RASMI: Isku Aadka Wareega Afraad Ee FA Cupka Oo La Soo Saaray,Arsenal vs Burnley,Derby County vs Manchester United Iyo Isku Aadka Oo Dhamaystiran

0
Tuesday January 12, 2016 - 10:31:09 in Sports News by
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Isku Aadka Wareega Afraad Ee FA Cupka Oo La Soo Saaray,Arsenal vs Burnley,Derby County vs Manchester United Iyo Isku Aadka Oo Dhamaystiran

    Waxaa hadda la soo saaray isku aadka wareega afraad ee FA Cupka inkasta oo ay wali jiraan kulamo ku celis ah oo ka hadhansan wareegii saddexaad ee todobaadkan la ciyaaray. Kooxda koobkan difaacanaysa ee Arsenal ayaa Emirates Stadium ku soo dhawayn do

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa hadda la soo saaray isku aadka wareega afraad ee FA Cupka inkasta oo ay wali jiraan kulamo ku celis ah oo ka hadhansan wareegii saddexaad ee todobaadkan la ciyaaray. Kooxda koobkan difaacanaysa ee Arsenal ayaa Emirates Stadium ku soo dhawayn doonta kooxda Burley halkaManchester United oo dirqi ugu soo baxday wareegan afraad ay booqan doonto kooxdaDerby County .

Manchester City ayaa iyaduna u safrti doonta midkood kooxahaWycombe/Aston Villa oo kulankan ku celis ah ciyaarti doona, waxayna Manchester City ku aadkay kooxo ay u badan tahay in ay xili ciyaareedkan ku jiraan qaab ciyaareed aan fiicnayn.

Liverpool ayaa haddii ay soo dhaafto kooxdaExeter City oo ay kulan ku celis ah la ciyaari doonto booqan doonta kooxda xili ciyaareedkan labda jeer guuldarada baday ee West Ham oo ay kala ciyaari doonto Afield. Liverpool ayaa kulanka ku celiska ah ee ay Afield kula ciyaari doonto Exter City haysata faa’iido laba gool oo ay marti ku soo dhashatay.

Chelsea ayaa marti u noqon doonta mid kooxda kooxahaNorthampton Town iyo MK Dons oo iyaguna ciyaari doona kulan ku celis ah. Blues ayaa si raaxoleh ugu soo baxday wareega afaraad, balse waxay wareega afraad booqan doontaa kooxda ka soo baxdaNorthampton Town/MK Dons. Kulamada wareega afraad ee FA Cupka ayaa la ciyaari doonaa inta udhexaysaJanuary 29 and February 1.

Halkan kaga bogo dhamaan isku aadka wareega afraad ee FA Cupka.

West Brom/Bristol City vs Peterborough

Eastleigh/Bolton vs Leeds United

Arsenal vs Burnley

Derby County vs Manchester United 

Huddersfield/Reading vs Walsall 

Exeter City/Liverpool vs West Ham

Wycombe/Aston Villa vs Manchester City

Shrewsbury vs Sheffield Wednesday

Nottingham Forest vs Watford

Carlisle/Yeovil vs Everton

Crystal Palace vs Stoke City

Oxford United vs Newport/Blackburn

Ipswich/Portsmouth vs Bournemouth

Colchester United vs Tottenham/Leicester

Bury/Bradford vs Hull City

Northampton Town/MK Dons vs Chelsea




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip