
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 12-KAJANNAAYO 2016-KA
Abwaan Cali Sugule Cigaal, ayaa lagu daawayn jiray isbitaal ku yaala Magaalada Cujmaan (Ajman), waxaana bishii October ku booqday Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxa muud (Siilaanyo). Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeyo), ayaa wuxuu xaqiijiyay geeri da naxdinta leh ee shalay ku timid Abwaa n kii weynaa ee Soomaaliyeed. Waxa ka loo uu xaqiijiyay in Aas ballaaran loogu sa mayn doono M/Hargeysa, Meydkiisana la keeni doono.Mada xweynaha Somaliland, ayaa ka Tacsiyadeeyay geerida asiibtay Abwaan Cali Sugule. Madax weynaha ay aa sheegay in ay saxibbo ahaayeen mar xuumka, isla ma rkaana uu kaalin ku lah aa Suugaan ta/Fanka.
Abwaan Sugule, ayaa sameeyay He eso iyo Ruwaayado badan. Heesaha uu sameeyay waxaa ku jira Heeso badan oo halgankii Xoriyadda dalka uu kaga qayb qaatay. Heesaha uu sameeyay ee lagu xu suusan doono waxaa ka mid ah Heestii (Afqalaad Aqoontu Miyaa).Dhawr jeer, ayaa waxaa xirtay Dowladdii Militariga So omaaliya, ee uu Madaxweynaha ka ahaa General Maxam ed Siyaad Barre.
MADAXDA QARANKA OO KA TACSIYEEY SAY GEERIDA ABWAAN CALI SUGULE
Madaxweynaha JFS Md Xasan Sh. Ma xamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Allaha u naxariistee geeri da Abwaan Cali Sugulle, isagoo ku tilma amay halyeey waddani ah oo ka baxay ummadda Soomaaliyeed,
Guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Jaw aari, R/wasaare Cumar C/rashiid, R/wasa are ku xigeen ka dalka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir "Maaree ye”,Maareeyaha golaha Murtida iyo mad adaalada Abwaan Cabdi Dhuux ayaa sid oo kale ka tacsiyeeyay Allaha u naxariis tee geerida Abwaan Cali Sugulle.
Abwaan Cali Sugule ayaa ku geer iyoo day dalka Imaaraadka Carabta oo muddo oyinkii u dam beeysay lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, wuxuuna ahaa wa ddani suugaan yahan ah oo ay in badan xusuusan doonaan um madda Soomaa liyeed.
INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
SHIRWEYNAHA QARAN EE HORUMARINTA SAXAAFADDA SOOMAALIYA OO KA FURMAY MUQDISHO
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa shalay si Rasmi ah uga furmay Shirweynaha qa ran ee Istaraatijiyadda Horumarinta Warbaahinta Soomaaliyeed ee 5ta sano ee soo socota.
Shirkan ayaa waxaa kaqeyb galay ra'iisul wasaare ku xigeenka Somaliya Maxamed Cum ar Carte, wasiirka warfaafinta, Maxamed Cabdi Ma areeye, Wasiirrada Warfaafinta Pun tland, Gal mudug, Koonfurgalbeed iyo Wakiillo ka socday Jubbaland.
Sidoo kale waxaa shirka goobjoog ka ah wakiillo ka socday hay'adaha u dooda saxaafadda, madaxda ururrada saxaafadda madaxa bannaan ee dalka iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha xarumaha warbaahinta Soomaaliyeed.
Shirka ayaa waxaa furay R/W ku xigeenka Soomaaliya , isagoo shee gay in shirkani yahay mid ahmiyad gaar ah leh, isla markaana la rabo in la ga soo saaro istaraatijiyad ay ku sha qeyn karto warbaahinta Soomaaliya shanta sano ee soo socota.
Wasiirka Warfaafinta, hiddaha iyo dhaqanka dowladda Soomaaliya, Md.Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isna madasha ka hadlay ayaa she egay in ujeedada shirkan ay tahay in marka koowaad laga doodo istaraatiji yada shanta sano ee warbaahinta dal ka iyo in sidoo kale lagu soo bandhigi xeerkii saxaafadda Soomaaliya ee uu baarlamanku ansixiyay Madaxweeynu huna saxiixay.
Madaxda maamulgobleedyada oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa waxay shegeen inay soo dhaweynayaan sha rciga xeerka saxaafadda Soomaaliya ee uu baarlamaanku Ansixiyay, iyagoo sheegay in qodobbo ay jeclaayeen in wax laga badalana ay ka rajeeynayaa gudiga gacanta ku ha ya inay ku daraan xeer hoosaadka uu yeelan doo no sharcigaasi.Kulanka ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo manta oo Tal aado ah, iya doo laga soo saari doono Warmurtiy eed ku saabsan Qodobbada ay isku af garteen dhinacyada War baahinta Soomaaaliyeed.
MADAXWEYNAHA BAKOOL SARE OO SHEEGAY IN UUSAN WADA HADAL LA GALEYN K.GALBEED….
Hogaamiyaha Maamulka Bakool Sare oo looga dhawaaqey Sadex degmo oo ka mid ah gobalka Bakool Axmed Mashruuc ayaa si adag uga hor yimid inay la kulmaan M/weynaha Maam ulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna caddeeyey inay u aqoonsan yihiin Shariif Xasan maamul deriskooda ah ayna dhawrayaan daris wanaag, haddii laga helo dhinaca Koonfur Galbeed.
Mar la weydiiyey haddii la xalli yo cabashadii ay ka muujinayeen maa mulka Koonfur Galb eed inay wada ha dal galayaan, ayuu sheegay inaysan yeeleyn wax wada hadal ah, ayna dad ka deegaannadaas go’aansadeen in ay ka tashadaan Aayahooda oo ay garowsadeen masuuliyadda ka saaran deegaankooda.
Mr.Mashruuc wuxuu sheegay in aysan waxba shaqo ah ku laheyn dhis maha maamulkooda Maamullada Jub baland iyo Puntland, isagoo sheegay inay u arkayaan labadaas maamul ku wa ay dadkii lahaa dhisteen Bakool Sarena uu kuwaas la mid yahay.
DOWLADDA INGIRIISKA OO SHEEGTAY IN DAACISH AY QATAR KU TAHAY AMMAAN KA SOOMAALIYA
Dowladda Ingiriiska ayaa ka digtay in UrurkaDaacish dhibaato xooggan ku yihiin ammaanka Soomaaliya kadib markii rag ka tirsanaa xarrakada Al Shabaab ee ka dagaallanta Soomaal iya ay ku biireen Daacish.
General john lorimer oo ka tirsan saraakiisha milateriga ee Ingiriiska ay aa xusay in kooxda daa cish ay weer arro halis ah ka fulin karaan gudaha Soomaaliya isagoo tilmaamay in xilligaan daa cish ay ku jirto abaabul ay doonayaan inay ku sii fidaan dalal hor leh.
General lorimer ayaa intaasi ku da ray in dowladda Ingiriiska ay diyaar u tahay sidii ciidamm ada Soomaaliya ay kala shaqeyn lahayd ka hortagista halista kooxdaasi oo uu tilmaamay in ko oxo dhibaato daran ka gaysta qaar ka mid ah dalalka caalamka.
Sarkaalka ayaa sheegay in dowlad da Ingiriiska ay waddo qorshe ay ku xo ojineyso taageerada ciidanka Soomaa liya si ay u hantaan ammaanka dalka oo mudo dheer ku jiray colaado iyo da gaallo sokeeye.Ra,iisul Wasaaraha Ingriiiska ayaa sannadkii hore xarunta Q/Midoobay ee New York ka ga dha waaqay in Soomaaliya ay u dirayaan ciida mmo tiro yar oo Soomaaliya ka caawin doona tababbarrada iyo la dagaallan ka Xarrakada AlShabaab.
CIIDAMADA KENYA OO LAGU EEDEEYAY IN DADKA SOOMAALIYEED XIRAAN, LANA ARKO IYAGOO MAYD AH.
Ciidamada dalka Kenya ayaa sii kor dhiyay tacadiyada ay u gaysanayaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo ciidama da dalkaasi ay bilaabeen inay xir xira an Soomaali fara badan.
Wargayska Washington Post ee ka soo baxda dalka Mareykanka ayaa ifi say inay sii korartay dambiyada xariga xooga ah oo Kenya ku sii badanaya kaa oo loo geesanayo dadka ka soo je eda dalka Soomaaliya tan iyo sanadii 2011ka wixii ka dambeeyay markii ay Xarakada Alshabab ay weeraro ka geesatay gudaha Kenya.
Jariidada ayaa warbixinteeda la da abacay Sabtidii la soo dhaafay, waxaa na lagu sheegay in la waayay Sooma ali badan oo Kenya ku nooleed, ka di bna waxaa la helay iyagoo meyd ah.
Ciidamada Kenya ayaa lagu bilaab ay in eedeyn loo jediyo, waxaana la gu eedeynayaa in ciida mada amaanka iy aga wadaan olale xooggan oo looga hortagayo xagjirnimada ku sii baahay sa Kenya, hase yeeshee Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa iska fogeeyay inay ku lug leeyihiin dhac dooyinkaasi.
Afhayeen u hadlay wasaaradda ari maha gudaha Kenya ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri "ho wlgalkeeni ka hor taga argagexisada wa kuwo ku xadeys an sharciga”, balse koox xildhibaana da ka soo jeeda degaanada ay ku bad an yihiin Soomaalida ee waqooyi bari Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dad kii meydkooda la helay badankooda ay ahaayen kuwo ay xireen Booliska.
Dhanka kale saraakisha Kenya ayaa indhaha la raacay 2 ilaa 3 milion Kenyan ah oo asal ahaan Soomaali ah tan iyo markii AlShabaab ay weraro ka fulisay gudaha Kenya, iyadoo Ken ya lagu eedeynaayo in ciidamadooda ay dileen cid waliba oo argagexiso ah oo ay uga shakiyeen.
MADAXWEYNAHA SOOMAALILAND OO KU BAAQAY IN LA BILAABO WADA HADALKII SOOMAALIYA IYO SOOMAALILAND
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo shalay Warbaah inta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ahoo ay ka mid yihiin Wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland ee Burburku ku yimid iyo Shirarka ka socda Soomaaliya ee looga hadlayo Aayaha Soomaaliya.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo Wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland ee burburku uu ku yimid isla markaana Beesha Caalamka ay wada hadalladaasi ay dhex dhexaad ka noqoto si miro dhal looga gaaro wadahadallada.
"Waxaan ku baaqayaa in dib loo bila abo wada hadalladii uu hakadka ku yi mid ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Soomaaliland,taas oo ay dan ugu jirto Labada Shicib ee Soomaaliya iyo Soo maal iland”ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.
Sidoo kale Madaxweynaha Soom aaliland Axmed Siilaanyo ayaa Amaanay Shirarka ka socda Soomaaliya ee looga hadlayo Aayaha Soomaaliya,waxaana uu u rajeeyayUmmadda Soomaa liyeed in ay Dhibka ka baxaan oo ay helaan Dowladd Taam ah.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa hadalkan ka sheegay khubad sannade edkii uu u jeediyay Labada aqal baarlamaan ee Somaliland.
DIYAARAD AAN LA AQOONIN OO DUQEY SAY KOLONYO GAADIID AY LEEYIHIIN DAACISHTA LIIBIYA
Dadka Deggan magaalada Sirta ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee REUTERS inay Diyaarado du qeey een gaadiid ay Daacish leeyihiin oo marayey meel ku dhow magaalada Sir ta ee Xeebta leh.
Goobjooge ayaa sheegay inay Diya aradda leedhay mid ka mid ah Dowlad aha taageersan Xukuumadda Libya oo ay Xarunteeda dhexe ku taallo Bariga dalkaasi.
Dhinaca kale, Afhayeenka Ilaala dda Adeegyadda Shidaalka ee Libya, Ali Hasan ayaa she egay inay iska ca abiyeen 3 doonyood oo doonayey inay weeraraan Dekedda Saytuuna ee Shid aalka laga dhoofiyo.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in ay gubeen mid ka mid ah Doonyaha asi oo la tuhunsan yha ay inay Malee shiyadda Daacish leeyihiin.
NIN U HANJABAAYAY DAD SOOMAALI AH OO DEGAN XAAFADDA ISLII OO XABSIGA LA DHIGAY
Magaalada Nayroobi, ayaa waxaa lagu xiray nin Masuul ah, ka dib markii uu isu soo ekeysiiyay Saraakiisha Booliska Magaalada Nayroobi, islama rkaana uu dad Soomaali ihi ugu hanj abaayay inuu xiri doono, haddii lacago laaluush ihi siinin.
Wilson Irungu waa Ku Xigeenka Gu doomiyaha Hoggaanka Waqooyiga Isl ii, waxaana gacanta lagu soo dhigay is agoo wata katiinadda ay wataan Ciidamada Booliska, laguna xiro dadka dembi ilayasha ah.
Dad socoto ahaa oo waddada kula kulmay Wilson Irungu, ayaa sheegay in uu Soomaalida ugu hanjabaayay in kiis been abuur ah oo argagaxisnimo uu ku soo eedayn doono, haddii aanay lacagaha uu doonaayo siinin.
Warbaahinta Kenya, ayaa qortay in hal habeen ka hor ay Ciidamada Booliska gacanta ku soo dhigeen Wilson Irungu, balse uu baxsaday nin kale oo falkaasi ku wehlinaayay.
Kiberenge Seroney oo ka mid ah Saraakiisha Booliska Degmada Star ehe, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Maxkamad la soo taagi doono Wilson Irungu, maadaama lagu soo qabtay fal ka baxsan Sharciga.
Booliska Magaalada Nayroobi, ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hanjaba inay xiri doonaan, haddii aanay siinin laalu ush. Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii waxay u nugul yihiin bixinta lac ag ahaasi laaluushka ah.
JAAMACADA GAARISA OO SALDHIG BOO LIS LAGA DHEX FURAY & ARDAYDA OO SI RASMI AH WAXBARASHADOODA U BILAABAY
Ardayda Jaamacada Magaalada Gaarisa, ayaa shalay subax dib u bilaabay Waxbarashado odi, ka dib 9-bilood oo Jaamacadda ay u xirneyd weerarkii saameynta badan Jaamacada ku yee shay ee Shabaabka ay ku qaadeen.
Warbaahinta Kenya ayaa soo tabi say in Ardaydashalay ay u dareer een Duruusta kala duwan ee Jaamac adda, isla markaana ammaanka uu ya hay mid si weyn loo adkeeyay.
Xarunta Jaamacada gudaheeda ayaa laga dhex furay Saldhig ciidan Boolis ah, si ammaan ka ay halkaasi u ga ilaaliyaan, wixii Qatar ah oo ay arkaana ay ka hor taggaan.
Madaxa Ammaanka Gobolka Waq ooyi Bari ee dalka Kenya Maxamed Saalax, ayaa sheegay in ay jirto feejig naan sare oo dhanka ammaanka ah, ciidamada ay sameynayaan howlgallo.
Waxa uu sheegay Saldhiga laga dhex furay Jaamacada gudaheeda in la geeyay ciidamo badan oo ammaan ka Jaamacada sheedda kala socon do ono, haddii ay timaado Qatar amni ka horta gaya.
Arday badan ayaa iska diiwaangel iyay Jaamacada oo munaasabad Dib loogu furaayay Todo baadkii aan soo dhaafnay loogu qabtay Xarunta Jaama cadda, iyadoo shacabka Magaalada Gaa risa ay soo dhaweeyeen dib u furi sta Jaamacadda.
Waalidiin badan ayaa muujinaya walaac dhanka ammaanka ku saabs an iyo weerarro kale oo Shabaab ay suuragal tahay inay ku qaadaan Xaru nta Jaamacada.
XUBNO KA TIRSAN DOWLADDA SOOMAALIYA IYO SIYAASIYIIN GAARAY MAGAALADA JOWHAR
Magaalada Jowhar ee Gobolka sha beelaha dhexewali waxaa ku qulqul aya madax dowlada soomaliya ka Tir san, siyaasiyiin ka qeyb galaysa shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shab eelaha dhexe oo dhawaan Furmaya,
Amaanka Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe ayaad aad loo adkeeyay wax aana Magaalada La gu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo sugaya amaan ka Magaalada iyo goobaha laga soo galo magaalada,
Madaxda Magaalada Jowhar gaar ay waxaa kamid ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Qaran ka Mahad Sala ad,Wasiiru dowlaha Maaliyada Cabdul laahi Maxamed Nuur oo labadaba ka mid ahaa saxiixayaashii Maamulka Hiir aan iyo Shabeellaha Dhexe waxayna Kulamo saacadaha soo socdo ay la qaadan doonaan Madaxda Gobolka shabeelaha dhexe iyoErgooyinka ku sugan Magaalada Jowhar.
DOWLADA JAPAAN OO SHEEGTAY IN DIYAARADO DAGAAL AY KUSOO BIIRIN DOONTO HOWLGALKA LA DAGAALLANKA BURCAD BADEEDA SOOMAALIDA
Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka jappan iyo ururka difaacayaa sha badaha jappan ee loo soo gaabiyo MSDF ayaa shaaca ka qaaday in diy aarada dagaalka ee P3Cay si toos ah kaga mid noqon doonaan la dagaall anka burcad badeeda Soomaalida.
Dowlada Japanma aysan sheegin tira ay la egyihiin diyaaradaha ay u soo direyso Xeebaha soomaaiya si ay ula dagaalamaan burcad badeeda soomaalida.
Dalka jappan ayaa waxa Xeebaha soomaaliya kaga sugan maraakiib ku wa dagaalka ah oo sannadkii 2009kii ku soo biiray la dagaallanka burcad badeeda Soomaalida.
Horay waxa diyaarado dagaal ay ka joogeen Xeebaha soomaaliya Dowl adda Mareykanka, balsehaddiijap pan ay diyaaradaha dagaalkeedakusoo biiriso howlgalka la dagaallanka bur cad badeeda ay noqon doontaa dalkii labaad ee diyaarado usoo diro Xeeba ha dalka soomaalia.
MAAMUKA GALMUDUG OO CIIDAMADA KALA DHAXDHIGAY MALEESHIYO BEELE ED KU DAGAALAMAY BARIGA GOBOLKA GALGADUUD,
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ugu dambeynlagu guuleystay xallinta dagaal beeleed ka dhacay Bariga Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka soomaaliya,
Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Maamulka Galmudug Cali C/laahi oo wareysi siiyay idaacada Sim ba ee Magaalada Muqdisho ayaa shee gay in ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Galmudug la kala dhaxdhigay meeleeshiyo beeleedkii dhawaan ku dagaalamay deeganka hig laale.
Cali C/laahi Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Maamulka Galmudug waxa uu sheegay in dagaalka dhaxmaray meeleeshiyo beeleedka uu geystay qasaaro dhimasho iyo dhaa wac dhaw aan heshiis rasmi ah laga ga ari doono. Dhanka kaleWasiir ku xig eenka wasaaradda amniga Maamulka Galmudug waxa uu sheegay in shirka Golaha wasiirada Maamulka Galmudug ee sha lay dhacaya la horgeyn doono dagaalka ka dhacay deeganka higlaale ee bariga Gobolka Gal gaduud,
XUKUUMADDA OO LOOGU BAAQAY IN DEGMADA RABDHURRE AY GUR MAD GAARSIISO
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo mudooyinkan dambe ku sugnaa gob olka Bakool, ayaa kormeer ay ugu kuurgalayeen xaaladda dadka ku dhaqan degmada Rabdhuure ku tageen halkaasi
Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur "Sheekh Aadan Madoobe” iyo wafdi uu hogaami nayo ayaa gaaray degmada Rabdhurre ee ka tirsan gobolka Bakool, waxaana ujeedka kor meerk ooda uu la xiriiray sidii ay ugu ku ur geli lahaayeen xaaladda ammaan iyo tan bulsho ee ka jirta degmada iyo deegaannada kale ee ku xeeran.
Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa sheegay in xaaladda amni ay tahay mid la isku haleyn karo, waxaana uu intaa ku dar ay inay ka maqanyihiin adeegyada bulshada, isago mas’uuliyiinta wafdiga horkaceyso ka codsaday inay degmada laga hirgeli geliyo adeegyo aas aasi u ah bulshada.
Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in xaalada ka jirta degmada ay u gudbin doonaan hay’adaha kale ee dowladda, si bulshada halkaasi ku dhaqan ay u helilah aay een gurmad dhinac waliba leh.
WASIIRKA CADAALADDA OO LA KULMAY SAFIIRKA IMAARAADKA EE SOOMAALIYA
Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Ax med Jaamac Ilka jiir ayaa la kulmay safiirka dowladda Isutagga Imaaraad ka Carabta u fadhiya Soomaaliya Max amed Cuthman, ayagoo ka wada had lay sidii labada dowladood ay iskaashi ugu yeelan lahaayeen horumarinta Garsoorka. Kulanka oo looga hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso hour marinta arrimaha garsoorka ee dalka, ayaa waxa uu Wasiirku dowladda Ima araadka uga mahad celiyay mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan gudaha dalka.
Safiika Dowladda Imaaraadka Car abta u fadhiya Soomaaliya Danjire Ma xamed Cuthman ayaa uga mahadcel iyay Wasiirka dadaalkiisa ku aadan ho rumarinta garsoorka, waxaana uu in taa raaciyay inay ku dadaalayaan sidii ay u joogteen lahaayeen mashaarii cda kala duwan ee ay ka hirgelinaya an gudaha dalka.
DIB U DHAC KU YIMID SHIRKII MAGAAL ADA KISMAAYO
Xilli Isniinta shalay aheydlagu wa day in Magaalada Kismaayo uu ka fur mo Shirka Madasha Wadatashiga Qar an, ayaa waxaa ku yimid dib u dhac muddo hal maalin ah.
Suxufiyiinta Magaalada Kismaayo, ayaa waxay soo sheegayaan in dib dhaca shirka uu ka dambeeyay, markii aanu shalay Magaalada soo gaarin Ma daxweynaha Jamhuuriyadda Sooma aliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha iyo Afhayeenka Ba arlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxa med Sheekh Cisma an Jawaari, ayaa waxaa weli laga sugayaa inay soo ga araan Xarunta Gobolka Jubbada Hoo se.
Afhayeenka Maamulka Jubbaland, C/naasir Seeraar Maax, ayaa waxaa uu sheegay in Madax weynaha Somali ya uu ka soo dib dhacay, xilligii lagu waday inuu soo gaaro Magaalada Kisma ayo.
Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya inay suurtagal tahay in Mada xweynaha Soomaaliya uu u safro Magaalada Jowhar, si uu kaga soo furo Shirka Maamul U Samaynta Gobola da Hiiraan & Shabellaha Dhexe, ka dibna uu u safro Magaaladaasi Kismaayo.
Maanta ayaa waxaa macquul ah in ay wada furmaan Shirarka Kismaayo iyo Jowhar. Waxaana labaduba lagu wadaa in si buuxdo uu u wada furo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxam uud. Kismaayo waxaa wada gaaray dhammaan Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxda Maamul Goboleedyada Wadanka ka jira, wafuuda Beesha Caalamka ee ka qaybgel aysa shirka iyo marti sharafta lagu soo martiqaaday inay ka soo qaybgasho.
SOMALILAND OO GARAB JOOGSATAY BOQ ORTOOYADA SACUUDI CARABIYA, XILLI XURG UF KALA DHAXEYSO IRAN
Somaliland, ayaa waxay Shalay tageero wayn u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, xilli xurguf xoogani ay kala dhax eyso Dowladda Iran.
Madaxweynaha XS/land, Axmed Maxa med Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wuxuu shalay uu tag eero u muujiyay Boqortoo yada Sacu udi Carabiya.Md.Siilaanyo oo shalay jeedina ayay khudb adiisii sandala ha ahayd, ayaa cambaareeyay falka lagu gubay Safaaradda Boqortooyada Sacu udi ga ku leedahay Xarunta Wadanka Iran (Tehran). "Waxaanu halkaan ku cam baa raynaynaa fal kii foosha xumaa ee lagu gu bay Safaaradda dalka Sacuudi ga uu ku la haa dalka Iran, taasoo ahayd mid ka dhan ah milgaha dibloma asiyadda dun ida, kana soo horjeeda shuruucda caalami ga ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somali land.
Md.siilaanyo ayaa sheegay in So mal iland ay ka soo horjeedo dhibaat ada ay Iran ka wado Bariga Dhexe iyo Badda Cas, sida uu hadalka u dhigay.
"Dowladda Somaliland waxay si ad ag uga soo horjeedaa xasilooni darra da dal ka Iran ka waddo mandaqadda Bariga Dhexe iyo marin biyoodka Bad da Cas.” Ayuu yiri Md.Silaanyo.Md.Siilaanyo, ayaa waxaa uu taageeray Bayaankii ay Wada mada J/Carabta ku taageereen Sacuudi Cara biya,kagana soo horjeesteen Dowla dda Iran. "DS/land waxay si buuxdo u gar ab taagan tahay mowqifka ay ka qaateen D/daha J/Carabta, arrintan.”ayuu yiri Siil aanyo.
XAALADDA BINI’AADANNIMO OO LAGA SOO SHEEGAYO DEEGAANADA GOBOLKA BAKOOL..
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaan ka Soomaaliya ayaa ka deyriyay Xaaladda nololeed shac abka ku dhaqan de egaann ada Gobolka Bakool,kuwaasi oo hadda ka muuqata daruufooyin kala duwan oo dhan ka nolosha ah. Cumar Cali Balash oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka ku dhqan deegaan nada Gobolka Bakool haatan ay wajahay aan xaalado dhanka bini’ad annimada ah,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in shacabka qaar ay barakac een markii ay ku adkaatay Helidda Bi yo nadiif ah iyo cunno ku filan.
Deegaannada Hadda laga deyrin aayo waxaa ka mid ah Rabdhuurre oo ka mid ah Gobolka Bakool,waxaana la sheegaa in dad badan aysan ku dhaq neyn deega ankaasi,isla markaana dad ka badi xaalad bini’adannimo oo soo wajahday uga bar akaceen.Xildhibaan Cumar Cali Balasha ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha sama falka in sida ugu dha qsiyaha badan u gaaraan deegaann ada Gobolka Bakool si loo badbaadi yo nolo sha dadka heysata Xaaladda bini’ada nni mo.Dhibaatada dadka soomaaliyeed ayaa ah mid jogto u noqatay ilaa 25kii sano dow lad la’aanta taasoo iyo qaska uu dalka galay taasoo unugleysan dhibaatada lixaa dka leh ee la soo deristay ee macluusha iyo dagaalada daashadeen.
MADAXWEYNAHA KHAATUMO OO DADAAL WEYN UGU JIRA SIDII LOO MIDEYN LAHAA MAAKHIR & KHAATUMO
Madaxweynaha Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeydh iyo wafdi uu hoggaamin ayo oo safarro ku marayay qaar ka mid ah deegaanna da Buuhoodle ay aa sheegayinay ta ageero u raadi na yaan maamul ay Khaatumo iyo Ma akhir ku mideysan yihiin.
Madaxweyne Galeydh oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, xildhib aanno dawladda federaalka ka tirsan, ku wa Khaatumoiyo siyaasiyiin kasoo jeeda Maakhir, ayaa soo maray; Buuhoodle, Xa mar lagu xidhiyo Ballicad, iyagoo shacab ka degaanadaas uga warrameen talaaboo yin ay ku doonayaan sidii gobolada Sool, Sanaag & B/hoodle loogu sameyn lahaa.
Prof. Galaydh oo ka hadlayay oo la had layay dadweynaha Degaanka Balli cad oo Haatan xar un u ah maamulka Khaatumo ayaa wuxuu sheegay inay siyaasiyiinta Khaatumo iyo Maakhir ay ku heshiiyeen in ay maamul u dhexeeya dhistaan, ayna da wladda FS ee uu madaxweynaha ka yah ay Xasan Sheekh ay isla garteen safarko oduna uu ku salaysan yahay sidii ay u gaadhsiin lahaayeen bulshadooda.
Sidoo kale, Galayr ayaa mar uu ka had layay maamulka Puntland ayuu wuxuu yiri. "C/weli Ga as dad iyo dal aan kiisa ah ayn ayuu leeyahay Afti ha laga qaado, taa sina ma ahan mid dhaca ysa, hadde geele enuna isku sumad maaha." wuxuuna ra aciyay inay dacaayad cusub tahay oo hadda uu la soo baxay. Wuxuu isagoo ka had laya diyaar garowga maamul u samaynta deegaana daas in bulshadu xor u tahay iya guna ay fududaynayaan oo keliya, wuxuu na ammaanay wasiirka amniga maamulka Khaatumo, Keyse Cabdi Yuusuf oo uu sheegay inuu yahay hawlkar howshan gundhig u ahaa.
Xildhibaan C/waaxid C/llaahi Jaamac oo DFS arrintaan kala hadlayay iyo rabita ankeeda wuxuu bulshada 2daas deggen u caddeeyay inay ka go'an tahay sidii ma amul ku yimaadda rabitaan kooda loogu dhisi lahaa. Qaar badan oo ka mid ah oda yaasha, Waxgaradka, Siyaasiinta iyo bul shada goobahaas ku dhaqan ayaa muujiy ay sida ay uga go'an tahay yoolka maamu ka Cali Khaliif higsanayo.
Hawsha maamul u samaynta deegan nadaas oo siyaabo kala duwan looga arko ayaa qaar ka mid ah bulshada ay si aad ah u hadal hayaan siyaasadda Galayr oo ay ku ammaaneen inuu ya hay shaqsi dan tiisa ka adag xilliganna ay ka yar tahay in badan taageeradii loo hayay markii maa mulka Khaatumo lagu dhisay Degmada Tal eex 2012kii, waxaana la eegayaa jawaab aha ka yimaada deegaanada ay ka koob
an yihiin gobollada Sool & Sanaag.
GANACSADE SHALAY KU DHINTAY QARAX KA DHACAY INTA U DHEXEYSA MUQDISHO IYO AFGOOYE
Allah ha u naxariistee waxaa shalay Qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ku dhintay Ganacsade Xa aji Abuukar Hiraabe Calasow oo ka mid ahaa Ganacsatada Caanka ka ah Gobolka Shabellaha Hoose.
Ganacsade Xaaji Abuukar Hiraabe Calasow ayaa la shee gay inuu ku dhintay Qarax ka dhacay waddada isku xirta Muq disho iyo Afgooye,iyadoo aan la ogeyn in Gaarigiisa loogu xir ay iyo inuu Qaraxu wadada ku aasnaa.
Meydka Ganacsade Xaaji Abuukar ayaa la geeyay Degma da Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose,iyadoo uu Abuuk ar Hiraabe Calasow uu ka mid ahaa Ganacsatada Caanka ka ah Gobolka Shabellaha Hoose.Haddaba MarxuunXaaji Abuukar Hiraabe Calasow waxaa Tacsi u diraya Dad kaan kala ah:.
Xuseen Abtidoon Warsame
Cabdi Abdidoon Warsame
Cabdi Mahad Xuseen Abtidoon
Cali Mahad Ibraahin Kadiye
Cumar Yuusuf.
waxaa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ehelka,Qaraabada iyo Asxaabtii uu ka Geeriyooday Xaaji Abuukar Hiraabe Calasow oo ka mid ahaa Ganacsatada Gobolka Shabellaha Hoose oo ku dhintay Qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
MESSI OO KU GUULEYSTEY ABAALMARINTA SANADKA EE BALLON D’OR
Ciyaaryahanka Messi oo u ciyaara kooxda Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaa ku guuleystay markii 5aad abaalmarinta sanadka ee laacibka ugu wanaagsan caalmaka Baloon d’Or.
Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalada Zurich ayaa waxaa lagu magacaabay ciyaaryahanka sanadka ugu wanaagsan iyadoo ay isugu soo hareen ciyaaryahanada ka ciyaara dalka Spain ee Ronaldo,Messi iyo Neymar.
Waxaa la soo saaray shaxda kooxda duunka ugu fiican ee FIFA FIFPro World XI, waxaana xidigaha ugu badan ka helay kooxaha ree Spain ee Barcelona iyo Real Madrid.
Kooxdan ka kooban 11ka ciyaaryahan ayaa siddeed ka mid ah waxa ay ka ciyaaraan dalka Spain gaar ahaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.Barcelona ayaa shaxdan ka heshay afar ciyaartoy halka sidoo kale Real Madrid ay ku leedahay afar ciyaartoy, kooxaha Juventus, PSG iyo Bayern Munich ayaa min hal ciyaartoy ka helay shaxda kooxda aduunka ugu fiican. Halkan hoose kaga bogo shaxda oo dhamaystiran.
Shaxdan ayaa ah 433, waxaana ku soo baxay xiddigo qaab ciyaareed fiican kubbada cagta ku soo bandhigay xili ciyaareedkii la soo dhaafay laakiin horyaalka Ingiriiska ayaan hal ciyaartoy ku lahayn shaxdan si la mid ah shaxdii ay dhawaan soo saartay shabakada rasmiga ah ee UEFA oo uu horyaalka Ingiriisku ka maqnaa.
Goolhaye: Manuel Neuer
Difaca Midig:: Dani Alves
Difaaca dhexe: Sergio Ramos
Difaaca dhexe: Thiago Silva
Difaaca Bidix: Marcelo.
Dhexda: Andres Iniesta
Dhexeda:Paul Pogba
Dhexda:Luka Modric.
Weerarka Neymar
Weerarka:Lionel Messi
Weerarka:Cristiano Ronaldo.
CASHARKII 25 AAD HABKA CILMIBAARISTA EE RESEARCH METHOD
QORISTA IYO DIB U EEGISTA QORAALADII HORE[WRITING LITERATURE REVIEW]
Hordhaca:
Haddii aan dib u xasuusano qeexida cilmibaarista, qubarada qa ar ayaa waxay ku qexaan in ay ta hay cilmibaarista systematic observation, sidaas awaadeed looga baahan yahay cilmibaar aha in uu six hordhac ah u qorsheeyo, cida uu wax ka ogaana yo, dabeecadaha uu rabo in uu ogaado, si da uu u rabo in uu ku ogaado, iyo inuu qorsheeyo, meelaha uu xogtii hore ee asalka ah laga heli karo.
Qaybtaan waxaan diiraada ku saari donaa dib u eegista ila wa reedka xogihii hore. Marka la doonayo xigto qoraladii hore, wax aa muhiim ah in laga soo xigto jaraa’id tacliimeedka loo yaq aan Academic journal. Sababtu waxay tahay, jaraa’id tacliimeedku waa asal warbixintiisu waana midi kowaad oo ayaga ayaa ah dadki ugu horeyay ee daabacay Primary Source. Jaraa’id taclii meedka warbixintiisa waxay si faah faahsan u sheegtaa xogta qaabkii lagu soo helay, habkii la adeegsadayfaaqidaada xogta iyo dooda natiijada sidaasi aawadood waxaa haboon in la soo xigto.
Dhinaca kale xogta laga soo helo jaraa’id maalin laha ah, talafishinada, iyo idaacadaha wax aa loo yaqanaa ila wareeyada labaad secondary source oo mana aha nasal Original. Sidoo ka le xogta ay soo gudbiyaan ilo waredyada aan soo sheegnay mal ahan faah faahin dheeri ah, sida qaabka lagu seehelay xogta, qa abka loo faaqiday iyo waliba dooda natiijada warbixinta.
Hadab cida doonayso in ay qorto dib ueegista xogtii hore Literature Review waxaa looga baahan yahay in ay soo xigato jaraa’idka tacliinta Academic Journalsababaha aan kor ku soo sheegnay aawadood. Dhinaca kale,ogow horjoogaha cilmibaa rista supervisor ka waxa uu do onayaa in uu arko xigashada jar aa’id cilmiyeed ka ee ma doonayo idaacadaha iyo tv xogtooda in la soo xigto.
Dhinaca kale, article lada laga helo jaraa’idka tacliinta ayaa sii kala muhiimsan. Marka la soo xignayo qoraaladii hore waxaa haboon in la soo xigto article lada leh xog la isku haleen karo sida empirical studies, daraasadanuucaan ah waxay soo bandhigaan cadeemo wato xog la isku haleen karo. Inta badan xogta laga helo empirical studies waxaa loo istimalaa habab kala duwan oo lagu heli karo xog dhab ah oo la isku haleen karo.
Inta aanan la soo xigan qoraaladi hore, waxaa jiro qaabab lagu ogaado in daraasada xogt eeda la isku haleen karo, sida, in dadki saxda ahaa wax laga soo ogaday, in tiradii loogu talagalay wax laga soo ogaaday, in nidaamki saxda ahaa loo faa qiday xogta iyo in dhibka jiro sicad loo qee xay. Insha allah casha rka soo socdo waxaa ku soo qaadan donaa, tusaalooyin la xir iiro, sida cilmibaraha isaga hubin karo in waxa uu soo xiganayo, si sax ah loo soo baaray oo la maray dariiqii saxda ahayd in lagu helay xogta.
W/D: Dr. Shafici Sharif Mohamed
Email.fayosom@hotmail.com
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 12-KAJANNAAYO 2016-KA
ABWAAN CALI SUGULE OO GALABTA KU GEERIYOODAY WADANKA EMIRATEKA CARABTA Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sug ule Cigaal (Duncarbeed) oo ka mid ahaa Abwaanada Somaliyeed kuwo oda ugu waawayn, ayaa wuxuu shalayku geeriyo oday Isbitaal Wadanka Emi r