogu kala guuleystay codadka.

Abaalmarintaan waxaa u codeeyay dhamaan kabtanada iyo tababarayaaasha xulalka qaranka adduunka iyo suxufiyiin la soo xulay, waxaana liiska sida cid walba u codeysay kaga bogan kartaan linkiga hoose.

 

 

 

 

Halkaan kaga bogo liiska dhameystiran ee kabtan walba iyo tababare walba iyo cida uu u codeeyay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip