Shan Waxyaabood Oo Cajiib Ah Oo Aan Ka Baranay Codeynta Abaalmarinta FIFA Ballon d'Or Ee Xiddiga Sannadka Adduunka.

0
Tuesday January 12, 2016 - 10:05:41 in Sports News by
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Waxyaabood Oo Cajiib Ah Oo Aan Ka Baranay Codeynta Abaalmarinta FIFA Ballon d'Or Ee Xiddiga Sannadka Adduunka.

    Lionel Messi ayaa hantay abaalmarintiisii shanaad ee FIFA Ballon d'Or. Ma aheyn war lama filaan ku ah cidna, xiddiga Barcelona ayaa abaalmarintaan ka qaaday Cristiano Ronaldo iyo Neymar isagoo loo caleemo saaray xiddiga ugu fiican caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi ayaa hantay abaalmarintiisii shanaad ee FIFA Ballon d'Or. Ma aheyn war lama filaan ku ah cidna, xiddiga Barcelona ayaa abaalmarintaan ka qaaday Cristiano Ronaldo iyo Neymar isagoo loo caleemo saaray xiddiga ugu fiican caalamka.

Hadaba waxaan eegi doonaa shan waxyaabood oo cajiib ah oo laga bartay Ballon d’Or.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo iskuma aysan codeynin gabi ahaanba.

Kabtanka Argentina Messi(1. Suarez, 2. Neymar, 3. Iniesta)ayaa sida cad u arkin Ronaldo inuu ka mid yahay seddexda ciyaaryahan ee ugu fiican kubada cagta.

Kabtanka Portugal Ronaldo(1. Benzema, 2. James, 3. Bale)ayaa isna u arkin in Messi inuu ka mid yahay seddexda xiddig ee ugu sareeya caalamka.

Laakiin xaqiiq ahaan waa laga filanayay inaysan labada xiddig isku codeynin madaama xafiiltan weyn uu ka dhaxeeyo.

50-funniest-pictures-of-the-year

Roy Hodgson oo weli u maleeya in Eden Hazard uu ka mid yahay seddexda xiddig ee ugu fiican adduunka.

Ronaldo kow, Messi labo… weli waa doorasho fiican laakiin Hazard, ciyaaryahan aan wax gool ah dhalinin xilli ciyaareedkan kaalinta seddexaad taas su’aal ayaa la heliyay.

Laakiin ugu yaraan Roy Hodgson waxa uu ka yara fiican yahay sidii uu u codeeyay waqtigaan oo kale sannad ka hor. Markaasoo uu u codeeyay (1, Mascherano, 2 Philip Lahm iyo 3 Manuel Neuer)

Yaya Toure oo weli helaya jaceyl weyn

Xiddiga Man City ayaa furka tuurtay markii uu ku guuleysan waayay abaalmarinta xiddiga sannadka qaarada Afrika, sidaasi darteed waa inuu ku farxo codeynta uu Ballon d’Or ka helay. 18 tababare iyo kabtano oo kala duwan ayaa u codeeyay isaga iyadoo shan ka mid ah ay ugu codeeyeen kaalinta koowaad.

Codadka intooda badana waxa uu ka helay Afrika oo uu ku dhaleeceeyay inay ceeb u soo jiidayaan qaarada madaama aysan u dooranin xiddiga sannadka Afrika.

Yaya-Toure-looks-dejected

Qiyaas wadankee ayuu u dhashay tababaraha Myanmar?

Gerd Zeize ayaa u cocdeeyya Kevin de Bruyne oo ka ciyaarayay Jarmalka ilaa iyo xilli dhow, Toni Kroos iyo Thomas Muller oo ah xiddig Jarmal ah.

Haa, waa sidaad qiyaastay Gerd Zeise waa macalin u dhashay Jarmalka.

Tababaraha Pakistan Basheer Al Shamlan Mohammad Shamlan Mubarak ma uusan daawanin kubad badan sannadkii soo dhamaaday.

Kaliya kuma uusan u codeynin Arjen Robben laakiin waxa uu ugu codeeyay kaalinta koowaad. Waa Arjen Robben oo inta badan 2015 dhaawacyo ku maqnaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip