Jawaari "Madaxda Maamul Goboleedyada waa in danta Guud ka shaqeeyaan"

0
Tuesday September 22, 2015 - 11:05:55 in Wararka by
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaari "Madaxda Maamul Goboleedyada waa in danta Guud ka shaqeeyaan"

    Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo shalay ka hadlayay shirkii wada tashiga ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul goboleedyada inay dantooda gaarka ah ay ka h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo shalay ka hadlayay shirkii wada tashiga ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul goboleedyada inay dantooda gaarka ah ay ka hor-mariyaan danta Guud.

Mr Jawaari ayaa sheegay in la galayo marxalad aan caadi aheyn, isagoo xusay in Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay u taallo shaqo adag, loona baahan yahay in marxalada la galayo looga gudbo si mideysan.

"Marxalada aan maanta galnay caadi ma ahan, anagoo shaqadii caadiga nagala rabo inaa fulino iyo baarlamaanka oo laga rabo shuruucdii caadiga inuu socodsiiyo, ma ahan arrin fudud, waxaa la idinka doonayaa inaad niyad samida abaataan wanaaga guud oo Soomaaliya dan u ah ka wada shaqeysaan”ayuu yiri Jawaari

Jawaari ayaa sheegay in loo baahan yahay in la fiiriyo walaaltinimada, danta guud, isagoo xusay in laga gudbo rabitaanka shaqsiyadeed, sida gobolkeyga, maamul goboleedkeyga, isla markaana la helo bartilmaameed mideysan dantii gaarka aheyd loogu tanaasulo danta guud sida uu yiri.

"Maanta waa laga baxayaa tii gaarka aheyd, si aan u gaarno dowladnimada dhaqan dimoqraadi dalka ha lagu dhaqo, ha laga baxo gobolkeyga ee aan u duubano Soomaalinimo”ayuu hadalkiisa ku sii daray Mr Jawaari.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay isaga baxeen shirkii wada tashiga, inkastoo markii dambe lagu qanciyay inay shirka ku soo laabtaan, isla markaana ogolaadaan qodobada lagu heshiiyay shirka ee lagu dhisay Madasha wada tashiga qaran.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip