Laacib.net Oo Toos U Tabin Doonta & Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Xafladda Ballon d'Or Ee Caawa

0
Monday January 11, 2016 - 11:26:52 in Sports News by
  • Visits: 1553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laacib.net Oo Toos U Tabin Doonta & Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Xafladda Ballon d'Or Ee Caawa

    Xaflada ugu weyn kubada cagta ayaa caawa ka dhici doonta magaalada Zurich oo ah guriga hay'adda ugu sareysa kubada cagta ee FIFA waxaana lagu bixin doonaa abaalmarinta Ballon d'Or Ee Rag iyo Dumar sidoo kalana abaalmarino kale ayaa la bixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflada ugu weyn kubada cagta ayaa caawa ka dhici doonta magaalada Zurich oo ah guriga hay'adda ugu sareysa kubada cagta ee FIFA waxaana lagu bixin doonaa abaalmarinta Ballon d'Or Ee Rag iyo Dumar sidoo kalana abaalmarino kale ayaa la bixin doonaa.

In Xafladda dhacdo waxaa ka haray saacado aan badneen waana xaflad sanadle ah oo la qabto bilowga sanad walba iyadoo lagu magacaabo shaqsiyaadkii ugu fiicnaa sanadkii lasoo dhaafay kubada cagta Dunida.

MUSHARAXIINTA ABAALMARINTA CAAWA

Xidiga Ugu Wanaagsan Dunida Ragga:

Abaalmarintaan waxaa u tartamaya xidigaha Lionel Messi (Barcelona/Argentina) Cristiano Ronaldo (Real Madrid/Portugal) Iyo Neymar (Barcelona/Brazil), kaliya Neymar ayaa ku cusub balse labadaan xidig tan iyo sanadii 2007 ayey soo tixnaayeen walina ma dhamaan musalsalkooda kubada cagta.

Xidigta Ugu Wanaagsan Dunida Dumarka:

Carli Lloyd (Houston Dash)

Celic Sasic (FFC Frankfurt)

Aya Miyama (Okayama Yunogo Belle)

Macalinka Sanadka Ugu Wanaagsan Dunida Ragga:

Luis Enrique (Barcelona)

Pep Guardiola (Bayern Munich)

Jorge Sampaoli (Chile)

Macalinka Sanadka Ugu Wanaagsan Dunida Dumarka:

Jill Ellis (United States of America)

Mark Sampson (Wales)

Norio Sasaki (Japan)

Abaalmarinta Goolka Sanadka:

Alessandro Florenzi vs. Barcelona

Lionel Messi vs. Athletic Club

Wendell Lira vs. Atletico Goianiense

Waa Goorma Waqtiga Ballon d’Or?

Xaflada Ballon d’Or 2015 waxaa la qaban doona Caawa oo ay taariikhdu tahay 11ka bishaan Janaayo, waxaana ay xaflada bilaaban doontaa 8:30pm Saacada Geeska Afrika iyadoo dhamaan doonta 10:00pm.

Halkeen Kala Socon Karaa?

Shabakadda Laacib.net ayaa isku howshay inaad la socoto wax walba oo ka dhaca xafladda, si toos ah ayaana idinkugu soo gudbin doonaa inagoo sameyn doona tabin qoraalkii aad nooga barateen.

Sidee Loo Codeeyaa ?

Macalin iyo kabtan waliba wuxuu leeyahay sadex cod uu ugu kala codeeya kaalinta koowaad (guuleystaha abaalmarinta) kaalinta labaad iyo waliba kaalinta sadexaad.

Ciyaariyahanka hela codadka ugu badan ee hela codadka kaalinta koowaad ayaa noqonaya ku guuleystaha abaalmarintaa dahabiga ah, si lamid ah kaalmaha labaad iyo sadexaad.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip