Tony Adams Oo Doortay Kooxdiisa Riyada Ee Arsenal & Xulka England, Ma Xidig Manchester Ah Ayaa Kaso Muuqday?

0
Monday January 11, 2016 - 11:28:31 in Sports News by
  • Visits: 629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tony Adams Oo Doortay Kooxdiisa Riyada Ee Arsenal & Xulka England, Ma Xidig Manchester Ah Ayaa Kaso Muuqday?

    Halyeeygii hore xulka England iyo kooxda Arsenal Tony Adams ayaa soo doortay kooxdiisa riyada ee ku dhisan xulka England iyo Gunners waxaana kasoo muuqday ciyaartoy aad qaali ugu ah kooxda ka dhisan waqooyiga London.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeeygii hore xulka England iyo kooxda Arsenal Tony Adams ayaa soo doortay kooxdiisa riyada ee ku dhisan xulka England iyo Gunners waxaana kasoo muuqday ciyaartoy aad qaali ugu ah kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Shaxda Adams waxaa buuxiyay kooxda Gunners isagoo kasoo xushay 10-xidig, kaliya hal xidig ayaan xiran maaliyada kooxda uu dhiigiisa u haray ee Arsenal waana xidig soo maray kooxda Manchester United.

Halyeeygii hore Manchester United soona noqday kabtanka xulka England David Beckham ayaa si layaab leh uga soo muuqday shaxda Tony Adams waana sheeko xiiso leh.

Shaxda waxey ku dhisan tahay 4-4-2, waxaana weerarka buuxa u ah kaliya xidigaha Thierry Henry iyo Denis Bergkamp oo la ogyahay awooda ay ku lahaayeen horyaalka Ingiriiska iyo kooxda Gunners.

SHAXDA TONY ADAMS:

Goolhaye:

David Seaman

Daafaca:

Lee Dixon – Tony Adams – Steve Bould – Nigel Winterburn

Khadka Dhexe:

Patrick Vieira – Emanuel Petit – Roberto Pires – David Beckham

Weerarka:

Denis Bergkamp – Thierry Henry

Sida ka muuqatga shaxda xidigaan, kaliya lix xidig oo England ah ayaa kasoo muuqatay, halka xidigaha France ay shaxdaan ku yahiin 4, kaliya Dennis ayaa ka gooni ah oo u dashay Holland.

Halyeeyga Gunners Tony Adams Shaxdaan wuxuu ku saleeyay xidigaha kasoo garab ciyaaray waayahiisa kubada cagta, waana xidig u huray dhiigiisa kaliya Gunners intii u dhaxeysay 1983 ilaa 2002.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip