Arsenal Oo Maanta Ku Dhawaaqeysa Saxiixeeda Ugu Horeeya Bisha January, Waase Kuma Xidigaas?

0
Monday January 11, 2016 - 11:23:17 in Sports News by
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal Oo Maanta Ku Dhawaaqeysa Saxiixeeda Ugu Horeeya Bisha January, Waase Kuma Xidigaas?

    Tababare Arsene Wenger ayaa shirkiisii jaraa'id ee jimcadii ku sheegay iney rajeynayan dhameystirka saxiixoodii ugu horeeyay bishaan January laba ama sadex maalmood gudahood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Arsene Wenger ayaa shirkiisii jaraa'id ee jimcadii ku sheegay iney rajeynayan dhameystirka saxiixoodii ugu horeeyay bishaan January laba ama sadex maalmood gudahood.

Mohamed Elneny ayey Arsenal ku dhawaaqi doontaa saxixiisa sida uu tababaraha reer France sii iclaamiyay maalmo ka hor inkastoo aan la ogeen sida ay u dhawdahay maanta ama u fogtahay.

Waan idinla soo socodsiin doonaa wax walba oo kusoo kordha, balse sida ay qortay Mirror, maanta ayey Arsenal ku dhawaaqi doontaa saxiixeeda ugu horeeya Bisha january wuxuuna noqon doonaa xidiga reer Masar Mohamed Elneny.

Xidiga Basel ayaa la filayaa inuu xoojiyo Gunners qeybta labaad ee xili ciyaareedka iyadoo kooxda ay ka dhaawacan yahiin Francis Coquelin iyo Santi Cazorla.

Sidoo kale waxaa Jamaahiirta Arsenal u farxad ah in Mohamed Elneny uu ciyaari karo koobka Horyaalada Yurub ee Champions League madama aysan kooxdiisa sanadkaan kasoo muuqan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip