HALKAAN KA AKHRISO WA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 3-DA NOVEMBAR 2018-KA

0
Saturday November 03, 2018 - 08:19:49 in Wararka by
  • Visits: 518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 3-DA NOVEMBAR 2018-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Jubba oo lagu dhammeysti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Jubba oo lagu dhammeystirayay heshiiskii ay gaareen dhinacyada South Sudan. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Jubba ee Caasimada dalka South Sudan waxa uu kulamo la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi, isaggoo kala hadlay sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofur Suudaan , ayaa Jaaliyadda uga warbixiyey xaaladda dalka uu ku sugan yahay, isaggoo xusay Gacansatada dalkaasi ku nool in dawladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonto siddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa inta aanu kasoo ambabixin Jubba, waxa uu kulan gaar ah uu la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Salva Kiir Mayardit, waxaana ay kawada hadleen xoojinta

GUDDIGA DOORASHADA KOOFUR GALBEED OO SOO SAARAY SHURUUDAHA MUSHARAXI INTA (AKHRISO)

https://i0.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/11/musharos-696x464.jpgGuddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa soo saaray shuruu daha laga rabo Musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha ee dhici doo nta 17ka bisha November.

Warqad ka soo baxday Guddiga doorash ada Madaxweynaha Koofur Galbeed ay aa lagu soo bandhigay shuruudaha laga rabo inay fuliyaan Musharaxiinta ka hor in ta aysan araajidooda gudbin iyo marka ay gudbiyaan.

Shuruudaha ayaa waxa ka mid ah in uu yahay muwaadin Soomaali ka soo jee da deegaanada Koofur Galbeed, isla mar kaana aanu qabin Xaas Ajnabi, in aanu gelin dambi culus oo ay Maxkamad xuku ntay in da’diisa ka yareyn 40 sano.

Waxaa kaloo shuruudaha ka mid ah in Musharaxa haya xil in ka hor inta aanu soo gudbin mushar axnimadiisa uu iska ca silo xilkaas, kuna soo lifaaqo warqad ca deyneysa in laga aqbalay istiqaaladii xil eed.

Sidoo kale shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah in Musharaxa uu bixiyo lacag dhan 20kun oo dollar, halka haweenka Musharaxiintana laga rabo 10kun oo dollar.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO SHURUUDAHA MUSHARAXIINTA MADAXWEYNAHA KOOFUR GALBEED:

SHaruudaha M usharrixiinta Maaxweyn annimo Qodobka 46aad ee Dastuur DHK GS Waxaa loo dooran karaa xilka Mada xweynaha Dowlad Goboleeda Muwaadin kasta oo

1.Muwaadin Soomaali ah , u dhashay De egaannada KGS uuna qabin Xaas Ajnabi ah .

2.in uu Muslim yahay kuna dhaqmo Diinta Islaamka

3.Da'aaddiisu aany ka yareyn 40 sano.

4.leh aqoon ama waaya aragnimo u qal anta xilkaas

5.dhimirkiisu u dhan yahay.

6.gelin Dembi culus oo ay maxkamadi xukuntay .

7.inuusan heynin wax xil ah oo loo mag acbaay, ka hor inta uusan musharaxu so gudbin arjigiisu musharraxa waa inuu is ka casilo wax allaale wixii xil ah ee uu ha yey ama uu ku magacownaa, isla marka asna uu codsigiisa u soo lifaaqaa warqad cadeyneysa in laga oggolaaday is casil addiisa.

8.waa inuu bixiyaa curaar dhan 20 kun doollar musharrixiinta dumarka ah toban kun doollar oo aan loo celineyn laguna shibaayo xisaabta furan lam 113101294 ee Guddiga Doorashooyinka Madaxwe ynaha DGKGS, ku leeyahay Bankiga Dahabshiil .

9.inuu oggol yahay inuu u hoggaansamo Habraaca Giddiga Qabanqaabada Doora shada Madaxweyanaha DGKGS iyo inuu ku qancaayo natiijada looga gudbayo wa reegga saddexaad, oo musharraxii hela codadka ugu tirada badan ayaa la cadd eynayaa inuu ku guuleystay jagada mad axweynaha DGKGS.

D. haddiise wareegga 2aad musharraxna ku waaya aqlabiyadda 3/22 meel {2/3}% musharrax oo wareeggii 2aad helay tirada codadka ugu badanloo qabanaya wareeg sadexaad.

haddiise uu jiro musharrax sadexaad oo helay codad barbardhac ah wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qeyb galo una gudbo tartanka doorashada wareegga sadexa ad, waxaana la caddeynayaa oo la baahi nayaa in musharraxii wareegga 3aad hel ay tirada codadka ugu bdan yahay mush atixa ku guuleysta loona doortay in uu noqdo madaxweynah DGKGS.

Q/2AAD

mushaarax kasta oo u tartamaya jag ada madaxweyne waa inuu {200} nuqul oo barnaamijkiisa doorashada oo waraaq ah iyo nuqul elegtroonic ah usoo gudbiy aa xoghayaha Guud ee Baarlammaanka DGKGS si loogu baahiyo barta Wabsed ka Baarlamaanka KG.

2.musharrax kasta oo u tartamayajaga da madaxweyne waa inuu musharraxni madiisa madaxweynnenimo ka hor ca ddeeyaa barnaamijkiisa doorashadana u badhigaa kulanka guud ee Baarlamaanka KG

3.2.musharrax kasta oo u tartamaya jagada madaxweyne waa inuu soo gudbi yaa dukumiinti caddeynaya inuu buuxiyey sharuudaha musharraxnimmo.

4.2.musharrax kasta waa inuu bixiyaa lac agta curaarta oo dhan 20 kun doollar {20, 000}, musharraxiinta dumarka ah toban ku doolar ayaa laga rabaa {10.000 US$ } lacagtaasoo aan dib loo celineyn laguna shubaayo xisaabta furan lam. 113101294 ee Guddiga Doorashada maaxweynaha DGKGS ku leeyahay Bank Dahabshiil,.

5dhammaan musharrixiinta madaxweyne animada waa in ay oggoladaan in ay u ho ggaansamayaan habraaca iyo xeer nid aamiye kasta oo uu ansixiyo gudiga doa shadada madxaweynaha.

6.guddiga doorashada wuxuu kulamka guud ee golaha wakiilada KG u gudbina yaa kaliya musharrixiinta la diiwaan geli y ey ee soo buuxiyey sharuudaha mushaa raxnimada.

kashoogiTURKIGA OO SHEEGAY IN MEYDKII KHASHO GGI LAGU BAABI’IYAY KIMIKADA AASHITADA Mas’uul ka tirsan dowlada Turkiga ayaa sheegay in meydka Jamal Khashoggi la gu baabi’iyay kimikada aashitada kadib markii lagu dhex diley qunsuliyada Sacudi Carabiya ay ku leedahay magaalada

Istanbul ee dalka Turkiga.

Yasin Aktay oo ah lataliyaha Madaxwey naha Turkiga Erdogan ayaa u sheegay wargeyska Hurriyet in dadkii diley Khasho ggi ay ku baabi’iyeen meydkiisa kimikada aashitada si aan dib dambe loo ogaan halka lagu diley.

"Wararka ugu dambeeya ee la xiriira dilka Khashoggi sababta ay u jarjareen meydkiisa waxa ay ahayd si ay u fudu daato in kimikadaas dhaqso loogu baab i’iyo.”ayuu sii raaciyay warkiisa Aktay.

Sarkaal ka tirsan maamulka Turkiga ayaa wargeyska Washington Post u shee gay in cadeymo kimikal ah oo laga helay beerta qunsulka ay tilmaamayaan inay su urtogal tahay in halkaa ay tahay meesha medka Khashoggi lagu jarjaray kadibna l agu baabi’iyay kimikada aashitada ama aysidka.

Sida lagu daabacay wargeys ka soo baxa dalka Turkiga baarayaasha Turkiga ayaa loo diiday inay baaraan biyaha ceel ku dhex yaal guriga qunsulka Boqortoyada Sacudi Carabiya ee magaalada Istanbul.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibbada Maraykanka Robert Palladino ayaa ku baaqay in la keeno meydka Khashoggi si qoyskiisa ay u aastaan.

Hatice Cengiz oo ah gabadhii uu doonayay inuu guursado Khashoggi kuna sugaysay afaafka hore ee qunsuliyada Sacudi Carabiya ayaa sheegtay in waxa lagu sameeyay meydka Khashoggi ay tahay wax fool xun oo aan naxariis lahayn.

NIN XAASKIISA KU DHIIRIGELIYEY INAY ISDISHO OO XUKUN LAGU RIDAY

Nin u dhashay dalka Australia oo lagu eedeeyey inuu xaaskiisa ku dhiirrigaliyay inay isdisho ayaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah, dhacdadan ayaana dunida ka yaabisay.

Nin xaaskiisa ku dhiirigeliyey inay isdisho oo xukun lagu ridayGraham Morant, oo 68 sano jir ah ayaa bishii hore la xukumay kaddib markii uu xaaskiisa Jennifer Morant, ka caawiyay inay isdisho 2014kii.

Waxaa arrintan ku kallifay damac ka galay lacagta faa'iidada caymiska, sida uu xaakimka ka dhawaajiyay ka dib markii uu caddeymaha dhageystay.

Morant ayaa waxa ay heli lahayd lacag gaaraysa 1.4 milyan oo doolar.

"Waxaad xaaskaada kula talisay inay isdisho maxaa yeelay waxaad rabtay inaad hesho 1.4 milyan oo doolar," ayuu yiri garsoore Peter Davis, oo ka howlgala maxkamadda sare ee gobolka Queensland.

Mrs Morant ayaa waxa hayay xanuun iyo murugo.

"Waxa uu ka faa'iidaystay xaaladdeeda"

Morant ayaa sheegay inuusan wax dambi ah gaysanin, balse garsooraha ayaa ogaaday inaysan xaaskiisa isdili lahayn haddii uusan ku dhiirr galin lahayn.

Haweenaydan oo 56 sano jir ah ayaa waxaa 30 bishii Novembar, 2014kii laga helay maydkeeda agagaarka kaalin shidaal.

Farriin ay agteeda uga tagtay ayaa waxa ku qornaa "fadlan ha i badbaadinin"

Seygeeda ayaa horay u geeyey xarun lagu iibiyo qalabka, sida uu Jury sheegay.

Maalintii jimcada ee uu xukunka dhacay ayuu sheegay xaakim Davis in Morant aysan ka muuqanin wax daraadto ah oo ku aadan dambigiisa.

Morant ayaa sidoo kale lagu xukumay 6 sano oo xarig ah, oo uu ku muteystay inuu fal isdil ah gacan ka geystay, inkastoo xukunka 10ka sano ah iyo midka 6da sano ah uu isku mar qaadanayo.

Wuxuu in la cafiyo fursad u heli doonaa bisha Oktoobar ee sannadka 2023ka.

CIIDAMO KA TIRSAN AMISOM OO LAGA SAGOOTIYAY SOOMAALIYA

Guutooyinka 44aad iyo 45aad ee Ciidanka Burundi qaybtana ka ah how lgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la guddoonsiiyay Billado iyo Shahaa dooyin, markii ay dhammaysteen shaqa doodii Sanadlaha ahayd ee ay ka hayeen Soomaaliya.

Munaasabaddan oo dabayaaqadii Tod obaadkan ka dhacday Muqdisho, ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Buru ndi, Col. Remy Cishahayo, wuxuuna amm aanay doorkii ay Guutooyinkan ku lah aayeen howlgalka ay AMISOM u joogto Soomaaliya. Col. Cishahayo, ayaa soo dhoweeyay Ciidan kale oo beddelaya Gu utooyinka shaqadooda dhammaystay , wuxuuna ku boorriyay Ciidanku inay aa daabta ilaaliyaan, kana soo dhalaalaan howlaha loo igmaday.

Ciidankan la sagootiyay ayaa ka tirsa naa qaybta Shanaan ee xooggaga AMIS OM, kuwaas oo door weyn ku lahaa daga alka ka dhanka AlShabaab ee Gob olka Shabeellaha dhexe.

XILDHIBAAN KA TIRSAN BAARLAMAANKA KEN YA OO BAAQ U DIREY MAS’UULIYIINTA SOOMAALIYEED

adan Xilidhibaan Aaden Barre Ducaale oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ay aa sheegay in loo baahan yahay in mas ’uuliyiinta Soomaal iya ay u midoobaan sidii ay dalkooda u ga saari lahaayeen jahawareerka iyo is jiid jiidka siyaasad eed ee muddaba ta agnaa.

Haddaba xildhibaan Aaden Barre oo ah siyaasi laga soo doorto magaalada Ga arisa ee Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheeg aya inuu u damqanayo walaalihii Soomaa liya, ayna wanaagsan tahay in madaxda dalkaasi ay u midoobaan danta dalkooda hooyo.

"Waxaa talo iga ah in madaxda dow ladda federaalka iyo maamul goboleed yadu ay heshiiyaan, una daneeyaan wa qti walbo duruufaha shacabka iyo dalka oo ay iyagu dhexdooda aanay isku soo noqon”.ayuu yiri xildhibaan Aadan Barre

Aaden Barre ayaa dhanka kale sheegay in nabadgelyo iyo xasillooni Soomaaliya ka dhacda ay dan ugu jirto dhammaan dadka Geeska Afrika, taasna ay fursad u siin doonto in shacabka Soomaaliyeed uu soo ceshto sharaftii iyo sumcaddii uu Afrika ku dhex lahaa.

Waxa uu sheegay in loo baahanyah ay in labada dhinac ay isu sa mraan "taas na waxaan leennahay weliba odayga ugu sarreeya waa Madaxweyna ha ee, ayaa la rabaa in uu u dulqaato rag ga madaxda ka ah dowladd goboleedya da” ayuu yiri xildhibaan Aaden Barre Duc aale oo la hadlay BBCda. Xildhibaan Aaden Barre ayaa dhanka kale sheegay in xukumadda Kenya ee uu isagu ka mid yahay ma dax da ugu sarsar eysa ay mar walba ka go ’an tahay inay la shaqeyso dowladda fed eraalka ee Soo maaliya si xal waara lo oga gaaro dhibaa tada sanadaha badan dalkaasi ka tag neyd.

Hadalkiisa ayaa waxa uu imanayaa xilli kalaqeybsanaan baahsan ay ka dhex jirto madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul gobole dyada dalka, kuwaas oo bilihii ugu dambeeyay hawada isu marinayay had alo adadag. Dhinacba dhinaca kale ayuu ku eedaynayaa inuu hurinayo xiisadda ha atan taagan, oo madaxda federaalku wa xa ay ku eedaynayaan madaxda maamul goboleedyada inay faraha kula jiraan siyaasadda arrimaha dibadda halka maa mul goboleedyaduna ay ku doodaya an in dowladda dhexe ay ku mashquulsan ta hay arrimaha gudaha ee maamul gobol eedyada.

Siyaasigan ayaa waxa uu sheegay in arrintan ay ku dhalisay culeyska uu leeyahay khilaafka aan xalka laga gaarin ee mudaba ka taagnaa Soomaaliya maad aama uu yahay siyaasi Soomaaliyeed tal ana ka dhiiban karo arrimaha cakiran ee haysta walaalihii.

MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN OO GO’AAM IYAY IN LA DILO QOFKII ISBAARA DHIGTA

Ka dib kulan ay M/Baladweyne ee Xarunta G/Hiiraan iyo Odayaasha Dhaq anka mid ka mid ah beelaha dega Maga aladaas ay yeesheen ayaa waxa ay ku go’aamiyeen la toogto dadka Isbaarooyin ka dhigta.

Qaar ka mid ah waxgaradka oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in aysan raali ka noqon doonin in la dhibaateeyo dadka Shacabka ee ku sugan gobolka Hiiraan,isla markaana ay raali ka yihiin in la toogto qofkii lagu arko,isaga oo isbaaro dhiganaya.

Kulanka ayaa waxaa laga akhriyay Ware egto ka soo baxday Xafiiska guddoomiy aha gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar(Dabageed)

Qodobada ku xusnaa Wareegatda ay aa waxaa ka mid ah in Maamulka G/Hii raan iyo Odayaasha Dhaqanka gobolka as inay ku heshiiyeen in la toogto qofkii la gu arko,isaga oo isbaaro dhiganaya.

2: In qofkii isaga oo Isbaaro jooga qof dila in ay masuul ka yihiin Odayaasha Dhaq anka Beesha uu ka dhashay qofka wax dilay iyo qodobo kale. dayaasha Dhaqan ka ee Kulanka Goobj ooga ka ahaa ayaa aad u soo dhaweeyay amarada ka soo baxay GMG/Hiiraan Md.Dabageed

XIISAD KA DHALATAY DILKII SULDAAN CAAN KA AHAA G/SANAAG OO XAL LAGA GAARAY

Magalada Badhan ee G/ Sanaag wa xaa Shalay lagu soo gaba gabeeyey Ku lan nabadeed xal lo oga gaarayay xiis ad ka dhalatay dil ka Suldaan Sulda an Xasan Cali Ji briil oo ka mid ahaa waxgaradka G/Sa naag.

Dilka Suldaanka ayaa dhacay 21kii Bishii Setemper ee Sanadkaan xilli Mada xweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas uu booqanayay Magaalada Ba dhan ee Gobolka Sanaag.

Goobta Munaasabada waxaa ku sug naa Salaadiin ay ka mid ahaayeen Boqor Burhaan Boqor Muuse,waxaana laga soo saaray Go’aano xal looga gaaray xiisadii ka dhalatay dilkaas.

HOOS KA AKHRISO GO’AAMADA KA SOO BAXAY KULANKAAS.

1: Ergada kulanka ayaa la kulmay waxgaradka 2 beelood oo ay ka soo kala jeedaan Sudaanka la dilay ee Suldaan Xasan Cali Jibriil iyo ninkii ka dambeeyay dilkiisa.

2: Markii ay dhageysteen Aragtida labada beelood ee Walaalaha ah

3: Markii la wareystay Maxamed Cali Sugule oo ah Ninkii dilay Suldaan Xasan Cali Jibriil.

4: Markii wadatashi dhinaca Shareecada Islaamka ah la yeesheen Culimada kala ah Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen, Sheekh Maxamed Macalin Axmed, iyo Sheekh Salaad Maxamed Cusmaan.

Ergada ayaa aqbashay in waqti la siiyo si ay wadatashi u soo sameeyaan Odayaa sha Beesha uu ka dhashay Suldaan Xas an Cali Jibriil,waxana ugu dambeyn waxg aradka ay shaaciyeen.

In ay cafiyeen Ninkii Suldaanka dilay ee Maxamed Cali Sugule,Sida Diyo,Dil iyo aarsi Intaba. Ergada ku jirtay dhex dhexaadinta ayaa ku raacay Go’aanka cafinta ah oo ay qaateen beesha uu ka soo jeedo Alle ha u naxariistee, Suldaan Xasan Cali Jibriil sidaasi ayaana Shirkii mudada ka socday M/Badhan ee gobolka Sanaag lagu soo gaba gabee yay.

DUQA MUQDISHO OO WEERAR AFKA AH KU QAADAY SIYAASIYIINTA MUCAARADKA DOWLADA FEDERALKA

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday mucaaradka ka soo horjeeda dowlada federalka isagoo ku sheegay inaan laga aqbali doonin in ay xagxagtaan dowladda.

Guddoomiye Yariisow oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa kula taliyay mucaaradka ka soo horjeeda dowlada inaysan noqon mucaarad buunbuuniya dhibaatooyinka dalka ka jira balse looga baahan yahay taladooda ku darsadaan dowladda si loo saxo meelaha wax ka qaldanyihiin.

"Siyaasigii qas wade ah hala soo safto kooxda argagixisada ah ma aqbali doono in dhexdeena uu khaska ka wado oo uu dowladda xagxagto, ha noqon mucaarad kaliya ka hadla dhanka xun iyo amni daraddo in ay dalka ka jirto” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoo).

Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inaysan dhagaysan hadalada mucaaradka iskana kaashadaan sidii ay amniga kala shaqeen lahaayeen Ciidamada amaanka.

DILKII KHAASHUQJI: HOGAAMIYAHA TURKIGA OO SI TOOS AH U EEDEEYAY DOWLADDA SUCUUDIGA

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horraysay waxa auu dowladda Sucuudiga si toos ah ugu eedeeyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

"Waxaannu ognahay in amarka lagu dilay Khaashuqji inuu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga," waxa uu ku qoray maqaal ku soo baxay wargeyska the Washington Post.

Hasayeeshee isagoo hoosta ka xariiqaya xiriirka saaxiibtinimo ee Turkiga kala dhaxeeya Sucuudi Carabiya ayaa waxa uu intaasi ku daray in uusan rumaysnayn in Boqor Salmaan uu arrintaasi ku lug lahaa.

Khaashuqji ayaa waxaa 2dii bishii Oktoobar lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul.

Dambi baarayaasha Turkiga ayaa waxa ay rumaysan yihiin in weriyaha oo dibad joog ahaa la ceejiyay markii uu qunsuliyadda Sucuudiga u tegay si uu uga soo qaato dikumiintiyo ka caawin lahaa guurka inanta u dhalatay dalka Turkiga oo dhawaan dhici lahaa.

Maydkiisa ayaanan weli meelna lagu sheegin iyadoo Yasin Aktay oo lataliye u ah Madaxweyne Erdogan uu sheegay inuu rumaysan yahay in maydka ninkaasi lagu baabi'iyay aashito kaddib markii jirkiisa la jarjaray.

Dilka oo markii hore ay qariyeen mas'uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa uu dhaliyay dhibaato dhanka diblumaasiyadda ah oo ka dhex aloosantay Sucuudi Carabiya iyo xulafadeeda.

Dowladda Sucuudiga ayaa markaasi kaddib waxa ay xirtay 18 qof oo laga shakisan yahay kuwaas oo lagu maxkamadayn doono gudaha dalka Sucuudi Carabiya.

MUXUU ERDOGAN SHEEGAY?

"Waannu ognahay in dadka ka dambeeyay dilka ay ka tirsan yihiin 18ka qof ee laga shakisan yahay ee lagu hayo gudaha dalka Sucuudi Carabiya," ayuu ku qoray wargeyska the Washington Post, halkaas oo ah warbaahintii uu Khaashuqji wax ku qori jiray.

"Waxaannu kaloo ognahay in shakhsiyaadkaas ay Turkiga u yimaadeen inay fuliyaan amarro la soo siiyay: oo ah inay dilaan Khaashuqji kaddibna ay iska tagaan. Ugu dambayntii, waxaannu ognahay in amarka dilka Khaashuqji uu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga."

Isagoo qoray in dilka weriyaha aanay ka qeyb qaadan askar oo kaliya ah ee ay jiraan dad kale oo badan ayuu Madaxweyne Erdogan waxa uu ku baaqay in "dadkii ka dambeeyay dilkii Khaashuqji" bannaanka la soo dhigo.

"Waa in aanay dhicin in markale cid ay ku soo dhiirato in fal noocaas oo kale ah ay ku dhex fuliso dhulka xulafada Nato," ayuu yiri. "Haddii cid un ay digniintaas iska dhegatirto, waxa ay wajihi doontaa cawaaqib xumo baahsan."

Waxa uu ka cowday in aanan wax tallaaba ah laga qaadin qunsulka guud ee Sucuudiga, kaas oo Turkiga isaga tagay, waxa uuna dacwad oogaha guud ee Sucuudiga ku eedeeyay inuu ku guuldarraystay inuu la shaqeeyo dambi baarayaasha "isagoon weliba ka jawaabin su'aalo iska fudud".

Xus lagu soo beegay afar todobaad kaddib dhimashadii weriyaha ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Washington.

Daniel Balson oo ka tirsan hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegay in ay tahay in dowladda Sucuudiga loo qabsado dilka weriyaha.

"Muddo dheer ayey ku shaqeynayeen hab ah in iyaga aanan waxba laga qaadi karin xukunnadase ay dadka kale ku ridaan," ayuu yiri.

"Waxay aaminsan yihiin in qof dhaleeceeya dowladda lagu dhexwaayi karo dhismo diblumaasiyadeed misana dadka cadaaladda jecelna aanay arrintaasi ogaan doonin ama haddii ay ogaadaan inaysan ka hor imaana karin ama haddii ay ka hor imaadaan inaysan xasuusan karinba. Hagaag waannu ogaannay waanan ka xumaannay mana hilmaami doonno dilkaasi." ayuu yiri Daniel Baslson.

AMIIRKA DHAXALSUGAHA SACUUDIGA OO SHEEGAY IN KASHOGGI UU AHAA ISLAAMI HALIS AH

salamaannn Amiirka Dhaxalsugaha dalka Boqortoo yada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Samaan ayaa Mareykanka u sheegay in Jamal Kashoggi uu ahaa Islaami halis ah.

Sida ay qoreen Jaraa’idyada caanka ah ee Mareykanka sida Washington Post iyo New York Times ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu Aqalka Cad u sheegay in Wariye Kashoggi uu ahaa Halis.

Hadalkan ayuu sheegay ka hor inta uus an Sacuudiga qiran dilka wariyayaasha, isla markaana la waayay Kashoggi.

Dowladda Sacuudiga ayaa iska fogeysay wararka ay daabaceen jaraa’idyada Washington Post iyo New York Times.

Intii uu socday wadahadalka dhexmaray wiilka uu sodogga u yahay Madaxweyne Donald Trump Jared Kushner iyo La taliy aha Ammaanka Qaranka Mareyka nka John Bolton, ayaa waxaa lagu sheegay in Amiir Maxamed ayaa sheegay in Khaa shugji uu xubin ka ahaa ururka Ikhwaanul Muslimiin, sida uu ku warramayo wargeys ka the Washington Post.

Wicitaanka taleefanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa 9kii bishii Oktoobar, todobaad kaddib markii la waayay Khaashuqji.

Amiir Maxamed ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu ku booriyay Aqalka Cad inuu ilaaliyo xulafada ka dhaxaysa Mareykanka iyo Sucuudiga.

Bayaan ay wargeyska soo gaarsiiyeen qoyska Khaashuqji ayaa waxa ay ku diideen inuu xubin ka ahaa Ururka Ikhwaanul Muslimiinta, iyagoo sheegay in qoraaga la dilay laf ahaantiisa uu sanadihii la soo dhaafay si joogta ah u diiday inuu ururkaasi xubin ka yahay.

"Jamaal Khaashuqji ma uusan ahayn qof halis ah si walba oo loo eegaba. In sidaas lagu tilmaamana waa wax laga yaqyaqsiyoodo,” ayaa lagu sheegay bayaanka.

Jamal Kashoggi ayaa ahaa Muwaadin Sacuudi u dhashay oo u shaqeynayay warbaahinta Mareykanka, waxaa si weyn loogu dhaqaanay inuu dhaliilo Boqortooyada Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa dhaleeceyn xoog leh kala kulmay caalamka, kaddib markii la xaqiijiyay dilka Kashoggi oo aan meydkiisa gacan lagu heyn, kaddib markii lagu jarjaray Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

DUQII DEGMADA BALADWEYNE OO SI RAS MI AH XILKA LOOGA QAADAY

duqa-696x430Maalmahaan waxaa Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka taagneed xiisad ka dhalatay xilka qaadis uu guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu ku sameeyay Duqii degmada Baladweyne.

Hayeeshee waxaa Shalay sirasmi ah duqa degmada Bala dweyne xilka uga qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka HirShabeelle Maxamed Cali Caadle,iyada oo duq Cusub loo Magacaabay degmadaas.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Caadle ayaa lagu sheegay in kadib markii uu duqa Baladweyne uu ku dhaqaaqay amar diido iyo xil gudasho la’aan iyo soo jeedin ka timid Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Gobolka Hiiraan in xilkii laga qaaday duqii degmada Balad weyne Cali Cabduqaadir Faarax (Sandhe ere).

Hoos Ka Akhriso Wareegtada.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

Wasaraadda Arrimaha Gudaha iyo Do wlaha Hoose Xafiiska Waziirka

Ku: Md. Khadar Xasan Afrax B/Weyne

Ku Cali C/qaadir Faarax B/weyne

Og Guddoomiayah Gobolka Hiiraan Bal adweyne

Og: Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Jowhar

Og: Madaxweynaha Maamulgoboleedka Hirshabeelle Jowhar

Ujeeddo Magcaabis iyo Xilka Qaadir Duqa Magaalda Bladweyne

Ka dib markuu arkay Xigudasha ala'aanta iyo ammr diidada Duqii hore ee M .Baladweyne

Maekuu arakay Soo jeedinta Xildhibaannada Deegaanka Doorshadoodu tahay Magaaldaas,

Markuu la tashaday madaxda sare ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle,

wasiirka Wsaraada arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee hirshabeelle wuxuu xilki ka qaaday Md.Cali C/qaadir Faarax Duqa Degmada Bladweyne

Wuxuuna u Magacaabay Khadar Xasan Afrax Degmada Baladweyne

waxaana la farayaa heya;daha amniga , maamulka iyo dhammaan shacabka reer Beledweyne in ay la shaqeeyaan muda nahaan si uu u guto waajibaadkiisa sha qo. wareegtadaan waexey dhaqan gale ysaa markii wasiirkau saxiixo wada shaq eyn wacan

Md.Maxamed Cali Caadle

wasiirka Arrimaha gudaha iyo Dowladaha

MUQTAAR ROOBOW”HADII AAN GUULEYSTO GOOBO DIINTA IYO CULUUMTA MAADIGA LAGU BARTO AYAAN KA HIRGELIN DOONAA K/GALBEED”

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah musharixiinta xilka Madaxw eynaha Konfur Galbeed ayaa Shalay waxa uu Magalada Baydhabo kulan kula qaatay Aqoonyahanada iyo Ardayda Jaa macadaha Magalada Baydhabo.

Khudbad dheer oo uu ka jeediyay kulanka ayaa waxa uu kaga hadlay arri maha amniga iyo Siyaasadiisa ku aadan waxqabadkiisa hadii uu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

In kastoo oo ka hadlay dhinaca Amn iga ayaa khudbadiisa waxa uu ku daba qay hadba dadka kulanka uu la qaadanay ay,waxana uu sheegay in Goobo Diinta iyo Culuumta kale ee Maadiga lagu barto uu ka hirgelin doono deegaanada Koon fur Galbeed.

"Waxaan balan qaadayaa in Koonfur Galbeed ay noqoto meel cilmiga loo soo doonto, runtii waxaan badin doonaa aana hirgelin doonaa Jaamacado farabadan iyo Goobo kale oo Culuumta maadiga la gu barto ayuu yiri Muqtaar Rooboow.

Miqtaar Rooboow ayaa ka mid ah Mu sharixinta tobanka ku dhow ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxana maalmahaan uu wadaa kulamo uu ku soo jiidanayo bulshada Magalada Baydhabo.

MICHEAL KEATING OO MADAX LOOGA DHIGEY MACHADKA NABADDA EE EIP

Ergeygii hore ee QMidoobay Soomaali ya uga wakiilka ahaa Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa loo magacaabay maamulka machad ka dhisan qaarada Yu rub oo ka shaqeeya arrimaha nabadda.

Keating ayaa si rasmi ah ula wareegi doona howlaha Machadkan toddobaadka soo socda isagoo bedelaya Mr. Martin Griffiths oo hore madax ugaga ahaa m achadkan. Machadkan The European Inst itute of Peace(EIP) oo xaruntiisu ay kuta al magaalada Brussels ee dalka Belj imka ayaa ka shaqeeya nabadda miisaaniyadi isana waxa ay gaaraysaa 9 Milyan oo euros.

Michael Keating oo hore ugaga soo shaqeeyay magaalooyinka Kabul Lilong we, Jerusalem, New York iyo Geneva ka hor inta uusan noqon ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya intii u dhexeysay 2016 – 2018.

DUQA MUQDISHO OO MAXKAMADAHA G/BANA ADIR KALA HADLAY XAL U HELIDDA DIKUMINTIY ADA BEEN ABUURKA AH.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kormeeray xarumaha Maxakamadda Ciidammada Qalabka Sida, Maxkamadaha heer Gobol ee darajada koowaad iyo Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay mira dhal noqdeen tallaabooyinka wada jirka ah ee loo qaaday xaluhelista murannada dhulka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hirgelinta xafiisyada adeegyada ee degmooyinka ay u fududeeyeen bulshada in ay si sharciyeysan ula kala wareegeen hantida maguurtada ah, isagoona ka digay dukimiintiyada ku saabsan arrinkan ee ay soo saaraan xafiisyada gaarka loo leeyahay (Nootaayo). Isla markaana caddaaladda la horkeeni doonno cid walba oo lagu helo dukimiinti aan sharci ahayn.

"Waxaan ka hirgelinnay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir xafiisyada bixinta adeegyada bulshada, taas oo aan uga golleenahay in muwaadin kasta uu helo dukumiintiga uu doonayo oo sharciyadeysan, dhawraayana mulkiiyaddiisa iyo xaqa uu leeyahay, taas oo horey ay uga jirtay dhibaato weyn iyo muranno joogta ah.”

Eng.Yarisow ayaa kala hadlay Guddoonka Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida in xal waaro loo helo fara gelinta aan sharciga ahayn ee ciidanka qaar ay ku sameeyaan murannada dhulka iyo muhiimadda ay leedahay in sharciga la hor keeno cid kasta oo ku tagri fasha awoodda dawladnimo.

"Marar badan ayaa waxaa dhacay falal la xiriira askar isugu gacan qaadday dhul iyo hanti ay ahayd in ay si sharciga wafaaqsan dacwadahooda u soo gudbiyaan Maxkamaddaha, taas waa mid aan la qaadan karin oo aan meel uga soo wada jeesan doonno. Sidoo kale waxaa naga go’an dib u soo celinta hantida guud cid kasta oo haysata, maadama ay tahay hanti loogu tala galay u adeegidda bulshada.”

Guddoonka Maxkadda Gobolka Banaadir ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka dadaalka ay ku bixinayaa xaluhelista tabashooyinka iyo murannada la xiriira hantida maguurtada ah iyo sidii loo taabbo gelin lahaa hannaan cadaalad oo ay helaan bulshada Gobolku.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac, iyagoo kormeer ku sameeyey xafiisyada ay ku shaqeeyaan Maxkamaduhu.

ILHAN CUMAR OO QARKA U SAARAN INAY NOQOTO XILDHIBAAN KA TIRSAN CONGRESSKA MARAYKANKA

IlhanIlhan Cumar oo ah muwaadin SomaliAmerican ah ayaa qarka u saaran inay noqoto qofkii ugu horeysay oo SomaliAmerican ah,iyadoo qaxooti ahna timaada Maraykanka oo ku fariisata kursiga aqalka Kongresska dalka Maraykanka.

Ilhan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa aad loo rumeysan yahay inay ka guuleysan karto Jeniifer Zielinski oo Jamhuuri ah doorashada lixda bishan ka dhacaysa dalka Maraykanka.

Gabadhan oo 36 sano jir ah ayaa sheegtay in ay u tartamayso kursigan si u xaqiijiso in la dhimo dadka halganka ugu jira nolosha, waxayna timid dalka Maraykanka iyadoo 12 jir ah kadib markii ay ka soo carareen qoyskeeda dagaalada sokeeye ee dalka Soomaaliya.

"Ma fileyn inaan imaado Maraykanka oo aan wax la barto carruur walwal ka qabta inay helaan wax ay cunaan sidii aan hore ugu soo arkay markaan ku jirey xeryaha qaxootiga dalka Kenya.”ayay tiri Ilhan oo la wareystey.

Balse haddii ay guuleysato Ilhan ma saameyn doonto tirada kuraasta baarlamaanka ee xisbiga Dimuqraadiga maadaama Keith Ellison oo kursigaa ka tegeysa ay isku xisbi ahaayeen.

Hase yeeshee arrinta ah in Ilhan ay ka mid noqonayso Aqalka Wakiilada ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu si weyn ugaga soo horjeedo qaxootiga soo gala dalka Maraykanka.

HAWEENEY LOO DOORTAY MADAXA MAXKAMADDA UGU SARREYSA ITOOBIYA.

maxkamadda sare ee itoobiya oo haweeney loo magacaabayMeaza Ashenafi oo ahayd qareen dhanka xuquuqda aadanaha ayaa loo doortay haweeneydii ugu horreysay oo madaxa ka noqoto maxkamadda ugu sarreyso Dowladda Federaalka ee Itoobiya.Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa soo magacaabay ,Meaza , xildhibaanada baa rlamaanka ayaa ansixiyay inay hoggaan ka u qabato maxkam adda ugu sarreyso Itoobiya.

Waxaa maal imih ii ugu dambeeyay da lka Itoobiyay qaar ka mid ah xilalka ugu sar reya la siiyay haweenka dalkaasi.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii SahleWork Zewde loo doortay haweeneydii ugu horreysay oo dalka Itoobiya Madaxweyne ka noqota.

Meaza ayaa sannadkii 1995tii bilowday urur ay ku mideysan yihiin haweenka qareenada dalka Itoobiya, ka hor intaasi, waxay ahayd garsoore ka tirsan maxkamadda sare isla markaasna waxay ka qayb qaadatay qoritaankii dastuurkii cusbaa ee Itoobiya sannadihii sagaashamaadkii.

ADDUUNKA OO LAGA XUSAAYO MUNAASAB ADA SOO AFJARIDA ISLA XISAABTAN LA’AANTA TACADIYADA KA DHANKA AH SUXUFIYIINTA

Sannad kasta shalay oo kale, marka ay taariikhdu ku began tahay 2da bisha Nofeembar waxaa dunida laga xusaa munaasabadda soo afjaridda isla xisaabtan la’aanta la xiriirta tacadiyada ka dhanka ah suxufiyiinta caalamka.

Soomaaliya waxay safka hore uga jirtaa dalalka ay ka dhacaan xad gudubyada ugu badan ee ka dhanka ah saxaafadda iyo suxufiyiinta.

Muddadii 12ka sano ahayd ee la soo dhaafay, oo ah intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2017, ku dhawaad 1010 wariye ayaa caalamka lagu dilay iyagoo soo tabinaya warar iyo macluumaad ay u gudbinayaan bulshada.

Sagaal ka mid ah tobankii qof ee suxufi dilaba wax ciqaab ah lama kulmaan.

In lala xisaabtami waayo dadka waxyeelleeya suxufiyiinta waxay sii dhiirri galisaa iney bataan dilalka waxayna inta badan calaamad u tahay heerka xun ee ay gaaraan dagaallada iyo in laga tallaabsado hannaanka sharciga iyo caddaaladda.

Markii ugu horreysay sannadkii 2013kii ayaa 2da bisha Nofeembar loo asteeyay maalinta soo afjaridda isla xisaabtan la’aanta tacaddiyada suxufiyiinta, ka dib markii isla maalintaas dalka Mali lagu dilay 2 wariye oo u dhashay waddanka Faransiiska.

Dalalka Afqaanistaan, Suuriya Ciraaq iyo Yemen ayaa lagu tilmaamay inay ka mid yihiin kuwa ugu halista badan ee ay warbaahinta ka howlgasho.

Laakiin Soomaaliya waxay sannadkan mar kale kaalinta hore ka gashay dalalka tacaddiyada ugu badan loogu geysto suxufiyiinta.

War bixin ay soo saartay hay’adda CPJ ee u doodda xuquuqda wariyeyaasha ay aa lagu qeexay in Soomaaliya ay meesha ugu hooseysa uga jirto 14ka dal ee dhi baatada ugu badan ay kula kulmaan wariyeyaasha.

Muddo aad u dheer, weriyayaal badan oo Soomaaliya ka shaqaynayay ayaa la kulmay waxyeello isugu jirta dil, dhaawac, xarig iyo handadaad joogto ah, oo shaqadooda ka dhan ah.

Sidoo kale waxa jira xarumo warbaahi need oo shaqada laga joojiyay, iyo wariye yaal si iskood ah uga tanaasulay guud ahaan shaqada saxaafadda, ka dib markii ay u adkeysan waayeen handadaadda loo geysto iyo cabsida xoogga leh ee ay ka qabaan in la dilo.Tan iyo sannadkii 1992kii, oo ku beegneyd hal sano ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ilaa 64 suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya, mana jirin dad si rasmi ah loogula xisa abtamay iney dilalkaas ka dambeeyeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip