War Deg-deg ah; Messi oo ku guuleystey abaalmarinta sanadka ee Ballon d'Or

0
Tuesday January 12, 2016 - 00:19:51 in Sports News by
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg-deg ah; Messi oo ku guuleystey abaalmarinta sanadka ee Ballon d'Or

    Janaayo 11 (Jowhar)—Ciyaaryahanka Messi oo u ciyaara kooxda Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaa ku guuleystay markii 5aad abaalmarinta sanadka ee laacibka ugu wanaagsan caalmaka Baloon d'Or.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Janaayo 11 (Jowhar)—Ciyaaryahanka Messi oo u ciyaara kooxda Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaa ku guuleystay markii 5aad abaalmarinta sanadka ee laacibka ugu wanaagsan caalmaka Baloon d'Or.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalada Zurich ayaa waxaa lagu magacaabay ciyaaryahanka sanadka ugu wanaagsan iyadoo ay isugu soo hareen ciyaaryahanada ka ciyaara dalka Spain ee Ronaldo,Messi iyo Neymar.

Waxaa la soo saaray shaxda kooxda duunka ugu fiican eeFIFA FIFPro World XI, waxaana xidigaha ugu badan ka helay kooxaha ree Spain ee Barcelona iyo Real Madrid.

Kooxdan ka kooban 11ka ciyaaryahan ayaa siddeed ka mid ah waxa ay ka ciyaaraan dalka Spain gaar ahaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

Barcelona ayaa shaxdan ka heshay afar ciyaartoy halka sidoo kale Real Madrid ay ku leedahay afar ciyaartoy, kooxaha Juventus, PSG iyo Bayern Munich ayaa min hal ciyaartoy ka helay shaxda kooxda aduunka ugu fiican. Halkan hoose kaga bogo shaxda oo dhamaystiran.

Shaxdan ayaa ah 4-3-3, waxaana ku soo baxay xiddigo qaab ciyaareed fiican kubbada cagta ku soo bandhigay xili ciyaareedkii la soo dhaafay laakiin horyaalka Ingiriiska ayaan hal ciyaartoy ku lahayn shaxdan si la mid ah shaxdii ay dhawaan soo saartay shabakada rasmiga ah ee UEFA oo uu horyaalka Ingiriisku ka maqnaa.

Goolhaye: Manuel Neuer

Difaca Midig:: Dani Alves

Difaaca dhexe: Sergio Ramos

Difaaca dhexe: Thiago Silva

Difaaca Bidix: Marcelo.

Dhexda:Andres Iniesta

Dhexeda:Paul Pogba

Dhexda:Luka Modric.

WeerarkaNeymar

Weerarka:Lionel Messi

Weerarka:Cristiano Ronaldo.

ballon dor (1)ballon dor (2)ballon dor (3)ballon dor (4)ballon dor (5)ballon dor (6)

kooxdashaxda




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip