Guus Hiddink Oo Ka Hadlay Xaalada Dhaawaca Eden Hazard Iyo Namanje Matic, Miyey Ciyaari Karaan Kulamada West Brom & Everton?

0
Monday January 11, 2016 - 11:24:39 in Sports News by
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guus Hiddink Oo Ka Hadlay Xaalada Dhaawaca Eden Hazard Iyo Namanje Matic, Miyey Ciyaari Karaan Kulamada West Brom & Everton?

    Tababaraha kumeel gaarka ah ee kooxda Chelsea Guus Hiddink ayaa war naxdin leh u sheegay Jamaahiirta Blues kadib markii uu ka hadlay xaalada dhaawaca ee ciyaartoyda kooxda ka hor kulanka West Brom ee Arbacada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kumeel gaarka ah ee kooxda Chelsea Guus Hiddink ayaa war naxdin leh u sheegay Jamaahiirta Blues kadib markii uu ka hadlay xaalada dhaawaca ee ciyaartoyda kooxda ka hor kulanka West Brom ee Arbacada.

Blues ayaa wajaheysa West Brom habeenka arbacadaha ka hor inta aysan sabtida wajahin Everton waana laba kulan oo xasaasi ah, balse labadaas kulan waxaa seegi doona Eden Hazard oo aan sinaba u safan karin sida uu xaqiijiyay Guus Hiddink.

Hazard kuma jirin kooxdii Blues ee 2-0 guul ah kasoo hoysay kooxda Scunthorpe kulan ka tirsan FA Cupka ee shalay dhacay, kadib guusha Hiddink ayaa qiray in xidigaan reer Belgium uu dhawan soo laaban doono balse uu xanuun qabo.

"Ma Doonayo inuu mar kale ku dhaco xanuun dhanka muruqa ah” Ayuu yiri Guus, "Waxaan doonayaa inaan aad uga taxadaro kulama soo dag-dagi doono garoomada” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hidink ayaa sidoo kale sheegay in Nemanja Matic isna uu shaki ku jiro inuu ciyaaro kulanka West Brom madama uu seegay ciyaartii Scunthorpe.

Guus Hiddink ayaa ku waramay in xidigaan uu madaxa xanuun ka dareemay sidaas darteed uu u diiday inuu halis u galiyo naftiisa.

"Shalay xoogaa wareer ah ayaa jiray, sidoo kalana subaxnimadaan mar kale ayuu wareeray” ayuu yiri Guus.

Ugu dambeyntiina lama filayo in Matic uu qeyb ka noqdo kulanka West Brom, balse ay macquul tahay inuu ciyaarta Everton qeyb ka noqdo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip