Madaxweyne Xasan Sheekh oo saaka lagu wado inuu gaaro magaalada Jowhar

0
Tuesday January 12, 2016 - 09:18:43 in Wararka by
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo saaka lagu wado inuu gaaro magaalada Jowhar

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe. Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida ay wararku sheegayaan la xiriirta inuu furo shirka maamul u sam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe. Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida ay wararku sheegayaan la xiriirta inuu furo shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan oo la filayo in maanta si rasmi ah uu uga bilowdo magaalada Jowhar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa booqashadiisa ku wehelin doono wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyeed oo ka soo gala jeeda Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sida ay soo sheegayaan weriyaasha jowhar.com ee ku sugan magaaladaas waxaa ka socda diyaar garow ballaaran oo ah soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weliba martigelinta shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Lama oga mudada uu joogi doono Madaxweyne Xasan Sheekh magaalada Jowhar iyadoo lagu xusuusto booqashooyinkii uu hore ugu tegey intii uu hayay xilka madaxtinimada uusan habeena ku hoyan magaalada xarunta u ah gobolka Sh/dhexe ee Jowhar.

Xalay illaa shalay waxaa magaalada Jowhar gaaray wafuud kala duwan oo isugu jira Wasiiro, Xildhibano, siyaasiyiin iyo ergooyin ka soo kala jeeda labada gobol, waxaana sidoo kale magaalada gaaray ciidamo aad u fara badan oo ay ku jiraan kuwa sida gaarka ah u tababaran.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa la adkeeyay, iyadoo wadooyinka lagu arkayo saaka ciidamo faro badan oo ammaanka sugaya, isla markaana wadooyinka qaar xiray

xigasho:-jowhar.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip