Klopp Oo Digniin ka Siiyay Guardiola Kubada Cagta England & In Dadka Jarmalka Ay U Maleeyeen In Liverpool Gaartay Finalka Capital One Kadib Guushii Stoke City

0
Monday January 11, 2016 - 11:32:20 in Sports News by
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Klopp Oo Digniin ka Siiyay Guardiola Kubada Cagta England & In Dadka Jarmalka Ay U Maleeyeen In Liverpool Gaartay Finalka Capital One Kadib Guushii Stoke City

    Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa uga sii digay Pep Guardiola ineysan qabsan wixii ku dhacay kuna wargeliyay inuu u baahan yahay 35-ciyaariyahan si uu ula qabsado jadwalka mashquulka badan ee England.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa uga sii digay Pep Guardiola ineysan qabsan wixii ku dhacay kuna wargeliyay inuu u baahan yahay 35-ciyaariyahan si uu ula qabsado jadwalka mashquulka badan ee England.

Guardiola ayaa xaqiijiyay inuu isaga tagayo Bayern Munich marka uu dhamaado xagaagan waxaana loo badinayaa inuu qaban doono Manchester City, balse Klopp ayaa aaminsan in fursada ugu weyn ee Jarmalka ay tahay kulamada dheeriga ah.

Klopp ayaa ka dhawaajiyay inuusan rumeyneen in Semi Finalka koobka Capital One Cup-ka uu yahay laba lugood, sidoo kalana uu sheegay in saaxiibkiisa kusoo laabtay Jarmalka uu u sheegay wax ku saabsan in FA Cupka uu leeyahay ku celis ka hor imaatinkiisa dalkaan.

Klopp ayaa ku sugan xaalad qatar ah tan iyo markii uu yimid bishii October ee sanadkaan, balse wuxuu aaminsan yahay in Guardiola uu ka badbaadi doono waxa heysta isla markaana uu soo iibsan doono ciyaartoy dhowr ah.

"Kulamada la ciyaarayo ayaa ah farqiga ugu weyn” ayuu yiri, "marka aan halkaan imid, ma ogeyn in Capital One Cup uu yahay laba lug”

"Waxaan jirtay in dadka Jarmalka ay yiraahdeen, – Haa hadaan u gudbnay finalka kadib kulankii Stoke City aan guusha ka gaarnay”

"Dadka Jarmalka marka aad u sheegto wax ku saabsan FA Cupka taas ah in marka barbaro la galo aad ciyaareeysiin mar kale waxey leeyahiin, – Maxaa Dhacay? – Halkaan waxaa lagu kala baxaa rigoore ama waqti dheeri ah, balse halkaan waa kulan labaad oo kaliya”

Dhanka kalana Klopp ayaa qiray in Guardiola uu yahay macalin leh qibrad isla markaana uu soo iibsan doono ciyaartoy dhowr ah.

"Waan ognahay taas, balse waa inaad dareentaa kala duwanaasho, Pep waa macalin qibrad leh, waan hubaa, waxaan hubaa inuu soo iibsan doono ciyaartoy dhowr ah uuna heli doono koox wanaagsan”

Ugu dambeyntiina Klopp haatan waxaa ka dhaawac ah 12-xidig oo aad muhiim u ah, inkastoo ay ku qasbatay Dortmund sidaan oo kale hadana fasaxa xagaaga ayuu ku baxsaday oo ay kusoo bogsoodeen laakiin England ma lahan fasaxaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip