HALKAAN KA AKHRISO-: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 27-KA OKTOOBAR 2018-KA

0
Saturday October 27, 2018 - 08:29:52 in Wararka by
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO-: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 27-KA OKTOOBAR 2018-KA

    WADOOYINKA QAAR EE MAGAALADA MUQDISHO OO SAAKAY XIRAN Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin isgoysyada magaalada gudaheeda qaarkood. Isgoyska Ban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WADOOYINKA QAAR EE MAGAALADA MUQDISHO OO SAAKAY XIRAN Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin isgoysyada magaalada gudaheeda qaarkood. Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan isgoysyadan inay isaga kala gudbaan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, waxaana lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Madax ka tirsan Soomaaliya furitaanka kulanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga bartay in ay xirto Wadooyinka xilliyadda ay jiraan kulamada noocaan oo kale ah

MADAXWEYNE FARMAAJO OO GARSOOREYAA SHA UGU BAAQAY IN AY KA QAYB QAATAAN SARREYNTA CADAALLADDA

Madaxwe ynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Far maajo oo kormeer ku tagay xarumaha Maxkamadda Sare, Racfaanka iyo Max kamadda Gobolka Banaadir ayaa sheeg ay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii loo dardargelin lahaa dhammeystirka hay’adaha garsoor dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowl addu ay dadaal ku bixinayso sidii garsooreyaasha dalku ay u heli lahaayeen xuqu uq dhammaystiran, iyagana laga sugayo in ay ka shaqeeyaan sidii shacabka Soo maaliyeed ay ugu xaqiijin lahaayeen hann aan caddaaladeed oo hufan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaam ay in dowladdu ay waddo qorshe lagu ya gleelayo Guddiga Adeegga Garsoorka ka as oo hindisihiisa la horgeyn doono Goley aasha Dowladda si loo ansixiyo.

"Waxaa naga maqan Guddigii Adeeg ga Garsoorka, waxaa naga maqan Maxka maddii Dastuuriga ahayd si dheelitirka do wladnimo u noqdo mid dhammaystirtan, waxaan ka shaqeyneynaa in hindisaha Guddiga Adeegga Garsoorka aan horg eyno Baarlamaanka.”

Madaxweyne JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay dhammaan garsooreyaasha Maxkamada ha ayaa kula dardaarmay in ay si cadda alad ah ugu kala garnaqaan dadka ay ka dhaxeeyaan dacwaduhu, ilaaliyaanna ma suuliyadda adag ee lagula xisaabtami do ono adduun iyo aakhiraba. "Waxaa la idi nka doonayaa in musuqmaasuqa aad ka fogaataan. Garsoorayaashiina halkan fa dhiya waxa la idin ka filayaa inaad noqot aan kuwii loo soo ordayay ee aydaan no qon kuwii laga cararayey, in aad noqota an kuwii dowladnimada dhisayey ee ay dan noqon kuwii duminayey, waxaan idin ka rajeynayaa in qof idiin yimid uusan cad daalad darro idinkaga laaban.”

Madaxweynaha ayaa kormeeray haw laha garsoor ee ka socda maxkamadaha, iyadoona loo soo bandhigay nidaam casri ah oo la jaan qaadaya tiknaloojiyadda ka as oo lagu diiwaan geliyo galdacwadeed yada iyo xukunnada la riday. Sidoo kale waxa uu ka qayb galay dhagaysiga dac wadihii maxkamadda ka socdey, xog war eystayna qaar kamid ah dadkii garsoorka u soo doontay Maxkamadaha. DHAMAD

GABAR SOOMALIYEED OO MOOTO KU KAXAYNAYSA INDIA

gabar-moto-500x281Marka aad tagto magaalo walba oo ka mid ah dalka Hindiya, waxa ugu badan ama ugu horeeya ee ay indhahaagu qab taan ayaa waxaa ay tahay gaadiidka moo tada loo yaqaano, taasoo si aad ah looga isticmaalo dalkaasi.

Dalka Hindiya oo isticmaalka mootada aysan u kala soocneyn ragga iyo dumar ka ayaa marka loo eego dhaqanka soom aalida, waxaa adag la arko dumar Sooma ali ah oo saaran mootada, iskaba daa in ay kaxeeyaane. Yaasmiin Saciid Xuseen oo ah gabar Soomaaliyeed oo wax ka bar ata mid ka mid ah jaamacadaha Magaala da Hyderabad ee dalka Hindiya ayaa wa xay ka mid tahay dadka gacantooda ku kaxeysta mootada, iyadoo BBCda u she egtay inay ku aaddo jaamacadda, haddii Soomaaliya ay joogi laheydna taasi ay san u suurtagasheen.

Dhaqan ahaan gabdhaha soomaalida inta badan waa ay ku adag tahay inay raa caan ama ay ka xeeyaan mootada, balse Yasmiin oo ku nool dal shisheeye ayaa waxaa ay sheegtay in duruufta ay ku kalif tay inay gaadiid ahaan u adeegsato moot ada, madaama aysan heysan gaadidkale.

”Marka aad baraneyso kaxeynta moot ada waa mid aad u adag, oo waa ay cule ys badan tahay, xilliyadii hore kharash ba dan ayaa iiga bixi jiray adeegsida bajaaj ta, durufta ayaana igu kaliftay sababtoo ah jaamacadda way iga fog tahay, wax ka le oo aan ku aadana ma haysto” waxaa si daasi BBCda u sheegtay Yasmiin

Yaasmiin oo meel konton kilomitir ka baxsan Magaalada Hyderabad ee wadd anka Hindiya wax ka barta ayaa dhaqan walba oo bulshada Soomaalida ay aamin san yihiin waxaa ay ka door bidday sidii ay ku dabooli laheyd baahida ay u qabto inay hesho gaadiid ay ku aaddo jaamac adda.

Iyadoo sidaasi ay tahayna Yaasmiin wa xaa ay sheegtay in caqabado ay ka mid yi hiin dhaga hadal ay kala kulanto qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ee Hyderab ad, oo aan u baran inay arkaan dumarka kaxeynaya mootada. ”Dad badan ayaa igu yiri gabar ayaa tahay oo mootada kuu ma fiicna, balse waan iska wataa oo wax dhib ah kala ma kulmin” ayey tiri.

Yasmiin waxaa kale oo ay sheegtay in haddii ay joogi laheyd gudaha Soomaali ya ay ku adkaan laheyd inay mootada ku kaxeyso, haatanse ay dal shisheeye jo ogto, duruuftana ay ku kalliftay. M/Hy der abad ee koonfurta Hindiya oo ah magaalo sidoo kale laga isticmaalo baj aajta, ayaa waxaa adag inaad aragto gaa diidka dadweynaha sida basaska, oo had dii aad aragtana ay aad ugu yar yihiin. Waxaa sidoo kale nadir ah inaad aragto qoys aanan heysan mootada, madaama intooda badan lagu farsameeyo gudaha dalka Hindiya, dadkuna ay u adeegsada an howl maalmeedkooda.

XAAF OO LA GUDDOONSIIYEY ABAALMARIN NOQDAYNA GUDDOOMIYE KU XIGEENKA GOLAHA DOWLADGOBOLEEDYADA

Golaha Iskaashiga dowlad oleedy ada ayaa shalay abaalmarin loogu mag ac daray Abaalmarinta Nabadda ee san adka ama "peace Maker of the year” wa xa ay guddoonsiiyey Madaxweynaha Gal mudug Axmed Geelle Xaaf.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa waxa uu ku sheegay in uu ku muteystay Xaaf nabadeynta Gaalkacyo iyo heshiiskii ahaa ee Galmudug iyo Ahlusunna. Sidoo kale waxaa loo magacaa bay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug guddoomiye kuxigeenka gol aha iskaashiga dowlad goboleedka ee muddada soo socota ka dib markii Madax weynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Wa are oo hore u hayay xilkaaas uu heshiis la gaaray dowlada federalka.

AGAASIMAHA CIA MS HASPEL OO DHAGAY SATAY CODAD LAGA DUUBAY DILKII KHA SHOGGI

Agaasimaha CIDda dalka Maraykanka Gina Haspel ayaa dhagaysatay codad la sheegay in laga duubay dilkii saxafiga Khashoggi. Ms Haspel ayaa loo oggolaa day inay codadkan dhagaysato xilli ay bo oqanaysay horaantii 7aadkan dalka Turk iga sida ay shaaciyeen warbaahinta dalka Turkiga iyo Maraykankaba.

Agaasimaha laanta sirdoonka dalka Ma raykanka Ms Haspel ayaa Isniintii aynu ka soo gudubnay waxa ay booqasho ku tag ay dalka Turkiga waxayna shalay dib u gu laabatay dalka Maraykanka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in arrintan ay sababi karto in dowlada Mar aykanka ay tallaabo ka qaado Boqortoo yada Sacudi Carabiya. Sacudi Carabiya ayaa beenisay in dhaxalsugaha Mohamm ed bin Salman uusan wax lug ah ku lah ayn dilka Khashoggi.

Hase yeeshee Dhaxalsugaha ayaa ku dhaartay inuu tallaabo adag ka qaadi do ono dadkii ka dambeeyay dilka saxafiga Khashoggi. Wararkii ugu dambeeyay ee baaritaanka meydka Khashoggi ayaa she egaya in weli laga raadinayo guriga uu ka degenaa qunsulka Boqortoyada Sacudi Carabiya M/Istanbul. Sidoo kale dowlada Turkiga ayaa gaashaanka ku dhufatay in loogudbiyodacwad Maxkamada Calamiga

MADASHA MAAMULGOBOLLEEDYADA OO GUDDOOMIYE CUSUB DOORTAY

Madasha wadatashiga dowladgobo lleedyada oo dhisan mu ddo hal sanno ah ayaa doortay guddoomiye cusub, sida loo ga dhawaaqay shirka 4raad ee madasha oo lagu soo gabagabe eyay M/Garoowe.

Madaxweynaha dowladgobolleedka K/Galbeed, Shariif Xa san Sh.Aadan ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee mad asha wadatashiga ,isagoo xilka ka badala ya madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo isna si kumeelgaar ah guddoomi ye uga noqday xisbi ay ku midoobeen ma amulgobolleedyada. Sidoo kale, madaxweynaha dowladgobolleedka Galmudug, Axmed Dacuule Xaaf ayaa loo doortay guddoomiye kuxig een ka madasha wadatashiga maamulgo bolleedyada.

ITOOBIYA OO YEELATAY MADAXWEYNE CUSUB SHARETWEET EMAIL SHARE

Sahlework Zewdie, waxa ay noqona ysa madaxweynihii shan aad ee Itoobiya Dalka Itoobiya ayaa markii ugu horre ey say waxaa madaxweyne ka noqotay haweeney, ka dib markii uu xil ka iska casi lay madaxweynihii hore.

Xildhibaannada 2da gole ee dalka Ito obiya ayaa fadhi uu yee shay, waxaa ay madaxweynaha dow ladda federaalka ah ee dalka Itoobiya u doorteen, Sahlework Zewdie, iyadoo noqot ay qofkii ugu horree yay ee dumar ah oo jagada ka qabata dalka Itoobiya. Ka hor doorashada waxa a isla xildhibaannadu cods igii is casilaad da ka aqbaleen madaxwe yn ihii hore ee dalka Itoobiya Mulatu Teshome,kaaso xilka hayay muddo afar sanno iyo bar ah, waxa ugu weyn ee uu xilka u ga tagay waxaa aad loo aaminsan yahay inay la xiriirto isu dheellitirka siyaasadda Ito obiya ee wax qaybsiga qabaa'ilka, aya doo ra'iisul wasaare Abiy Axmed iyo Mula tu Teshome ay labadaba ka soo jeedaan qowm iyadda Orommada, sidaa darteedna aysan isku darsan karin 2daas jago ee wa aweyn.

Dhinaca Kale Dumarka ayaa hadda awood weyn ku leh dalka Itoobiya, dhaw aan isbadal uu golaha wasiirrada ku same yay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, wasii rrada 50% ayuu dumar ka dhigay

ERDOGAN OO SACUUDIGA KA DALBADAY MEYDKA KHASHOGGI

Madaxwenaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay ku booriyey Sacuudiga inay shaaca ka qaadaay halka uu yaallo meydka suxufiga Sacuudiga ee la dilay Jamal Khashoggi.

Erdogan waxaa uu sidoo kale Sacuudiga ka dalbaday inay shaaciyaan qof reer Istanbul oo sida la tuhunsan yahay Sacuudiga kala shaqeeya in meydka Khashoggi la qariyo kadib markii lagu dhexdilay qunsuliyadda Sauudiga ee Istanbul.

Madaxweynaha Turkiga oo baarlamanka kula hadlayey xubno ka tirsan xisbigiisa AK ayaa shaaca ka qaaday in Ankara ay hayso caddeymo dheeraad ah oo la xiriira dilka suxufiga, hase yeeshee ma bixin wax faahfaahin ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dacwad oogaha Sacuudiga uu axadda booqan doono Istanbul, si uu ula kulmo saraakiisha Turkiga, taasi oo qeyb ka ah baaritaanka dilka Khashoggi.

Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ay soo saartay khamiistii ku qiratay in dilka Khashoggi uu ahaa mid horey loo qoresheeyey, ayada oo lagu saleynayo caddeymo ay ka heleen Turkiga.

Si kastaba, qoraalka ayaan lagu caddeyn cidda horey u qorsheysay dilka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dacwad oogaha uu weli wado baaritaanka dadka lagu tuhmayo dilka, si loogu soo afjaro hab cadaaladeed.

Dowladda Sacuudiga ayaa shaqada ka ceyrisay shan mas’uul oo sare oo lala xiriiray dilka, islamarkaana xabsiga dhigtay 18 tuhmaneyaal.

Dad uu ka mid yahay madaxwenaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu qaadi doono mas’uuliyadda kama dambeysta ah ee dilka.

Aqalka Kremlinka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa shalay sheegay inay rumeysan yihiin in boqortooyada Sacuudiga aysan ku lug lahayn dilka suxufiga.

MAREYKANKA OO SHEEGAY IN UU DUQEYN KU DILAY SARAAKIIL KA TIRSAN ALSHABAAB

War ka soo baxay taliska Mareykanka ee Qaarada afrika oo loo yaqaano (Africom)ayaa waxaa lagu sheegay in,iyaga oo kaashanaya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay duqeyn ku dileen Sarkaal ka tirsan AlShabaab.

Qoraalka ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta oo aheyd mid qorsheysan ay 25kii Bishaan Oktoobar ka dhacday deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabellaha hoose,isla markaana lala beegsaday qaar ka mid ah Saraakiisha AlShabaab oo qaabilsanaa maalgelinta.

"Waxaan fulinay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Kunyo Barrow,waxaa howlgalkaas lagu dilay laba Sarkaal laguna bur buriyay hal gaari,waxana baareeyna in ay dad rayid ah wax ku noqdeen ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africom.

Si kastaba warkaan ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Qaarada Afrika weli dhankooda AlShabaab wax jaawaab ah kama bixin,waxana mareykanka uu mararka qaar geystaa duqeymo ay dad rayid ah wax ku noqdaan.

DOWLADDA ITOOBIYA OO KA MID NOQONAY SA 7 DAL AFRIKAAN AH OO DAYAXGACME ED HAWADA U DIRA

War ka soo baxay Dowladda Itoobiya ay aa lagu sheegay in Xukuumadda Addisababa ay san abdka 2019 hawada sare ay u dire syo dayaxgacmeedki ugu horreey ey oo uu dalkaasi yeesho,sida xaqii jiyaya xafiiska isgaarsiinta ee dalka Itoobiya wax aa talaabadan iska kaashaday khubaro ka kala socoda Shiinaha iyo Itoobiya.

Dr.Selemon Belay oo isagu ah hogga anka machadka qaabilsan arrimaha tekno oljiyadaha ee dalkaasi Itoobiya ayaa ku tilmaamaya talaabadan sameynta dayax gacmeedkan inuu yahay horumar, isla markaana uu heer geba gebo ah haatan marayo.Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Dayaxgacmeed kan cusub loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo ho rumarinta magaalooyinka,waxaa sidoo ka le ay dowladdu sheegtay in si rasmi ah loo dirayo 2019. Wuxuu Dayaxgacmeed kan oo hawada sare loogu dirayo gudaha dalka Shiinaha lafilayaa in uu Itoobiya ku soo gaaro muddo kooban oo gaaraysa 4 maalmood gudahooda,sida laga soo xig tay mas’uuliyiinta dalkaasi.

Talaabadan ayaa ka dhigaysa dalka Ito obiya inuu ka mid noqdo wadamada Afr ika ee DayaxGacmeedka Hawada sare u diray,iyadoo ay jiraan wadamo ka horee yey waxaana ka mid ah Dowladaha Mas ar, Koonfur Afrika, Kenya, Angola, Niger ia, Ghana, waxaana dayax gacmeedkan la sheegay in awoodiisu ay dhantahay in 54 maalmood uu ku koobon dunida oo dhan,halka Itoobiyana uu ku imaankaro oo qura 4 maalmood gudahooda.

AKHRISO: QODOBADA KA SOO BAXAY SHIRKA MAAMUL GOBOLEEDYADA

Shirka Madaxda maamul gobol eedyadda ee maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Garowe ee caa simadda Puntland ayaa shalay la soo gaba gabeeyay, waxaana dowladda dhexe ay ku eedeeyeen in ay ku fash ilantay la shaqeynta Madaxda maamul goboleedyadda.

Halkan hoose ka akhriso qodobada ka soo baxay shirka madaxda maamul goboleedyada ee lagu soo gaba gabe eyay magaalada Garowe:



QM OO BAARIS KU BILOWDAY HUB LOOGA SHAKIYAY IN SOOMAALIYA LOO WADAY

Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ayaa baaraya in ka badan 2,500 qori oo AK47 ah iyo hub kale oo ay qabteen Ciidanka Maraykanka ee xeebaha Soomaaliya iyo Yemen si loo ogaado in hubkaasi loo waday Soomaaliya ama Yemen.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in ay ku casumeen UN Monitoring Group October 25 si loo go’aamiyo in hubkaasi Iran utahriibinaysay muwaadiniinta shiiciga ah ee Xuutiyiinta ah ee dagaalka kula jiray dawladda Yemen afar sano ee lasoo dhaafay.

Iran ayaa beenisay in hubka loo waday Kooxda Xuutiyiinta ah ee Yemen.

Maraykanka ayaa ku doodaya in Qaramada Midoobay ay si joogto ah ugu eedeeyeen Iran inay si sharcidarro ah ugu tahriibinayso Hubkanoocyadiisa kala duwan, iyagoo ku xadgudbay xeerka UNka ee hubka.

Admiral Scott Stearney, oo ah taliyihii ciidamada Mareykanka ee 5aad ayaa u sheegay saxafiyiinta in ay aaminsan yihiin in hubkaasi loo waday Soomaali ya,islamarkaana uu ka yimid dalka Iran.

Kooxda Qaramada Midoobey ee Baarista wadda ayaa lagu waddaa in ay shaac iyaan maalmo ka dib hubkaasi,halka loo waday in ay aheyd Soomaaliya ama Koox da Xuutiyiinta Yemen.

Bishii August ayaa Markabka hadda ba arista lagu waddo laga qabtay meel 70 miles ka baxsan Biyaha Yemen, waxaana lagu shakiyay in loo waddo hubkaasi Shabaab Soomaaliya ka dagaallama.

WAA TUMA SAHLEWORK ZEWDE, MADA XWEYNAHA CUSUB EE ITOOBIYA

SahleWork Zewde waxay ballan qaadday inay ka shaqaynayso sinaanta ragga iyo dumarka

QMXubnaha Baarlamaanka Itoobiya ayaa shalay madaxweynaha waddanka u doortay SahleWork Zewde, ayadoo noqonaysa haweeneydii ugu horraysay ee dalkaas madaxweyne ka noqota.

Ms SahleWork ayaa xilkeedu wuxuu yahay mid aan wax fulin ah lahayn, hase yeeshee Afrika oo dhan ayey u noqotay gabadhii ugu horraysay ee madaxweyne noqota.

sahle_reutersMarkii xilka loo dhaariyey ayey ballan qaadday in ay aad uga shaqaynayso sinaanshaha ragga iyo dumarka dalka Itoobiya.

Ayadoo Baarlamaanka la hadlaysay ayey sidoo kale ku yaboohday inay dhiirri galinayso nabadda "waxaan idinka codsanayaa dhamaantiin in aad nabadda sarraysiisaan, magaca hooyooyinka, oo ah kuwa ugu horreeya ee ku dhibtooda nabad la'aanta".

Ms Sahlework baarlamaanka ayaa u codeeyey ka dib markii uu is casilay madaxweynihii Itoobiya, Mulatu Teshome.

Madaxa xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Fitsum Arega, ayaa bartiisa Twitter ku soo qoray in talaabadaas ay tahay mid dumarka looga qayb galinayo "go'aan gaaridda".

Waa tuma SahleWork Zewde?

2011 ilaa iyo shalay oo loo dhaariyey madaxweynenimada dalkeeda waxay SahleWork ahayd agaasimaha guud ee xasiiska Qaramada Midoobay ee Nairobi.

Waxay soo noqotay wakiilka gaarka iyo madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka nabad dhisidda ee jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (BINUCA).

Xilalka kale ee ay soo qabatay waxaa ka mid ahaa wakiilka Itoobiya u qaabilsan Midowga Afrika iyo guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha Afrika (ECA), iyo sidoo kale agaasimaha arrimha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Ms Zewde ayaa sidoo kale soo noqotay safiirka Itoobiya u fadhiya Faransiiska, hay'adda UNESCO, waxayna kaloo u xil saarnayd dalalka Tunisia iyo Moroco 2002 2006.

1993 2002 waxay noqotay safiirka dalkeeda u fadhiya Jabuuti iyo IGAD, iyo Senegal, waxayna kaloo u xil sarnayd dalalka Mali, Cape Verde, GuineaBissau, Gambia iyo Guinea oo ay safiir ka soo noqotay 19891993.

Awoodda fulinta waxa inteeda badan leh Abiy Axmed

Muddo 30 sano ah ayey arrimaha diblomaasiyadda iyo hawlaha Qaramada midoobay ku jirtay.

Waxaa la filayaa in ay la timaado waayo aragnimo baaxad leh.

Ms Zewde waa mutacallimad cilmiga sayniska dabiiciga ah ka baratay Jaamacadda Montpellier ee Faransiiska, waxayna si fiican ugu hadashaa luqadaha Amxaariga, Faransiiska iyo Ingiriiska.

Waxay dhalatay 21 Febraayo 1950, waxayna dhashay laba wiil.

SHIINAHA OO KU JEESJEESAY SHEEGASHA DA AH IN TALEEFANKA TRUMP AY DHAGAYS TAAN

shiinaha oo ku jesjeesay troumDawladda Shiinaha ayaa kaftan ahaan ugu talisay in madaxweynaha Maraykanku uu iska badalo taleefanka Iphoneka ah ee shirkadda Apple samayso uuna qaato mid uu Shiinuhu sameeyo, iyadoo Beijing ay diiday wararka sheegaya in ay dhagaysato taleefannadiisa khaaska ah.

Wargeyska New York Times ayaa daabacay in Shiinaha iyo Ruushku ay dhaqaystaan taleefannada uu Trump ku hadlo marka uu adeegsanayo Iphonekiisa shaqsiga ah, iyaga oo dalalkaas ay isku dayayaan in ay helaan sida uu madaxweynuhu u fikirayo.

Wargeysku wuxuu sheegay in kaaliyeyaasha madaxweynaha ay uga digeen in taleefoonnada noocaas ah aysan ammaan ahayn.

Trump ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaas.

Madaxa CIA oo dilka Khaashuqji u faahfaahisay Trump

Ciqaabta uu Sucuudiga ku muteysan karo dilka Jamaal Khaashuqji

Dhaxal sugaha Sacuudiga oo cadaadis xooggan lagu hayo

Isaga oo Twitter arrintaas uga hadlayana wuxuu sheegay in uu adeegsado taleefoonnada ay dawladdu meelmarisay oo kali ah.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Hua Chunying ayaa si kaftan ah uga jawaabtay Khamiistii iyada oo shir jaraa'id qabatay.

"Markaan warbixintaas akhriyay, shalay waxaan dareemay in run ahaantii ay Maraykanka joogaan dad wax walba u samaynaya sidii ay u qori lahaayeen qoraalka ugu wanaasan ee Oscar," ayay tiri.

Waxay tilshalayy in taleefoonnada ay soo saarto shirkada ugu wayn Shiinaha laga yaabo in ay yihiin kuwa ugu ammaansan.

"Haddii ay si run ah uga walwalsan yihiin in taleefoonnada Apple loo dhaco, markaas waxay ku badalan karaan Huawei.

"Haddii ay u arkaan in arrintaasi aysan sahlanaynna, markaas si ay ammaankooda u sugaan waxay joojin karaan adeegsiga isgaarsiinta casriga ah oo dhan, waxayna calaaqaadka u jari karaan dunida oo dhan" ayay tiri.

Ruushka ayaa sidoo kale diiday in uu dhagaysto taleefoonnada madaxweyne Trump.

"Sheekooyinka noocaas ah waan iskaga maadaysanaa," ayuu yiri Dmitry Peskov oo ah afhayeenka madaxweynaha Ruushka.

Warbixinta wargayska lagu qoray ayaa soo xigatay masuuliyiin hadda shaqeeya iyo kuwo horay u shaqayn jiray oo sheegay in ay jahwareer kala kulmeen sida caadiga ah ee madaxweyne Trump u wajaho ammaanka waxyaabaha elektaroonigga ah.

Waxay sheegeen in hay'adaha sirdoonku ay ogaadeen in Shiinaha iyo Maraykanku ay dhagaysanayaan taleefannada madaxweynaha ee Iphonekiisa ayna isku dayayaan in ay ogaadaan sida uu madaxweynuhu u fikirayo iyo sidii ay saamayn ugu yeelan lahaayeen.

Shiinaha iyo Maraykanka oo ah labada dal ee dunida ugu dhaqaale badan ayuu ka dhaxeeyaa dagaal sii kharaaraanaya oo dhanka ganacsiga ah.

Bishan horraanteedii ayuu safiirka Shiinaha u fadhiya Maraykanka Cui Tiankai sheegay "in ay ku jahwareereen" cidda uu madaxweyne Trump ka dhagaysto siyaasadaha ganacsiga.

AKHRISO:WARIYEYAASHA SACUUDIGA U XIRAN KADIB DILKII KHASHOGGI

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/10/Wariyeyaasha.jpgIyadoo muranka la xiriira kiiska dilka wariyihii caanka ahaa ee u dhashay Sucuudiga, Jamaal Khaashuqji, uu heerkii ugu sarreeyay marayo ayey ururka Suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF waxay sheegeen in 28 wariye oo kale ay ku xiran yihiin Sucuudiga.

Suxufiyiintan ayaa lagu soo qabqabtay howlgal si gaar ah loogu bartilmaameedsanayay, sida ay shaacisay RSF, oo sidoo kale soo daabacday sawirrada suxufiyiinta ugu caansan ee xabsiga ku jira.

Sida ay suxufiyiinta aan xuduudda lahayn qabaan, Wariye Jamaal Khaashuqji ayaa loo dilay sababo la xiriira inuu dhaleeceyn jiray xukuumadda Sucuudiga, waxaana isla sababtaas awgeed hadda Sacuudiga gudihiisa ugu xiran ugu yaraan 28 suxufi, oo isugu jira kuwa maqaallada ku qora wargeysyada iyo kuwa baraha xiriirka bulshada ku baahiya wararka, waxayna dhammaantood xukuumadda uga careysiiyeen qoraalladooda.

Qaarkood waxaa xabsiga la dhigay intii ay xilka hayeen boqor Salmaan ama boqorkii uu dhaxlay ee Cabdalla.

Waxaa ku jira wariyaha ka tirsan warbaahinta Citizen ee lagu magacaabo Raa’if Badawi, kaasoo sannadkii 2012kii lagu riday xukun 10 sano oo xabsi ah iyo 1,000 jeedal, oo la sheegay inuu ku muteystay aflagaadeynta islaamka.

Suxufiyiinta kale ayaa lagu soo xirxiray howlgalka ka dhanka ah mucaaradka dowladda ee uu sannadkii 2017kii billaabay dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, oo uu dhalay boqorka hadda xilka haya ee Salmaan Bin Cabdul Casiis.

Waxaa sidoo kale ka mid ah saddex haween ah oo difaacayay xuquuqda dumarka.

Dhammaan saddexdoodaba waxaa xabsiga loo diray iyagoo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin xukunka lagu riday.

Inta badan suxufiyiinta hadda xiran ayaa sugaya in la maxkamadeeyo.

Inkastoo aysan xurriyad heysan, waxay xaaladda ku sii xumaan kartaa marki la xukumo.

Salmaan Al Cawdah, oo ah nin bixiya casharrada diiniga ah, internetkana wax ku baahiya, waxaana bishii Siteembar lagu riday xukun dil ah.

Wariye oo lagu magacaabo Fayez Bin Damakh, oo sidoo kale abwaan ahaa, waa la la’yahay meel la geeyay.

Wax war ah lagama hayo tan iyo bishii Siteembar ee sannadkii 2017kii, xilli uu damacsanaa inuu telefishin cusub kasoo furo waddanka Kuwait.

Warbaahinta dalka Kuwait ayaa sheegtay in loo gacan galiyay dowladda Sucuudiga, ka dibna xabsi la dhigay.

Ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF ayaa soo daabacay sawirrada wariyeyaasha la xabisay, oo ay ku jiraan kuwa ugu caansam dalka Sucuudiga.

RSF ayaa sheegtay in tirada suxufiyiinta ah ee xilligan xiran ay ka badan karaan 28 wariye, maadaama ay adag tahay in xukuumadda laga helo xogta ku saabsan dadka xabsiyada ku jira.

Suxufiyiintii la xiray wixii ka horeeyay sannadkii 2017kii

Raaif Badawi, oo wax ku baahiya internetka, ahna aasaasaha warbaahinta Saudi Liberal Network.

Calaa Brinji, oo ah wariye ka tirsanaa warbaahinnada kala ah AlSharq, El Bilad iyo Okaz.

Waliid Abu al Khair, oo ah aasaasaha hay’adda la socodka xuquuqda aadanaha ee dalka Sucuudiga.

Naziir al Maajid, oo ah wariye qoraa ah oo la shaqeynayay warbaahinno kala duwan oo ay ku jirto Al Hayat et Al Sharq.

Faadhil al Manafes, oo ahaa wariye ka tirsan warbaahinta Citizen, isla markaana u doodi jiray xuquuqda aadanaha.

Suxufiyiintii la xiray wixii ka dambeeyay sannadkii 2017kii

Saalih al Shehi, oo ah wariye ka tirsan warbaahinta Al Wadan.

Eman al Nafjaan, oo ah haweeney u doodda xuquuqda dumarka, ahna aasaasaha warbaahinta dhinaca internetka ee haweenka Sucuudiga.

Nouf Cabdulcasiis al Jeraawi, oo ah haweeney wariye ah oo dhinaca internetkana wax ku baahisa, iyo waliba qof u dooda xuquuqda dadka kale.

Nassima al Sacda, oo ah wariye qori jirtay maqaallo ay ugu doodeysay xuquuqda haweenka.

Cali Al Cumaari, oo ah aasaasaha telefishinka 4Shabab TV.

Maalik al Axmad, oo ah tifaftiraha warbaahinno kala duwan, ahna aasaasaha warbaahinta Al Mohayed.

Maxamed Sacuud al Bishaar, oo ahaa wariye maqaallada u qora warbaahinno uu ka mid yahay wargeyska Sucuudiga ka soo baxa ee Twasul.

Jamiil Farsi oo ah ganacsade, isla markaana ah wariye maqaapllada ku qori jiray warbaahin uu ka mid yahay wargeyska Sucuudiga kasoo baxa ee Okaz, waxayna dad fara badan kala socdeen bartiisa Twitterka.

Essam Al Zamiil, oo ah dhaqaaleyahan ahna wariye ka tirsanaa warbaahinta Citizen.

Cabdalla Al Maaliki, oo ah macallin ahna wariye ka tirsanaa warbaahinta Citizen.

Salman al Cawdah, oo ah nin isbaddal doon ah oo wax ku baahin jiray dhinaca internetka, isla markaana lahaa dad fara badan oo kala socday bogiisa internetka.

Xigasho BBC

SOOMAALIYA IYO QATAR OO KA WADA HADLAY ISKAASHIGA WADAAGGA AH

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Dowladda Qatar Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim.

kulankaan ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen Arrimo la xariira hanaanka wada shaqeynta Soomaaliya iyo Qatar.

Intii kulanku socday ayaa la isku dhaafsaday hadallo la xiriira xiriirka salka adag iyo iskaashiga wadaagga ah ee labada dal u dhexeeya.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladdaha sidda weyn u taageera Soomaaliya, waxaana ay soo baxday taageeradeeda labadii sano ee lasoo dhaafay.

WAFDI KA SOCDA URURKA ISKAASHIGA ISLAAM KA OO MUQDISHO SOO GAARAY

Wafdi ka kala socda qaar ka mid ah Wasiirada-Arrimaha-dibadda-Jaamacadda-Carabtadalalka Islaamka ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiggaan ayaa waxa ka mid ah Boqortooyada Sacuud Carabiya, Turkiga iyo Malaysiya, iyo sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Mudane Danjire Hishaam Yuusuf oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu waddaa in uu ka furmo Berri Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa noqonaaya kii u horeeyay ee ay marti geliso Soomaaliya, sida lagu go’aamiyay qaraar ka soo baxay shirrkii 44aad iyo 45aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee Bangladesh.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa nabad gelyada iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaana ka qeyb geli doona illaa 15 dal oo kala ah:

1 Azerbaijan

2 Brunei

3 Djibouti

4 Egypt

5 Gabon

6 Iran

7 Kuwait

8 Malaysia

9 Pakistan

10 Qatar

11 Saudi Arabia

12 Sudan

13 Turkey

14 UAE

15 Yemen

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY SAFIIRKA QATAR

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Qatar Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, iyadoo loo marayo istraatijiyad siyaasadeed, nabadgelyo iyo dhaqaale si loo xoojiyo maqaamka xiriirka taariikheed ee labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.Waxaa sidoo kale laga dooday arrimo dhowr ah oo ku qotoma xiriirka iyo sidoo kale xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cawad ayaa siiyay safiirka Qatar ee dalkan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaalada guud ee dalka, waxa uu amaanay doorka Qatar ee horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Safiirka Qatar, ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay Hardanka Dowladda Dhexe ay ugu jirto sidii ay u soo ceshan leheyd Maqaamkii ay ku leheyd dunida inteeda kale.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir AhmedKheir Abdi iyo Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika Mudane Abdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi.

WASAARADDA DEKADAHA OO BAABI’ISAY SHAADOOYINKA MARAAKIIBTA GANACSIGA EE SITA CALANKA SOMALIYA

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay wareegto lagu baabi’nayo dhammaan shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

Wareegtada ka soo baxday wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidan u qorneyd: "Iyaddoo laga ambaqaadayo dardargelinta waajibaadka shaqo ee Wasaaradda u xilsaaran tahay sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo horumarinta nabad gelyada iyo badbaadada nolosha badmaridda waxay Wasaaradda soo saartay qodobadaan soo socda:

1Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxay Baabi’isay/tirtirtay dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

2Dhammaan shahaadooyinka Diiwaan gelinta ee Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga kana diiwaan geshan Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waa in lagu soo celiyaa sida uu qabo Sharicga Badda Soomaaliyeed.

3Markabkii /Doontii ku qaadata Calanka Soomaaliyeed si aan waafaqsaneyn Sharciga Badda waxaa laga qaadayaa tallaabo waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa Caalamiga ahba.

4Wasaaradda waxay soo saari doontaa Xeernidaamin cusub oo lagu diiwaan gelin doono Maraakiibta iyo Doonyaha iyaddoo la hubinayo inuu buuxiyey sharruudaha uu tilmaamay qaanuunka, si loo oggaado Calanka Soomaaliyeed.

5Milkiileyaasha Maraakiibta iyo Doonyaha u hoggaasami waaya qodobada ku xusan wareegtadaan waxaa si deg deg ah looga qaadayaa talaabo waafaqsaneyn Sharciga.”

Gabogabada Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa lagu sheegay in laga bilaaboTaariikhda wareegtadaan la saxiixo la baabi’iyey dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya, waxaana sidoo kale Wareegtada lagu xusay in Wasaaradda 25 Novermber ee Sanadkaan 2018 ay bilaabeyso diiwaan gelinta rasmiga ah ee Maraakiibta, si waafaqsan Sharciga dalka.

Maamulada ayaa kulamo ay yeesheen Muddo la jeer ah ku dhawaaqay in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe Soomaaliya

SHEYDAAN KA TAHRIIBAY SOOMAALIYA!!!.

http://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2018/10/Shaydaan-500x354.jpgMarkii la weydiiyay, maxaad Somaliya uga tahriibee?. Marxaladaan xasaasiga ah ee sida aadka ah laguugu baahan yah ay: Gobaladana ey Doorasho ka soo dha wdahay, madaxdiina is khilaafsan tahay, Laaluush la bixinayo, Dadkuna ey galaya an Dambiya waaweyn sida iney dilaan wa laalhooda Muslimka ah, Beentuna ey ka sara martay Runtii, Madaxdiina daacadn imadu ku yaraatay, Fisqigiina batay, Gaal adiina Gacal la mooday. Maxaad uga ta gee Somaliya?.

Waxa uu yiri: waan ogahay in Ho wshaa oo dhan la iiga baahan yahay, la akin waxaa jira wakiil aad u yaqaan xirfa dan siina wadi kara, markaa waxaan aad ayaa wadamada kale oo la iiga baahan yahay.

Waa Md.Qabyaalad, isaga ayaa qab an kara wixii shaqa ah ee la iiga baahdo, Dulmi, Dil, Daacad daro, Dulinimo, Caasi waalid, iwm. Ummadaha kale waa in si jo gta ah aan ugu hagaa dambiyada, laakin somaliya waa la iga maarmaa.

Hadidi uu Masjidka u socdo waxaan leeyahay war Masjidkan reer Hebel ayaa iska leh ee kiina aad, shaki ayaa galayo, ka dibna dambi ayuu galayaa.( F.S: 2aad)addii uu salaada galo, waxaan galinayaa waswaas,waxaan leeyahay ma taqaan Im aamka qabiilkiisa, waswaas ayaa galayo,Horta meeqa ragco ayaad tukatay, xataa kii "Sujuudu sahwi” yaqiin iyadaan waswa as ka sii galinayaa (F.S: 3aad).

Madaxda ayaan ku Qanciyaa in khud badooda ey qabyaladeeyaan , kii iga diid ana dadka ayaan u sheegaa in khudbadii sa uu uga jeedo Qabyaalad, xataa haduu na uga jeedin, sidaa ayaana u fahmsiina yaa.( F.S: 4aad).

waxa uu ku dardaaramy sheydaankii haddii aan dhinto ha leeygu aaso Somali ya, Qabyaalad halkii lagu aaso iyagaa ka soo qodi yaqaane, laakin wadamada kale maya.( F.S: 5aad).

Akhristoow, Qabyaaladu waa howl ful iyaha Sheydaanku uu jecel yahay oo Dad ka u tilshalay ficiladii sheydaanku rabo. Xataa ciyaalka yar yar ayuu ka nixiyaa ha beenkii waxa uu soo gala qolka Jiifka (F.S: 6aad).

FG: Haddii aad Rabto in aad wakiilka sheeydaanka ka badbaado, Raac wixii AL LA ku faray, walaalkaaga Muslimka ah jec laaw, Haddii aad rabto in aad Gurigaaga ka erido sheydaanka, Gurigaa ha lagu Aq riyo "Suuratul Baqara”, Haddii sheydaan ku ku galiyo shaki ah waa suurad dheer, horta bilaaw, dhowr aayad ba ka aqri, Ha ddadan Aqoon qof kale ha kuugu aqriyo Guriga, wax kale haddii aad weydo walba Cajal ku soo duubo ee ka daba Aqri .

( Fiiri: Xadiithka saxiixa ah ee Muslim soo wariyay : Rasuulkeena Moxamad C SW ayaa yiri: sheeydaanku waa ka carar aa gurigii "Suuratul Baqara” lagu aqriyo).(F.S: 1aad).

Iga raali ahaada ma aqaan Sheydaan & Qabyaalad seey u egyihiin sawiradoodu, laakin ma qurxana ayaan is leeyaha. Ka fogaaw Labadaa Cadaw.

Qore: Yahya Amir

PUNTLAND OO SHAACISAY LACAGIHII DOWL ADDA SOMALIA KA HESHAY SANADKII

Qoraal ka soo baxay Wasaarpadda Maaliyadda Puntland ayaa looga jawaabay qoraalkii Wasaaradda Maaliyadda ee maamul Goboleedyada looga dalbaday xisaabcelinta lacagii horay u siiyeen.

Puntland ayaa qoraalka ku shaacisay cadada lacagihii Dowladda Federaalka ka heshay sanadihii 2017 2018 iyo halka ay ku baxday lacagtaas.Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa aad ugu dhaliishay dowladda Federaalka in aysan siinin lacagihii ay xaqa u lahaayeen.

Hoos Ka Akhriso qoraalka Wasaaradda Maaliyadda Puntland.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip