Paul Pogba Oo Ka Mid Noqday Kooxda Sanadka Ee FIFA 2015 (FIFPro World XI) Sida Ay Ogaatay Goal.com

0
Monday January 11, 2016 - 11:21:38 in Sports News by
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Paul Pogba Oo Ka Mid Noqday Kooxda Sanadka Ee FIFA 2015 (FIFPro World XI) Sida Ay Ogaatay Goal.com

    Xidiga Juventus Paul Pogba ayaa ka mid noqday 11-ka xidig ee noqday kooxda ugu fiican sanadka 2015 ee lagu magaceeyay (FIFPro World XI) sida ay xaqiijineyso Goal.com. Waa markii ugu horeysay oo uu xidigaan reer France kasoo muuqanayo kooxda sanadk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga Juventus Paul Pogba ayaa ka mid noqday 11-ka xidig ee noqday kooxda ugu fiican sanadka 2015 ee lagu magaceeyay (FIFPro World XI) sida ay xaqiijineyso Goal.com. Waa markii ugu horeysay oo uu xidigaan reer France kasoo muuqanayo kooxda sanadka FIFA wuxuuna cod ka helay ciyaartoyda ku xamaalata kubada cagta ee dunida daafaheeda ku kala sugan.

Kooxda oo dhameystiran waxa lagu dhawaaqi doonaa caawa xiliga xafladda, balse ilo ku dhaw Goal.com oo ku sugan Italy ayaa laga ogaaday in Juventus laga codsaday iney Pogba u diraan Switzerland si uu abaalmarintisa usoo qaato.

22-jirkaan heerka caalami ayaa muteystay in lagu soo daro shaxda kooxda ugu wanaagsan sanadka 2015 qaarada yurub oo ay codeeyaan akhristayaasha website-ka UEFA.com, wuxuuna Juve ka saaciday iney ku guuleysato laba koob iyo sidoo kale iney soo istaagto finalka koobka horyaalada yurub isagoo sidoo kalana dhaliyay b10-gool dhamaan tartamada oo dhan.

FIFAPro waa codeyn ay ka qeyb galaan bah weynta kubada cagta waxaana codeeya in ka badan 65,000 kun ciyaariyahan oo rag iyo dumar isugu jira.

Xidig walba ayaana codeynaya kooxda uu u arko sanadkaan iney ugu wanaagsan tahay waxeyna soo socotay tan iyo 2005 waxaana ugu dambeyntii lagu saleeyaa qaab ciyaareedka 4-3-3.

Kooxdii ugu wanaagsaneed sanadka 2014:

Manuel Neuer; Sergio Ramos, Thiago Silva, David Luiz, Philipp Lahm; Andres Iniesta, Toni Kroos, Angel di Maria; Arjen Robben, Lionel Messi, Cristiano Ronaldo

Ugu dambeyntiina Paul Pogba ayaa noqon doona xidigii ugu horeeyay ee Juventus ka tirsan kaas oo abaalmarintaan loo magacaabo tan iyo Gianluggi Buffon sanadkii 2007.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip