Marxuum C/Risaaq Qoslaaye Oo Lagu Aasay Calamada

0
Sunday November 04, 2018 - 23:51:44 in Wararka by
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marxuum C/Risaaq Qoslaaye Oo Lagu Aasay Calamada

    Allaha u naxariistee waxaa maanta Qabuuraha Calamada ee duleedka Muqdisho lagu aasay Wariye Cabdirisaaq Aadan Qaasim Qoslaaye oo xalay ku Geeriyooday isbitaalka Digfeer, kadib xanuun ka soo wajahay Wadanah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee waxaa maanta Qabuuraha Calamada ee duleedka Muqdisho lagu aasay Wariye Cabdirisaaq Aadan Qaasim Qoslaaye oo xalay ku Geeriyooday isbitaalka Digfeer, kadib xanuun ka soo wajahay Wadanah.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay, qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Ehelladiisa .

C/risaaq ayaa ifka uga tagay 10 Caruur ah iyo hal Xaas, sida uu Warbaahinta u sheegay Wariye Cabdiwaxiid Cabdulaahi Daahir oo uu Abti u ahaa Marxuumka.

Dhanka kale maamulka Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa ka Tacsiyeeyay Geerida ku timid Marxuum Cabdirisaaq Aadan Qaasim Qoslaaye.

War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka sare Shabelle ayaa waxa Tacsi tiraanyo leh loogu diray Qoyska iyo Asaxaabtii uu ka baxay Marxuumka.

Wariye Qoslaaye ayaa in muddo ah ka shaqeynayay Warbaahinta gudaha, waxaana uu ka mid ahaa Wariyeyaashii soo maray Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip