Xidigii Hore Inter Milan Kerlon: "Balotelli Wuxuu Imaan Jiray Tababarka Ka Hor Qof Walba Balse Kabaheena Ayuu Ku K***din Jiray"

0
Monday January 11, 2016 - 11:29:59 in Sports News by
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidigii Hore Inter Milan Kerlon: "Balotelli Wuxuu Imaan Jiray Tababarka Ka Hor Qof Walba Balse Kabaheena Ayuu Ku K***din Jiray"

    Xidigii hore kooxda Inter Milan Kerlon ayaa amaaan kala duldhacay xidiga musiibada ku noqday mustaqbalkiisa ee Mario Balotelli, balse wuxuu daaha ka qaaday sheeko qosol leh iyo dhaqan xumada xidigaan reer Talyaani.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidigii hore kooxda Inter Milan Kerlon ayaa amaaan kala duldhacay xidiga musiibada ku noqday mustaqbalkiisa ee Mario Balotelli, balse wuxuu daaha ka qaaday sheeko qosol leh iyo dhaqan xumada xidigaan reer Talyaani.

Kerlon ayaa kusoo biiray Inter Milan sanadkii 2008, balse kuma guuleysan inuu hal kulan u safto kooxdiisa ka hor inta uusan amaah ku aadin Chievo, Ajax, Parana iyo Nacional-NS intii uu ku sugnaa Milan.

balse 27-jirkaan heerka caalami ayaa ka mid ahaa xidigahii ay Inter ku wada sugnaayeen waqtigaas Balotelli wuxuuna shaaciyay in Balotelli uu ahaa qof aan ku wanaagsaneena aqlaaqda marka la joogo banaanka garoonka.

"Balotelli waa shaqsi fiican, isla markaana ah qof aan caadi aheyn, balse wuxuu sameyn jiray waxyaabo aan maangal aheyn marka la joogo banaanka garoonka” Ayuu Kerlon u sheegay ESPN Brazil.

"Wuxuu dhaqan u lahaa inuu tababarka yimaado ka hor qof walba, isla markaana uu ku k***diyo (Xaajoodo) dhamaan kabaha ciyaartoyda, waxey aheyd arin lagu maadsado”

"Waligey ma arkin 18-jir sidaas u dhaqmaya hadana aan raali gelin ka bixineynin wixii uu falay, xitaa Julio Cesar iyo Maicon ayuu ku sameeyay”

Dhanka kale Kerlon ayaa sheegay inuusan waligiis isku dayin inuu kubada jiido marka la joogo tababarka madama uu aad uga cabsanayay daafacyadii xooga lahaa ee xiligaas Meterazzi, Lucio iyo Samuel.

"Waxan tababar qaatay kulamada fasaxa markii uu Jose joogay Inter, balse waligey iskuma dayin inaan kubada jiido” ayuu yiri Kerlon.

"Raggu waxey ahaayeen kuwo xoogan oo aad u adag”

"Hadii Materazzi uu igu dhaco, waa hubaal inaan banaanka u duulaayo”

Ugu dambeyntiina Kerlon ayaa haaan ku sugan kooxda Villa Nova-MG waana xidig ciyaara numberka 10-aad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip