
HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 31 OKTOOBAR 2018KA
Ra’isul Wasaaraha Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa shirqool kaas la tuhunsan yahay ku tilmaamay "Mid aan gabi ahaanba la aqbali Karin” wuxuuna sheegay in Midowga Yurub looga baahan yahay in ay qaadaan tallaabo dheeri ah.
Masuuliyiinta ayaa sameeyey dambi baaris ballaaran 28kii September taas oo horseedday in la hakiyo in loo kala safro Denmark iyo Sweden.
Talaadadii, ayaa madaxa Sirdoonka Denmark, Finn Borch Andersen, waxa uu xaqiijiyey in tallaabooyinkaas loo qaaday si looga hortago weerar la qorsheeyey.
Qofka la sheegay in la doonayey in la dilo ayaa la sheegay in uu ahaa xubin sare oo katirsan urur lagu magacaabo Arab Struggle Movement for the Liberation of Ahvaz (ASMLA), oo u taagan xoraynta gobolka Carabtu ay u badan tahay ee kuyaal galbeedka dalka Iran.
XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA OO MAANTA KULAN KU LEH MUQDISHO
Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka waqtigii loogu tala galay, si uusan u imaan dib u dhac.
Ajendaha kulanka inuu yahay sii wadista codeyn ansixin oo hordhac u ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.
Xildhibaanada oo Isniintii kulan yeeshay ayaa waxa ay dood kulul ka yeesheen xeerkan.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyada oo ay goobjoog ka noqon doonaan kuxigeenadiisa.
MAXAAD KA TAQAANAA DALKA UGU YAR ADDUUNKA?
Weligaa ma ku fikirtay in uu jiro wadan ka yar beerta nasashada New York dadka ku noolna ay ka yaryihiin tirro ahaan arday dhigato hal iskuul oo dugsi sare ah, Iyadoo laga eegayo balaca dhul ahaaneed Vatican City ayaa loo aqoonsaday in uu yahay dalka ugu yar adduunkaan aan ku noolnahay.
Waxaa kaloo la yaab leh ama cajiib ah in dalkaani ay ku hareersan tahay magaalada caasimada u ah Taliyaaniga ee Rome.
Vatican City waa dalka ugu yar dunida cabirka dhulkiisuna waa 0.2 square miles, waana xarunta uu fariisto baaderiga Catholicga ee markaas ah baaderiga xilka haayo waxa ayna fariisimo u aheyd laga soo bilaawo 1377.
Waxaa dal ahaan loo aqoonsaday 11 febraayo 1929 kedib dadaal dheer uu u galay baaderigii xiligaas ee lagu magacaabi jiray baaderi weyne Pius XI oo ugu dambeyntii madaxda iyo siyaasiyiintii Taliyaaniga ku qanciyay in dal ka madax banaan Taliyaaniga loo aqoonsado waxaana xiligaasi Taliyaaniga heystay Benito Mussolini.
Dadka aaminsan Catholicga ayaa u arka in dalkaan dunida ugu yar uu yahay goob barakeysan taasinasabab u aheyd in Taliyaaniga ay uu siiyomadax banaani.
WD: Ayuub Maxamed Axmed
KALKAALIYE CAAFIMAAD OO KU EEDEYSAN IN UU DILAY 100 BUKAAN AH
Nin kalkaaliye caafimaad horay uga ahaan jirtay dalka Jarmalka oo lagu eedeeyay in uu dilay 100 ruux oo bukaan ah ayaa hortagi doona maxkamad ku taallamagaalada Oldenburg ee dhanka waqooyiga ku taalla.
Baareyaasha ayaa sheegay in Niels Hoegel oo 41 jir ah uu dawooyin ka badan qiyaastii dadka loo qoray uu siin jiray bukaannada oo ku jiray isbitaallada Jarmalka.
Waxay sheegeen in ujeedadiisu ay ahayd in uu ka cajibiyo shaqaalihii ay isla shaqaynayeen uuna iska dhigo in uu badbaadinayo bukaannada uu laayay.
Hoegel ayaa haddaba xabsi ugu jira in uu dilay bukaanno ay ahayd in uu baxnaaniyo.
Dacwadan u dambaysay ayaa la filayaa in ay socoto ilaa bisha May, waxayna daba socotaa maydad la soo qufay oo laga helay in ay ku sumoobeen dawooyin laga tan badiyay.
Hoegel ayaa hadda la sheegay in uu dilay 36 bukaan ah oo ku sugnaa Oldenburg iyo 64 kale oo ku sugnaa Delmenhorst oo aan ka fogayn, arrintaasina ay dhacday intii u dhaxaysay 1999 ilaa 2005.
Wariyaha BBC Jenny Hill ku sugan Berlin ayaa shegaysa in arrintan ay xasaasi ka dhex tahay masuuliyiinta caafimaadka ee Jarmalka, kuwaas oo qaraabada dadka dhintay ay ku eedaynayaan in ay indhaha ka daboosheen dilalka uu gaysanayay Hoegel.
Haddii lagu helo in dadkaas oo dhan uu laayay, wuxuu noqon doonaa ninkii dilkii ugu badnaa ka gaysta jarmalka dagaalladii ka dib.
Baareyaashu waxay sheegayaan in ay macquul tahay in uu dilay dad intaas ka badan, balse dadka ay u badan tahay in ay arrintaas u dhinteen ayaa diiradda la saarayaa.
"Waxaan rajaynayaa in dambi kaste lagu helo, si dadkii ay eheladoodu dhinteen hawshu uga soo afjaranto,” ayuu yiri Petra Klein oo isku duba rida koox caawisa dhibaneyaasha.
Qaraabada dadkii la sheegay in la laayay ayaa la filayaa in ay yimaadaan maxkamadda.
Hoegel ayaa markii u horraysay la qabtay 2005 isaga oo bukaan ku duray irbad aan dakhtar qorin. Sannadkii 2008 ayaana lagu xukumay toddobo sano oo uu ku mutaystay isku day dil.
Maxkamad labaad oo la saaray 20142015 ayaa ku heshay in uu labo ruux dilay labo kalana isku dayay in uu dilo, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.
Wuxuu sheegay "in run ahaantii uu ka xun yahay” uuna rajaynayo in qoysaska uu qalbigu u qaboobo. Wuxuu sheegay in go’aanka uu dambiyadaas ku galay ay ahaayeen "kuwo aan sii qorshaysnayn”. Intii maxkamadayntu socotay ayuuna qirtay in uu soddon bukaan dilay.
Baareyaasha ayaa markaas ballaariyay baaritaannadooda waxayna soo qufeen maydadka 130 bukaan oo uu horay u daaweeyay, iyaga oo eegaya in uu adeegsaday dawooyin keeni kara in wadnuhu istaago. Waxay sidoo kale baaritaan dib ugu sameeyeen diiwaannadii isbitaalka.
Xigasho BBC
MADAXWEYNE XAAF OO FARRIIN U DIRAY SHACABKA GALMUDUG KADIB SHIRKII GAROOWE
Iyada oo lagu wado Magaalada Dhuusa Mareeb in uu ka dhaco Shirweynaha Wadatashiga ee dowlad Gobaleedyada ayaa waxaa isa soo taraya fariimaha Madaxweynaha Galmudug uu u jeedinayo Shacbaka ku nool deegaanada Maamulkaas.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku laabtay Magaalada Dhuusamareeb kadib Shirkii Magaalada Garoowe ee Golaha Iskaashiga Dowladd Gobaleedyada Afarta ahaa ayaa ugu baaqay Shacabka Magaalada in ay ka feejignaadaan falal amni daro oo dhaca,waxaana uu faray Shacabka in ay ka shaqeeyaan horumarka Dhuusamareeb oo u diyaar garoobaysa Shirweynaha Wadatashiga ee ay ku baaqeen Maamul Gobaleedyada.
Shacabka ayuu sheegay in ay yihiin laf dhabarka horumarka waxaana uu ka dalbaday in si wadajir ah looga hortago cid kasta oo isku dayda in ay khal khalgeliso amniga,xili uu tilmaamay in uu soo go’aamiyay in Dhuusamareeb uu ka dhaco Shir muhiim u ah dalka sida uu sheegay.
Mraka laga soo tago hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa hadana waxaa uu u muuqdaa shirkaas mid aan qabsoomi doonin maadaama Madaxa Xukuumadda Galmudug ee awooda balla aran ku leh Dhuusamareeb uu sheegay in dowladda Federaalka Sooma aliya uu taagersan yahay.
HOOYO DIB ULA MIDAWDAY WIILKEEDA OO LAGA AFDUUBTAY 1987
Ermaine Allan Mann aabihii ayaa lagu eedeeyay in uu la tagay wiilka yar oo 21 bilood jira, markaas oo ay qorshaynayeen in ay Toronto booqdaan.
Wiilka iyo aabihii ayaa magac aan kuwoodii rasmiga ahaa ahayn ku joogay Maraykanka wixii toddobaadkii hore ka horreeyay, ka dib markii aabaha lagu eedeeyay in uu isticmaalayo dokumanti been abuur ah.
Xiritaankii la xirayna wuxuu dhaliyay in la soo afjaro dadaal ay booliiska labada dal ku baadigoobayeen wiilka yar ee la waayay 31 ka hor.
Jermaine Allan Mann oo hadda 33 jir ah ayaa hooyadii u sheegay in loo sheegay in hooyadii ay dhimatay isaga oo sabi ah, balse Sabtidii iyo Axaddii midkeed ayay hooyadii Lyneth MannLewis u duushay Maraykanka si ay wiilkeeda ula midawdo.
Isniintii ayayna faahfaahin ka bixisay la kulanka wiilkeeda la helay.
"Erayo laguma cabiri karo sida aan dareemay,” ayay tiri, "erayada ah wiilkaagii wuu nool yahay oo waan helnay neecaw ayay ahaayeen.”
Markii u horraysay een arkay wiilkayga waan ku dhagdhagay xataa inta aanan la hadlin, ayay tiri.
"Waxaan doonayay in aan arko in warka la ii sheegay uu run yahay, Alla Illaahayoow, waa wiil kaygii ayaan iri” ayay tiri.
Saacado ayaan sheekaysanay ayay tiri, waxaana xaqiijiyay in cunto aan kariyay uu cuno ka hor inta aanan Canada dib ugu laabanin.
Sidee loo helay Jermaine Allan Mann?
HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 31 OKTOOBAR 2018KA
DENMARK OO IRAN KU EEDAYSAY SHIRQOOL DIL Denmark ayaa ku eedaysay Xukuumadda Iiraan in ay qorshaynaysay in ay shirqool ku disho nin Iiraani ah oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada kuna disho ciidda Denmark. Sida ay sheegtay ha